Skip to main content

Wednesday 17 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Raila Odinga, Ma-Daalihii Siyaasadda Kiiniya oo Geeriyooday

15 October, 2025
Image
Raila Odinga, Ma-Daalihii Siyaasadda Kiiniya oo Geeriyooday
Share

Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka bisha 10aad, ku geeriyooday dalka Hindiya, Raila Amolo Odinga (1945 – 2025), hoggaamiyihii muddada dheer ee mucaaridka Kiiniya, oo hadda haa 80 jir. Mudane Odinga ayaa dhawaan u tagay dalka Hindiya xaalad caafimaad oo uu xisbigiisu ku sheegay in aanay khatar ahayn, waxana ay wararku sheegayaan in aroornimadii maanta uu wadnuhu istaagay, ka dibna loo la carary cisbitaal, halkaas oo lagu xaqiijiyay dhimashadiisa.

Raila Odinga waxa uu ka soo soojeedaa qoys siyaasadeed iyo ganacsi. Waxa dhalay Jaramogi Odinga oo ahaa Madaxweyne-kuxigeenkii u horreeyay ee Kiiniya (1964 – 1966), kana soo qabyqaatay gobonimada iyo hoggaaminta Kiiniyadii curdinka ahayd. Noloshaa qoys ee siyaasadeed ayaa uu ku soo koray Raila Odinga, waxana uu galay siyaasadda goor hore oo uu da’da soddoneeyada ku jiray, laakiin waxa ay ugu bilaabantay halgan ka dhan ah taliska iyo nidaamka xukun, halgankaas ayaana noqday astaanta mihnaddiisa siyaasadeed oo dhan; weligii kama uu bixin siyaasadda Kiiniya oo uu qayb libaax ku lahaa qaabeynteeda, weligiina guul kama uu gaadhin hankiisa sare ee xukunka. Waxa uu sannadkii 1982-kii ka mid noqday shakhsiyaad uu xabsiga ku riday hoggaamiyihii Kiiniya ee xilligaas, Daniel Arap Moi, isaga oo ku eedeeyay in uu yahay maskaxda ka dambeysay isku-day afgambi oo sannadkaas fashilmay. Waxa uu xabsigaas ku jiray, isaga oo ku eedeysan khiyaano qaran, muddo lix sannadood ah oo waxa la sii dayaay 1988-kii, se lix bilood ka dib ayaa haddana lagu celiyay waxana la sii daayay 1989-kii, mar kale waxa la xidhay badhtamihii 1990-kii waxana la sii daayay badhtamihii sannadkii xigay, 1991, markaas oo uu dalka iskaga cararay, isaga oo sheegay in lala maagganaa shirqool khaarajin ah. Sannadkii 1992-kii ayaa uu, haddana, dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo xubin sare ka noqday Madashii Dib u Soo Celinta Dimuqraaddiyadda Kiiniya oo uu hoggaaminayay aabbihii, Jaramogi Odinga. Waxa uu isla sannadkaas, oo ay Kiiniya u guurtay nidaamka xisbiyada badan, noqday xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo laga soo doortay Langata oo ka tirsan Nayroobi.

Raila Odinga waxa uu siyaasadda ku soo galay halgan iyo in uu ka horyimaad nidaamka xukunka oo uu u galay xabsi, xabsi guri iyo shirqoollo, xilligii ay Kiiniya gacanta ugu jirtay kelitaliskii Moi – halgankaas ayaa asteeyay siyaasaddiisa oo dhan

Isku-daygii ugu horreeyay ee uu Raila Odinga u orday madaxnimada Kiiniya waxa uu sameeyay sannadkii 1997-kii, intaas ka dibna waxa uu isla xilkaas u tartamay afar jeer oo kale oo u dhammaantood ku guuldarreystay. Marka laga tago middii u horreysay oo uu noqday ninka saddexaad, waxa uu inta kale oo dhan ka galay kaalinta labaad oo uu badankoodana abuuray muranno xooggan oo ku saabsan boob iyo ku-shubasho mararka qaar gaadhay in uu si gaar ah isugu cumaamado madaxweynimo, mararna uu qarxay dagaal sokeeye oo halis galiyay waddanka Kiiniya, sannadkii 2007-dii oo ay ku dhinteen dad ka badan kun qof kuna barakaceen dad ku dhaw hal milyan, taas oo ugu dambeyn lagu xalliyay awood-qaybsi uu dhexdhexaadiyay Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Koofi Anaan, waxana, markaa, lagu heshiiyay in Raila Odinga uu noqdo Raysal Wasaareha Kiiniya, arrintaas oo u baahatay in dastuurka la beddelo. Xilkaas ayaa noqday midkii ugu sarreeyay ee uu ka gaadhi Kiiniya. Qulqulatooyinkii doorashadaas ka dhashay waxa ay keeneen in Kiiniya gal dacwadeed looga furo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah (ICC) laguna dacweeyay siyaasiyiin muhiim ah oo reer Kiiniya oo ay ku jireen Madaxweyneha hadda, Willian Ruto iyo Madaxweynihii ka horreeyay, Uhuro Kiinyaata oo waqtigaas la kala safnaa labada dhinac.

