Wednesday 19 November 2025
Geeddiga Raadiyow Hargeysa waxa uu soo bilaabmay 1941-kii, kolkaas oo xarunteedii koowaad laga taagay meel la dhaho Taardheer oo ah goob imika ka tirsan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland, Hargeysa. Ka dib markii Ingiriisku uu Talyaaniga dib ugala wareegay Somaliland, Dagaalkii Labaad ee Dunida, xarunta idaacaddu waxa ay bilawgii ku hawlgalaysay qalab warlalin oo aad u hooseeya, oo leh awoodda boqol waat, ujeedkuna waxa uu ahaa in idaacaddu ay u adeegto ciidamadii Ingiriiska ee magaalada degganaa.
Sannad gudihii, xaruntii idaacadda waxa lagu sameeyey isbeddelkii ugu horreeyey. Sannadkii 1942-kii, kolkaas oo idaacadda lagu waday tijaabo, iyadoo sidata magacii “Idaacadda Goodir”, waxa la ballaadhiyey awoodda qalabkii warlalinta, iyadoo la gaadhsiiyey heer si toos ah dib loogu soo celiyo wararka BBC-da oo lagu akhrinayo afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga, loona dan lahaa in bulshada deegaanka la gaadhsiiyo farriimaha.
Sannadkii 1945-kii, magacii waxa loo beddelay “Hargeysa, Idaacadda Soomaaliga”, sidaasna waxa ay ku noqotay idaacaddii koowaad ee Soomaali ku hadasha, barnaamijyo toos ahna tebisa. Awooddii qalabka warlalinta waxa laga dallacsiiyey 600 oo waat oo uu ahaa, waxaana la gaadhsiiyey ilaa hal kiiloowaat. Maxamed Cali Weji, masuul sare iyo weriye weyn oo Idaacadda Hargeysa soo ahaa ayaa yidhi: “Dhismaha idaacadda Hargeysa waxa la dhisay 1953-kii. Kolkaas, bulshadu waxa ay idaacadda u arki jireen wax cusub, anfariir ku ah, oo xitaa salaadda dhexdeeda wax laga ducaysto ahaa”. Kolkan idaacaddu waxa ay usoo guurtay xaruunteeda ay saldhigan doonto wixii intaas ka dambeeyey, magac ahaanna waxa ay saldhigatay Idaacadda Hargeysa, sidan ayaanay isaga gudubtay xarun yar oo dagaal tebineed ilaa xarun waxbarid iyo wacyigalineed.
Geeddiga Idaacadda Hargeysa waxa uu soo bilawday 1941-kii oo ay xarunteedu ahayd Taardheer, sannad ka dib waxa loo bixiyay ‘Idaacadda Goodir’, saddex sano ka dibna (1945) ayaa loo beddelay ‘Hargeysa, Idaacadda Soomaaliga’, ugu dambeynna 1953-kii ayaa ay qaadatay magaca ‘Idaacadda Hargeysa’. Muddadaas, idaacaddii yarayd ee loogu talagalay ciidanku waxa ay noqotay isha xogta, fanka iyo waxbarashada ee bulshada
Judhiiba, Idaacadda Hargeysa waxa ay fagaare firfircoon oo ay kusoo hirtaan u noqotay hooballadii, abwaannadii iyo muusigaystayaashii Soomaalida, si ay hibadooda ugu soo bandhigaan. Idaacaddu waxa ay ilaalisay muusiggii iyo heesihii jacayl ee la dhiteeyey ama la duubay, waxaanay usoo gubdinaysay facac kala duwan, isla wakhitaganna waxa ay xoojinaysay farriimaha siyaasadeed iyo wacyigelinta guud.
