Sunday 7 June 2026
Weerarrada qorshaysan ee sida wadajirka ah looga fuliyey goobaha millatari iyo nukliyeer, sidoo kalena lala eegtay hoggaanka sare ee Iiraan, oo uu ka mid yahay dilka Aayatullaah Khaamina’i, waxa ay u qaadanwaa ku noqotay nidaamka siyaasadeed ee Iiraan, waana xaalad ka xidhiidh furantay jidkii muuqday ka hor dagaalka, ee la is lahaa waxa la joogtayn doonaa diblumaasiyadda. Markaas in yar ka hor ayaa lasoo gabagabeeyey wareeggii saddexaad ee wadahadallada nukliyeerka oo Jiniifa ka socday, iyadoo dhexdhexaadiyihii Cumaan uu xusay in “’horumar muuqda” laga samaynayey. Waxa muuqatay se in Maraykanku aanu arrinkan ku waafaqsanayn.
Yoolka Maraykanku ka leeyahay duullaanku waa uu dhaafsiisanyahay keliya in nukliyeerka la burburiyo. Hadalkii Trump uu sida tooska ah ugu yidhi dadka Iiraan “hoggaanka qabsada, idinkaa xaq u leh e” iyo ku celcelinta Raysalwasaare Binyaamin Netanyaahu ee ah “tirtiridda halis jiritaan”, waa hadallo yoolka u weyn ka dhigaya beddelaadda nidaamka Iiraan. Tani waa tallaabo halis badan, qaanuun ahaan muran leh, sooyaal ahaanna muhiimad weyn yeelanaysa. Sooyaalka Bariga Dhexe ma dhiirrigelinayo fikradda ah in bulshada rayidka ahi talada kula wareegaan si nabad ah keliya marka nidaamyada hoggaamineed dumaan. Fakaaggaas siyaasadeed badanka waxa uu keenaa dagaal sokeeye, ama sii xoojinta kelitalisnimadii jirtay, amaba burbur iyo kalaqaybsanaan muddo dheer socota, mararka qaarna intaas oo dhamiba waa ay ku kulmaan.
Si ka duwan weerarradii xagaagii hore lagu qaaday Iiraan, doorkan Iiraan lama dib dhicin jawaabta weerarrada. Afar saacadood gudahood ayaa ay gantaallo ku garaacday Israa’iil, saldhigyo Maraykanku ku leeyahay Baxrayn, Kuwayd iyo Qadar, sidoo kalena weerarro ku qaadday kaabayaal rayid oo gebi ahaan Khaliijka ku filiqsan, tan oo tusinaysa jiridda jiritaanka qorshayaal degdeg ah oo diyaarsanaa. Waa laga dheregsanyahay in xaaladdu aanay weli saldhigan. Se kolka xagasha suuqa laga eegayo, laba sadaalood baa jira.
Kolka dagaalkan la eego, saadaalaha millatari iyo jiquraafi-siyaasadeed waxay buuxin karaan buug dhan, waana kuwo u muuqanaya inay si maalinle ah isu beddelayaan. Se kolka la eego suuqyada maaliyadeed, saadaasha furani waa mid qayaxan oo sidaa ka fudud, waxaana jiran hal jid uun: dagaalkani ma maalmo gudahood buu ku dhamaan doonaa, mise waxa uu isu rogi doonaa dagaal aan dhammaad lahayn oo gobolka oo dhan ku baaha?
Duqaymaha Maraykanka iyo Israa’iil ka gaysanayaan bartilmaameedyada millatari waa kuwo si degdeg ah dhiigbax u ah, hoos u dhigaya heerka weerarrada, dhabaynna kara in si dhab ah xabbadu isu taagto toddobaad gudihii. Kolkan, jawaabaha Iiraan waa ay xaddidmayaan, oo waxyeello dhab ah gaysan kara si uu guulo siyaasadeed oo gudaha ah u helo, se aan awoodin in uu si dhab ah weerarrada Maraykan u jabiyo. Saadaashan, waxa kale oo cidhiidhi gelaya marinka Hurmus, se halis sidaas u weyni ma dhacayso, sababtuna waa in Iiraan weli ku tiirsan tahay shidaalka ay Shiinaha u dhoofiso. Kolkaa, saadaashu waxa weeye: in nidaamka Iiraan si dirqi ah ku badbaado, ama uu u kala qaybsamo marxalado kalaguur ah oo gudaha ah iyo khalkhal maamul.
