Sunday 12 July 2026
Xoogaysiga tartanka loogu jiro soosaarista agabyada iyo dhisidda kaabayaashu, waa tartan sababaya in dalalka xooggan ee awood fidsiga wadaa ay boobaan khayraadka shidaal, gaaska, macdanaha iyo khayraadka kale ee dhifka ah. Hase ahaatee, si la mid ah sidii uu ahaa imbiryaaligii kalaasigga ahaa ee taxnaa toddobaatanaadka qarnigii 19aad ilaa 1945-kii, sababta koowaad ee tartanka Hantigoosadku ma aha dhul qabsasho iyo lasoo bixidda khayraadka dhuleed.
Habraacyada aragtiyeed ee ay labadii Maarkisi ee Ruushka ahaa, Nikolai Bukharin iyo Lenin, u dejiyeen gorfaynta imbiryaaliyada bilawgii qarnigii labaatanaad, waxa ay ku tiirsanayd labadan qodob; dhul qabsasho iyo lasoo bixidda khayraadka dhulkaas. Hase yeeshee, aragtidoodu waxa ay darastay koboca degdegga ah ee gaadiidka, isgaadhsiinta, badeecooyinka iyo xogaha. Waxa ay u kuurgaleen masaafada khadadka tareen iyo boostooyinka telegaraaf ee la sameeyey, shixnadaha badaha caalamiga ah la mariyo iyo isgedgeddiga ku socda baaxadda ganacsiga caalamiga ah.
Waxa kale oo labadan mufakir mudnaanta siiyeen u kuurgalka qaabka ay isu beddelayeen nidaamyada tamar siinta ee warshadaha iyo shaqaalaha cusub. Walow ku tiirsanaanta korontadu ay weli ahayd tiknoolajiyad cusub, haddana gorfayntooda meel muhiim ah ayay kaga jirtaa. Waxa ay u kuurgaleen tartanka ba’an ee loogu jiro horumarka farsamo, oo ay ka dheehdeen codsiyada diwaangelinta xuquuqaha hal-abuur, soo ifbaxa dhaqanka cilmibaadhista iyo farsamada, iyo in takhasusyo mihnadeed la sameeyo oo ujeedka laga leeyahay uu yahay in kor loo qaado waxsoosaarka. Qoraalladooda waxa kale oo ku jira soo ifbixidda qaabab cusub oo shirkado ah, koboca kaalinta dawladda ee waxsoosaarka, korodhka kootaysiga iyo qaabka raasamaalka bangiyadu uga kormareen raasamaalka warshadaha.
Waxa kale oo jira tuse udubdhexaad ah oo Bukharin iyo Lenin ba u kuurgalkooda xoogga ku saareen, oo ah in warshadaha waaweyn ay adeegsadaan tamar badan, oo ah wax tusinaya in raasamaalku gacanta dad kooban uu ku ururay. Haddaba, isbeddelka ku dhacay jidadkii caalamiga ahaa ee badeecooyinka tamarta maanta, waxa sababta koowaad leh isbeddellada ku yimi xoogagga waxsoosaar ee hannaanka hantigoosadka. [Isbeddelka ku yimi qaababkii waxsoosaarka, sida garaad-gacmeedka, gawaadhida elektariga ah, xarumaha xogaha iyo robotyadu, waa wax u baahan koronto, macdano dhif ah, baytariyo iyo kaabayaal cusub].
Laga soo bilaabo 2010-kii, Maraykanku waxa uu la kulmay isbeddel baaxad leh oo ku yimi hoos u dhacii waxsoosaarka shidaal ee nus qarni ku dhawaad ku socday. Isbeddelkan ah korodhka waxsoosaarka tamareed ee Maraykan, kama iman in la helay kaydad shidaal oo cusub oo aan hore loo aqoon, se waa mid ka dhashay hal-abuuridda farsamooyin cusub. Ku guulaysiga horumarinta farsamooyinka jabinta haydarooliga ah iyo saasaarista gaaska dhagaxu waa mid sahlay ka faa’idaysiga kaydad aanay suurogal ahayn in markii hore lasoo saaro, guushan oo Maraykanka kusoo celisay kaalinta dalka ugu soo saarista badan shidaalka, sidoo kalena ka dhigtay hormuudka tamarta saafiga ah.