Sannadihii hore ee idaacadda, kolkaas oo helidda raadhiyowgu ahaa dhif iyo ka badbadin, waxa ay Idaacadda Hargeysa ahayd codka keliya iyo isha keliya ee barnaamijyo toos ah. Suququlka raadiyowyadu waxa ay abuureen in si wadar ah loo dhegaysto idaacadda, oo dad badan ayaa fagaarayaasha isugu soo bixi jiray, sida Suuqa Xero-Hadhuudha, si ay uga qaybgalaan tebinta tooska ah ee idaacadda. Tebin kastaa mid dhacdo ku suntan ayay ahayd, oo maad, war, hees iyo waddaniyadba leh. Wakhtigu wax uu socdaba, Idaacadda Hargeysa waxa ay noqotay barkulanka codadka, meel aqoonsi bulsho laga helo, oo hiddaha Somaliland-tii curdinka ahayd saldhig u noqota.
Badhtamihii afartanaadka ee qarnigii hore, waxa dhashay kacaankii fan ee ugu weynaa [Soomaaliga]; kacaankii Balwo. Waa Muusig la casriyeeyey oo lagu tumay qalab muusig oo durbaankii soojireenka ahaa dhaafsan. Fannaaniintii wakhtigaasi waxa ay u halgameen xorriyadda faneed, iyagoo isku dhex waday hal’abuurnimada iyo ilaalinta dhaqanka bulsho. Facii dhallinyarada ahaa waa ay la jaanqaadeen isbeddelkan, halka odayada dhaqan iyo wadaaddadu u arkeen caqabad dhaqan oo hor leh.
Xilligani waa kolkii kala wareegga rasmiga ahi dhacay. Kacaanka Balwo waxa uu ku bilaabmay codka nin keli ah; Cabdi-Sinimoo oo gobolka Awdal ku sugnaa, waxa uu u gudbay Jabuuti, ugu dambayna waxa uu saldhigtay Hargeysa oo judhiiba noqotay hoyga fanka iyo muusigga Soomaaliga. Seeskan dhigmay ayaa ay laxamadii qaraamigu kasoo burqadeen, oo sidaasna kusoo baxay Cabdillaahi Qarshe. Hal’abuurkiisa laxamada qaraamiga ah ayaa gundhig u noqday muusigga Soomaalida, Idaacadda Hargeysana waxa ay noqotay xuddunta kulmisa dhammaan muusigaystayaashaas iyo hooballadaas ee ay kusoo bandhigaan bandhigyadooda faneed.
Kulan lala yeeshay hoobalkii iyo mullaxamaystihii weynaa ee Maxamed Siciid – Gu’roon-Jire oo ahaa fannaankii ugu horreeyey ee Idaacadda Hargeysa ka heesa, waxa uu xaqiijiyey kaalinta weyn ee ay idaacaddani ugu jirtay, iyadoo aanay jirin idaacad kale oo Soomaali ah oo la mid ah midda Hargeysa. Arrinkani waxa uu xoojinayaa kaalintii Idaacadda Hargeysa ee ahayd idaacaddii koowaad ee warbaahin af Soomaali ku hadasha ah, Geeska Afrika oo dhan, xarunna u noqotay muusigga iyo dhaqanka Soomaalida ee casriga ah.
Gu’roon-Jire oo kacaankaas faneed ka sheekaynaya, waxa uu tilmaamayaa in, walow dhallinyaradu soo dhawaysay hanaqaadkaas muusig ee cusub una sacabbiyeen, haddana dadka waaweyn qaarkood ay bilawgii u arkeen wax khilaafsan qiyamka Islaamiga ah. Hase ahaatee, muddo ka dib, Idaacadda Hargeysa ayaa kaalin weyn ka qaadatay waxbaridda, heer dadkii oo dhammi ugu dambayn qaddariyeen qiimaha dhaqan iyo bulsho ee muusigga, oo wixii loo arkayey caqabad dhaqan loo beddelay hab ka mid ah hababka cabbiraadda waddaniyadda.
