Sunday 15 February 2026
Muddo 30 sano ka badan, Jamhuuriyadda Somaliland waxay dimuqraadiyad taabogal ah ka hirgalisay mid ah dunida gobolada ugu deganaansha yar, isla markaana siyaasad ahaan ugu qalalaasaha badan. Inkaste oo ay Somaliland joogtaysay nidaam dawladnimo oo xasilloon, qabashada doorashooyin xor ah, iyo dhisidda hay'adaha dawladeed oo karti leh, haddana waxa ay ku jirtay go'doon diblumaasiyadeed ilaa laga soo gaadhayay 26 Diisember, markaas oo ay Israa’iil si buuxda u aqoonsatay.
Guushaa diblomaasiyadeed taariikhiga ah awgeed, daafaha dunida waxa ka dabbaaldegay malaayiin reer Somaliland ah. Kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey yeeshay 30-kii Diisamber, waxa af-kala-qaad ku noqday hadalkii Ku xigeenka Ergeyga Maraykanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo yidhi " Israa’iil si la mid ah dal kasta oo madaxbannaan waxa ay xaq u leedahay inay xidhiidho diblomaasiyadeed cidday doonto la samayso". Dhab ahaan waxay ahayd xisaab laga baaraandagay iyo tilmaan cad oo dalal kale inay jidkaas maraan loogu gogolxaadhay, hadalka Kuxigeenka waxa kale oo laga dheehan karaa in Maraykanku uu baalmari doono siyaasaddiisii xilkasnimodarrada ahayd ee "Soomaaliya Hal ah" taas oo uu ku dhaqmi jiray Xafiiska Maraykanka ee Arrimaha Afrika.
Haddaba, si kooban maqaalkan waxa aan ku iftiimin doonaa sababta ay waajibka u tahay in Maraykanku uu ka guuro siyaasaddiisii hore, xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ahna la yeesho Somaliland mustaqbalka dhaw, isaga oo ka talinaya danihiisa, isla markaana uu raaco jidka ay xulafadiisu martay.
Halka xukuumadda Muqdisho ay tan iyo burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo laga joogo in ka badan 30 sano ay la daalaadhacaysay halista argagixisada al-Shabaab, Daacish, iska-horimaadka beelaha, iyo itaaldarrida xukuumadda, taa baddelkeeda Somaliland waxa ay horumarinaysay dimuqraadiyadda. Somaliland ayaa dib u soo ceshatay madaxbannaanideeda 1991-kii ka dib markii uu dhacay taliskii Siyaad Barre, intaa waxii ka sokeeyay Somaliland waxa ay qabatay tiraba dhawr doorasho madaxtooyo, kuwo baarlamaan iyo iyo kuwo deegaan, kuwaas oo jawi xorriyadeed iyo mid nabadgelyo ku qabsoomay. Sidoo kale, waxa ay samaysatay lacag iyo calan u gaar ah, isla jeerkaasna waxa ay si wax-ku-ool ah u dhistay una hawlgalisay xoogaggeeda amniga.
Xasilloonida ka jirta Somaliland ma aha mid dhaanta oo kaliya xaaladda Soomaaliya, balse waa mid lala dheygago marka lala eego cabbir kasta oo dunida ka jira. Bilowgii hore ee dawlad-dhiska, Somaliland waxa ay ku guulaysatay maareynta colaadaha sokeeye ee ragaadiyay dalalka Geeska Afrika, inkasta oo ay caqabado weli ka taagan yihiin goobo ay ka mid yihiin Bariga Sool iyo qaybo ka mid ah Gobolka Awdal. Si guud, Somaliland waxa ay ka talisaa badi dhulkii ay k kala wareegtay gumeystaha, iyadoo ururisa cashuuraha, isla markaana adeegyada asaasiga ah gaadhsiisa muwaaddiniinta.
Kolka laga warramayo gobolkan ay ragaadiyeen rabshadaha argagixisada iyo budhcad badeeddu, Somaliland waxa ay muujisay sida ay u tahay saaxiib la isku hallayn karo, oo ay ka go'an tahay "la dagaallanka fekerka argagixisadu". Ciidamada ammaanka ee Somaliland waa kuwo mar walba u taagan in ay ka hor tagaan kooxaha argagixisada, sida al-Shabaab iyo Daacish, iyo in ay xarumo ku dhex yeeshaan dhulkooda.
