Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Raadraaca Waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika

23 April, 2025
Image
islamic education in africa
Share

Waxa jira buuggag marka ay soo baxaan ujeedkoodu aanu ahayn keliya in ay wax ku biiriyaan aqoon iyo ogaal hore u sii jiray, balse, kaalintoodu tahay in ay dabarka ka jaraan arrin muddo laga aamusnaa oo lama taabtaan ahayd. Waa buuggag gilgila dhaqamada soo jireenka ka dhex ah akadamiyadaha, albaab cusub oo fekerna u fura mawduucyo muddo dheer la iska indho tiri jiray, amaba u afduubnaa wax hore looga yidhi oo aan dib loo eegin. Waxa tilmaamahan yeelan kara buugga koox qorayaal ahi soo saareen sannadkii 2016, ee cinwaankiisu yahay “Waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika: Looxyada Quraanka iyo Sabuuradaha”. Waxa korjoogtaynta buugga leh Robert Launay, waxaana isugu tagay antaraboolajiyiin, taariikhyahanno iyo cilmibaadhayaal sayniska iyo siyaasadda ah oo wax ka qora mawduuca waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika. Waa buug qoraal dhiirran soo gudbinaya oo carinaya baadhisaha kale ee mustashriqiinta. Waa buug wax iska wayddiinaya falanqaynaha iyo faallooyinka Afrika lagu soo waarido ee aan metelin, garna siinaya caqlaaniyadda gudaha Afrika.

Innaga oo xagashan ka duulayna, waxa aynnu buuggan akhrin doonnaa innaga oo u tixgalinayna mid kaalin miisaan leh ka qaatay raadraaca aqoonta iyo falsafadda kala aragti duwanaanta. Waa dhigane aan ku koobnayn deraasadda waxa uu baadhayo, se w ka qaybqaadanayaa furfuridda iyo kala daadinta sawirro soo jireen ah oo Afrika laga qaatay, waxaanu samaynayaa isbarbardhig dhiirran.

Waa buug ka kooban maqaallo xul ah, oo si farshaxan leh isugu xidhaya sooyaalka iyo raadraaca isir, si uu usoo bandhigo waxbarashada hodanka ah ee Islaamiga ah ee Afrika. Waa maqaallo laga soo xulay saddex kalfadhi aqooneed oo Jamciyadda Cilmibaadhisaha Afrika qabatay sannadkii 2009. Waxqabadkani waa mid miisaan culus leh, sababtoo ah waxa uu saxayaa mala’awaallo khaldan, ilaa haddana caan ah, oo laga haysto Islaamka Afrika; waa mala’awaalka ah in Islaamka madaw ee Afriki ka leexday asalka iyo wanaagga Islaamka ee kootada loogu xidhay Bariga Dhexe.

Maqaal kasta oo buuggan ka mid ahi waxa uu soo bandhigayaa sida culimada iyo ardaydooda qaaradda afrika kaalin uga qaataan, ugana qaadan jireen, soo saaridda iyo ilaalinta “dhaxal Islaami ah oo qotodheer”. Maqaalladu waxa kale oo ay soo bandhigayaan sida mu’assasaadka waxbarasho ee kaalintan lihi ugu egyihiin, ulana mid yihiin, kuwa kale ee ka jira dunida kale ee Islaamka, oo ay soo guda galayaan uun dallada ballaadhan ee Islaamka.

Robert Launay, waxa uu hordhaca buugga isku barbardhigayaa looxyadii malcaamadaha Suudaan ee soo jireenka ahi adeegsan jireen iyo sabuuradaha cusub ee hadda dugsiyada lagu adeegsado. Waa isbarbardhig muujinaya in agabkaas Afrika laga adeegsanayey ay ku kaydsanyihiin caddaymo aqooneed. Agab kastaa sidiisa ayaa uu u soo saaraa duruufo iyo habdhaqanno kala duwan, oo ka qayb qaata samaysanka ardayga.

Waxa kale oo buuggani soo bandhigayaa sida waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika ula falgashay siyaasadihii gumaysiga, iyada oo la ogyahay kala duwanaanta manhajyadii gumaysiga, sida Faransiiska, Ingiriiska, Biljimka iyo Burtaqiiska.

Buuggu,  waxa uu ka koobanyahay afar qaybood. Qaybta koowaad oo ay wax ku darsadeen Tal Tamari, Corinne Fortier iyo Muxammed Sani Cumar. Waa qayb qaadaadhigaysa hababkii waxbarashada soo jireenka ahayd ee Islaamiga ahayd ee dalalka Maali, Gini, Gaambiya, Muritaaniya iyo Nayjeeriya. Waa qoraallo daaha ka qaadaya hannaan waxbarasho oo xooggan, jiritaankiisana ilaashaday qarniyo, lahaana habab kala duwan oo barbaarin ah oo ku salaysan habnololeedka maxalliga ah ee kala duwan. Kala duwanaanta hababka ka sokow, haddana waxa uu ahaa nidaam waxbarasho oo wax wadaaga, salna ku wada aroora, oo ah in ardayga loo gudbiyo fahan saxan oo nusuusta diiniga ah.

