Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Rasaynta iyo Aroorka Af Soomaaliga

22 February, 2025
Image
Getty Images
Getty Images
Share

Sida ay qabaan khubarada iyo xeeldheerayaasha aqoonta u leh cilmi-afeedku (Linguistique). Afku waa astaama-dhawaqeedyada iyo tilmaamaha Aadanuhu ku wada xidhiidho, kuna cabbiro dareenkiisa iyo tabashadiisa, is-kuguna tebiyo aqoonta ay noloshu u baahan tahay.

Afku waa hannaan iyo tab fikir huwan oo bulshadu wax isugu tebiso, waana agab lagu kaydiyo dhaqanka, suugaanta iyo sooyaalka ay ummadi leedahay.

Dhanka kale, afku waa baadi-sooc, waa kasmo wadareedka ay ummadi isku garato, oo waa waxa uu dadku kaga soocan yahay duunyada iyo noolaha kale, sida uu abwaan Cabdi Cali Wayd-ba ku xusay heestiisa "Suul-dhabaale" oo ay ka mid ahaayeen ereyadeeda:

Xoolahaba summaddaa

Lagu baadi soocaa

Dadna weedha siman iyo

Sawraca tilmaantaa

Lagu kala sifeeyaa

Dhanka qiimaha, xurmada iyo sareynta waxa la'isku raacsan yahay in ifku yahay nimcooyinka ugu weyn ee Alle ku galladay aadanaha. Alle waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya galladdaa: Eebaha Raxmaan ah "wuxuu abuuray dadka, wuxuuna baray hadalka". Hadalku waa waxa uu dadku gaarka la yahay ee uu kaga horreeyo dhiggooda kale ee noolaha duunyo iyo dugaagba oo iyagu isku afgarta ci'da, urta iwm.

Sidoo kale, Soomaalidu waxay u taqaannaa ereyga ‘‘Af’’’. Laba macno oo kala ah: ‘‘xubinta nafleydu wax ku cunto, kuna hadasho ee bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin’’. Af daboolan waa dahab.

Waxa kalooy u yaqaanniin Afka: ‘‘luuqad ay ummadi isku afgarato oo wax isku gaadhsiiso. Waana hadal ereyo ka kooban oo dhanka ujeeddooyinka iyo xeerashaba ka dhamays tiran’’.

Haddaba haddii aan isla garanay macnaha ereyga "Af" u taagan yahay cilmi ahaan iyo sida ay u taqaanno bulshada Soomaaliyeed labadaba. Waxay tahay is-weydiinta xigtaa ee xidhiidha qormadan. ‘‘Waa maxay hadal? Muxuuse u taagan yahay?  Sida uu ku qeexay qaamuuska ‘‘Soomaal’’. ‘‘Hadalku waa dhawaaq la garto oo ku dhisan ereyo cabbiraya waxa uurka qofka ku jira, ama cod la fahmo oo sida asalka ah ka soo baxa binni’aadanka si uu ugu cabbiro ujeedooyinkiisa ku xidhan deegaanka ku xeeran.’’

Aroorka Afka:

Hadalka marka si guud loo qaybiyo wuxuu u kala baxaa labo waaxood oo kala ah: Tix iyo Tiraab ama Qodbane iyo Qubane. Hase yeeshee, marka laga hadlayo, ‘‘Rasada Afka’’ waxa jira qaybo kale oo ka madax banaan labada waaxood ee aynu kor ku soo sheegnay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin: (Tiro, Tilmaan iyo Suul-dhabaale), oo waakii Abwaan Wayd yidhi:

"Suul-dhabaale waa hadal,

haddana waa si gooniya".

Abwaan kalenawaakii yidhi:

‘‘Hadal waa tiraabiyo tixiyo, tiriyo sheeg-sheege

Taxannaha kale ee raaci, waa tabaruciisiiye

Haddey tu u dhaxaysina, tu aan la arkin weeyaan’’.

Sidoo kale marka laga hadlayo ‘‘Aroorka Afka’’ ama ‘‘abla-ablaynta afka’’ oo ah aqoonta af-aqoolladu (linguistes) ay ku gorfeeyaan qaybaha xidhiidhsan ama is-hoos-galka ah, ee uu afku ku kooban yahay. Waxa jira in afka loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah, hadal iyo hawraar.

