Monday 24 March 2025
Maqaalkan, waxaan doonayaa inaan kaga faalloodo doodda Dr. Baadiyow ee ku aaddan saddexda waxood ee ay ku dhisantahay haybta qofka Soomaaliga ah, dawladnimada Soomaaliyeed na ay tahay inay ku taagnaato. Haddii aan hordhac yar ka bixiyo qoraaga waa nin inta badan wax ka darsa burburka Soomaalida ku habsaday, taariikhda islaamka iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida. Digtoorku, wuxuu qoray buugaag dhawr ah oo uu ka mid yahay buugga Making sense of Somali history. Waa buugga uu sida gaarka ahi kaga faalloonayo aragtidiisan aan wali la sii horumarin ee dhallaanka ah. Waxa uu ku dooday in haybta ruuxa Soomaaliga ah ay qaabeeyan saddex shay oo kala ah: islaamka, qabiilka iyo dawladnimada casriga ah. Saddexdaas shay inaan marnaba laga tagi karin ayuu carrabka ku adkeeyay digtoorku markii laga hadlayo dawlad-dhiska.
Maamulkii kacaanku waxa uu isku dayay inuu hawada ka saaro qabiilka, se markii dambe uu isagu laftiisu billaabay inuu dawladnimada qabyaaladeeyo oo uu reereeyo. Taas na waxa ay markii dambe dhashay in qabiilkii ay sida qaldan u isticmaaleen uu liqay maamulkii askarta ee talada dalka haysay. Burburkii intii lagu guda jiray waxaa dalka yimid koox islaamiyiin ah oo ku doodaya in qabiilku uu burburiyay dawladnimadii Soomaaliyeed loona baahanyahay in dalka lagu dhaqo aragti islaami ah oo shareecada islaamka iyo kitaabka Alle ku qotonta. Iyagiina wax horumar ah waa ay keeni waayeen, maadaamaa ay si bareer ah u inkireen haybta tolnimada ama qabiilka ee ah shayga koowaad ee si adag u qaabeeya nafsadda ruuxa Soomaaliga ah markii la barbardhigo tan diinta.
Daraasaadka ka warrama burburka Soomaaliya sababta burburkaas keentay waxa ay ku soo ururiyaan jabhado qabiil, dacfi diimeed iyo dhaqanka raacatada ah. Waxaa wareer iyo iskudhac aragtiyeed ka taagan tahay saddexda shay ee qaabeeya haybta ruuxa Soomaaliga ah kan ay tahay in dawladnimadeena uu qayb ka ahaado.
Qolo waxa ay dhinac ka leedahay; qabiilkaa dalka iyo dadkaba burburiyee, aan diinta islaamka ku dhaqanno. Kuwa kale na waxa ay leeyihiin; Soomaalidu, waa dad reero ah oo reerkastaba meel baa xero ugu oodan, markaa aan awoodda siyaasadeed ku kala qaybsanno nidaam qabiili ah. Waxaa jirta iyana qole kale oo saddexaad, oo dooddoodu daaran tahay dawladnimo casri ah. Waxa ay ku doodayaan in la casriyeeyo nidaamka dawladnimo oo dhinac la iskaga aaso qabiilka iyo islaamka, waayo bay ku doodayeen waa labo xaddaaradood oo burburka Soomaalida kaalin weyn ka ciyaaray. Aragtida Dr. Baadiyow, waxa ay ka dhalatay iskudhaca iyo hirdanka saddexdaas qole oo midkastaba dhinac taagan yahay. Aragtidan Baadiyow, waxaa lagu dhaleecayn karaa inaysan ahayn aragti dhammeystiran oo bixinaysa xalkii looga bixi lahaa jahawareerkan taagan. Aragtidan kaliya waxa ay tilmaamtay in loo baahanyahay dib-u-heshiisiin ku aaddan saddex xagalkan, se ma aysan sheegin dhabbaha loo marayo si loo xalliyo hirdanka iyo loollanka ka dhaxeeya saddexdaas xaglood.