Idaacadda Hageysa waxa ay kaalin udub-dhexaad ah ka qaadatay curashada iyo taabbagalka fanka casriga ah ee Sooomaaliga, waxana y noqotay meesha uu codkoodu ka soo baxay dhammaan hooballadii horbaxa ahaa ee Soomaalida
Idaacaddani kolkii ay si dhammaystiran u hawlgashay, waxa ay buuxisay boos weyn oo dhaqan, waxay kaalin weyn oo gundhig ah u noqotay fanka Soomaalida ee cusub, waxaanay ilaalisay dhaxalka muusig ee dalka. Waxa istuudiyaasheeda isugu yimi hooballo iyo muusigaystayaal badan, waxaana hanaqaaday kacaan faneed oo la bilaabmay kooxdii Walaalaha Hargeysa ee badhtamihii kontonaadkii qarnigii hore. Kooxdan waxa aasaasay Cabdilaahi Maxamed Maxamuud – Qarshe, oo dadka qaar u arkaan aabbaha muusigga cusub ee Somaliland, sidoo kalena loo tixgaliyo ciddii koowaad ee tunta muusigga Soomaalida, isagoo adeegsanaya kabanka.
Kooxdan waxa kale oo aasaasayaasha ka mid ahaa Maxamed Siciid – Gu’roon-Jire, Xuseen Aw Faarax iyo fannaaniin kale oo waaweyn. In kastoo inta badan mawjaddii koowaad ee muusigga Soomaalida loo tiiriyo muusigii Balwo, haddana inta badan aaladaha muusigga ee muddadaa ka horreeyey waxa tumi jiray Carab iyo Hindi.
Idaacadda Hargeysa waxa ay kaalin weyn ka qaadatay kacaankii iyo hanaqaadkii muusigga Soomaaliga oo badhaxtiran, waxaanay hoy u noqotay hibooyin cusub oo maxalli ah, waxa kale oo ay fagaare u noqotay horumarka fanka iyo muusigga Soomaalida, oo ay ku jirto riwaayaddii ugu horraysay ee Soomaali ahi. Kaalintan weyn ka dib, idaacadda waxa uu burbur laxaad lehi soo gaadhay intii dagaalkii dambe. Waxa burburay qalabkii idaacadda oo uu ku jiro qalabkii ugu muhiimsanaa warlalinta iyo tiro aan lasoo koobi karin oo kaydkii duubnaa ah. Khasaarahan weyn marka laga yimaaddo, haddana idaacaddu weli way sii wadday kaalinta ay bulshada ugu jirtay.
Waraysi 1994-kii lala yeeshay Maxamed Maxamuud Xasan, Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta, waxa uu ka sheekeeyey caqabadaha waaweyn ee idaacadda haystay wixii dagaalka ka dambeeyey. Waxa uu sheegay in idaacaddu ku khasbanaatay in ay ku shaqayso qalab warlalin oo awooddiisu tahay 700 waat oo keliya, arrinkan oo caqabad weyn ku ahaa wartebinteeda, halka qalabkii warlalinta ugu muhiimsanaa oo lahaa awood 10 kiiloowaat uu xumaaday, burburka awgii, iyo maqnaanta qalab dayactir. Isla waraysigaas, Agaasimihii Idaacadda xilligaas, Maxamed Siciid Maxamuud, waxa uu sheegay in idaacaddu kolkan xoogga saaraysay barnaamijyada wacyigalinta nabadda, xilligaas oo burburkii dagaal badhtanka loogu jiray. Waxa soo jiidasho leh, in kaydkii idaacadda – oo koobsanaya kumannaan cajaladood oo muusiggii qiimaha lahaa iyo dhaqankii ah – uu dagaalkii ka badbaaday. Hase ahaatee, culaysyadani waxa ay ahaayeen kuwo aan joogto ahayn. Dedaalladii joogtada ahaa awgood, idaacaddii Hargeysa si tartiib ah ayaa ay dib ugu soo laabatay, waxaanay soo ceshatay awooddeedii idaacadeed. Mar kale ayay noqotay cod hormuud ah, si weyn u faafa, oo gobollada kala duwan ee Somaliland oo dhan gaadha.
