Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

R.Ellison iyo Bilowgii Waxbarashada Somaliland

31 August, 2026
Image
R.Ellison iyo Bilowgii Waxbarashada Somaliland.
Share

Sida ku xusan, buugga (Taariikhda Farsoomaalida (1880 -1972) ‘’Hore waxbarashadu waxay ku salaysnayd diinta Islaamka oo malcaamadaha ayaa ahaa goobaha waxbarasho.Waxa kale oo jiray dugsiyo lagu baran jiray afcarabiga, Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ay diideen in laga bilaabo dalkooda waxbarasho uu maamulkii Ingiriisku hoggaanka u hayo. Dagaalladii Maxamed Cabdille Xasan ee bilawgii maamulka Ingiriiska la kowsaday iyo odayaashii markii danbe ka diidey iskudaygii furitaannadii dugsiyadii mishanka (diinta masiixiga) ku salaysnaa ayaa sababay in Ingiriisku dib uga joogsado inuu manhaj waxbarasho ka bilaabo Somaliland’’.

Taariikhda waxbarashada casriga ah ee Somaliland waxa si weyn ugu suntan marxaladihii ugu horreeyay ee uu maamulka gumaysiga Ingiriisku isku dayay inuu hirgeliyo nidaam waxbarasho oo rasmi ah. Inkasta oo ay jireen dadaallo hore, haddana hirgelinta waxbarashada casriga ahi waxay la kulantay caqabado siyaasadeed, diimeed iyo bulsho, kuwaas oo ka dhashay shakigii bulshada Soomaaliyeed ka qabtay ujeeddooyinka gumaysiga iyo xidhiidhka u dhexeeyay waxbarashada reer Galbeedka iyo hawlaha adeegayaasha Masiixiga.

Marxaladdan taariikhiga ah waxa door muuqda ku lahaa R. E. Ellison, oo ahaa Agaasimihii Waxbarashada ee British Somaliland. Intii u dhaxaysay sannadihii 1938 ilaa 1940, Ellison wuxuu hormuud ka noqday qorshe lagu dhisayo nidaam waxbarasho oo dawladdu maamusho, kaas oo saldhiggiisu ahaa in waxbarashada lagu bixiyo af-Soomaali halkii Carabiga laga adeegsan lahaa. Ujeeddada qorshahani waxay ahayd in waxbarashadu noqoto mid ay ardaydu si fudud u fahmaan, isla markaana kor loo qaado ka qaybgalka bulshada ee waxbarashada.

Qoraalkani waxa uu diiradda saarayaa doorkii R. E. Ellison ee horumarinta waxbarashada Somaliland iyo dhacdadii loo yaqaan "Berbera School Affair" (1938–1940). Waxa uu falanqaynayaa himilooyinkii Ellison, sababihii keenay mucaaradka bulshada, saamayntii ay dhacdooyinkaas ku yeesheen siyaasadda waxbarashada ee Somaliland, iyo kaalintii ay ku lahaayeen qaabaynta taariikhda waxbarashada casriga ah ee dalka.

Dugsigii ugu horeeyay ee Soomalilaam.

𝐑𝐚𝐧𝐝𝐚𝐥 𝐄𝐥𝐥𝐢𝐬𝐨𝐧 wuxuu noqday Agaasimihii u horeeyay ee Waaxda Tacliinta Somaliland oo markaa la sameeyay. Agaasimihii ugu horreeyey ee maamulka waxbarashada waxa loo magacaabay Randall Ellison. Hasayeeshee, jagadaa waxa uu hayey 1938 ilaa kolkii Ingiriisku ka googoostay Somaliland ee dagaalka uu ku qabsaday talyaanigu 1940. Wuxuu hore u ahaa Agaasimaha Tacliinta Nigeria iyo Agaasime ku xigeen Tanzania. Wuxuu ku dhiiraday furitaanka dugsigaas oo ahayd hawl Ingiriisku ilaa 1891kii u taag waayay. Wuxuu ahaa dugsigii u horeeyay ee Ingiriis gacanta ku hayo, dagaal iyo dood badan ka dib waxay fureen 1dii December 1938kii.

Dugsigii Berbera sidaa ayuu ku furmay 1 Dec 1938. Xaflad furitaan looma samayn; waxaana lagu bilaabay 37 arday oo wiilal ah. Isla bisha dhammaadkeedii ayaa ay noqdeen 45 wiil. Maamulihii dugsiga waxa uu noqday Maxamuud Xaaji Axmed oo markiisii hore ahaa karraanni ahaana mid ka mid ah ardaydii ugu horreeyey ee ka soo baxay Gordon College, Khartuum (Olden, 2008:81).

Hirgalinta iyo Muhiimadda Afka qoran.

