Tuesday 14 July 2026
Masuuliyiinta Maraykan iyo shirkadihiisa waaweyn oo dhinac ahi waxa ay tartan kula jiraan Shiinaha, si Bariga Dhexe looga dhigo xuddunta cusub ee kaabayaasha dhijitaalka, cloud computing-ka, garaad-gacmeedka, tiknoolajiyadda bayoolaji iyo soosaarista baytariyada. Trump iyo saaxiibbadiisa gobolku waxa ay aaminsanyihiin in arrinkani uga baahan yahay maalgashi badan oo xuduudaha ka tallowsan iyo raasamaal badan oo la geliyo laga bilaabo Falasdiin ilaa Khaliijka, lagana dhigo mashruuc ku dul dhisma qalfoofka reer Falasdiin. Sida aan ku caddeeyey maqaallo hore oo majalladan ah sannadihii 2018 ilaa 2024, awoodaha gobolka–Israa’iil, dalalka Khaliijka (siiba Imaaraadka iyo Sacuudiga), Iiraan iyo Turkiga–waxa ay ku jireen loollan dhaqaale iyo millatari oo gaadhay dheellitirnaan aan joogto ahayn bilawgii 2020-kii. Jabkii Maraykanku kala kulmay dagaalka Ciraaq iyo duullaankii uu ku qabsaday ee musiibada ahaa, waxa uu abuuray fursad bannaan oo kobcisay damaca dalalkaas gobolka.
Damacyadaas isballaadhineed waxa ka mid ah isballaadhinta awoodeed ee Iiraan ka dhex samaysay Ciraaq iyo dhisidda xuddun iskacaabbin oo ah isbahaysi millatari iyo mid diblumaasiyadeed. Damacyadaas waxa kale oo ka mid ah duqaymihii Sacuudiga iyo Imaaraadku ka wadeen Yaman wixii ka dambeeyey 2015, iyo faragelintii musiibada sababtay ee ay Suudaan ku sameeyeen 2019. Turkiga laftiisu, waxa uu cuskaday aaminaaddiisa “dhulka buluugga ah”, si uu jideeyo awooddiisa millatari iyo diblumaasiyadeed ee uu la rabo Bariga iyo badda Midhitareeniyanka.
Israa’iil, saaxiibka Maraykan ugu dhowi, halkee kaga jiraa khariidaddan? Ka hor intaanay Israa’iil bilaabin duullaanka xasuuqa isku beddelay, waxa ay martay loollan gudeed oo dheer oo u dhexeeyey dabaqadda talada dalka. Loollankan, bud’dhigayaashii nidaamka kalasooca bulsho waxa ay lumiyeen qayb ahaan gacan-ku-hayntii dawladda iyo ciidanka, arrinkan oo fursad madax-la-soo-kac siiyey siyaasiyiinta midigta xagjirka ah. Weerarka Israa’iil ku qaadday Qasa iyo weerarrada ay ku qaaddo dalal gobolka ah oo ay is hayaan, sida Iiraan, Lubnaan iyo Yaman, ma aha weerarro keliya ku sal leh cunsuriyadda rabta ka takhallusidda Falasdiin, ee sidoo kale waa weerarro ulajeedkoodu yahay wiiqidda awoodda Iiraan iyo kalsoonideeda ah inay ka hawlgali karto dhul ka baxsan xuduuddeeda. Kalsoonidaas la wiiqayaa waa ta Iiraan u saamaxday inay weerar guulaystay oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ay 2019 la beegsato warshado shidaalka ah oo Sacuudigu leeyahay. Weerarkan Iiraan laftiisu waa mid sababay in dalalka Khaliijku dardargeliyaan ajandayaasha “caadiyeynta xidhiidhka” Israa’iil, iyadoo Maraykanku horkacayo hindisaha.