Waxa xiiso leh in idaacadda Hargeysa ka ballaadhnayd keliya meel warka laga tebiyo amaba lagu madaddaasho, ee ay ahayd haayad faneed oo isku qoofalan, barnaamij kasta oo ka baxaana uu lahaa muusig jaadgoonni u ah. Waxa caan baxay adeegsiga idaacadda ee muusig u asal ah oo si gaar ah loogu sameeyey, tanoo sheegaysa kaalinteeda faneed iyo dhaqan iyo in aanay ku koobnayn idaacad wartebin. Waxa tusaale ah dhegaystayaasha idaacaddan oo 7:30 subaxnimo si ashqaraar leh u dhegaysta codkii Maxamed Axmed Kuluc oo ku heesaya “Wallee nin hurdow, hallowday dantaa, Hadhawna dib looma heli karo’eey”.
Waxa kale oo xusuus mudan heestii lagu afmeeri jiray ee ahayd “Waan hoyanayaaye, habeen wanaagsan”, oo ah iyana hees kale oo aan la illaawi karin. Heestan gaaban, walow ay ereyo soojiidasho leh qani ku tahay, oo uu qaaday kamanle iyo hoobalkii weynaa ee Rashiid Bullo, waxa loo doortay in ay noqoto heesta gunaanadka looga dhigo idaacadda, ka dib markii tartan loo qabtay hooballada, badhtamihii kontonaadkii qarnigii tagay.
Shaqada kala doorashada heesaha furitaanku waxa ay gungidh u ahayd falsafadda barnaamijyada idaacadda, arrinkan oo muujinaya sida muusigga looga dhigay seeska koowaad ee bulshada lagula falgalo. Tusaale ahaan, barnaamijka “Hooyada iyo Dhallaanka”, waxa ay Cabdillaahi Qarshe iyo kooxdiisu u sameeyeen heesta “Hooyada wanaagsani, ubadka way hagaajisaa”, waxa kale oo la mid ah barnaamijka “Dhaqaalaha” oo lagu furo heesta Kuluc iyo kooxdiisa oo ku heesaya: “Dhaqaalaheenna, in aynnu dhawrnaa, nolosheennu ku dhisantee”.
Xitaa barnaamijka caafimaadka ama qoysku, mid kastaaba waxa uu lahaa muusig u gaar ah. Tusaalayaashani waa kuwo caddaynaya iskuxidhnaanta gudeed ee idaacadda iyo sida idaacadda iyo fanku isula jaanqaadeen. Waxa ay idaacaddu hormuud u ahayd tebinta tooska ah ee muusigga looga dan leeyahay wacyigelinta bulsheed, waxaanay ahayd wacyigelin aan mid loo dhigaa jirin.
Si ka duwan baraha bulshada ee cusub ee lagu dhaliilo kala kaxaynta iyo kala qaybinta, Idaacadda Hargeysa waxa ay gundhig iyo sees siisay fanka Soomaaliga oo ka dhigtay bartuu ku raad bartay, waxa kale oo idaacaddu ka qayb qaadatay baraaruggii faneed ee badhtamihii qarnigii labaatanaad dhex jibaaxay Soomaalida. Waxa intaas dheer in idaacaddu il xooggan u noqotay muusigga qaraamiga ah ee waxbaridda, siiba heesta Xasan Sheekh Muumin ee waartay, oo uu ku luuqeeyey Maxamed Mooge, “Waxaan ahay waadiga dugsiyada”, iyo heesta Qarshe ee “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”. Heesahani waxa ay xambaarsanaayeen farriimo waxbarasho oo xoog badan, jiilal badanna hagay. Subax walba, Idaacadda Hargeysa waxa ay dhegaystayaasheeda ku dhiirrigelinaysay qiimaha waxbarashada, waxaanay u sheegaysay in ay sees u tahay horumarka.