Horumarkan farsamo ee weyni waa mid ku tiirsan awoodda Maraykanku u yeeshay horumarinta iyo samaynta agabyo horumarsan ilaa heersare, sida madaxyada qodaalka ee laga sameeyo dheemanka kiristaallada iskudhafan leh, oo loo adeegsado heerarka kul ee aadka u sarreeya marka la qodayo ceelasha dhulka hoostiisa ah, iyadoo lagu kabayo qaabab cilmibaadhis iyo horumarin oo u baahan maalgelinno raasamaal oo xooggan. Inta badan cilmibaadhistaas waxa laga maalgelin jiray dhinaca dawladda wixii ka dambeeyey toddobaatanaadkii, se waxa midhaha cilmibaadhistaas la gurtay bilawgii labadii kun iyo wixii ka dambeeyey.
Waxsoosaarka tamareed ee Shiinuhu waa mid u muuqda inuu ku socdo jid u eg kan Maraykanka, se adeegsanaya il tamareed oo ka duwan; waa tamarta dhuxusha. Walow gawaadhi elektarig ahi waddooyinkiisa susumayaan, Shiinuhuna sannadkii 2024 soo saaray awood waxsoosaar oo gaadhaysa 356 giigawaad oo ah tamarta cadceedda iyo dabaysha (oo ah awood ku dhow inay u dhiganto gebi ahaan awoodda tamarta dabaysha iyo cadceedda ee Maraykanka oo dhan), haddana horumarkaas warshadeed ee lagu dado inuu adeegsado tamar nadiif ah, waxa ka dambeeya adeegsiga dhuxusha, oo uu Adam Tooze ku cabbiray “waxa ugu xun ee aynnu abid tamar ahaan u adeegsannay”. Waxa uu u jeedaa in koboca waxsoosaarka dhuxul iyo kaalinta udubdhexaadnimo ee dhuxushu ugu jirto horumarka warshadeed ee Shiinaha, ay la mid yihiin kacaanka gaas-dhagaxeedka Maraykan.
Shiinuhu waxa uu 2024 bilaabay samaynta xarumo cusub oo ballaadhan oo koronto laga dhaliyo dhuxusha, oo leh awood ku dhow boqol giigawaad, isagoo adeegsanaya farsamooyin aad u heersarreeya oo ah farsamooyin awooda inay dhuxusha gaadhsiiyaan heerkul 600 digrii ah, arrinkan oo kordhinaya awoodda dhalinta koronto. Waa isla tiknoolajiyadda Maraykanku soojeedinayo qaadashadeeda, sida laga arki karo qoraallada Trump baraha bulshada ku baahiyo, isagoo u bixiya “tamarta dhuxusha nadiifta ah ee qurxoon”.
Qaangaadhidda awoodaha waxsoosaar ee raasamaaliyada Shiinuhu, xilli dhib qotodheer ay ka jirtay bu’da raasamaaliyada Galbeedka, siiba Maraykan, waa wax dhaqaalaha caalamiga ah ku riixay marxalad cusub oo tartan hor leh ah, iyadoo dawladuhu soo celiyeen inay si xooggan u farageliyaan marxalad kasta oo ka mid ah marxaladaha waxsoosaarka, laga bilaabo macdan-qodista, warshadaynta semi-conductors-ka, laga soo bilaabo laymanka warshadaynta ilaa laababka softiweerrada.
