Skip to main content

Monday 23 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Rogmay

2 June, 2024
Image
Kufsi
Sawirka waxa Laga soo xigtay stomp.straitstimes
Share

Wuxuu Eebbe ku galladay cod aad u luuq macaan. Waxaad moodaysaa markaad maqasho codkiisa ama aad u dheg raariciso, fannaan taagan masrax; oo qaadaya hees uu sameeyay falasuufkii iyo abwaankii weynaa ee Xasan Sheekh Muumin. Balse waa macallin, dhiga dugsi Qur’aan. Luuq macaanida wuu isku ogaa, dadkuna way u sheegi jireen.

Saabbir waa macallin dhiga malcaamad, soona saara arday aad u fara badan. Waxay waalidiintu ugu geeyaan carruurtooda si uu u baro Qur’aanka iyo luuqda uu tajwiidka ku akhriyo, markuu ku luuqaynayo aayadaha Eebbe.

Shaqadiisa oo dhani waa macallinimo iyo Qur’aansaarka dadka buka, oo u kala baxa kuwa xanuunnadada dabiicaga la taaha iyo kuwa xanuunnada shayaaddiinta iyo jinka la taaha. Wuxuu ahaa qof, tuftiisa la aaminsan yahay in la gu dawoobayo.

Macallin Saabbir, waa doob isku tuntay. Da’ ahaan waa soddan iyo sagaal jir, ka soo jeeda reer diin iyo culumanimo ku caan ah. Aabbihii waa macallin iyo sheekh kutubta laga baran jiray. Waxa uuna soo saaray arday badan, oo maanta macallimiin shuyuuq ah. Saabbirna waa yaraanka sheekh Saalax. Sheekh Saalax, Saabbir keliya ayuu carruur oo dhan ka dhalay. Carruurtii kale way ka saqiireen. Sheekh Saalax wuxuu ahaa qof aad u dulqaad badan. Dhib badanna wuu u soo maray si uu sheekh u noqodo.

Sheekh Saalax wuu ku dadaalay wiilkiisa, wax badan oo diini ahna waa uu baray. Dugsiguu hadda Saabbir macallinka ka yahay, waxaa macallin ka ahaa aabbihii sheekh Saalax. Sheekh Saalax wuu dhintay, labo gu’ ayuu hadda sii mootan yahay.

Saabbir markii aabbihii uu god galay, wuxuu noqday macallin iyo imaam tujiya salaadaha. Wuxuuna guursaday inan ina-adeertiis ah. Waxay u ahayd xaas iyo sowjad aad u fiican, balse way ka geeriyootay gu’ ka hor. Hadda keligiis ayaa meel saaxda. Waxa carruur ah umay dhalin xaaskiisii ka geeriyooday.

Malcaamaddiisa waxaa dhigta, oo wax ka barta arday aad u fara badan, oo amminno kala duwan soo gala. Qaar waa subaxley, qaar waa duhurley, qaar kalena waa galabley. Aroorta hore waxaa dhigta dad waaweyn, oo wakhtigii ay yaaraayeen aan helin ammin ay wax ku bartaan. Subaxii waxaa dhigata ardayda galabtii iskuulka dhigta. Duhurkiina waxaa dhigta, oo ku soo laabta ardayda farbaradka ah iyo kuwa subaca laga rabo. Galabtiinna waxaa dhigta ardayda subaxdii iskuullada tagta.

Ardaydaas, oo kala jaadka ah, oo kala gaanka ah, oo kala nooca ah, oo kala darajada ah, oo kala muunadda ah, oo kala heerka ah, oo kala dabaqadda ah, oo kala garaadka ah, oo kala degaanka ah, oo kala da’da ah, waxaa ka mid ahayd Suleeqa oo galabley ah, aroortiina iskuulka Raage Ugaas dhigata. Waxaa gacanta ku soo hayn jiray, oo wax soo bari jiray aabbihiis Saalax.

Suleeqa waxay hadda la soo kacday qurux naadir ah, oo ay foolkeeda iyo jirkeeda ku aragtay. Waa gashaanti u muuq eg ubaxa. Waa joogdheer, sii jeedkeeda waxaa soo muuqanaya qaarkeeda danbe soo jeedkana waxa soo muuqanaya horaaddadeeda soo taagan. Alle waa uu ku fara yaraystay hab abuurkeeda. Waxaad mooddaa in loogu talagalay in loo abuuray raaxo uun!

Quruxdeeda naadirka ah, waxaa u raaca magac uu u hibeeyay aabbaheed Suleemaan Samatar.