Haddaba haddii aynu is-weydiino waa maxay hadal? hawraarrise maxay tahay? muxuuse yahay xeerka kala soocaayi? Waxa aynu odhan karnaa: ‘‘Hadalku waa xiriirka doysan ee afka. Hawraartuna waa xiriirka dabran (ama xeer-xajista ah) ee afka’’. Haddii aynu si kale u dhigno waxaan odhan karaa: ‘‘hadalku waa habqan ama hadaaq aan taawo iyo tab adag toona loo cuskan ku dhawaaqistiisa, hawraartuse waxa ay iyadu leedahay duluc-murtiyeed iyo abbaar sugan’’.

Sidaas awgeed, waxaa muuqata in hawraartu aad uga duwan tahay hadalka marka laga eego xagga nuxurka iyo murtida, oo waxa ay leedahay abdo sarraysa, badankana kayd-gal ah. Waxayna u kala baxdaa: ‘Soogaan iyo Suugaan’.

Haddii aynu ku bilowno tan hore: ‘‘Soogaantu waa tiraab tusmeyn sharraxan leh, badankana aad uga fog khiyaalka iyo malo-awaalka. Waana tan loo adeegsado qoraallada xog-wareedka iyo xog-cilmiyeedka, sida: buug-qorista gaar ahaan dhigaallada ku dhisan cilmi-baadhis heer kulliyadeed ah. Waxa kale oo loo adeegsadaa qoraallada war-bixin sahameedka, xog-jeedinta, war-tebinta iwm’’.

Haddii aynu eegno qaybta labaad. Suugaantu waa hawraartan tixeedka ama tiraabeedka ee badanaa ku tusmeysan murtida iyo maansada’’. Waxayna u kala baxdaa laba waaxood oo kala ah: ‘‘Tix iyo Tiraab’’.

Haddaba, maxay tahay tixdu? Maxayse kaga soocan tahay tiraabta iyo qaybaha kale ee hawraarta?

Haddii si kooban aynu uga jawaabno su’aashan kore. Waxaan odhan karnaa: ‘‘Tixdu waa jaad ka mid ah jaadadka suugaanta ee tixaysan. Taas oo miisaan iyo xarafraac leh, fikrad iyo ujeeddo xambaarsan, dareenka raadaysa, dhegtuna aad u jeclaysato’’.

Marka laga hadlayo xagga nuxurka iyo ahmiyadda, tixdu waa xubinta ugu mudan suugaanta Soomaalida. Waxayna tayo sare u leedahay tebinta fikradaha iyo xog-rumeedyada ku duugan heer-nololeedka xilli-qaaran ee ay leedahay bulshadu, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed oo ay maansadu ugu fadhido qiimo iyo milgo gaar ah.

Dhanka kale, tixda waxaa sal iyo xeer u ah: yeelashada dawliid (xaraf-raac, tidcin iyo miisaan) iyo dabuub (murti) uu yeesho unug kasta oo ku soo arooraa tixda. Waxayna u kala baxdaa laba waaxood oo kala ah: ‘Erey (maanso) iyo Or (ciyaar-dhaqameed).

Haddii aynu ku horreeyno tan hore, waa tixda ku dhisan ereyga iyo luuqda oo keliya sida: Gabayga, Geeraarka, Buraanburka maahmaahda dawliidda iyo miisaanka leh iwm. Halka ay Or-tu ka tahay tix-ciyaareed ereygeeda, jaan iyo jiibi weheliso, sida: Wilwilaha, Dhaantada, Hiwada, Batarka, Jaandheerta, Saarka, Baarcaddaha, Xoogweynta, Saddexleyda iqk.

Haddii aan u soo laabano qaybta labaad ee hawraarta oo ah Tiraabta, "waa jaad ka mid ah jaadadka suugaanta Soomaaliyeed, oo aan lahayn ridmo iyo xaraf-raac ay kusocoto". Waxaana kamid ah,sheekooyinka, murtida, hal-haysyada, maahmaahyada dawliidda lahayn, googaaleysiiwm.

Gabagabadii iyo gunaanadkii, “Aroorka Afku” wuxuu si qoto dheer u iftiiminayaa farqiga u dhexeeya hadalka iyo hawraarta, isagoo muujinaya in hadalku uu yahay xidhiidhka doysan, halka hawraartu ay leedahay duluc iyo murti sugan. Waana arrin u baahan in lagu sameeyo daraasad iyo cimi-baadhis dhab ah, si habsami loogu dhugto aroorka iyo aasada afka Soomaaliga.