Xarumaha xogta, oo haatan ah warshadaha lagu sameeyo garaad-gacmeedka, oo lagu daray kaabayaasha cloud computing-ku, waa meelaha ay mudnaanta u badan siinayaan labada xukuumadood ee Shiinaha iyo Maraykan, halka kaalinta labaad ee mudnaanta ay soo galayaan warshadaha semiconductors-ku. Sidaas awgeed, filanwaa ma aha in dhinacyadani ay kaalin muuqata ka galaan maalgashiyada ajnabi ee heer caalami. Warbixin ay soo saartay shirkadda McKinsey bishii Sibtambar ee 2025, waxa ay muujinaysaa in laga soo bilaabo 2022, boqolkiiba 75 xayaysiisyada la xidhiidha maalgelinaha xuduudaha ka tallawsani ay ku baxeen warshadaha horumarsan, kaabayaashaa garaad gacmeedka iyo nidaamyada tamarta.
Maalgashiyada badan ee ay shirkadaha dhijitaal ee Maraykan, sida Amazon, Google, Microsoft, OpenAI iyo NVIDIA, galinayaan mashaariicda waaweyn ee dalalka khaliijku waa caddaynta jihadan cusub ee dunidu qaadday. Hawlgelintii ugu horraysay ee mashruuca Stargate oo taabacsan OpenAI, waxa laga hirgalin doonaa Imaaraadka Carabta, iyadoo la qorshaynayo in la hawlgaliyo xarun xogeed oo leh awood 200 miigawaad, inta lagu gudo jiro sannadkan 2026, sidoo kalena la rejaynayo awood mustaqbalka la gaadhsiiyo hal giigawaad.
Microsoft oo ka mid ah shirkadaha qaybta ka ah mashruuca Stargate, waxa ay maalgashiyo gaar ah ku leedahay guruubka G42 ee Imaaraatiga ah, waxa kale oo ay heshay rukhsadaha soo dhoofinta semiconductorska Nvidia ee looga baahan yahay xarumahaas xogeed, oo ka mid ah heshiis lacag bixin oo dhan 15 bilyan oo doollar muddada u dhaxaysa 2023 ilaa 2029. Isla jeerkan, shirkadda Amazon Web Services (AWS) waxa ay bishii May 2025 shaacisay inay heshiis la gashay shirkadda Sacuudiga ah ee Humain, oo ay dawladdu taageerto, una samaysan curinta farsamooyin garaad-gacmeed. Waa heshiis ku kacaya 5 bilyan oo doollar, oo ay AWS dhisayso deegaan leh kaabayaashii cloud computing-ka oo Sacuudiga gudihiisa ku taalla.
Waxa aan ka muhiimad yarayn, qulqulka maalgashi ee dhinaca kale ka imanaya, oo dalalka Khaliijku ku maalgashanayaan dhaqaalaha Maraykan, iyadoo kor-u-kaca qiimaha suuqeed ee saamiyada shirkadaha garaad-gacmeedku uu Maraykanka ka hor istaagayo dhaqaale-burbur inuu galo. Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in shirkado Imaaraad ahi ay ballanqaadeen heshiisyo iyo maalgashiyo lagu qiimeeyey hal tirilyan oo doollar, oo ay la galeen shirkado Maraykan, oo ay ku jiraan mashruucyada dhalaalinta almuuniyamka iyo maalgashiga soosaarista macdanaha dhifta ah. Sidoo kale Trump ayaa bishii May 2026 shaaciyey heshiisyo lala galay shirkado Sacuudi ah, oo uu sheegay in qiimahoodu 600 bilyan oo doollar yihiin. Sida ka muuqata hadallada Trump, qofka aad ugu kuurgalaa waxa uu ogaanayaa buunbuunin uu baaxadda iyo lambarrada ku sameeyo, se haddana waxa cad in qulqul maaliyadeed oo aad u badani dhex marayo Maraykanka iyo Khaliijka.