Qaybta labaad ee buuggu waxa ay u kuurgalaysaa isbeddelkii ku yimid xarumaha waxbarashada Islaamiga ah xilligii gumaystaha iyo kaddiba, iyada oo tusaale loo soo qaadanayo xaaladihii ka jiray gobollo ku kala yaalla Musambiig, Waqooyiga Nayjeeriya, Sanjibaar iyo Koongo. Maamulladii Burtaqiiska iyo Biljamka ee joogay Musambiig iyo Koongo waxa ay ka hawlgaleen dabarjaridda waxbarashada Islaamiga ah si ay booska ugu banneeyaan dugsiyadii kiristaamaynta, oo ku biiritaankooda shardi uga dhigay in ardaygu qaato Kiristaanka . Tani waxa ay keentay in culimada Islaamku gebi ahaanba ka baxaan giraanta waxbarashada rasmiga ah. Taas cagsigeeda, maamulladii Ingiriisku waxa ay raaceen siyaasad taas hore ka furfuran, oo waxbarashada Islaamiga ah waxa ay ku dareen qaar ka mid ah dugsiyada ay maalgeliyaan. Maqaalladani waxa ay soo bandhigayaan waxbarasho kala duwanaan iyo tartan ka dhexeeyey, aabbayaasha muslimka ahna fursad u siinaysay kala doorashada waxbarashadaas kala gadisan, waana waxa ka qayb qaatay samaysanka xarumo waxbarasho oo kala aragti ah iyo tijaabooyin cusub oo weli horumar ku socdo.

Qaybta saddexaad ee buugga waxa cinwaan u ah “Hal-abuurka iyo Tijaabooyinka”, waana cinwaan si dhab ah u metelaya afarta maqaal ee ku gudo jira. Sheekh Anta Babou iyo Rudiger Seesemann waxa ay qaadaadhigayaan dib uga fekeridda xidhiidh ka dhaxaysiinta soo jireenka ah ee “dhaxalkii hore” iyo “cusboonaysiinta casriga ah”. Waxa ay soo qaadanayaan habab waxbarasho oo heersare ah oo hore uga jiray xarumo waxbarasho oo Suufiyadu lahayd, se inta badan loo arko hannaan cusub oo casriyawgu keenay, horena aan u jirin. Labada qoraa waxay sharraxayaan sida barbaariyayaal Suufiyo ahi gacan uga gaysteen horumarinta barbaarinta iyo waxbarashada xarumo ku yaallay Sinigaal iyo Kiiniya, si garaad sare lehna ay ula falgaleen casriyawgii gumaysigu watay.

Hababkaas barbaarinta iyo waxbarasho waxa ay dumarka fursad u siisay in loo dhiso xarumo u gaar ah, iyo in ay kansho u helaan kaallintooda iyo ka qaybqaadashada waxyaabo ragga u xidhnaa. Ousseina D. Alidou iyo Abdoulaye Sounaye oo si gaar ah ugu kuurgalaya haweenkii barbaarinta ka shaqaynayey ee Kiiniya iyo Nayjar, waxa ay soo bandhigeen isbeddelka ku yimi aqoonta ka dib soo ifbaxa noocan cusub ee macallimiinta ah, kala geddisanaanta maaddooyinka waxbarasho iyo isbeddelka ku yimi hababka dhambalashada iyo fahanka ee aqoonta Islaamka.

Qaybta afaraad ee ugu dambaysa, oo koobsanaysa maqaallada Robert Launay, Rudolph T. Ware, Benjamin F. Soares iyo Noah Butler, waxa ay diiradda saaraysaa muhiimadda aqoonsiga kala duwanaanta hababka aqoonta, waxaanay dhaliilaysaa aragtiyaha barkumataalka ah eeg u raadaysan aydhiyoolajiyadaha casriyeynta. Qaybtani waxa ay badka keenaysaa sida warbaahinta casriga ahi uga qayb qaadatay soo ifbaxa shakhsiyado Islaam ah, oo badanka ku tilmaaman dhaqanka Suufiyada.

Wadanoolaanshahan ka dhex jira noocyo aqooneed oo kala duwan, waxa uu ardayda u suurogalinayaa in ay si fudud oo madaxbannaan ugu kala gudbaan xarumo waxbarasho oo kala duwan, oo sida uu Noah Butler ku xusayo maqaalkiisa gunaanadka ah, habkani waxa uu dhalinayaa in fekerro cusubi dhashaan.

Fufurka Aragtiyo Galbeedaysan oo lama taabtaan ah

Muran kuma jiro in buuggani yahay isku day dhiirran oo dib u qiimayn iyo dib u qorid lagu samaynayo waxbarashada Islaamiga ah, si xerudhalan ahna loo diraaseeyo, oo ah si ka durugsan sawirkii soo jireenka ahaa ee laga bixin jiray waxbarashadan. Robert Launay, laga soo bilaabo hordhaca buugga ilaa maqaalkiisa qaybta gunaanadka ah, waxa uu dhaliilayaa dheef ka raadinta la geliyey malcaamadaha Qur’aanka iyo aragtiyaha aan xerudhalanka ahayn ee lagu lammaaniyey, kaalintoodiina hoos u dhigay.