Wixii ka horreeyey dayrtii 2025, istiraatiijiyaddaasi waxa ay u muuqatay mid guulaysanaysa. Waxa kale oo muuqda in sababaha isbeddelka ku keenay “Qorshihii Nabadda ee Trump” ay ka mid tahay duqayntii cirka ee ay Israa’iil la beegsatay masuuliyiin Xammaas ka tirsan oo ku sugan Qadar, 9-kii Sibtambar 2025. Waxa uu ahaa weerar u qaadanwaa ku noqday hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka, sababtoo ah waxa ay Israa’iil kula jireen isbahaysi qarsoodi ah oo uu gadhwadeen ka ahaa Maraykanku, loona bixiyey “Dhisidda Nabadgalyada Gobolka”, looguna talogalay midaynta ka jawaabidda weerarrada millatari ee Iiraan ka iman kara.
Sida waafaqsan dhukumantiyo lasoo dusiyey oo ay soo bandhigtay Washington Post, Hoggaanka Dhexe ee Maraykan (CENTCOM) waxa uu qabanqaabiyey kulanno taxane ah iyo waxqabadyo tabobbar oo u dhexeeya dalalka Israa’iil, Qadar, Baxrayn, Masar, Urdun, Sacuudiga iyo Imaaraadka, sannadihii 2024 iyo 2025. Hoggaanka Taliska Dhexe ee Maraykan waxa ay xogaha raadaarrada u gaarka ah dalalkaas bahwadaagta noqday ay ku xidheen nidaamyada Maraykan, waxaana suurogalay in dalalkani xogahooda si toos ah isu weydaarsadaan, una arkaan, iyagoo u dan lahaa midaynta difaacyada jawi kolka weerar Iiraan ahi yimaaddo. Hase ahaatee, weerarkii dalalkan gudahooda ka yimi (weerarkii Israa’iil) difaacyadaasi may qabanin; Jeneraal ka tirsan ciidamada Maraykan, Derek France, ayaa suxufiyiinta u sharraxay in sababtu tahay in nidaamyadaas difaac loogu talogalay Iiraan iyo meelaha kale ee weerar ka iman karo oo keliya.
Isbahaysigan qarsoodiga ahi marnaba ma ahayn isbahaysi ay galeen awoodo isu dhigmaa. Xaqiiqadan waxa caddayn u ah sida hoggaamiyayaasha millatari ee badanka dalalka jaarka la ah Falasdiin ay uga qayb qaateen gelitaanka dagaalka xasuuqa ah ee Qasa, waana arrin muujinaysa taagdarrada dalalka Carbeed ee raacsan Galbeedka iyo sida aanay si fudud u waajihi karin Israa’iil. Xitaa, u diyaargarowga “baabbi’inta” xoogagga Falasdiiniyiinta ah ka dib xabbadjoojin kasta oo la sameeyo, waxa uu qayb ka ahaa waxqabadyada tabobbar ee isbahaysigani waday; iyadoo tababbar bishii Jeenaweri lagu qabtay saldhigga Fort Campbell uu ahaa tabobbar u gaar ah burburinta dhufaysyada.
Xilli la ballaadhiyey xasuuqa ka socda Qasa, ayaa ay Trump, Netanyaahu iyo saaxiibbadoodu (sida Tony Blair) dejiyeen aragti dhaqaale oo ujeedkeedu yahay in la dhimo saamaynta haysashada millatari ee Israa’iil ay ku yeelanayso awoodaha kale ee gobolka, iyadoo lagu dhimayo dhiirrigelin dhaqaale. Sidaan hore ugu caddeeyey gorfayntaydii dhaqaalaha siyaasadeed ee nidaamka kalasooca iyo takoorka ee Israa’iil, warshadaha horumarsan iyo dhaqaalaha dhijitaalka ahi waxa ay ay ahaayeen dhinacyada ugu horumarka badan dhaqaalaha guud ee Israa’iil tan iyo sagaashanaadkii. Horumarka dhinacyadan dhaqaale ay sameeyeen waxa uu qayb ka ahaa xidhiidh isdhamaystiraya oo u dhexeeyey warshadaha waxsoosaarka millatari ee labada dhinac ee Maraykanka iyo Israa’iil, ahna xidhiidh ku aroora toddobaatanaadkii.
