Tuesday 9 December 2025
In ka badan afartan sannadood oo uu si firfircoon ugu jiray siyaasadda Kiiniya, waa ay koobnaayeen guulaha shakhsiga ah ee uu ka gaadhay hoggaamin loo doortay. Haddana marna kama uu maqnaan kaalin hoggaamineed, waxa kale oo uu tiir u ahaa in badan oo lagu sheegi karo guulo qaran; waa Raila Odinga ... Dhaxalkiisii ayaa uu dhinacyo dhawr ka eegayaa Liibaan Maxamed Ciise oo ku xeeldheer taariikhda siyaasiga ah iyo dhaqaaleha.