Thursday 23 January 2025
Isniin 25-kii Nofembar 2024, abbaara afar saac (ama tobankii) barqannimo, waxaa Axmed Maxamed Islaam oo hoolka doorashada ku jira u soo dhacay wicitaanno badan. Wicitaannadu warar dhiillo leh bay Sheekha u sideen xilligaa uu faraxsanaa ee daqiiqado uun kaddib loo dooranaayay Madexweynenimada Jubbalaan, muddo-xileedkiisii saddexaad.
Wararka dhiillada leh ee wicitaannadu sideen ayaa ahaa; ciidamo ka tirsan Kumaandoosta Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay diyaarad ku soo gaareen deegaanka Raaskambooni ee hoostaga degmada Badhaadhe. Wixii ugu horreeyay ee Axmed-Madoobe loo sheegay waa inuu ciidamadaa hoggaaminayo Taliye Xasan Ciraaqi oo Axmed-Madoobe xurguf hore ka dhexeysay, Kismaayana uu ka cayrsaday. Wixii ku xigay ee uu iska sii gartay waa in Muxummad Ibraahim Faarax oo ku magacdheer Muxummad Fanax, kuna magacaaban Guddoomiyaha degmada Badhaadhe uu fududeeyay imaanshiyaha ciidamadan. Waxa xigay inuu Sheekhu xasuustay inuu ciidamadan soo diray Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku magacdheer Khaalid, ahna Taliyaha Ciidamada Dhulka Soomaaliyeed, iskudhac kharaar oo horena ay ka wada dhexeysay. Kaddib, Sheekhu waxa uu iskula faqay sida Khaalid oo soo noqday Taliyaha Nabadsugidda Jubbalaan uga adeegan karo furfurka ciidamada Jubbalaan ee Sheekha taageersan.
Isla daqiiqadahaa bay wadne-kurkur ku billowdeen Sheekh Axmed-Madoobe. Waxa uuna kooxdiisii ka hoos shaqaynaysay amray doorashada oo qorshaysnayd labo wareeg inay noqoto in lagu sookoobo hal wareeg, si uu bal aqalka Madaxtooyada u tago, oo fursad ugu helo inuu wax ka qabto waddada cusub ee ku furmatay. Waana isla maalintaa maalintii uu jeediyay khudbaddiisii caanbaxday ee weedhaheeda ay ka mid ahaayeen: “I am not Kenyan. I am a Somali. Wax aan dawladdo ka diidayna, Soomaalinnimo baan ku oggolahay.” Khudbaddaa oo uu uga dan lahaa inuu ku xoqdo kaarka dulmanaha (victim) oo isagii shan iyo tobanka sanno culayska ku ahaa reer Jubbalaan oo intaa oo sanno dulminaayay baa iska dhigaayay dulmane, ishana ka mirigmirigsiinaayay.
Raaskambooni waa deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xuduud-beenaadka Soomaaliya iyo Kiiniya. Deegaankuna waxa uu hoostagaa degmada Badhaadhe oo u jirto 144 km, Kismaayo-na waxa uu u jiraa 190 km oo dhanka badda ah, iyo dhanka beriga oo wareeg dheer oo 280 km ah. Deegaanka waxaa al-Shabaab laga xorreeyay sannaddii 2011-kii. Dhanka kale, degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose waa degmo ay weli gacanta ku hayaan oo ay maamulaan al-Shabaab. Waxaana jira maamul ku magacaaban degmadan, balse markii la gaari waayay Badhaadhe raas iyo saldhig ka dhigtay deegaanka Raaskambooni. Maamulkan waxaa u Guddoomiye ah Muxummad Fanax, waxa uuna xukumaa oo hoos yimaaddo dhammaan deegaannada Joorreey ee hoostaga degmada Badhaadhe, deegaannadan ayaa gebigooda istiraatiiji ku ah inay dhacaan xadka dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kiiniya. Taas baa siisay Muxummad Fanax inuu xiriir wanaagsan oo gaar ah la yeesho dawladda Kiiniya, isaga oo u maraya Mudane Nuuraddiin Xaaji, Taliyaha Nabadsugidda Kiiniya. Dawladda Kiiniya ayaa ka caawisay oo la dhistay ciidamo u gaar ah oo ka madaxbannaan kuwa hoostaga Axmed-Madoobe. Ciidamadan ayaa lagu qiyaasaa wax ka badan ama ku dhow kun askari.