Heshiisyada ballaadhan ee shirkado waaweyn oo tiknoolajiyadeed oo Maraykan, sida Microsoft, Google iyo Amazon lagu siiyey kaabayaasha dhijitaal, waxa ay kaalin weyn ka qaateen dagaalka Qasa ka socda, iyadoo shirkadahani ay farsamooyinkii lagamamaarmaanka ahaa usoo bandhigeen nidaamyada weerar ee Israa’iil ee ku shaqeeya garaad-gacmeedka. Sidoo kale, Israa’iil waxa ay samaysay warshado horumarsan oo lagu farsameeyo semiconductors-ka, iyagoo ka hirgaliyey goob dhawr mayl u jirta Qasa. Laga yaabee in ujeedku yahay samaynta wax u eg “gabbaadka Silikoonka”, oo u dhigma ka ay sameeyeen foolaadka xukunka Taywan, iyagoo isku dayaya inay jasiiradda yar ka dhigaan mid leh muhiimad istiraatiijiyadeed oo aanu Maraykanku ka maarmin. Sida Trump iyo Blair aaminsanyihiin, dhinacyada dhaqaale ee ay Israa’iil ku xooggan tahay ayaa suurogalinaya samaynta gundhig iskaashi dhaqaale oo dalalka Khaliijka lala yeesho, samaynna kara isbahaysiyo lala sameeyo awoodo kale, sida Hindiya.
Xaaladda waxa sii kakanaysiinayaa waa korodhka ku yimi loollanka millatari ee awoodaha gobolka dhexdooda ka jira, waana natiijo qayb ahaan ka dhalatay dib-u-noqoshada kaalintii Maraykan (iyo masuuliyiintiisa oo ku jeeda dagaallo iyo loollanno kale oo ka oogan meelo mudnaan u leh). Tani waxa ay ka dhigantahay in xadgudubka Israa’iil ku waddo Falasdiin, Lubnaan, Iiraan iyo Yaman, uu aad hoos ugu dhigayo riyadii ahayd in Israa’iil laga dhigo udubdhexaadka gobol dhaqaale ahaan iskaashi ku jira, oo dhereran laga soo bilaabo Midhitareeniyanka ilaa Khaliijka. Ciidanka Israa’iil ee colaadda iyo isballaadhinta wadaa, waa mid xaqiijinaya inuu yahay sababta xasillooni darrada, arrinkan oo bilaabaya giraan cusub oo dagaallo goboleed ah, oo ka duwan seeskii iyo aragtidii Trump iyo Hegseth wadeen ee ahaa in Maraykanka laga dhex saaro ku lug lahaanta dhibaatooyinka Bariga Dhexe, sida ku jirta Dhukumantiga Amniga Qaran iyo ka Difaaca Qaran.
Dagaal goboleedka ka dhashay weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan bishii Feebarweri, 2026, ma aha kii koowaad ee ay Israa’iil isku dayday inay dib-u-qaabayn xoog ah ku samayso iskudheellitirnaanta millatari ee u dhexeeya awoodaha gobol ee Bariga Dhexe. Sida uu Netanyaahu uu kaalinta Israa’iil ugu ekaysiiyo “Sparta Weyn”, si la mid ah ayaa ay hoggaankii Israa’iil iyo xulafadoodii ee kontonaadkii iyo lixdanaakii ay u saadaalin jireen aragti Israa’iil ka dhigay nuskhadda magaaladii Giriigga ahayd ee Sparta, oo gobolka ku haysata awood hub. Dagaalkii ay Israa’iil bishii Juun, 1967-kii ay ku qaadday Masar iyo Suuriya waxa uu ahaa mid leh muhiimad weyn. Markii koowaad sooyaalkeeda, ayaa ay Israa’iil keligeed tallaabo qaadday, iyadoo ah wakiilka gobolka u jooga imbiryaaliyada