Wax kasta oo kaleba haddii laga yimaaddo, buqcadda muhiimka ah ee ay Somaliland dhacdo ayaa ka dhigaysa meel uu Maraykanku danihiisa istaraatiijiyadeed ee gobolka ka dhex arki karo. Somaliland waxa ay ku teedsan tahay Gacanka Cadmeed oo ku tallaalan Badda Cas oo marinnada badeed ee dunida kuwa ugu muhiimsan ku jirta, iyadoo si sannad leh u dhex maro 12% ka mid ah ganacsiga adduunka iyo sidoo kale badeecado qiimahoodu gaadhayo hal tirilyan oo doollarka Maraykanka ah.
Intaas waxa dheer, in in dalka Imaaraadka Carabtu uu dib u casriyaynta Dakadda Berbera dhawaan ku maalgashaday 442 milyan oo doollar, taas oo u saamaxday in ay xuddun muhiim ah u noqoto isu-socodka ganacsiga, isla jeerkaasna ay qaabbili karto ciidamada Maraykanka ee AFRICOM. Sida laga warqabo, kooxda Xuutiyiinta ayaa dhawaan qalalaase ka abuuray Badda Cas, sidaa awgeed dhinaca saadka Berberi waa deked istaraatiiji ah oo lagu sugi karo danaha ganacsi ee Maraykanka iyo xulafadiisa.
Intaas waxa dheer, saamaynta isa soo taraysay 10-kii sano ee la soo dhaafay ee Xisbiga Shuuciga Shiinuhu uu ku lahaa Geeska Afrika iyadoo Bijiin ka samaysatay Jabbuuti saldhiga qudha ee milatari ee ay xuduudeheeda ka baxsan, sidoo kale Shiinaha ayaa si baaxad leh u maalgashaday kaabayaasha gobolka, sida dekedda Jabbuuti iyo jidka tareenka ee Itoobiya iyo dekedda Jabbuuti isku xidha. Sidaas awgeed, si guud Somaliland, gaar ahaan Berberi, waxa ay xoojin karaan kaalinta Maraykanka ee Geeska si uu uga hor tago saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu Geeska ku leeyahay.
Xukuumadihii hore ee Somaliland iyo tan hadda talada haysaaba waxa ay si isku mid ah u caddeeyeen inay la mawqif yihiin Reer Galbeedka, iyadoo ay Hargeysi xidhiidh diblomaasiyadeed la furtay Israa’iil, isla markaana waxay hadda diyaar u tahay in ay xidhiidh qotodheer oo midho dhal leh la yeelato Maraykanka.
Xubno ka tirsan maamulka Trump, Kongereska iyo Aqalka Odayada ee Maraykanka, sida senetar Ted Cruz, ayaa si cad ugu baaqay in Maraykanku aqoonsado Somaliland. Saldhig ciidan oo Maraykan uu Berbera ku yeeshaa waxa ay u sahlaysa inuu si dhaw ula socdo kana hortagi karo khataraha amni ee ka imanaya dhanka Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee ammaanka khalkhal gelin kara.
Dhaliilaha dadka qaarkood, oo ay ka mid yihiin dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ku dooda in ictiraaf la siiyo Somaliland uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah ama uu dhiirrigelin doono kooxaha gooni-goosadka ah ee dunida, gaar ahaan Afrika. Si kastaba, dooddaasi maaha mid sal adag ku taagan. Somaliland madaxbannaanideeda dhuleed ee ay sheegataa waa mid ku salaysan xuduudaheedii ka horreeyay 1960-kii, xilligaas oo ay ahayd Maxmiyadii Biritan.
Intaa ka dib Somaliland waxa ay si iskeed ah ula midowday 1 Juulay 1960-kii Soomaaliyadii Talyaaniga iyagoo isla markaas dhisay Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Midowgaasi ma ahayn mid loo maray hannaan dastuuriya si uu sharci ahaan u ansaxo, sannadkii 1961-kii shacabka Somaliland ayaa sidoo kale ku diiday afti dadweyne.
Kolkii uu dhacay taliskii Barre 1991, Somaliland waxa ay ku laabatay xaalkii uu arrin ahaa midowgii 1960-kii ka hor. Si ka geddisan kooxaha kale ee gooni-goosadka ah, Somaliland kuma talo jirto inay dib xarriiq cusub u mariso soohdimihii jiray sidoo kalena kama go'ayso dawlad ay si buuxda u hawlgalaan hay'adaheedu. Hasayeeshee, Somaliland waxa ay madaxbannaanida ka la soo noqotay dawlad aan waqti xaadirkan jirin, midnimo sharci ku salaysanna aanay markii horeba dhex marin.