Qofka buugga akhriyaa waxa uu si wanaagsan u fahmayaa  sida ay u fududahay in si fudud loo kala sooco dugsiyada soo jireenka ah iyo dugsiyada casriga ah. Sideedaba waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika weligeedba waxa ay ahayd mid hor u socod ah, oo waxyaabo badan la falgasha, mar ay dagaal ku jirto iyo mar ay hal-abuur yeelataba, waxaanay mar kasta dhinac socotay habab kale oo waxbarasho oo ka geddisan; kuwii gumaysiga iyo kuwo kaleba. Sidaas darteed, buuggani waa mid dhaafsiisan aragtiyihii raadraac ee cilmibaadhisihii hore, albaabna u furaya fahanka isbeddellada bulsho.

Intaas ka sokow, buuggu waxa uu deraasaynayaa, daahana ka qaadayaa heerka saamaynta waxbarashada Islaamiga ah jidh ahaan iyo maaddi ahaanba ay leedahay; looxyada dhirta laga qoray, dhaqdhaqaaqa jidheed ee marka wax la xifdinayo iyo hababka loo fadhiisanayo fasalladii soo jireenka ahaa. Sidaas darteed, buuggu waa raadraac dhammaystiran oo qotodheer.

Dunidii ka dambaysay gumaysiga, suurogal ma aha in meesha laga saaro xidhiidhka ka dhexeeya awoodda iyo waxbarashada. Buuggani waxa uu raadraac qotodheer ku samaynayaa sida hababkii waxbarashada Islaamiga ahi ugu saamaysmeen faragashagii ajnabiga ee joogtada ahaa, markastana khasbayay qaadashada hab cusub oo waxbarasho.

Hase ahaatee dadkii ka qayb qaadanayey waxbarashada Islaamiga ahi may ahayn dad iska qaata waxa loo yeedhiyo, se waxa uu buuggu badka soo dhigayaa qaababkii ay dadkaasi uga hortageen, iska caabbinta u sameeyeen, gorgortanka u galeen, ama ay qaab kale u dhigeen hal abuurkoodii, waana waxa dugsiyada Islaamiga ah ku keenay isbeddello qotodheer oo gun iyo baar ah. Waa isbeddel aanu ogaan karin qofka si indhobeelnimo ah ku qaata hadallada aan shaandhaysnayn ee reer Galbeedku ka sheegeen waxbarashadan. Waxa ay ahayd waxbarasho markasta isu qaabaynaysay in ay hab cusub qaadato, isbeddel kastana la jaanqaaddo.

U kuurgalka qaddiyadaha bulsho iyo taariikh-nololeedku waa dhinacyo ka mid ah kuwa hal abuurka ka mid ah. Sida ku qoran buugga, dumarka oo waxbarashada soo jireenka ah aan kaalin ku lahayn, waxa ay waxbarashada Islaamiga ah ee Afrika heleen kaalintooda, waxaanay ahaayeen mucallimiin iyo barbaarisooyin. Sida ku cad sheekada Soofiya oo Gini ahayd iyo Banda oo Maali ahayd, buuggani waxa uu u kuurgalayaa kaalintii dumarka oo aan keliya macallimiin noqon, ee xitaa aragtiyo iyo mashaariic qayb ku lahaa.

Raadraaca buuggani samaynayaa waa mid la hadlaya nafta oo qofka fursad u siinaya in uu wax abla’ableeyo, macnona kala soo dhex baxo. Maaha buug keliya soo ururiyey cilmibaadhaso hore, se waa feker cusub oo ah qaadhaan lagu darsaday antaraboolajiga, oo u dhug leh caqlaaniyadda, kala duwanaanshaha iyo ixtaxgalinta. Waxa uu shaqadiisii saxda ahayd usoo celinayaa antaraboolajiga ee ahayd in wax la fahmo ka hor intaan laga hadal, oo wax la fasiro intaan wax la isku ladhin.

Farriinta qotodadheer ee buuggani sidaa waa in waxbarashadii Islaamiga ahayd ee Afrika ka duwanayn casriyowga waxbarashada, oo aanay ahayn wax tagtadii ku abaaday, se ay tahay tijaabo aadame oo jaadgoonni ah, oo u baahan in la fahmo asalkeeda.

Buuggan laguma tilmaamo kari mid mawduuciisa uun ku kooban, ee waa mid fahanbixin ka samaynaya antaraboolajiga waxbarasho iyo diimaha guud ahaan. Waxa uu dhegaysanayaa sheekooyinka gudeed ee dadku iska werinayaan, waxaanu iska dhaafayaa sheekooyinka barkumataalka ah ee dadka kale ka tabiyaan.