Taliye Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku magacdheer Khaalid, ahna Taliyaha Ciidamada Dhulka Soomaaliyeed baa isna xiriirkii uu horray ula lahaa Guddoomiye Muxmmad Fanax isticmaalay, kuna qanciyay inay isaga iyo ciidamadiisuba ku soo wareegaan dawladda Soomaaliyeed, islamarkaana Ciidamada Gorgor iyo Haramcad uu ku soo dhaweeyo Raaskambooni, qaybna ay ka noqdaan isbeddel cusub oo ka dhaca maamulka Jubbalaan. Sidaa bayna ku dhacday oo ugu fududaatay Ciidamada Soomaaliyeed inay gaaraan Raaskambooni.
Ujeedka ugu weyn ee Ciidamadu halkaa u gaareen waa in culays la saaro Axmed-Madoobe, si uu u wareejiyo maamulka Jubbalaan ee uu shan iyo tobanka sanno hayay. Taliska Axmed-Madoobe ayaana maraya heer uu qof walba nacay, oo dhammaan dadka maantay ka soo horjeeda Axmed-Madoobe waa rag uu shalay ku soo tiictiicsaday oo soo dulmiyay.
Axmed-Madoobe oo xeeladaha dagaal ku waaya'arag ah baa garawsaday inuusan Kismaayo iska fadhin inta loogu imaanaayee, ee uu halkooda ku weeraro oo ku baabi'iyo ciidamada Dawladda Federaalku keentay Raaskambooni. Waxa uuna habeenkii Isniintu baxaysay, Talaadana soo galaysay, xeebta Calanleey ee Kismaayo ka diray 150 askari oo hubaysan oo saaran 14 doomood. Ciidamadii baana sidii ay u kulaalaayeen xeebta badda gaaray deegaanka Oodow oo 8 KM u jirta Raaskambooni. Waxa ayna ku fekeraayeen inay halkaa isku diyaariyaan, oo iyaga oo diyaarsan, hubaysanna ay galaan Raaskambooni, dabna qabadsiiyaan. Balse, kolkay sidaa uga soo dega is dhaheen doomaha, waxaa hal mar ku shamuumay xabbado kala noocyo ah. Xabbadaha waxaa ku weeraray oo xogtooda ka sii warqabay meeshana ku sii diyaarsanaa ciidamada Guddoomiye Muxummad Fanax oo deegaankaan Oodow ka ilaalinayay Raaskambooni. Dib baana loo riixay, oo ay ugu carareen gunta hoose ee badda. Dib bayna u ruqaansadeen oo dhankaa iyo halkii ay ka xigtay Kismaayo abbaareen. Mar bayna berriga ku degeen intay sii socdeen, oo markaana waxa ay afka uga dhaceen deegaan al-Shabaab xukumaan oo mucaskar badan ay joogaan. Deegaankiina sidaa ay u garteen way ka soo noqdeen, waxa ayna garawsadeen inaysan Kismaayo gaari karin, halkaana al-Shabaab u fadhido, ee ay ku noqdaan dhankii ay markii hore ku jihaysnaayeen, toosna ay iskugu dhiibaan Ciidamada Guddoomiye Muxammad Fanax iyo Ciidamada Soomaaliyeed ee Gorgor & Haramcad ee Raaskambooni jooga. Sidii baana dhacday oo 150-kii askari, Taliyahoodii, iyo doomahoodiiba waxa ay isku dhiibeen Raaskambooni.
