Thursday 22 January 2026
Waxa muuqata in iskudayga Getachew Reda ee iskudheellitirka xejisashada kaalinta siyaasadeed iyo sarkaxaadinta hadalka ay ku hoos jirto halis dhab ah oo lagu caadiyeynayo ka baxsashada ciqaabta ku habboon burburintii gobolka Tigrayga. Sarkaxaadinta hadalku waa mid masuuliyadda lagu dafiri karo, laguna furan karo albaab cusub oo siyaasadeed, se waa mid loo sadqaynayo xaqii dhibbaneyaasha ilaa hadda dhibtooda aan loo qirin.
Barnaamijka “Is-horfadhiisi” ee ka baxa warbaahinta Al-Jasiira, waxa lagu tirayaa mid ka mid ah fagaarayaasha ugu adag warbaahinta casriga ah. Soo horfadhiisiga weriye sida Mahdi Xasan ah, oo lagu yaqaan qaab wayddiintiisa kulul, qofka u saamixi maayo hadal-ka-gabbasho iyo ka warwareegga mucda hadalka, waana wax u baahan dhiirranaan iyo aragti dhiibasho cad. Kasoo muuqashada madashani waxa ay ka dhigantahay in qofku si dhab ah ugu badheedhay islaxisaabtan iyo wax is wayddiin. Madasha tilmaamahan leh, Getachew Reda waxa uu muujiyey degganaan iyadoo cadaadisyada waraysigani jiraan, wayddiimaha weriye Mahdi Xasan ee iska daba imanayeyna waxa uu ula dhaqmay si is xakamayn leh. Kasoo muuqashadiisa waraysigan waxa lagu sheegi karaa dhiirranaan dhab ah.
Laakiin, waxa jira meelo waraysiga ka mid ah oo werwer iyo walaac furaya, weliba ku furaya cidda soo aragtay dagaalkii Tigrayga amaba u kuurgashay saamayntiisii qotoda dheerayd. Si lamafilaan ah, mawqifka Getachew ka haysto xasuuqii dhacay waa mawqif madmadow badani ku jiro oo walaac hor leh dhalinaya. Hadalka uun muu beddelan, ee waxa muuqata in uu gebi ahaanba ka laabtay aragtiyihiisii hore. Kolka uu ka sheekaynayo in ay dhaceen “dambiyo la xidhiidha xasuuq”, sidoo kalena dambiyadaas uu isaga duway dhinaca maxkamadaha, isaga oo aan carrabaabin qofaf ama dhinacyo gaar ah, waxa ay u muuqataa in uu si badheedh ah u tirtirayo xuduud iyo masuuliyado hore si cad loo qeexay.
Madmadowga hadalkiisa waxa dhibta kusii kordhinaya, in caddaynta uu usoo qaatay suurogalnimo la’aanta dagaal mar kale ka qarxa gobolka uu u cuskaday doodda ah in hoggaankii hore dagaalka ugu lugta lahaa ay maanta “qalbi” kii hore ka duwan yeesheen. Waa dood buraysa judha la eego sooyaalka sannadihii dhawaa, oo isla hoggaankani aanay lahayn “bani’aadamnimada” uu sheegayo, xilligii dagaalku socday ee dambiyada la galayey, rayidka la beegsanayey, gobolkuna ku jiray cunaqabatayn. Haddii xeerinta anshaxu hore u celin wayday damiirka oo looga baaqsan waayay dagaal iyo xadgudub, maxaa gundhig ah u ah ku kalsoonaanta damiirka hadda? Ku adkaysiga in nabadda mustaqbalka lagu dul dhisi karo niyad wanaagga kuwii hore burburinta ballaadhan iyo dagaalka ku lugta lahaa, waa uun abla-ablaynta oo waaqica laga fogeeyo, caddaymahana lagu beddesho sooyaal naawilaad iyo is illawsiin ah.
Jidadka caddaaladda lagu gaadho kama mid aha aamusnaanta iyo u danaynta damac siyaasadeed oo gaar ah, sidoo kale kama mid aha ka amuska musuuliyad darro akhlaaqeed oo dhacday sida Xasuuq wadareed iyo danbiyo dagaal oo lagu la kacay qaybo ka mid ah bulshada.
Waxa suurogal ah in uu isku dayyo jeexidda jid cusub oo aan weli samaysmin, se uu naawilayo samaysankiisa haddii uu waxoogay ku negaado xarumaha go’aanka lagu gaadho. Waxa uu aaminsanyahay in sii noolaanshihiisa iyo kusii jiriddiisa nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya ay u oggolaan doonaan marxalad soo socota in uu saamayn ku yeesho fulinta Heshiiskii Biritooriya, ama isla nidaamka dhexdiisa islaxisaabtan keeno.