Raila Odinga waxa lagu tilmaamay in uu ahaa nin adkeysi adag u leh guuldarrada, isaga oo guuldarrooyinkiisii oo dhan ku soo afmeeray middii ugu dambeysay oo ahayd sannadkan oo uu u orday Guddoomiyeha Midowg Afrika. Xilkaas oo aad loogu saadaaliyay, maaddaama oo uu yahay ruugcaddaa Afrikaan, ayaa waxa kaga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti. Arrinta ayaa abuurtay faallooyin badan oo ku saabsan nasiibkiisa siyaasadeed, dibna u soo bandhigtay sooyaalkiisii guuldarrooyinka.

Odinga waxa uu qabatimay guuldarrooyinka, waxa uu ku guuldarreystay shan isku-day oo uu ku doonay in uu Madaxweyne kaga noqdo Kiiniya, waxanu ku soo afmeeray isku-daygiisii Guddoomiyeha Midowga Afrika oo uu, iyana, ku guuldarreystay. Waxa uu se astaan u noqday u adkeysiga guuldarrooyinka

Sidaas oo ay tahay, waxa uu Raila Odinga qayb laxaad leh ka soo qaatay dimuqraaddiyadda Kiiniya. Xilliyaddii ay ugu tacaddiga iyo cabbudhinta badnayd Kiiniya, ayaa uu is hortaagay taliskii Daniel Arap Moi, waxa uu ku muteystay cadaadisyo badan oo isagu jiray xadhig iyo xabsi guri. Laakiin ma uu daalin ismana dhiibin, jeer ay Kiiniya cagta saartay dhabbaha dimuqraaddiyadda iyo xukunka qaanuunka, in kaste oo uu isagu mar kaste kaga jiray siyaasaddeeda dhanka halganka iyo mucaaridnimada. Waxa lagu tilmaami karaa waardiyeha dimuqraaddiyadda Kiiniya ee, isagu, inta badan dibedda ka jooga awoodda laakiin ilaalo xooggan u ah in dimuqraaddiyaddu noolaato.

Waxa uu ahaa hoggaamiye burji u leh dhisidda isbahaysiyada siyaasadeed, iyada oo uu mar walba xejisanayo kaalinta hoggaaminta isbahaysiga. Waxa kale oo uu burji u lahaa haysashada taageero bulsho oo aan liicin oo had iyo jeer u arkayay in uu yahay Baaba Odinga (Aabbe) oo ah hoggaamiye mudan taageeradooda. Waxa uu, sidoo kale, awood u lahaa in aan mawaaqiftiisa aad loo saadaalin ama aan aad loo akhriyin, haddana waxa uu ahaa nin aan qarsan mawaaqifta la xidhiidha xaqsoorka bulsho, dimuqraaddiyadda iyo siyaasadda furan. Waxa uu ahaa dabin-ka-bood aan quusan oo ka dhigtay in uu tobbannaan sannadood si firfircoon ugu jiro siyaasadda, isaga oo noqday siyaasiga ugu caansan Kiiniya, iyo wejiga mucaaridka ee aan isbeddelin, ee ka caansanaa, ugana cimri dheeraa siyaasadda, xitaa madaxweyneyaashii soo maray dalka.

Dhanka kale waxa uu Odinga ahaa hoggaamiye Afrikaan ah oo ay aad ugu weynayd aragtida afkiraannimada iyo midnimada qaaraddu, isaga oo u ololeyn jiray isdhexgalka dalalka Afrika iyo xoojinta ururrada qaaradeed sida Bulshada Bariga Afrika iyo xoojinta ganacsiga xorta ee qaaradda oo kaalin muuqata ku lahaa. Haddana, waxa uu aaminsanaa xaqa aaye-ka-tashiga ee bulshooyinka Afrika sida Somaliland oo uu si gaar ah u taageersanaaa madaxbannaanideeda.

Si kaste oo loogu sunto guuldarrooyinka siyaasadeed, haddana waxa uu Odinga ahaa Waardiyeha dimuqraaddiyadda Kiiniya ee si weyn u qaabeeyay siyaasadda furfuran ee dalkiisa gacanna ka geystay in ay sii noolaato. Waxa uu ahaa hoggaamiye burji u leh sameynta isbahaysiyada, hoggaamintooda iyo haysashada taageero bulsho oo aan liicin

In kaste oo uu da’ joogay hadda, haddana geeridiisu waxa ay ahayd lama-filaan waxana ay Kiiniya ku saameeshay jawi baroordiiq iyo murugo ah, siyaasad ahaanna waxa uu ka tagay fagaag weyn oo bannaan oo cidda buuxin karta aan la saadaalin karin. Waxa uu ka tagay su’aal weyn oo ku saabsan mustaqbalka dimuqraaddiyadda Kiiniya, sababta oo ah tan iyo markii ay qaadatay nidaamka furfurnaanta siyaasadda iyo xisbiyada badan, iyo ka horba intii lala halgamayay kelitaliska, waxa uu Raila Odinga ahaa tiirdhexaad, mana ay baran dadka reer Kiiniya mucaaridnimo aanu ku suntanayn Raila Amolo Odinga. Waxa uu soo dagaallamay muddo ka badan afartan sannadood oo aanu gaadhin, marna, hoggaanka Kiiniya, haddana uu kaalin xooggan ku laahaa wejiga uu leeyahay xukunka Kiiniya. Waxa uu la god galay adkeysi tusaale ah, ma-quustenimo muujinaysay kal furnaan, saameyn iyo raad siyaasadeed oo aan tirmin, iyo guuldarrooyin xidhiidhsan oo noloshiisa siyaasadeed la jaalay.