Saturday 13 June 2026
Horraantii 2025, Dawladda Faransiiska ayaa ku eedaysay ninka adduunka ugu maalqabeensan, Elon Musk, ahna mulkiilaha barta caanka ah ee X oo hore loo odhan jiray Twitter, in uu faragaliyay doorashooyinka isaga oo isticmaalaya Algooriisamka iyo aaladda garaadka macmalka ah. Xeer-ilaaliyeyaasha Faransiiska ayaa, bishii Feebarwari 2026, baadhitaan ku sameeyay xafiisyada shirkaddiisa ee Baariis. Isla bishii Feebarwari ayaa maxkamad looga yeedhay Elon Musk, laakiin kamuu soo xaadirin. Kiiskan ayaa ka weyn qof kaliya oo la dacweeyo, waxa uu ina tusayaa sida garaadka macmalka ah, baraha bulshada iyo Algooriisamku u beddelayaan sidii ay doorashooyinku u dhici jireen.
Marka aad furto Ablikayshannada Facebook, X, Tiktok ama Instagram ma aragtid wax kasta oo la soo galiyo, laakiin Algooriisam ayaa go’aamiya waxyaalaha kuu muuqanaya. Ujeedada ugu weyn waa in aad isticmaasho ablikayshanka inta ugu badan ee suuro-gal ah, sababta oo ah mar kasta oo aad isticmaasho waa mar kasta oo shirkadda ablikayshanka iska lihi ay lacag samaynayso. Si loogu guulaysto in aad muddo badan isticmaasho Algoriisamka ayaa ku tusaya waxyaalo dareenkaaga taabanaya sida cadho, baqdin ama farxad. Xogta ay la socdaan dareemada xooggan si dagdag ah ayaa loo faafiyaa marka la barbar dhigo xogaha caadiga ah. Markaad muddo ku xidhnaato, aaladdu waxay baranaysaa waxyaalaha aad jeceshahay si ay kuu siiso xogo badan oo la mid ah, markaad hal shay dhammaysato waxaa lagu siinayaa dhawr shay oo la mid ah ama la xidhiidha. Baraha bulshadu waxay dhiirigaliyaan xogaha hela falcelinta badan. Xogahaasi waxay u badan yihiin kuwo marin-habaabin ah, been ah, ceebayn ama isku dir bulsho ah. Tusaale ahaan: Haddii aad taabato hal muuqaal oo dhaliilaya qof siyaasi ah, algooriisamku wuxuu kuu soo bandhigi doonaa, metalan, 50 muuqaal oo kale oo isla arrintaas ka hadlaya. Muddo ka dib, waxaa suurogal ah in aad aaminto in qof walba neceb yahay siyaasigaas.
Marka ay timaado doorashooyinka, waxaa saameyn weyn ku leh xogo been-abuur ah oo lagu farsameeyay garaadka macmalka ah, tusaale ahaan waxaa la sameyn karaa cod, muuqaal ama qoraal loo ekeysiiyey qof siyaasi ah oo qiranaya dambi uu galay, cod been abuur ah oo masuul ama siyaasi cid ku cunsuriyaynayo ama sawir qof siyaasi ah oo jooga meel aan ku habboonayn indhaha shacabka.
Garaadka macmalka ahi wuxuu falanqeeyaa malaayiin bosti iyo qoraal, waxaana la ogaan karaa waxyaalaha ay dadku ka cadhaysan yihiin ama ay doonayaan. Xogtaas haddii cidda baraha bulshada iska lihi ku taageerto xisbi ama musharrax gaar ah waxaa looga faa’idaysan karaa in lagu saleeyo fariimaha iyo ololaha doorashada lagu galayo.
Haddii aynu ku xidhno kiiska Faransiiska, Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysey in uu Elon Musk ku sameeyay garaadka macmalka ee Grok sawiro anshax xumo ah oo laga sameeyay dad iyo xogo lagu dafirayo dhacdadii Holokostiga (Holocaust). Garaadka macmalka ahi wuxuu saamayn karaa kumanaan akoon oo been abuur ah oo baraha bulshada ah, kuwaas oo laga dhigi karo dad caadi ah oo taageeraya musharax, faallo ku difaacaya hab-dhaqan musharax ama dhaleecaynaya cidda ka soo horjeedda musharaxa ay taageersan yihiin. Sidoo kale, garaadka macmalka ah waxaa lagu buun-buunin karaa fikrad aan sideeda oga iibsanteen shacabka.
In kasta oo saamaynta garaadka macmalka iyo baraha bulshadu ay nolosha oo dhan saameyn xoogan ku leeyihiin, haddana doorashooyinku aad ayay ugu nugul yihiin wararka been abuurka ah iyo buunbuuninta lagu sameeyo garaadka macmalka ah, sababta oo ah doorashooyinku wakhti kooban ayay ku dhacaan oo aan sahlayn in laga jawaabo, xiliga doorashooyinku waa xili caadifada dadku sarreyso oo looga faa’idaysan karo si fudud.