Sida Olden, (2008) maqaalkiisii “Ka horimaadkii Soomaalida ee waxbarashada dawladda: R. E. Ellison iyo arrinkii dugsigii Berbera, 1938-1940. “Somali Opposition to Government Education: R. E. Ellison and the Berbera School Affair, 1938-1940, uu kaga warbixiyey. waxa uu agaasimihii waxbarashadu, Randall Ellisson rabay in afsoomaali qoran lagubilaabo dugsiga, halkii lagu bilaabi lahaa afcarabi (Olden, 2008:71). 1940. Intii aan dugsiga la furin waxa uu Randall la kulmay dad uu kala tashaday hawsha waxbarasho ee uu maamulkeeda hayo. Waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in afsoomaaliga la qoro. Dareennada uu helay waxa ka mid ahaa in aan la oggolayn inuu far kale bilaabo oo aan ahayn taa Qur’aanku ku qoran yahay. Waxaana si toos ah arrintaa ugala hadlay koox reer Hargeysa ah. Nasiib darro, ma jirin far soomaali qoran, waxaa se aynu odhan karnaa soo saaristii iyo qoridii sheekooyinka soomaalida iyo fikradii afka qoran ee soomaaligu inuu sabab u noqday in intii dambe afka la qoro.

The problems were beginning to mount, and the pressure him. During one of his familiarization tours of the country a group of Somalis at Hargeisa had told him that they did not favour the reading and writingof Somali, their view being ‘the typical diehard one, which I have encountered in Nigeria, that Arabic, the language of the Koran and the Holy Books, is sufficient for all their requirements.”

Kacdoonkii Burco ee Sheekh Cismaan Nuur

Sida ku qoran maqaalka Olden, (2008), 20-kii May 1939, socdaal waxbarasho oo ay magaalada Burco ku tageen masuuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada Somaliland ayaa sababay iska horimaad ka dhashay diidmo loo qabay far-qoraalka Laatiinka iyo faragelinta maamulka Ingiriiska ee waxbarashada. Qaar ka mid ah culimada iyo waalidiinta ayaa ka horyimid kormeerka malcaamadaha, taas oo dhalisay mudaharaad iyo rabshado. Markii xaaladdu faraha ka baxday, maamulka degmada ayaa amray in rasaas lagu kala eryo dadkii kacdoonka waday, waxaana loo yeedhay ciidanka Somaliland Camel Corps. Iskahorimaadkaas waxaa ku dhintay laba qof, halka qof saddexaad oo dhaawacmay uu markii dambe u dhintay dhaawaciisii. Dhacdadan ka dib, qorshihii lagu hirgelin lahaa far-qoraalka Soomaaliga iyo dadaalladii waxbarashada ayaa hakad galay, iyadoo Dagaalkii Labaad ee Adduunkuna uu sii xumeeyey xaaladda waxbarashada Somaliland.

furitaannadii dugsiyadii mishanka (diinta masiixiga)

Asalka qoyska Randall Ellison wuxuu qayb ka yahay fahamka sababta Soomaalidu uga shakiday siyaasaddiisa waxbarasho. Ellison wuxuu ka soo jeeday qoys Anglican ah oo xidhiidh dheer la lahaa Kaniisadda Ingiriiska; aabbihii iyo awoowgiis waxay ahaayeen wadaaddo Anglican ah, halka walaalkiisna markii dambe noqday Bishop of London. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto caddayn muujinaysa in Ellison si qarsoodi ah ugu yimid Somaliland si uu u faafiyo Masiixiyadda. Taa beddelkeeda, shakiga Soomaalida wuxuu ka dhashay duruufo taariikheed oo ka ballaadhan shakhsiyaddiisa. Xusuustii hore ee ku saabsan isku dayadii missionary-ga iyo cabsidii laga qabay in waxbarashada reer Galbeedku la xidhiidho Masiixiyeyn ayaa sababtay in qaar ka mid ah culimada iyo bulshada ay si weyn uga shakiyaan mashruuca Ellison. Markii uu isku dayay in Af-Soomaaliga lagu qoro farta Laatiinka, arrintu waxay yeelatay macne diimeed; Laatiinka waxaa qaybo ka mid ah bulshada lala xidhiidhiyey “laa-diin”, halka culimadu ku adkaysanayeen in Af-Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga. Sidaas ayay siyaasaddii waxbarasho ee Ellison ugu beddelantay arrin taabanaysa diinta iyo aqoonsiga bulshada, taas oo ugu dambayn ka qayb qaadatay kacdoonkii Burco ee 1939, kaas oo ay saddex qof ku dhinteen

si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinkaas maanta waxaa loo arki karaa cashar taariikhi ah oo muujinaya in horumarka waxbarashadu aanu ku koobnayn furitaanka dugsiyo oo keliya, balse uu u baahan yahay faham, kalsooni iyo tixgelin in loo sameeyo diinta, dhaqanka iyo aqoonsiga bulshada.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Ciyaar Dhaqameedka Soomaalida