Buugga Iskudhoon waxa ku jira cutub uu qoraagu ugu magacdaray isku dhaca ilbaxnimooyinka. Waxa uu aad kaga warramay sida isku dhaca ilbaxnimooyinkaas u sababeen oo ay kaalin kaga gaysteen burburkii dalka. Waxa uu sidoo kale fasir ka bixiyay burburka Soomaalida waxa uu salka ku hayo. Waxa uu carrabka ku dhuftay in burburkii dawladdii askartu ay qolaba fasir kala duwan saarto iyagoo cuskanaya aragtiyo ay rumeysan yihiin. Burburkii dawladdii kacaanka qolaa ku fasirta dhaqanka Soomaalinimada ah ee laga tagay maadaamaa uu dalku qaatay nidaam hantiwadaag. Qolo kalena waxa ay ku fasirtaa ku dhaqanka diinta oo dhinac la iska dhigay, madaamaa ay dawladdii berigaa jirtay ay inkirtay aayado dhawr ah oo quraanka ka mid ah sida aayadda dhaxalka. Waxa uu soo qaadanayaa saddexda aqoonayhan ee kala ah: Bulxan, Cabdiraxmaan Baadiyo iyo Xasan Keynaan in ay qabaan oo ay ku doodaan fashilka dawladnimada Soomaaliya halka salka u ah in ay tahay loollanka iyo hirdanka ka dhaxeeya saddex xadaaradood oo kala duwan kuwaas oo kala ah: diinta islaamka, dawladnimada casriga ah iyo dhaqanka Soomaalida ee qabiiliga ku dhisan. Fashilka iyo burburka Soomaalida isku tagga saddexdaas bay ku sababeeyaan saddexdan aqoonyahan.
Qoraagu, asigoo mar faahfaahin ka bixinaya magaca buugga Iskudhoon ayuu yiri, “Soomaalidu, saddex wax oo ay ahayd in mid walba si gaarkiis ah loo qaato ayay isdexgaliyeen oo isku mileen waana: qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah.” In fashilkeenna bulsho ay qaaraan weyn ka geysteen buu asna dhankiisa tilmaamayaa isagoo ku raacaya aragtidii saddexdaaqoonyahan . Prof Xasan Keynaan waxa uu burburkii dawladnimo ku fasiray waxa uu ugu yeeray is la’egta Soomaalida. Sidoo kale waxa uu qabaa in Soomaalidu leedahay afar aqoonsi a, waxa ayna kala yihiin: qabiilka, diinta, Soomaalinimada iyo dawladnimada casriga ah. Afartan aqoonsi mid walba waxa uu leeyahay buu yiri hab xukun ka duwan midka kale. Cabdiraxmaan Baadiyow na waxa uu dhankiisa ku dooday in ruuxa Soomaaliga ah uu saddex aqoonsi leeyahay waxayna kala yihiin: qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah. Waxaa muhiim ah buu ku dooday in saddexdaas shay laga helo dawladnimada oo aan mid ba midka kale la yareysan oo aan laga tagin.
Waxa uu aragtidiisan saddex xagalka ah uu kaga warramay cinwaan hoosaad uu ugu magacdaray taariikh-qorista Soomaalida ee buuggiisa iftiiminta taariikhda Soomaalida. Waxa uu qaybtan kaga warramay aragtiyaha is barbaryaacaya ee ay kala qabaan aqoonyahannada wax ka qora ama daraaseeya taariikhda Soomaalida. Waxa uu fasir ka bixiyay aragtida casriyeynta. Aragtidani waxa uu ku sheegay inay ku saleysantahay in bulshooyinka hab-dhaqameedyada soo-jireenka ah adeegsada ay horumar ku gaari karaan kaliya kaalmada dalalka horumaray iyagoo qaadaya waddadii ay qaadeen dalalkaas horumaray ee reer Galbeedka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aragtidan ay lagama-maarmaan u aragto baabi’inta hab-dhaqameedyada soo-jireenka ah, taas oo markii Soomaalida laga hadlaayo noqonaysa diinta Islaamka iyo qabiilka. Aragtidan casriyeynta hirkeedu waxa uu aad u kacsanaa xilligii la qaatay xornimada. Dalal badan oo Afrika ku yaal Soomaaliyana ka mid tahay ayaa qaatay. Docda kale aragtidan waxaa lagu dhaliilaa kaliya in ay reer Galbeedka u aragto dadka keenay ilbaxnimada adduunka oo ay tahay in loo daba fadhiisto oo cashir laga meersado maadaamaa ay yihiin hormuudka horumarka, qoraayada dhalleeceeya aragtidanna waxaa ka mid ah Edward Saciid oo wax badan ka qoray.