Maraykan, iyadoo kaalinteeda wakiilnimo ku dhabaysay qabsiga dhulal iyo burburinta awoodo millatari oo ay lahaayeen cadawgeedii ugu dhawaa, oo Masar ah. ha yeeshee, kaalinta Isra’iil ee ah ilaalinta danaha Galbeedku kuma koobnayn millatari, ee sidoo kale waxa uu lahaa hir dhaqaale, iyadoo dagaalka loo adeegsaday hab lagu hoggaamiyo Masar, laguna dabro. Masar oo uu hoggaaminayey Jamaal Cabdinaasir, waxa ay isku dayaysay hirgalinta warshadow adeegsada hannaanka horumarka Hantigoosadka, kana dhimbiil qaatay khibraddii Midawga Soofiyet. Tony Cliff oo waxyar ka dib guushii Israa’iil ee 1967-kii wax qoraya ayaa dhibtan carrabaabay, isagoo u arka isdiiddooyin musiibo ah oo aan xal loo hayn, kuna duugan kaalinta Israa’iil ee ah wakiil millatari oo reer Galbeedka ah, waxaanu yidhi:
“Israa’iil ma aha gumaysi usii hoggaansan imbiryaaliyada Galbeedka, ee waa qalcad dad degaamayn lagu sameeyey iyo udubdhexaadka imbiryaaliyadu ka duusho. Waxa argagax leh in qaar ka mid ah dadkii hore ula kulmay xasuuqii iyo gumaysigii ugu foosha xumaa sooyaalka, lagu riixo inay degaamayn iyo dhul boob iyadoo loo adeegsanayo xamaasadda qoomiyadda xagjirka ah, sidaasna agab indhobeel ah ugu noqdaan imbiryaaliyada oo u adeegsanaysa gumaynta Carabta”.
Tobankii sanno ee kolkaas xigay, hormuudkii talada Masar ee dhawaan cadawga u ahaa Israa’iil iyo Maraykan, waxa ay noqdeen saaxiibbadood, hasey yeeshee, waxa judhiiba soo baxay dalal kale oo kaalintii loollan iyo colaadda buuxiyey. Isdiiddooyinka waxa ka mid ah, soo ifbixidda awoodahaas, waxa qayb ahaan sababtooda lahaa saamaynihii qotodadheeraa ee Dagaalkii 1967-kii ku yeeshay suuqyada shidaalka. Dagaalkaasi waxa uu xoojiyey soo bixidda Ururka Dalalka Batroolka Dhoofiya (OPEC). Isutaggani waxa uu cariyey gacansarrayntii shirkadaha shidaalka ee reer Galbeedka, dunidana waxa uu geliyey casri isgedgeddi qiimaha shidaalka ah iyo jugo gaadhay iskusocodkiisii. Qulqulkii baaxadda lahaa ee doollarkii batroolku uu ku qulqulay khasnadaha dalalka Iiraan iyo Ciraaq waxa uu dhiirrigeliyey ballaadhinta warshadaynta iyo xoojinta kaabayaasha ee dawladahani sameeyeen, lacagtaasi waxa kale oo ay xoojisay loollanka millatari ee labadan dal.
Sababtan awgeed, wareeggii labaad ee dagaalladu ujeedkoodu ahaa iskudheellitirka nidaamka gobo lee dhacay bilawgii siddeetanaadkii waxa ka mid noqday dagaalkii dheeraa ee ka dhex qarxay Ciraaq iyo Iiraan, oo siddeed sanno socday, gebi ahaanna Khaliijka saameeyey. Waxa garab socday ballaadhintii Israa’iil ee hawlgalladeeda millatari, iyadoo Lubnaan ku duushay. Dhammaadka dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan, waxa soo faragashaday Maraykanka, oo taageero siiyey Saddaam Xuseen, sidaasna dheelligu dhinaca Iiraan uu ku noqday.