Tafsiirkani waa mid la fahmi karo marka laga eego dhinaca xejisashada kaalinta siyaasadeed, se mawqifkiisan hadda kama dhigayo mawqif mabda’eed, dhinaca caddaaladda marka laga eegana kama dhigayo mid lagu qanco. Sooyaalka siyaasadda waxa jira marar dheef-eegashada iyo dhuuniraacnimadu tahay agab lagama maarmaan ah, waxa jira marar kale oo dhuuniraacnimadu tahay wax u eg iswaafajin. Ku dedaalka helidda caddaalad ka dib dambiyo dagaal oo gaadhsiisan xasuuq ma aha wax khiyaar ka furan yahay. Caddaaladdu ma aha wax gorgortan gala oo laga heshiin karo, ee waa dabar anshaxeed. Marka jidka loo marayaa noqdo mid awdan ama siyaasad ahaan aan suurogal ahayn, xalku ma aha in damiirka iyo anshaxa lagu gabbado oo keliya ama luuqadda lagu sifaynayo caddaaladdaaas la fudaydiyo.
Xaaladdan oo kale, daahfurnaantu laba khiyaar oo aan mid saddexaad lahayn ayay dhigaysaa: in xadgudubka la magacaabo, oo si cad loo sheego, loogana soo horjeedsado, xitaa haddii qofka arrinkaasi halis usoo jiidi karo; amaba qirashada xuduudda qofku halka ay gaadhsiisantahay, weliba isagoo joogtaynaya difaacidda mabaadi’da damiirka waafaqsan.
Caddaaladdu sideedaba ma aha wax gorgortan gala oo laga heshiin karo, ee waa dabar anshaxeed. Sida lagu gaadhi karaana ma aha qarinta danbiyo dagaal oo gaadhsiisan xasuuq ee waxa ay u baahantahay badheedh, aragti cad, dhiirranaan iyo masuuliyad qaadasho.
Iskudayga Getachew Reda ee isku dheellitirka xejisashada kaalinta siyaasadeed iyo iska hubsashada hadalka waxa ku dhex jirta halis ah sii xididdaynta ka baxsashada ciqaabta ku habboon burburintii Tigrayga. Waa run in madmadow gelintu uu albaab cusub oo siyaasadeed furayo, se ka aamuskaasi waa mid sadqaynaya xuquuqdii dhibbaneyaasha, oo dhibaatooyinkoodii laga xayuubiyey qaamuuska maamulka iyo luuqaddiisaba. Kolka caddaaladda dib loo dhigo ilaa waqti aan la aqoon, halista in meesha laga saaraana waa mid taagan.
Dhabarsaaridda haayado mustaqbalka ah oo aan caddayn, ama ku tiirsiga niyadwanaagga hoggaamiyeyaal hore aan isu xakamayn oo halbeegyada ugu hooseeya ee bani’aadamnimo ka dul tallaabsaday, suurogal maaha in sees looga dhigo caddaaladda. Caddaaladdu waxa ay rabtaa badheedh iyo aragti cad, dhiirranaan iyo diyaargarowga waajihidda xaqiiqooyin siyaasadeed.
Ma aha in lagu baaqayo jar-iska-xoorid, ama in la iska indhotiro xaaladda Itoobiya ee halista badani lasoo deristo siyaasiyiinta wax dhaliila ee kaalintana leh. Waa uun is xusuusin in qaar ka mid ah mabaadi’da la xidhiidha dambiyada wadarta laga galay iyo xadgudubyada waaweyni, aanay habboonayn in loo afduubo hadallo danaha cid gaar ah ama gorgortan siyaasadeed oo muddada dhow ah. Caddaaladdu mararka qaar waxa ay u muuqan kartaa ujeeddo wakhtiga fog ah, se haddana waa udub-dhexaadka danaha dhabta ah iyo nabad waarta, iyo sharciyad anshaxeed oo siyaasiyiinta kaalinta ku lahaa dagaalku sheegan karaan ka dib dagaalkan wax burburiyey,
Waa suurogal in Getachew Reda uu gar leeyahay kolka uu aaminsanyahay in uu jid raf ah u marayo nabadgalyada iyo caddaaladda, se jidadka caddaaladda lagu gaadho laguma helo aamusnaan, isdhawrid ama ku koobsiga madmadow gelin. Jidadka caddaaladda waxa lagu dhisaa waajihidda xaqiiqada, carrabowga masuuliyadaha iyo ku adkaysiga in nafahii lagu xasuuqay dagaalku aanay barkumataal ahayn ee ay tahay arrin akhlaaqeed oo aan laga dul boodi karin.
Haddii caddaaladdu noqoto ujeeddo suurogal aan ahayn ama ay adagtahay in la dhabeeyo, jawaabtu noqon mayso fududaynta halbeegyadeeda amaba hadal sarkaxaadis ah, ee waa joogtaynta codsiga caddaaladda, meel kasta iyo kaalin kasta oo aad ku jirtid. Wixii intan kasoo hadhaa waxa uu qofka u rogayaa agab lagu tirtirayo dhibaato ay ahayd in bedka la keeno, oo la iska xisaabiyo, se aanay ahayn in la duuduubo, oo madmadow iyo xejisashada xil lagu beddesho.