Suuqyada iyo ganacsiga caalamiga ah marka la eego, saadaashani waa isla tii la saadaalinayey dagaalkii Juun ee 2025: kor u kac degdeg ah oo sicirka shidaalka ah, se hoos isaga soo noqda kolka ay hoos u dhacdo cabsidii laga qabay marinka Hurmus, waxa kale oo xoojinaya saadaashan jiritaanka halista dagaal muddaysan, se aan saamayno dhaqaale oo sidaas u muddo fog lahayn.
Madaxweyne Trump waxa uu galabnimadii Axadda sheegay in dagaalku socon karo muddo afar ilaa shan toddobaad ah. jawaabta Iiraan ee ilaa hadda toban dal gaadhay waa mid tilmaamaya inaan qalalaasuhu hoos u dhacayn. Saadaashani waa ta halista badan. Weerarradu waa ay soconayaan iyagoo dhaafsiisan bartilmaameedyadii millatariga, oo gaadhsiisan kaabayaasha iyo hantida isku socota, arrinkan oo dagaalka ilaa muddo aan la aqoon u jiidaysa. Iiraan, oo ku go’doonsan surin cidhiidhi ah, shaki badanna laga qabo siijoogidda nidaamkeeda, waxa ay kicinaysaa dagaal dhaqaale, iyadoo hor istaagaysa maraakiibta shidaalka sida ee marinnadan ka gudbaya, sidoo kalena waxa ay hawlgalinaysaa Xuutiyiinta weerarrada ku qaadaya iskusocodka Badda Cas.
Xitaa joojinta qayb ahaan marin firfircoon oo labaatan milyan oo foosto oo shidaal ahi maalinkii maraan, sidoo kalena ka gudbaan wax ka badan boqol bilyan oo mitirkiyuubik gaasta dabiiciga ah ee dareeraha ahi, waxa ay dhirbaaxo ku noqonaysaa silsiladaha iskusocodka dunida oo sooyaalka dheer leh, gobolka oo dhan ayaan degganaanayn. Saamaynaha arrinkani suuqa ku yeelanayaa waa saamayno kala duwan: in sicirka shidaalku ilaa boqol doollar gaadho iyo wax ka sii sarreeya, in isbeddel dhab ahi ku yimaaddo suuqyada saamiyada, sidoo kalena si habqan ah la isaga iibiyo saamiyada, khalkhalk ku yimaadda jidadka isku gudbinta badeecadaha ee Shiinaha iyo Yurub iyo dhibaato weyn oo soo foodsaarta bangiyada dhexe.
1: Ganacsiga caalamiga ah: dhirbaaxo ku dhacda iskusocodka dunida, xilli ay horeba u wiiqnayd.
Dagaalka Iiraan waxa uu qarxay xilli awalba ganacsiga caalamiga ahi uu la dhutinayey cadaadiska kaga yimi ololaha cashuureed oo Trump, dhirbaaxooyinkii Karoonuhu ku sababay iskusocodka ganacsiga caalamiga ah iyo saamaynta dagaalka Yukrayn ku yeeshay. Marinka Hurmus waa marinka ugu muhiimsan ee tamarta caalamiga ahi ka gudbo, haddana waxa uu badhtanka ugu jiraa gobol dagaal ka holcayo.
Xitaa iyada oo aan xidhitaan rasmi ahba lagu dhawaaqin. Haddana dhibaatooyinka ganacsi waa ay soo baxeen: shirkadihii caymisku waxa ay joojiyeen caymintii, kharashkii shixnaduhu cirka ayaa uu isku shareeray, maraakiibtiina waa ay istaageen. Saamaynaha xumi waa ay ka ballaadhan yihiin saamaynta tamarta, oo xidhitaanka dalalka Khaliijku xidheen hawadoodu waxa ay sababtay istaagga marinnadii duulimaad ee Yurub iyo Eeshiya. Dhinaca kale, dib u hawlgalinta Xuutiyiinta ee Badda Cas waxa uu keenaya xidhitaanka marinka kale ee lagu cayman lahaa, waa Baab al-Mandab, oo beryihii hore ee Harmus khalkhal ka jiray isagu shaqaynayey.
Isku darka kor u kac ku yimaadda qiimaha tamarta, khalkhalka shaqooyinka loojastiga, iyo hoos u dhaca kalsoonida guud, waxa uu sababi doonaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda ganacsiga caalamiga ah, isla wakhti dhaqaalaha caalamiga ahi la il daran yahay saamaynaha sicirbararkii ka dhashay cashuuraha Trump. Si kooban, dhina kasta oo laga eego, waa xilli u daran dhaqaalaha caalamiga ah.