Si kasta oo ay ahaataba, aaminaadda in gobolka Khaliijku, iyo si guud Bariga Dhexe, ay dhaqaale ahaan u hoggaansanyihiin awoodda Maraykan oo keli ahi waa aaminaad khaldan oo aan qotodheerayn. Ka sokow in qulqulka lacageed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Khaliijku uu aad uga badan yahay qulqulka ka dhexeeya Shiinaha iyo isla Khaliijka, haddana joogitaanka maaliyadeed iyo alaabeed ee Shiinuhu waa mid sannadihii u dambeeyey si muuqata u xoogaysanaya. Waxa sii xoogaysanaya iskaashiga dhaqaale ee dhex maraya Sacuudiga iyo Shiinaha, muddada ay talada rasmiga ahi ka go’do Maxamed Binu Salmaan. Intii uu ku jiray bookhashooyinkii uu ku tagay Shiinaha sannadihii 2019, waxa uu saxeexay wax ku dhow 35 heshiis oo kala duwan, oo gaadhaya qiimo dhan 28 bilyan oo doollar.
Isla jeerkan, maalgashiga Shiinuhu waxa uu Sacuudiga ka galay kaalin muhiim ah oo la xidhiidha fulinta qaar ka mid ah mashruucyada Hiraalka 2030 ee Sacuudiga ah, siiba dhinaca tamarta cusboonaata. Imaaraadka laftiisu waxa uu ku jiraa iskaashi soojireen ah oo uu Shiinaha kula jiro, waana arrin walaaca masuuliyiinta Maraykan kiciya. Tusaale ahaan, Maraykanku waxa uu ku adkaystay in shirkadda tiknoolajiyadda ee Imaaraatiga ah ee G42 ay ka tanaasusho maalgashiyada iyo xidhiidhada ay la leedahay Shiinaha, ka hor intaan la oggolaan in la siiyo xaqa helitaanka jibiska garaad-gacmeedka Maraykan ee aadka u horumarsan.
Waxa si wacan loo arki karaa tartanka daran ee u dhexeeya shirkadaha cloud computing ee Maraykanka iyo Shiinaha, kuna saabsan gaadhidda suuqyada Khaliijka, tartanka ay ugu jiraan xarumaha xogta ee laga qorshaynayo Riyaad. Riyaad waxa ay maanta martigelisaa xarumo xogeed oo ay leeyihiin shirkadaha Shiinaha ee Tencent, Alibaba iyo Huawei, iyo si la mid ah xarumo ay leeyihiin shirkadaha Maraykan ee AWS, Microsoft iyo Oracle.
Dhammaan arrimahani maxaa ay uga dhiganyihiin shidaalka iyo gaaska Bariga Dhexe? Ilaa hadda gobolkani waa udubdhexaadka dhaqaalaha caalamiga ah ee haydarookarbooniga ah, waana gobol soo saara xaddi shidaal oo ka badan kan Maraykanku soo saaro. Raadka ugu weyn ee baahida warshadaha Shiinuhu u qabaan khayraadka dihin, macdanaha iyo tamartu, waa dib u habaynta ku dhacday inta ugu badan waxsoosaarka shidaal iyo gaas ee Bariga Dhexe oo hadda u jihaystay suuqyada Shiinaha. Inta badan shidaalka iyo gaaska mara marinka Hurmus, beryahan dambe waxa uu u socdaa Bariga, siiba Hindiya iyo Shiinaha. Baahida Shiinaha ee shidaal intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2019, waa xaddi u dhigma Maraykanka oo dhaqaalaha Caalamiga ah mar labaad soo gala. Soo dhoofsigan badan ee tamarta ah keliya looma adeegsan shidaal, ee waxa gundhig u ahaa baahida warshadaha Shiinuhu ay u qabaan waxsoosaarro shidaal oo loo adeegsado warshadaynta lafteeda.