Suleeqa waa da’ dhaxaadka ganacsade Suleemaan. Suleemaan waa ganacsade caan ka ah magaaladiisa. Wuxuu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood oo ay Suluuqa curad saddexaad ka tahay. Suleeqa waa inan aad u dadaal badan, fahmo badan, oo aad ugu fiican iskuulka iyo waxbarashada guud iyo Qur’aankaba.

Suleeqa waxay aad ugu heshay codka macallinkeeda uu ku akhrinayo Qur’aanka Eebbe. Aadna way u gu dayan jirtay inay yeelato luuqda macallinkeeda Saabbir. Marar badanna way u sheegtay, inay codkiisa iyo luuqdiisa u bogtay. Asagana wuxuu u ballanqaaday inuu barayo codka lagu akhriyo tajwiijka Qur’aanka.

Macallin Saabbir ballanqaadku been kama ahayn, hadda mana moogo quruxda Suleeqa. Wuxuu kale uu garanayaa Suleeqa aabbaheed, oo ka mid ahaa ardadii ka aflaxday aabbihii Sheekh Saalax. Suleeqa waxay daba socotaa ballantii uu ka qaaday, macallinkeeda Saabbir.

Saacaddu waxay sheegaysaa sagaalka galabnimo. Gayigu waa roob. Dhulka oo dhan waxaa biya dhigay roobkii gu’ga, ee sannadahan oo dhan baaqanayay. Waxaa malcaamaddii soo gaaray ardadii, oo teelteel u socda, waxaana ugu danbeysay oo soo gashay Suleeqa. Waxaad mooddaaba in hadda uun malacamadda oo dhan uu u daarmay ileyskeedii. Ardadu waxay kala garan waayeen ma ileys baa mise waa biriq? Waxa soo galay malacaamadda biriq ma ahan ee waa Suleeqa Suleemaan Samatar, oo lagu masaalo quruxdeyda loogu sheegay Qur’aanka iyo guud ahaan suugaanta adduunka oo dhan. Galabtaa, galab boqran ayay Suleeqa u ahayd. Waa galabtii ugu danbeysay ee ay ku dhammaynaysay Qur’aanka. Galabta waxay ka baxaysaa aayadda ugu danbaysa ee suuratul Baqara.

Gayiga oo barwaaqo ah, dhulka oo wada biyo ah, Suleeqa oo faraxsan, malcaamaddii oo la fasaxay ammin hore, Saabbir oo ugu hambalyaynaya dadaalka Suleeqa ayaa adduunkii oo dhan waxaa is qabsaday roob. Waxaad mooddaa in wixii roob baaqanayay sannadihii hore, oo idil uu iska gudaayo deyntii lagu lahaa. Waxaa ku keliyoobay malcaamaddii Suleeqa iyo macallin Saabbir.

Saabbir wuxuu ku indhadaraadaray quruxda Suleeqa, waxaa soo burqatay shahwadii nafta, wuxuuna ku booday saqiirtii iyo gashaantidii ku hartay malcaamadda. Wuxuu legday tafaha Suleeqa, wuxuuna kala baxay macaankii uu Eebbe meesha dhigay. Xaaladdii waxay isu rogtay taah, cabaad, iyo oohinta Suleeqa. Saabbirna weli ma soo miir noqon ilaa uu is dhaafiyay lugta iyo qoorta Suleeqa! Oohintii iyo taahii Suleeqa cid maqashaa ma jirin, waayo gayiga oo dhan waxaa ka hooraya roob, guguc, hillaac, iyo onkod. Sida uu cirka ugu diganayo dhulku ayuuna Saabbir ugu diganayaa jirka Suleeqa!

Waxaa ka dareeraya dhiig xinjiro ah. Waxa ay weysay gabarinimadeedii, qofnimadeeddii, quruxdeeddii iyo wax kasta oo ay u noolayd.

Suleeqa waxaa ku soo wada xaadiray adduunkeeda xanuun, taah, rafaad, dhib adduunyo, oo loo soo dedejiyay, boroor iyo oohin aad u daran, oo ay ka qaadday qooqanaha ku digtay jirkeedii curdinka ahaa.

Saabbir waxaa uu deb iska xirtey khamiiskiisii caddaa iyo cimaamaddiisii gaduudneyd, isaga oo aad mooddo in aanu waxba falin! Suleeqana barteedii ayey miskaheeda iyo maryaheeda isu geysatey. Waxaa dumaya gabbalkii. Waxaana joogsadey roobkii. Carradii oo dhan ayaa hal mar wada joojisay juuqdii iyo jabaqdii.