Wadamada Afrikaanka ah ayaa aad ugu nugul in doorashooyinkooda iyo ololahooda lagu faragaliyo, maadaama oo ayna lahayn shuruuc ka hortagaysa saamaynta xun ee baraha bulshada iyo garaadka macmalka ah. Sidoo kale in badan oo ka mid ah shacabka oo aan lahayn aqoon ay ku sii fishaan ama ku kala saaraan xogaha been abuurka ah iyo kuwa kale ayaa qayb laxaad leh ka qaadata.
Sanadkii 2024, qaaradad Afrika waxaa doorashooyin qabsaday dhawr iyo labaatan dal. Aduunka oo dhan in ka badan 80% wadamada doorashooyinka qabsaday sanadkaa ayaa la ogaaday in ay jireen dhacdooyin garaadka macmalka ah loo isticmaalay laguna faragaliyay geeddi-socodka doorashooyinka.
Sannadkii 2021, dalka Kiiniya waxaa si weyn loogu faafiyay muuqaallo been abuur ah oo lagu farsameeyay garaadka macmalka ah, kuwaas oo muujinayay siyaasiyiin ku hadlaya hadallo kicin iyo isku-dir bulsho ah. Qaar badan oo shacabka ah ayay ku adkaatay in ay kala saaraan muuqaallada dhabta ah iyo kuwa been abuurka ah.
Doorashadii madaxtinimada ee dalka Nayjeeriya ee dhacday sanadkii 2023, ayaa garaadka macmalka ah lagu habeeyay codad loo eekeysiiyey qaar ka mid ah musharixiinta oo sheegaya in doorashada lagu shubto, codadkan ayaa aad ugu faafay baraha bulshada, dadkuna aad iskula dhex-mareen.
Wadamada Yurubiyaanku si ay wax uga qabtaan saamaynta taban ee garaadka macmalka ah, waxay sameeyeen sharciyo iyo la-socod adag. Waxay leeyihiin sharciyo kala duwan oo lagu saleeyo heerka khatarta, waxana ay xoogga saareen ka hortagga xogaha been abuurka ah iyo kuwa lagu marin-habaabin karo doorashooyinka. Sidoo kale, waxay leeyihiin hay’ado amni oo takhasus u leh sida baraha bulshada iyo garaadka macmalka ahi u shaqeeyaan, si loola xisaabtami karo, dawladuhuna waxay ku soo rogi karaan ganaaxyo culus ama tallaabo sharci ah ayay ka qaadi karaan shirkadaha jabiya xeerarkaas. Ujeeddada guud waa in garaadka macmalka ah laga dhigo mid ammaan ah, hufan, isla markaana aan waxyeello u geysan dimuqraadiyadda.
Guntii iyo gabagabadii, garaadka macmalka ah marka si khaldan loo adeegsado wuxuu si toos ah uga hor imanayaa mabda’a dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah. Wuxuu albaab u furaa xaq-darro ku timaadda mairn-habaabin, wuxuuna sahli karaa musuqmaasuq iyo ku-shubashada doorashooyinka. Intaa waxaa dheer, wuxuu sababi karaa kala qaybsanaan bulsho iyo isku dhacyo horseedi kara khasaare naf iyo maal oo baaxad leh. Sidoo kale, wuxuu dhaawacayaa qiyamka suubban iyo anshaxa wanaagsan ee bulshada. Sidaa darteed, waxaa lama huraan ah in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakameyn karo waxyeellada garaadka macmalka ah iyo baraha bulshada. Hay’adaha ku shaqada leh tiknoolajiyadda, gaar ahaan Komishanka Doorashooyinka iyo hay’adaha kale ee amniga iyo tiknoolajiyadda ku shaqada leh ee Somaliland, waa in ay si dhab ah u fahmaan sida garaadka macmalka ahi u shaqeeyo, una diyaargaroobaan khataraha ka dhalan kara. Xukuumadda iyo Baarlamaankuna waa in ay dejiyaan sharciyo iyo hannaan adag oo lagu xakameynayo isticmaalka khaldan ee tiknoolajiyaddan.
Ugu dambayn, mustaqbal ammaan ah oo dimuqraadiyadeed wuxuu ku xidhan yahay sida maanta loo maareeyo garaadka macmalka ah. Haddii si masuuliyad leh loo adeegsado wuxuu noqon karaa horumar, balse haddii la dayaco maareyntiisa wuxuu isu beddeli karaa khatar weyn oo saameyn halis ah leh.