2: Dalka Maraykanka: Dagaal kor u qaadaya sicirkii gudaha
Kolka Maraykanka la eego, ka sokow in ku tiirsanaantiisa marinka Hurmus xaddidan tahay, haddana kor u kaca sicirka shidaal waxa uu sii labanlaabayaa kor u kaca maciishadda. Markooda horeba, dadku waxa ay la daalaadhacayaan cadaadisyo maaliaydeed, sicirka shidaalkuna waa mid sidiisaba xasaasi ah xilligan doorashadii teeramka dhexe soo dhawaatay. Kor u kaca sicirka shidaalku waxa kale oo uu sii adkaynayaa siyaasadda lacageed ee mustaqbalka ee Golaha Kayda Federaalka. Mawjad cusub oo sicirbarar, iyadoo awalba sicirbararka olalaha cashuureed ee Trump jirtay, waa mawjad xaaladda uga sii daraysa, siiba haddii dagaalku sii jiitamo, xaaladda hubanti la’aanta ahna lagu sii jiro.
Dhinaca keli ah ee faa’idada u ah Maraykanku waa in Maraykanka laftiisu uu yahay soosaaraha ugu weyn ee shidaalka dunida; kolkaa, kor u kaca sicirka shidaaklu waxa uu faa’ido u leeyahay dhinaca warshadahiisa shidaalka, waxaanu sii hagaajinayaa shuruudaha lagu kala beddelanayo tamarta, walow uu adeegsadayaasha gudaha markasta dhib ku yahay.
3: Yurub: Suuqa halista ugu weyn u bandhigan
Yurub waxa lagu tiriyaa gobolka ugu nugul saamaynaha dhaqaalaha guud, siiba xilligan taagan. Gobolka Yuuradu waxa ay kasoo baxaysay muddo ragaad ah oo dheer, waxaana soo baxayey ififaalo dib u soo kac ah, walow cashuuraha Trump laftoodu harraati ku dhufteen. Hadda, suuqani waxa uu wajahayaa dhirbaaxo tamarta ah iyo mid ganacsiga kaleba ah.
Yurub waa ay soo dhoofsataa gebi ahaan waxa ay shidaal u baahan tahay, waxa kale oo ay soo dhoofsataa inta badan gaaska dabiiciga ah. Kor u kaca sicirka tamartuna, amaba xitaa in iskusocodkii tamartu istaago, waxa ay Yurub dib u gelinaysaa xaaladihii 2021 ilaa 2023. Waxa jira se laba farqi oo qayaxan kolka xaaladdan la barbardhigayo tii wakhtigaas: Yurub kuma khasbana inay kutiirsanaanteeda tamarta hal il ku koobto; sidoo kalena, dhibaatada sicirka shidaalku waxa ay kolkan kusoo beegmaysa dhammaadkii jiilaalka ee bilawgiisii ma aha.
Bangiga Dhexe ee Yurub waxa uu waajahayaa dhibaato dhab ah. sicirbararka dhinacyada adeegyadu weli waa mid sarreeya, sicirbarar shidaalna waa mid sicirbararka guud kor usii qaadaya, saadaasha horumarkuna waxa ay hoos ula socotaa saamaynta cashuuraha, hubanti la’aanta iyo kharashaadka tamarta. Bishii Diisambar, Bangiga Dhexe ee Yurub waxa uu soo bandhigay gorfayn ah in korodhka sicirka shidaalka oo kordha boqolkiiba 14, uu sicirbararka guud ku sababi doono kor u kac 0.5 ah, sidoo kalena waxsoosaarka guudna hoos u dhigi doono heer ah 0.1. Saamayntani keliya waa saamaynta sicirka ee ma aha saamaynta sidoo kalena ka imanaysa khalkhalka jidadka waxdhoofinta.
3: Eeshiya: Sicirbararka iyo miisaanka ganacsi oo cadaadis la kulma
Wakhtigan la joogo, waxa muuqata in Eeshiya awood u leedahay kor u kac degdeg ah oo ku yimaadda qiimayaasha shidaalka, sababtoo sicirbararka ayaa marka horeba hooseeya xilligan. Hase ahaatee, sii socoshada sicirbararka iyo korodhka qiimaayshu, waa kuwo aakhirka saamayntooda leh. Haddii xaaladdu kusii socoto sida ay hadda tahay, waxa ay u badan tahay in ugu dambayn Eeshiya la kulanto dhibaatada sicirbarar. Kolka laga reebo Ustareeliya, Malaysiya iyo Indooniisiya, inta kale dhaqaalayaasha Eeshiya waa kuwo gaabis ganacsiga shidaalka iyo gaasta ah ku jira, kana dhigaya kuwo u bandhigan halista kor u kaca qiimayaasha.