Sannadkii 2005, guddi xaqiiqo-raadis ah oo ka socday Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay qaddiyadda Somaliland "mid jaad goonni ku ah taariikhda siyaasadda Afrika". Somaliland ma aha mid ku xadgubaysa baaqii Qaahira ee ku saabsanaa xuduudihii gumeystayaasha, sababtuna waxa ay tahay Somaliland iyada oo xuduudaheedu cayiman yihiin ayay jirtay baaqaa ka hor. Waa qodobka ugu muhiimsane Somaliland ma khusayso doodda ah "Sanduuqa Pandora ". Ugu dambeyn guddidu waxa ay ku soo gunaanadday in Midawga Afrika uu keeno xal lagu furdaamiyo qaddiyadda Somaliland.
Waraysiyo maqaalkan khuseeya oo lala yeeshay khubaro aqoon sare u leh xeerarka caalamiga ah ayaa sheegay " xeerarka caalamiga ahi waxa ay taageerayaan in shucuubtu xaq u leedahay go'aaminta masiirkooda". Gaar ahaan kolka ay dawladi si karti leh uga hawlgasho dhulka ay sheegato inay u madaxbannaan tahay, sidaas si la mid ah waa in bulshadeedu ku garab taagan tahay go'aanka madaxbannaanida, waana qodobbo ay ka dhab sheegtay qaddiyadda Somaliland.
Waqti xaadirkan, maqnaanshaha dawladda Maraykanka ee carriga Somaliland waxa uu horseeday in xidhiidhka ganacsi ee bulshada Somaliland iyo dhiggooda Maraykanku uu aad u koobnaado. Maaddaama oo aanu jirin galaangal Maraykan waxa ay Meesha ka saartay in shirkadaha ganacsi ee reer Maraykan aanay si buuxda uga hawlgelin Somaliland, arrintaas oo aad u wiiqday fursadaha maalgashi.
Somaliland walow ay leedahay khayraad dabiiciya sida biraha naadirka ah iyo kayd shidaal iyo gaas haddana ma tahli karto inay gaadho suuqyada caalamka si ay uga faa'idaysato khayraadkeeda iyadoo ay caqabadaha hor taaganna ay ka mid tahay inaanu jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo ka dhexeeya dawladda Maraykanka.
Somaliland aqoonsi ay ka hesho Maraykanka waxa uu horseedi karaa fursadahaa dhaqaale iyo ganacsi, halka mudnaanta koobaad ee gaadhista khayraadka biraha dhulka ee naadirka ah ee Somaliland uu Maraykanku door ku yeelan doono, birahaas oo muhiim u ah kacaanka garaadka macmalka ah, dhanka difaaca ee Maraykanka iyo horumarinta tiknoolojiyadda.
Intaas waxa la raacin karaa, Itoobiya oo ay ku noolyihiin shacab kor u dhaafaya 120 milyan waxa ay tobonaankii sano ee u dambeeyay raadinaysay Deked kale oo ay ku dhinto kutiirsanaanta xad dhaafka ah ee Dekedaha Jabuuti. Sidaas darteed, Berbera ayaa noqotay jid ganacsi oo muhiim u ah mid ka mid ah dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u kobcayo. Sidoo kale, dhawaan waxa la hindisay Aagga Dhaqaalaha ee Berbera kaas oo laga soo dheegtay Aagga Cashuuraha ka Caaggan ee Dekedda Dubaay ee Jabal Cali. Aagga dhaqaalahu waa xarun isku dhafan oo ka kooban adeegyada la xidhiidha badda, saadka iyo goobaha loogu talogalay warshadaha. Iyana waxa aan meesha ka madhnayn cashuur dhaafka iyo goobaha loo jiddeeyay in shirkaduhu ka samaystaan warshadaha fudud iyo bakhaarrada kaydka. Si kastaba, jidka Berbera oo noqon doona mid la tartami doona kuwa Jabbuuti ee u gacangalay Shiinahu waa mid ay waajib tahay in shirkadaha Reer Maraykan ay ka faa'idaystaan.
