Thursday 23 January 2025
Xaliimo saaxiibbo ayaanu ahayn yaraantayadii. Wakhti aad u kooban ayaannu wada soconnay illaa haddana xasuustayda kamay bixin, wajigeedii baa igu sawiran weli, codkeedii iyo qosolkeedii aan kala go’a lahaynna maskaxdayda ayuu ku samaysanyay illaa imika!
Maalmo badan darteed ayaan iskuulka u tegi jiray, maalmo ka sii badanna gurigooda ayaan ku rawaxi jirayba, sheekada iyo ciyaarta oo mararka qaar dhexda noo maraysa ayaan xasuustaa ushii hooyaday, markaasaan orod iyo kacaa-kuf ku soo gaadhaa guriga.
Hooyo: "Waxaan ku waydiiyay, gurigiinna oo bari ku yaalla maxaad galbeed ugu jeesataa galab walba?"
Aniga oo naxsan: "Xaliimo ayaan sii dhawaynayay hooyo!"
Buuq iyo canaan dheer ka dib waxa aan dhaar ku maraa in aanan cidna sii dhawaynayn, oo aan toos u iman doono, ballan aanan waligay ka dhabbayn ayay ahayd ballantaasi.
Gurigoodu kaayaga aad ayuu uga duwanyay, ruux ayuu leeyay oo nolol iyo dhaqdhaqaaq baa ka jira. Dad baa sidaa isu dhex qaadaya, maalintii muusig ayaa cirkaa ka siraadan oo lagu shaqeeyaa, hablaha guriga joogaana qasil iyo huruud ayay intaa isu dhiidhiibayaan, marka makhribka laga baxana filin hindi ah ayaa la isugu yimaaddaa, qaraabo iyo jaarba oo qolka fadhigaa la soo buuxiyaa, markaasaa koob koob shaah ah na loo qaybiyaa.
Waxyaabahaas oo dhami gurigayaga kama jiraan, maalintaydu aad ayay u koobantay una qallafsantay, subaxdii saaladda marka aan tukado malcaamadda ayaan tagaa, duhurka illaa maqribkana iskuul ayaan dhigtaa, marka aan soo rawaxo waan casheeyaa, kadibna casharradii berri ayaan u fadhiistaa, siddeeda marka ay tahay saacaddu gurigayaga wax sanqadh ah lagama maqlo oo waaba noo saq dhexe!
Heestii “Deeqa” ee Lafoole qaadi jiray baan ugu jeclaa heesahaan wagaa bartay.
Mararka qaar aniga iyo Xaliimo waanu ka baxsannaa fasalka, kaabad iskuulka u dhaw ayaanu fadhiisannaa ama suuqa weyn ee magaalada oo nagu dhaw baannu soo wareegnaa, annagoo garbaha is haysanna oo ka sheekaysanayna wax jira iyo wax jeebkayaga ahba.
Maalin baannu aragnay kabo qurux badan oo saaxiibaday aad u jeclaatay, dabadeed markiiba waxaannu go'aansannay in aannu soo wada iibsanno marka fasaxa laga soo noqdo, waa xilliga kabaha iyo dirayska na loo iibiyo badanaa.
Toddobaad ka hor intii aanu fasaxii dhamaan ayaan soo iibsaday kabihii, buudh madaw iyo caddaan isugu jira, sariirtayda ayaan hoos galiyay, mar walba waxa ii sawirnayd marka aannu fasalka soo wada galno aniga iyo Xaliimo oo kabo isku mid ah gashan, oo gacmaha is haysanna.
Maalintaa cid waliba waxay ogaan doontaa in aanu asxaab isku dheer nahay!
Subaxdii jimcaha ee fasaxayaga ugu danbaysay ayaan jeclaystay in aan u tago Xaliimo si aan u soo hubsado kabihii in ay soo iibsatay iyo in kale.
Albaabkii gurigooda ayaan soo istaagay, sidii caadada u ahayd walaalaheed guriga hortiisa kuma ciyaarayaan kubad sharbaado duuduuban ka samaysan, rikoodhkoodii codka dheeraana maqli maayo, degganaansho aanan jeclaysan baan dareemay, malaha way hurdaan, ama fiidyawgii ayaa la daawanayaa, xataa, islaantii ayaydood ee daqiiqad walba cid u baaqi jirtay way aamusantay.
Welwel baa i galay, waayo badanaa albaabkoodu wuu iska furnaan jiray oo lamaba xidhi jirin, haddii ay dhacdo oo la xidhona hal mar ka badan maan garaaci jirin, balse, maanta lug iyo gacanba waan ku tumay ciddina iimay soo bixin.
Way guureen, way guureen.
Xaggee bay u gureen?!
Wallaahi mooji!
Waan niyad jabay, waan cadhooday, waan cidlooday, waan ilmeeyay.
Kabihiii aan siday si aan u hubsado inaanay meelna ku kala duwanaynna jidka ayaan ku tuuray!