Labadan saadaalood maxay uga dhiganyihiin suuqyada maaliyadeed iyo dhaqaalaha caalamiga ah?
Saadaasha koowaad, xaaladda dhaqaalaha guud waa mid isbeddello xaddidan ku kooban. Kor u kac ku meelgaadh ah oo qiimaha shidaalka ah, la kala dhuumashada maalgelinaha, iyo ka dib kusoo laabashada jidkii caadiga ahaa ee cashuuro, kala tagsanaan horumarka ah iyo maalgashigii garaadka macmalka ah.
Saadaasha labaad, jaangooyayaasha dhabta ahi waa shidaalka, hubanti la’aanta iyo dhibaatooyinka bangiyada dhexe waajahayaan. Saadaashan, sicirka shidaalku waxa uu gaadhi karaa 100 ilaa 140 doollar. Kolka la eego gaaska Yurub, haddii iskusocodkiisu hoos u dhaco, waxa ay keeni doontaa in 80 ilaa 100 yuuro/meegowaad saacaddiiba uu gaadho.
Kolka la eego suuqyada shidaalka iyo gaaska, waa suurogal in la isbarbardhigo sannadkan iyo sannadkii 2022, kolkii Ruushku ku duulay Yukrayn. Xaddiga shidaal ee u bandhigan halista xidhitaanka marinka Harmus waa boqolkiiba 15 ilaa 20 shidaalka dunida. Waa xaddi aad uga badan 8 ilaa 7 milyan oo foosto shidaal oo uu Ruushku gudbin jiray (una dhiganta 7 ilaa 8 boqolkiiba iskusocodka shidaalka dunida), halistuna soo foodsaartay maalmihii dagaalka Yukrayn bilaabmay, berigaas oo shidaalka qaydhani gaadhay 140 doollar foostadiiba.
Inkasta oo arrimahani jiraan, haddana xilligan taagan waxa dunida caawinaya jiritaanka kaydad shidaal oo aad uga wanaagsan sidii ay ahaayeen ka hor duullaankii Ruushka ee Yukrayn, iyadoo kaydadka dalalka Ururka Iskaashiga Dhaqaale iyo Horumarintu ay laba boqol oo milyan oo foosto ka badan yihiin kaydadkoodii ka hor Dagaalka Yukrayn. Sidaas oo ay tahay, haddana xidhitaanka marinkan laba toddobaad waa mid sababaya gudhitaanka kaydadka, oo sababaya kor u kaca qiimayaasha.
Kolka la eego gaaska dabiiciga ahna, xaddi gaadhaya 125 bilyan mitirkuyuubik oo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ayaa halis u bandhigan, macnaha wax u dhigma boqolkiiba saddex isticmaalka guud ee gaaska dabiiciga ah, ahna boqolkiiba 22 ganacsiga gaaska dabiiciga ah ee caalamiga ah. Hase ahaatee, xaddiga Cumaan dhoofiso, oo lagu qiyaaso 15 bilyan oo mitirkuyuubik, ayaa halistan si uga fog, kolka la eego in aanay shixnaduhu u baahnayn ka gudbidda marinka Hurmus, se haddana weli u dhow goobihii halistu ka jirtay.
Ka hor dagaalkii Ruushku ku qaaday Yukrayn, xaddi ku dhow 160 bilyan oo mitirkuyuubik oo gaasta Ruushka ah (oo mari jiray dhuumaha gaaska dabiiciga ah ee Midawga Yurub gaadha) ayaa halistu soo foodsaartay. Suuqu hadda xaalad sidaa ka wanaagsan buu ku jiraa, kolka la eego in kor u kaca dhoofinta gaaska dabiiciga ah, siiba laga dhoofiyo Maraykanka.
Waxa kale oo kor u kacaya tartanka ka dhexeeya Eeshiya iyo Yurub, ee ku tartamaya shixnadaha gaaska dabiiciga ah, arrinkan oo qiimaha uga sii daraya.
Qormadan waxa laga soo turjumay ING Think.