Ka gadaal 60 Askari oo ka tirsan guutada Hanqadh ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbalaan baa ka baxay oo laga diray Kismaayo. Balse, sidii kuwii ka horreeyay baa ku dhacday horintaan ciidan, taa oo ku jihaysay inuu dhexdooda khilaaf ka dhasho. 20 askari baa go'aansatay inay isku dhiibaan Ciidamada Raaskambooni jooga. Halka 40-kii kale oo uu ku jiro Taliyihii iyaga dhan hoggaaminaayay ay ku adkaysteen inay Kismaayo ku noqonayaan. Dagaal baana halkii ka dhici gaaray, oo difaacyada ayaa la kala xirtay. Wicitaan buuna Taliyihii horinta u diray Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbalaan, Maxamed Axmed Sabriye oo ku magacdheer Basaam. Waxa uuna Taliye Basaam ku amray inuu Taliye horinkii la soo noqdo 40-ka askari iyo cid kastaa oo kale oo inay soo noqoto ku qanacsan. 20-kiina fasax buu ku yiri, meeshay qabanayaan ha qabtaan e. Sidii baana dhacday oo 20-kii askarina waxa ay gaareen Raaskambooni oo ay isku dhiibeen.
Maalintaa wixii ka dambeeyayna, iska shakin ciidamada ah baa ka dhex qaraxday Kismaayo. Axmed-Madoobe-na waxa uu gaaray heer uu ka aaminbaxo qof walba, oo uu kala garan waayo kan uu aamini karo iyo kan uusan aamini karin. Saraakiil dhawr ah oo Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Nabadsugidda Jubbalaan ka tirsan baana laga shakiyay, oo xabsiyo la dhigay. Dhanka kale, difaaca ugu xigo ee dhanka Kismaayo xiga ee Ciidamada Guddoomiye Muxummad Fanax waxa uu yaallaa deegaanka Kudhaa, oo ay sida oo kalena ciidamada Daraawiishta Jubbalaanna joogaan. Labada ciidanba deegaankaa bay isla joogaan. Kudhaa, markii sidaa looga baxo ee dhanka Raaskambooni la aado, lana sii maro deegaanno ay ka mid yihiin Buurgaabo iyo Manaari waxaa ku keliyaystay oo xukuma Ciidamada Guddoomiye Muxummad Fanax. Raaskambooni-na waa halka ay joogaan Ciidamada Gorgor iyo Haramcad.
Dhanka kale, maalintii talaadada ahayd ee 26-dii Noofembar 2024 wixii ka dambeeyay waxaa billowday isku guurguurka iyo isku biirida ciidamada. Dhanka Dawladda Federaalka illaa hadda ciidamo kama tegin. Balse waxaa sidii dugsi arday laga soo dareeriyay looga soo dareerayaa dhanka Ciidamada Jubbalaan. Tiro iyo cadadna maleh ciidamada sida gooni goonida ah u soo goosanayo ee ku soo biirayo saldhigga Raaskambooni.
Ciidamadaa keli kelida iyo kooxo kooxaha u socdo markii laga tago, illaa hadda waxaa dhanka Dawladda Federaalka ku soo biiray Afar Taliye iyo Ciidamadoodii oo wada socda. Aynu u horreysiinnee, Khamiis 28-dii Nofembar 2024, waxaa muuqaallo soo duubay oo hawada mariyay Ciidamada Daraawiishta Jubbalaan ee ku sugan deegaanka Kulbiyow ee u dhexeeya Raaskambooni iyo Dhoobleey. Ciidamadan waxaa hoggaaminaayay oo taliye u ahaa Maxamed Cabdi Loobaan, kuna magacownaa Taliyaha Ammaanka Jubbalaan ee deegaanka Kulbiyow. Ciidamo keliyana ma aysan ahayn e, dadka Shacabka baa xitaa la jiray oo si cad uga soo horjeedsaday isdoorashada saddexaad ee Axmed-Madoobe.
29-kii Noofembar 2024, sidaa oo kale, waxaa Ciidamada Dawladda Federaalka ee Raaskambooni ku soo biiray Taliye Mukhtaar Maxamed Cabdi iyo Ciidamdiisa. Taliye Mukhtaar, waxa uu ku magacownaa Taliyihii ammaanka Jubbalaan ee deegaanka Buurgaabo. Isla kolkaa ay ciidamadii Taliye Mukhtaar banneeyeen deegaanka Buurgaabo, Jubbalaan waxa ay deegaankaa gaysay ciidamo cusub oo laga kala keenay saddex saldhig. Saddexda saldhig ee ciidamadaan cusub laga keenay oo kuwa Kismaayo laga ilaaliyo ah baa kala ahaa; Saldhigga Cabdille-Biroole oo dhaca ku aadka Koonfur-Galbeed Kismaayo, Saldhigga Buulo-Guduud oo dhaca Waqooyiga Kismaayo, iyo Saldhigga Janaa-Cabdalle oo dhaca Galbeedka Kismaayo. Waxaana ciidamadaan kolkii la keenayba Taliye looga dhigay Taliye Cabdi-Madoobe.