Isbeddelkan cusubi waxa uu saaciday koboca warshado betrool-kimiko oo ka hirgalay Khaliijka, iyadoo dalal Khaliijka ah, sida Sacuudiga, ay noqdeen dalalka ugu dhoofinta badan ethylene-ka (maaddo aasaasi u ah samaynta balaastiga). Laga soo bilaabo 2019, baahida Shiinha ee noocyada shidaal, sida baansiinka, shidaalka diyaaradaha, iyo Diesel-ka, waxa ay isu beddeshay dhinaca baahida gaaska dareera ah/ethane iyo naphtha, iyadoo sababta isbeddelku tahay koboca waxsoosaar ee ku tiirsan betro-kiimikada ee Shiinaha gudihiisa. Shiinaha gudihiisa waxa kale oo xoogaysanaya waxsoosaarka ethylene-ka, isagoo dunida ku biiraya 25 milya oo tan sannadkiiba, macnaha wax boqolkiiba konton u dhigma awoodda waxsoosaar ee caalamiga ah.
Raasamaalka Khaliijka ayaa kaalin xooggan ka qaatay soo ifbaxa xudduntan warshadeed ee cusub. Dedaallada hormuudka talada haya ee dalalka Khaliijku ugu jiraan kala duwidda dhaqaale oo ka fog ku koobnaanta soosaarista shidaalka iyo gaasku, waxa ay dhaliyeen inay u jeestaan dhinaca betro-kiimikooyinka iyo waxsoosaarrada dheeraadka ah ee shidaal, waxaana u dheer samaynta sibidhka, almuuniyamka, dhismaha iyo dalxiiska, sidaas darteed, dalalkani waxa ay is dhigeen bar isgoys caalami ah oo ay kusoo qulqulaan raasamaalka, badeecooyinka iyo xoogga aadame ba. Ha yeeshee, in gobolku afartan sanno oo xasillooni ah ka dib dagaal galay, waa wax jug xooggan soo gaadhsiinaysa dhinacyada shidaalka, gaaska, nidaamyada maaliyadeed iyo jidadka iskusocodka warshadeed.
Dhibaatada Iiraan looma fahmi karo dhibaato ku kooban dagaal goboleed ama natiijo ka dhalatay cunaqabataynaha Maraykan, ee waa waa dhibaato qayb ka ah isbeddellada ballaadhan ee ku socda hantigoosadka caalamiga ah iyo loollanka u dhexeeya awoodaha waaweyn. Horumarrada tiknoolajiyadeed, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha xogeed, garaad-gacmeedka iyo waxsoosaarrada elektarigga ah, waa qaybo kaalin muhiim ah kaga jira awoodda millatari iyo dhaqaale ee maanta. Waxa tusaale noqon kara, diyaaradda Iiraan ee “Shaahid”, oo looga tusaale qaadan karo awoodda dal heer gobol ah kuu farsameeyey tiknoolajiyad millatari oo waxtar badan, oo xitaa Maraykanka ku khasabtay inuu ku daydo qaabaynteeda.
Ha yeeshee, horumarka dhaqaalaha Iiraan ee dhijitaalka ah waa mid isdiiddo ka buuxdo. Dhinac marka la joogo, xukuumaddu waxa ay dhiirrigelisay kobcinta shirkadaha dhijitaalka ah maxalliga ah, ganacsiga elektarooniga ah iyo adeegyada elegtarooniga ah, iyadoo loo dan leeyahay taageeridda dhaqaale iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Se dhinac kalena, masuuliyiintu waxa ay gabbaad ka dhigyaan jaridda internedka iyo isgaadhsiinta kale, marka dibadbaxyo dhacaan, arrinkan oo sababa khasaare dhaqaale oo baaxad weyn, dhibna gaadhsiiya shirkadihii ay dawladdu dhiirrigelinaysay, arrinkan oo ka tarjumaya isdiiddada ku jirta waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah koboc dhaqaale iyo baahida nidaamku u qabo inuu gacan-ku-hayn yeesho. Cunaqabataynaha Maraykan laftoodu waa kuwo wiiqay dhaqaalaha Iiraan iyo fursadda gaadhidda tiknoolajiyad iyo helidda maalgashiyo. Shidaalka Iiraan waa mid dhibaatooyin gudeed la daalaadhacaya, sida horumar la’aanta kaabayaasha, suququlka maalgashiga iyo kutiirsanaanta suuqa Shiinaha oo kaga iibsada lacag hoose.