Baadiyow, dhanka kale waxa a uu tilmaamayaa in waddaniyiintii Soomaalida ay saameeysay aragtidii casriyeynta, waxa ayna ku dhaqaaqeen buu leeyahay qorsheyaal iyo hab-siyaasadeedyo lagu dabar-goynayo ku dhaqanka qabiilka. Waxa uu tusaale ahaan u soo qaadanayaa dawladdii milatariga ahayd inay la timid hab-siyaasad weerar ah oo lagu dabar-goynayo ku dhaqanka qabiilka. Docda kale waxa uu tilmamaayaa sidii diinta Islaamka dhinac loo mariyey ee looga tagay. . Qolyaha u ololeeya aragtida casriyeynta waxa uu Baadiyow ku cambaareynayaa gaasirnaanta fogaan-araggooda, badnaanta khalad-fasiraaddooda iyo inaysan jirin gooni-ahaansho taariikheed oo la xariirta aragtiyahooda muhiimka ah. Waxa uu dhanka kale tilmaamayaa qolyo kale oo burburkii ka dib soo baxay kuwaas oo rumeysan dib-u-eegista taariikhda (revisionist history). Digtoorku, waxa uu qolyahan ku dhaleecaynayaa in ay abuurayaan kala qaybsanaan bulsho maadaamaa ay inta badan aamisan yihiin in Soomaalidu ay tahay dad isir ahaan kala duwan. Aragtidan waxaa hormuud u ah aqoonyahanno ay ka mid yihiin: Maxamed Mukhtaar, Cali Jimcaale, Cabdi Kuusow iyo Xasan Mahadalla.
Ciwaankan waxa uu ku soo gabagabeynayaa qoraagu, aragtidiisan saddex xagalka ah. Aragtida waxa ay aragtiyihii hore ku dhaliilaysaa dayacidda iyo ka tegista doorka dumarka iyo diinta islaamka ee taariikhda Soomaalida. Aragtidan waxa ay ka billaabanaysaa darsidda qalalaasaha ka dhex aloosan aragtiyada siyaasadeed ee Soomaalidu daacadda u tahay sida: qabiilka, diinta iyo qaranka ama dawladnimada casriga ah, Soomaali kastana uu sheeganayo inuu ku xiranyahay. Waxa uu sidoo kale tilmaamayaa xaglayaalkaas heerarka kala duwan ah waa kuwo iska-hor-imaadyo ku sameynaya gudaha qofka, bulshada iyo qarankaba, waana kuwo u baahan buu leeyahay habab aad looga fiirsaday oo heshiisiin ah iyo in isku dhismid lagu wada sameyn karo. Hadda ka hor qoraagu waxa uu carrabka ku dhuuftay in ruuxa Soomaaliga ah uu miriqshaalleyn badan yahay oo maalinba shaar kala duwan kuu xiranayo. Maalin shaar qabiil buu gashan yahay, maalin kale na mid diineed iyo mid waddaniyadeed
Aragtidu waxa kale oo ay ku doodaysaa in diinta iyo dumarkuba ahaayeen qaybaha ka maqan taariikh-qorista Soomaalida ee waayihii gumeysiga iyo intii ka danbaysayba.
Ugu danbeyn aragtidani waxa ay ku doodaysaa in guuleysashada dhismaha qaran uu ku xiranyahay heshiisiinta qarannimada, islaamka iyo tixgalinta qabiilka. Si yoolkan loo gaaro, qoraagu waxa uu ku talinayaa waxa uu ugu yeeray dib-u-heshiisiin weyn ama si kale haddii loo dhigo “dib-u-heshiisiinta dawladda iyo bulshada” waxa ay na la micno noqonaysaa aragtidii saddex-xagalka ee uu soo jeedinayay Axmed Samatar, balse horumarin iyo wax ka beddel yar lagu sameeyay.