Somaliland walow ay tactiirifadda korontada ee magaalooyinka waaweyn qaarkood sida magaalada Berbera ay hoos u dhacday, haddana qiimaha korontadu weli waxa uu ku jiraa kuwa ugu sarreeya gobolka. Sidaa la ajligeed, shirkadaha tamarta ee Maraykanka waxa uga bannaan fursad ay ku maalgashadaan tamarta lacusboonaysiiyo, maaddaama oo qaddarka ilayska ee ay Somaliland sannad wareeggiisa heshaa uu yahay mid ku filan. Sidoo kale Somaliland kama maqna isbeddellada dhanka casriga dhijitalka, shirkadaha xadhkaha internetka ee badda hoos mara qaarkood sida shirkadaha ku midoobay mashruuca Meta-backed 2Africa ayaa xadhkahooda soo dhigtay Berbera, mashruucan oo internetka gaadhsiiya malaayiin Itoobiyaana. Halkaas oo ay ku jirto fursad maalgashi oo aad u sarraysa. Sidoo kale, waxa aan la hilmaami karin, fursada maalgashi ee dhanka xarumaha xogta oo laga hirgelin karo meel kasta oo Somaliland ah.
Koboc kasta oo dhaqaalaha Somaliland la kowsadaa isna waxa ku lammaan baahida loo qabi doono hay'adaha maaliyadeed sida adeegyada bangiyada, shirkadaha caymiska iyo maalgelinta ganacsiyada yaryar kuwaas oo la jaanqaadi kara halbeegyada caalamiga ah. Tallaabadani oo kor u soo qaadi doonta ganacsiyada yar yar ee aan rasmiga ahayn ee Somaliland xoogga uga jira.
Somaliland laga soo bilaabo 2002, waxa ay qabatay 7 doorasho oo qof iyo cod ah, doorashooyinkaas oo isku gu jiray kuwo gole degaan, wakiilo iyo madaxtooyo waxa ay goobjoogayaashi dunida ka socday ku tilmaameen kuwo xor ah oo nabdoon. Qori-isu-dhiibka talada ayaa si nabdoon uga qabsooma Somaliland, iyadoo murashixiinta xisbiyada mucaaradka ah sida madaxweynaha hadda tala haya Cabdiraxmaan Cabdillaahi "Cirro" uga guulaystay xukuumaddii ka horaysay si nabdoonna talada loogu wareejiyay. Raadraacaa dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku suntan tahay ayay kaga duwan tahay inta badan talisyada kale ee Geeska ka jira kuwaas oo talada xoog ku maroorsada.
Beesha Caalamka gaar ahaan Maraykanka inay iska indhatiraan aqoonsiga xaqiiqadaasi waxay ka gaabinayaan Somaliland. Taas oo taageeriddii dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga Afrika iyo daafaha dunida ee uu Maraykan ku andacoodo inuu u taagan yahayna nusqaan ku ah. Aqoonsiga ay Somaliland heshaa waxa uu ka dhigan yahay in loogu abaalguday 30 sano oo dhabaradayg, dimuqraadiyad iyo qaangaadh dawladnimo ah.
Xilligan la joogo, Maraykanku kuma qasbana inuu si buuxda u aqoonsado Somaliland, balse waa inuu ka hawlgalaa sidii uu xidhiidh dhaw ula yeelan lahaa. Xidhiidhkaas waxa barbilow u noqon kara inuu xafiis ka furto, dhiirrigeliyo socdaalka iyo maalgashiga, kor u qaado deeqaha horumarinta iyo in la iska kaashado arrimaha amniga guud ahaan. Iyadoo la ogsoon yahay in xafiisyo uga furan yihiin Hargeysa dalal ay ka mid yihiin Ingiriis, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Denmaarik.
Hasayeeshee, mustaqbalka dhaw Maraykanku waa inuu qorshaha ku darsadaa inuu si buuxda u ictiraafo iyo in uu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesho Somaliland. Waxa waajib ah in la qaddariyo 30-kii sano ee Somaliland iskeed isku maamulaysay, horumarinaysay dimuqraadiyadda iyo sidoo kale la mawqif ahayd Reer Galbeedka.
Dhanka kale, xidhiidhka uu Maraykanku la yeelanayo Somaliland waa inay sees u yihiin dano istaraatiijiyad ku dhisan, sida inuu ka hortago saameynta Shiinaha ee Geeska ku sii fidaysa, la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka sii daraya, iyo kor u qaadidda diblomaasiyadda.
Maanta iyo marxaladda taagan, Maraykanka waxa hor taalla fursad uu hal dhagax laba shimbirood ku wada dili karo, wuxuuna go'aannadiisa diblomaasiyadeed waafajin karaa mabaadi'diisa iyo danihiisa ka dib markuu Somaliland u aqoonsado dal sharci ah iyo garab la isku hallayn karo. Dhab ahaantiina sinnaba ugama turjumayso danaha iyo istaraatijiyadda siyaasadeed ee dal gaar ahaana Maraykan inuu indhaha ka laliyo Somaliland, isagoo ka doorbidaya Soomaaliya oo talogabtay.