Iiraan gudaheeda waxa kaalin kobcaysa ku leh dabaqadda shaqaalaha, siiba shaqaalaha gaaska iyo shidaalka, oo suurogalin kara isbeddelka xiga ee Iiraan. Sannadihii dambe waxa dalka ka jiray mawjado dibadbaxyo iyo kacdoonno ah, oo shaqaaluhu ay ku guulaysteen abuuridda dallado iyo guddiyo madaxbannaan, waxaanay cabashooyin ka gudbiyeen mushaharaadka iyo duruufta shaqo. Is abaabulkani waa mid keenaya samaysanka dhaqdhaqaaq shaqaale oo madaxbannaan, oo yeesha isla kaalintii ay yeesheen 1979-kii. Ha yeeshee, dagaalkan imika oo ay garab socoto cabudhinta gudeed ee aadka u daran, laguna sameeyey dibadbaxyadii bulsho ee 2026, waa arrimo fogaynaya samaysanka dhaqdhaqaaq bulsho oo muddad dhow ah. dil-wadareedka, xidhitaannada iyo interned jariddu waa waxyaabo keenay nugayl iyo cabsi.
Si guud, faragelinta dibadda ka timaadda ee nidaam kelitalis ah lagu tuuraa waa qar iska xoornimo danaha ajnabigaas u shaqeeya. Waxa tusaale u mudan, tijaabada Ciraaq ee 1991, kolkaa oo Madaxweynihii Maraykan George Bush, uu Ciraaqiyiinta ugu baaqay inay kacdoon ku sameeyaan nidaamka Saddaam Xuseen Dagaalkii Khaliijka ka dibl. Dhab ahaan kacdoonkii waa uu dhacay, oo xitaa ciidanka gudahiisaa fallaaganimo ka bilaabantay, ha yeeshee, Maraykankii ma caawin kacdoonkaas, oo waxa uu doorbiday joogitaanka maamul jilicsan oo Ciraaq haysta, intii uu dhici lahaa kacdoon guulaysta oo abuura waaqac aan la hubin.
Sidaa darteed, ku tiirsiga faragelinta ajnabigu ku rabaan inay ku ridaan nidaamyada kelitaliska ahi waa wax halis weyn leh, sababtoo ah, awoodaha dibadeed waxa ay ku socdaan danahooda gaarka ah, ee ma wadaan himilada bulshada. Isbeddelka dhabta ahi waxa uu ku iman karaa uun halgan bulsho oo gudeed, sida muddaharaadka shaqaalaha iyo dibadbaxyo bulsho, se kuma dhaboobmayo dagaallo ajnabi soo qaadaan. Xitaa, soo afjaridda dagaallada dibadeed iyo imbiryaaliyadu waa wax ku suurogalaya iskacaabbin gudaha dalalka Galbeedka dhexdooda ka bilaabanta, oo dalladaha iyo guddiyada bulsho kaga soo horjeedsadaan dagaallada, cunsuriyadda, millitariyeynta. Shaqaalaha iyo dalladuhu waxa ay awoodaan inay joojiyaan shixnadaha hub ee lagu waaridayo deegaannada dagaalka, waxaane tusaale u ah mawqifyadii ay istaageen shaqaalaha Talyaaniga, Giriigga iyo Marooko.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxana soo turjumay Maxamuud Bulxan.