Laga soo bilaabo kontonaadkii, Maraykanku waxa uu nidaamkii Boqortooyo ee Iiraan, hoggaankiisana uu lahaa qoyska Bahlawi, u arkayey mid ka mid ah tiirarka nidaamkiisa gobol. Hase ahaatee, riditaanka xukunkii Shaah ee 1979-kii, waxa uu Maraykanka ku khasbay inuu dib u qaabeeyo istiraatiijiyaddiisa, arrinkan oo Israa’iil kaalin xooggan siiyey, fursadna u siiyey inay heersare oo madaxbannaani ah u hesho dhaqdhaqaaqeeda gobol aan lagu wehelin kolkan. Xilli uu hoggaanka hayo Menachem Begin, oo ka tirsanaa Xisbiga Likud, ciidanka Israa’iil waxa ay galeen Lubnaan, waxaanay dileen tobanaan kun oo Falasdiini iyo Lubnaaniyiin ah. Sidoo kale, waxa xasuuqyo laga gaystay xeryaha qaxoontiga Falasdiiniyiinta ee Bayruut, oo ay gaysteen xulafada Israa’iil ee ahaa malleeshiyaad Kiristaan-Lubnaani ah oo midig xagjir ahna ahaa. Ha yeeshee, laga soo bilaabo xasuuqa Sabra Shatila, ilaa laga soo gaadho xasuuqa 2023 bilaabmay, midina ma suurogalinin ka takhallusidda iskacaabbinta Falasdiiniyiinta iyo Lubnaan. Xitaa burburintii 1982 loo gaystay Bayruut, waxa ay abuurtay samaysanka mawjad cusub oo dhaqdhaqaaqyada iskacaabbinta ah, sida soo bixiddii Xisbullaah. Duqaymaha Israa’iil waddo tan iyo 2023 waa mid muujinaysa sidaanay dhabnimo u xaqiijinayn gantaallada loo adeegsado dhaqdhaqaaqyo ku dhex xididdaystay bulshadiisa, oo u dagaallamaya jiritaankiisa.
Isku ekaanta qaabdhismeedka dhacdooyinka ee siddeetanaadkii iyo dhacdooyinka taxan tan iyo Aktoobar 2023, waa mid dhaafsiisan keliya isku soo dhawaan ka dhex dhacday Begin (oo si toos ah hadaljeedin uu sameeyey ugu soo qaatay in halyeeygiisu yahay Ze’ev Jabotinsky, u ololeeyihii Sahyuuniyada ee bilawgii labaatanaadkii) iyo hoggaanka Israa’iil ee maanta. Sida maantaba xaalku yahay, bilawgii siddeetanaadkii waxa uu kusoo beegmay dhammaadka muddo dheer oo qalalaase caalami ah iyo dhibaato saleed ah, kolkaas oo labadii awoodeed ee xilligaas, Maraykanka iyo Soofiyatkii, ay isku dayeen furdaaminta dhibaatooyinka isdul tuulmay ee waajahayey hannaanka Hantigoosadka ah ee Dagaalkii Labaad ka dib samaysmay. Sida qoraayo hore oo joornaalkan ka tirsanaa xuseen wakhtigaas, dumitaanka qaababkii Hantigoosadka dawladda iyo dhaqaalaha is’hubaynta joogtada ah, oo shan iyo labaatankii sanno ee markaas ka horreeyey gundhugga u ahaa koboca Hantigoosadka, waxa uu sababay mawjado jugo ah oo saamayntoodu dunidoo dhan ku faaftay.
Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykan waxa ay aamineen in giraanta dhibtu ay ku jirto halista dagaallada iyo kacdoonnada ka socda Bariga Dhexe. Ugu dambayn, Maraykanku waxa uu ka guulaystay cadawgii tartanka kula jiray, isagoo u maray guushaas soo dejinta qaabab cusub oo lagu habeeyo waxsoosaarka Hantigoosadka, laguna maareeyo xidhiidhada uu la leeyahay xulafadiisa. Waa qaababka markii dambe loo bartay “Liberaaliyada Casriga ah”. Se markan, Maraykanku waxa uu u muuqday mid waajahaya cadaadisyo xooggan. Ciidankiisu weli waxa uu la daalaadhacayey saamaynta jabka dagaalkii Fiyeetnaam, oo gilgishay kalsoonidii in ciidamo dhuleed loo diro goobaha dagaalka. Waxa arrintan kaga sii darnaa, in mid ka mid ah xulafadiisii la riday, waa Shaahii Iiraan, oo ay xilka ka tureen Kacaan kasoo horjeeda imbiryaaliyadu. Kacaanku waxa uu shaaciyey inay qaddiyadda Falasdiin kusoo celinayaan saaxadda siyaasadda gobolka, 15 sanno ka db jabkii Jamaal Cabdinaasir soo gaadhay 1967.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxana soo turjumay Maxamuud Bulxan.