Muusigani waxa uu figtiisa gaadhi jiray bisha Ramadaan, kolkaas oo idaacaddu soo dayn jirtay heeso xul ah oo ereyo qurxoon. Waa heeso iyo barnaamijyo u gaar ah bisha Ramadaan, oo jawiga soonkuna ku sii biirin jiray jawi ruuxeed oo gooni ah. Maalinka koowaad ee bishan, dhegaystayaashu waxa ay ku raaxaystaan codka Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku heesaya “Bishii Ramadaaneey, salaamu calaykum”, isla gebogebada bishana waxa mar kale la dhegaystaa isla Tubeec oo ku heesaya “Socotaye, socotaye yaa Ramadaan, salaama salaama yaa Ramadaan”.
Heesaha kale ee xusuusta weyn leh, waa Cismaan Gacanlow iyo kooxdiisii Walaalaha Hargeysa oo ku heesaya “Bisha soon xurmeeyoo ..”. Waxa jirta hees kale iyo luuq kale oo xusuusteeda weyn leh, waa codka Maxamed Yuusuf Cabdi iyo heesta “Soonka doobirtiisa, noogu dambidhaaf”. Waxa kasii ashqaraar badan wax kasta oo kale, codadka Guduudocarwo iyo Maandeeq, oo sida qurxoon ugu luuqaynaya ereyada Maxamed Cumar – Huryo ee “Cuna, cuna, Cuna, cuna, cabba oo cuna”. Muusigan kalaasiga ah ee dhammayska tiran, ee sida gaarka ah loo maqli jiray bisha Ramadaan, waxa uu sheegayaa in Idaacadda Hargeysa aanay xitaa ku koobnayn aqoonsiga dal, ee sidoo kale ay nolosha qofka ula falgashay ruux ahaan. Dhammaadka bisha Ramadaan, Idaacadda Hargeysa waxa ay u dabbaaldegi jirtay Ciidda Fidriga oo heeso u gooni ah lasoo dayn jiray, sida heestii Rashiid Bullo “Annaguna ciidnay e, idinkuna ciida”, heestii Maxamed Yuusuf “Waa ciid”, iyo heesta Tubeec ee caanka ah “Alla maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan”. Dhammaan waa heeso ka tarjumaya farxadda ciidda.
Idaacaddu waxa kale oo ay muusig iyo heeso u gaar ah usii daysay xorriyaddii iyo waddaniyadda. Hargeysa oo lagu yaqaan magaalo nooc kasta oo muusig ah lagu dabbaaldego, siiba waxa ay caan ku noqotay heesaha la xidhiidha xorriyadda 26-kii Juun, oo ah maalinka Somaliland xornimada qaadatay. Heesahan kalaasiga ah waxa ka mid ah heesta “Aan maalno hasheena Maandeeq” ee uu curiyey Saxardiid Maxamed – Jabiye, waana heesta ugu caansan heesaha xornimada ee dhammaan muusiga Soomaalida, iyada iyo heesta kale ee Maxamed Yuusuf ee “Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee, calankaan dhidbay soo ma soo dhicin”.
Idaacadda Hargeysa waxa ay waarisay codad, laxanno iyo heesho ay, in badan oo ka mid ahi, ku milmeen jiraalka iyo nafsadda qofka Soomaaliga ah, gaar ahaan Reer Hargeysa – waxa uu qof kaste oo dhegeysan jiray idaacaddu xusuustaa laxannadii iyo erayadii munaasibadaha gaarka ah, heesihii aroornimo iyo kuwii sii hoyashada idaacadda
Barnaamijyadan awgood waxa ay Idaacadda Hargeysa kaalin udubdhexaad ah ka qaadatay horumarkii muusigga Soomaaliga ee cusub iyo hodmintiisa. Waxa ay noqotay fagaare hooballada u saamaxa soo gudbinta hibadooda oo ay bulshada ka gaadhaan. Arrinkani waxa uu ka qayb qaatay dhisidda dhaxal muusig oo ilaa hadda jiilashan haga, nolosha bulsheedna la falgalay, xusuus iyo baraarugna qayb ku leh.