Wednesday 19 November 2025
Magaalada Saylac ayaa waxa maanta ka dhacay rabshado ka dhashay isu soobaxyo dhalinyar oo iska soo horjeeda. Ciidamada amniga ayaa faragaliyay si ay u xakameeyaan rabshadahan kuwaas oo la arkayay iyaga oo rasaas furaya, isla markaana qabqabanaya kooxo dhalinyaro ah oo qayb ka ahaa rabshadaha.
Rabshadahan magaalada ka dhacay ayaa qayb ka ah muranno bulsho oo ku saabsan munaasibad la qorsheynayo in lagu qabto magaalada oo lagu xusayo Xeerka Ciise oo ah xeer dhaqameed taariikhi ah oo ay dhawaan aqoonsatay hay’adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanku (UNESCO), arrintan munaasibadda oo dhalisay xafiiltanno deegaan oo ku saabsan magaalada Saylac.
Dhinacyo metalayay aragtiyaha iska soo horjeeda ayaa is dhaafsaday eedo ku saabsan in rabshadahan laga soo abaabulay meelo ka baxsan deegaanka iyo Somalilandba waxana ay ugu baaqeen Xukuumadda in ay wax ka qabato xiisadda. Ha se ahaato e, Xukuumadda Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadal khilaafkan iyo xiisadda ka taagan magaalada Saylac, in kaste oo ciidamadu isku dayeen in ay xakameeyaan rabshadihii maanta.
Magaalada Saylac waa magaalo taariikhi ah oo raad dheer ku leh sooyaalka siyaasadeed iyo midka ganacsi ee Bariga Afrika waxana ay marar ahayd xarunta mid ka mid ah maamulladii islaamiga ahaa ee ka talin jiray Bariga Afrika. Sababtaas awgeed, waxa ku hareereysan muranno taariikheed iyo sheegashooyin ku saabsan sooyaalkeeda, in kaste oo ay hadda tahay magaalo aad uga dib dhacsan dhanka horumarka iyo kaabeyaasha nolosha una baahan in la iska kaashado dhismaheeda iyo horumarkeeda iyada oo lagu wada noolaanayo.