1-da Diisembar, 2024 waxaa sidaa oo kale ciidamada Dawladda Federaalka ee Raaskambooni jooga ku soo biiray 110 askari oo uu hoggaaminaayay Wardi Cabdille Cali. Taliye Wardi baa ku magacownaa Taliyihii ammaanka Jubbalaan ee deegaanka Kudhaa.
2-dii Diseembar, 2024 waxaa iyaguna Dawladda Federaalka ku biiray ciidamadii maalin ka hor saddexda saldhig ee Cabdalle-Biroole, Buulo-guduud, iyo Janaa-Cabdalle laga keenay ee Buurgaabo la geeyay. Ciidamadaan oo uu Taliye u ahaa Cabdi-Madoobe, gebigoodaba waa sii tallaabeen, oo dhankaa iyo Raaskambooni bay u tallaabeen.
Halkaan markii aynu joogno, waxaa xusid mudan inaynu xusno inay Jubbalaan weli saamayn ku leedahay deeggannada Buurgaabo iyo Kudhaa, si kasta oo ciidamadii u joogay ay dhanka kale ugu wareegeen. Sababtuna waa inuu weli deegaannadaan joogo oo saamayn ciidan ku leeyahay Taliye Maxamuud Maxamed oo loo garan ogyahay Maxamuud Dublin, kaas oo kor ka haysta dhammaan ciidamada daraawiishta Jubbalaan ee deeggannada Joorreey, deegaannadaa oo Buurgaabo iyo Kudhaa ka mid yihiin.
Dawladda Federaalka ee Ciidamadeedu joogaan Raaskambooni baa ku soo jiidanaysa Ciidamada Jubbalaan ballanqaadyo mushahar iyo dallacsiin. Halkaana waa halka laga galay mudane Axmed Maxamed Islaam oo shan iyo tobankaa sanno ee uu Kismaayo iyo Jubbalaan haystay ku faanayay inuu xoog ku haysto. Ninka xooggaa iyo ciidamadaa ku faanayay ma ahayn mid mushahar toosan siiya ciidamadiisa, mana ahayn nin ciidamadiisa u diwaangeliyay si nidaamsan oo dawladaysan. Waxayna arrintaasi u noqotay Dawladda Federaalku goljillic ay beegsato.
Dhanka kale, waxa ay u muuqataa qorshaha Dawladda ee ku aaddan ridista Axmed-Madoobe inuu xeeldheer yahay, oo waxyaabaha sidaas na tusinaayo waxaa ka mid ah; Ciidamo walba oo dhanka Jubbalaan ka yimaadda, kuna soo biira Dawladda Federaalka ah, in diyaarad horay laga saarayo oo loo qaadayo Xamar iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay halkaa ugu maraan nidaamkii ciidamaynta ee Dawladda Federaalka. Arrinkaa labo waxba waa uu inna tusinayaa, oo marka koowaad waxa uu inna tusinayaa dawladda Federaalku inay ka dhabbaynayso ballanqaadkeedii diiwaangelinta, mushahar siinta, iyo dallacsiinta ee ay u fidisay ciidan walba oo dhanka Jubbalaan ka yimaadda. Marka labaadna, waxa uu inna tusinayaa sida qorshaha dawladda ee ridista Axmed-Madoobe ku aaddan uu u yahay mid militari, oo aysan u rabin in laga rabsho, cid kalena ka soo dhexgasho.
Arrin kale oo isaguna isdultaagga mudan waa inaysan Dawladda Federaalku hadda xiiso u hayn inay qabsato deegaannada Buurgaabo iyo Kudhaa oo u dhow Raaskambooni kolka loo socdo dhankaa iyo Kismaayo. Waxa ayna u egtahay deeggannadani inay yihiin sidii shabaq ay Dawladda Federaalku dhigatay oo ciidan walba oo Jubbalaan keentaba ay uga dhiggan tahay sidii malaay shabaqa ugu soo dhacay, dhankeedana u soo wareegay.
Mar haddii aynu isla garannay Ciidamada Dawladda Federaalku inay degeen oo saldhig ka samaysteen Raaskambooni oo deegaan istiraatiiji ah, sidoo kalena, aynu aragnay sida difaaca ciidamadu u suggan yahay, waxa xigaa waa inaynu iswaydiinnaa waddadee xigta ee Dawladdu ku dhaqaaqaysaa?
Waxa ay ila tahay, labo waddo uun inay maantay dawladdu u furan tahay. Waddo walbaana waxa ay ku xiran tahay qorshaha ay dawladdu damacsan tahay. Maxaan sidaa ka wadaa? Aan hadalkayga jilciyo e, dawladdu haddii ay rabto inay durba gaarto Kismaayo oo durba halkaa dagaal kula gasho Axmed-Madoobe, calafkeedana qaadato waddo ayaa u furan. Dhanka kale, dawladdu haddii ay rabto inay taariikh samayso, oo wax cusub ku soo kordhiso is-haysadka Axmed-Madoobe iyo Dawladda Federaalka ah ee afartii ama shantii sannaba mar dhaca, waxaa iyadana u furan waddo kale.
Bal aynu sharraxno waddada koowaad. Dawladdu haddii ay rabto inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaarto Kismaayo, waxaa u furan inay doonyo shiraacato oo afka saarto xeebta Raaskambooni illaa deegaanka Istaanbuul. Halkaana doonyaha uga degto oo isticmaalka berriga ka billowdo, sidaasna ugu jihaysato Buulo Xaaji iyo Cabdalle-Biroole oo meelaha Kismaayo laga ilaaliyo ah, sidaana ku gaarto Kismaayo. Waxaa se halkaa dawladda uga baxaayo dhiig iyo dhaqaale qulqul badan.
Waddada labaad ee ay se dawladdu taariikhda iyo magaca ku samayn kartaa waa inay ka soo fogaato Kismaayo. Hadda Raaskambooni oo dhanka badda 190 km u jirta Kismaayo bay joogtaayee, waa inay dib u sii duruqto. Tolow xagee bay dib uga durki? Dawladdu waxa ay raaci waddada Raaskambooni ka baxda ee aadda Kulbiyow. Ciidamada dawladda marka ay Kulbiyow joogaanna, waxaa dhanka bari ka xiga degmada Badhaadhe. Degmadaa oo mar ay Jubbalaan xorraysay kaddibna ay dib uga soo baxday, bay qayb ciidamada dawladda ka mid ah xorrayni iyaga oo ka degaayo jidkaa dheer ee Kulbiyow. Halka qaybta kale ee ciidamada dawladdu ay ku sii taagnaanayaan jidka Kulbiyow illaa ay gaaraan Dhoobleey. Ciidamada Daraawiishta Jubbalaan ee Dhoobleey joogana, way ku qasbanaan doonaan inay ku soo biiraan dabaysha Dawladda Federaalku hoggaaminayso, illeen haddaba xuquuq iyo mushahaar toosan oo iskuhallayn leh kama helaan Axmed-Madoobe e. Haddii dawladdu gaarto oo qabsato Dhoobleey-na, Afmadow way haysataa. Halkaa mar haddii ay dawladdu gaartana, lixda degmo ee gobolka Jubbada Hoose, saddex degmo bay haysataa, kuwaas oo kala ah: Badhaadhe, Afmadow, iyo Dhoobleey. Waxaana u haraya Kismaayo oo Xaruntii Kumeelgaarka ahayd ee Jubbalaan iyo Xagar iyo Jamaame oo ay haystaan al-Shabaab, muhiimna maantay aan ugu ahayn qorshahaan gaarka ah ee dawladdu xukunka Axmed-Madoobe inay ku tirtirto ay rabto. Balse, waddadan labaad waqti dheer bay ku qaadan kartaa dawladda, waqtigaa oo wadne-kurkur iyo dhiigkar ugu filan Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), Sheekhii shan iyo tobanka sanno lixlada ku soo haystay Kismaayo iyo guud ahaan Jubbalaan.