Sunday 9 August 2026
Qalalaasaha iyo dhibaatadu ma leeyihiin goob cayiman oo jiquraafiyadeed? Goob la taaban karo ma ku leeyihiin meeraha dhulka dushiisa? Waxa xaqiiqo ah in masuuliyiinta Maraykan ay sidan aamineen konton sanno ka hor, kolkii ay deegaanno ballaadhan oo Bariga Dhexe ilaa Afgaanistaan taxan ay ku sheegeen magaca “giraanta qalalaasaha”, dagaallada iyo kacdoonnada ka aloosnaa awgood. Ama se, dhibaatada lafteeda ma la qofayn karaa oo shakhsiyad cayiman ma lagu calaamadin karaa? Halkanna, waxa fudud in Donald Trump iyo Wasiirkiisa Difaaca, Pete Hegseth, dhibaatadan taagan lagu shaambadeeyo: waa laba qof oo weerar doon ah, cadho dhow, cunfi badan, oo aan tallaabooyinkooda la saadaalin karin.
Qaababka ugu sarkaxaadisan fikradda dhibaatada u aragta goob cayiman, waa qaabab keliya dib usoo celiya sawirradii soojireenka ahaa ee cunsuriyadeed, ama si kasii cad aan dhahno sawirradii “Istishraaqa (Orientalism)” ee laga bixin jiray Muslimiinta, kana dhigi jiray dad badow ah, dhiig u harraadan oo keliya u nool inay dagaallamaan oo ay ilbaxnimooyinka burburiyaan. Fikradda kale ee dhibaatooyinka qofaysa, ama shakhsiyado cayiman tunka u saartaa, isbeddellada nidaamka caalamiga ah keliya waxa ay kasoo qaaddaa loollan caqliyad qofeed iyo dano shakhsiyadeed u dhexeeya oo ku sal leh. Waa fikrad ku doodaysa: haddii aynnu Trump, Hegseth ama Netanyaahu, ku beddelno shakhsiyado ka dhexdhexaadsan oo u janjeedha ilaalinta nidaamka ku dhisan xeerarka caalamiga ah iyo liberaaliyadda hantigoosadka ah, wax kastaaba waa ay hagaagayaan, oo dagaallada waa laga raysanayaa.
Falanqaynaha se intan ka qotodadheeri waxa ay aad uga durugsanyihiin falanqaynta shakhsiyado, oo waxa ay xoogga saaraan inay dhacdooyinka ku xidhaan aydhiyoolajiyado iyo qaab-u-aragga xukun. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha midigta ahi, waxa ay ku doodaan in salka dhibta iyo qalalaasaha taagani yahay “Islaamka Siyaasiga ah” oo xukundoon ah. Kasoo horjeedkoodana, kooxo bidixda ahi waxa ay ku doodaan in salka dhibtu tahay Sahyuuniyada oo ah aydhiyoolajiyad aaminsan sarraynta Yahuudda, kana dambaysa xasuuqa socda iyo qalalaasaha aan dhammaadka lahayn. Ha yeeshee, labadan tafsiirba, walow ay beddel u yihiin labada fikradood ee hore (in qalalaasaha goob lagu sunto ama qof lagu shaambadeeyo), haddana uma qotodheera qaab salka dhibta taabanaya.
Maqaalkani waxa uu ka duulayaa xagal gebi ahaan sidaas ka duwan. Waxa aan ku doodayaa in xajmiga argagaxa leh ee qalalaasaha ka aloosan Bariga Dhexe, Bayruut ilaa Dahraan, ee ay sababeen weerarrada ay wadajirka u qaadeen Maraykan iyo Israa’iil, aan la fahmi karin, iyada oo aan la fahmin xidhiidhka ka dhexeeya weerarradan iyo hoobadka degdegga ah ee ku socda nidaamkii Hantigoosadka Liberaaliga ahaa (ee ku dhisan suuqa xorta ah oo aan wax dabar ahi ku xidhnayn). Kala qaybsanka iyo dildillaaca laga arko goobo dhawr ah, dagaallada xasuuq ee dabo dheeraaday iyo duullaannadu keliya waa astaamaha xanuun iyo dakanooyin aasan oo aad u qotodheer, oo xididdadiisu ku libdhaan qaabka Hantigoosadka laftiisu uu u shaqeeyo.
Dagaalka Iiraan waxa uu ku bilaabmay qorshe ahaa iskudayga in “nidaamka la beddelo”, iyadoo loo adeegsaday bambooyinka B-52. Se labadii toddobaad ee ugu horreeyeyba, dagaalku waxa uu si degdeg ah isugu beddelay dagaal lagu wado kaabayaasha dhaqaale oo hub ahaan loo adeegsanayo. Warbaahinta caalamiga ah iyo dhinacyada badeecooyinka aasaasiga ah ka faalloodaa waxa ay xoogga saareen ka warranka dhibaatooyinka soo gaadhay warshadaha shidaal, warshadaha sifaynta iyo xarumaha xogta. Si aad uga fog isdhiibid ama ku hoobashada dagaal sokeeye ayaa ay Iiraan uga falcelisay, oo waxa ay xidhay Hurmus oo gilgilay suuqyada shidaalka, qiimaha halkiisa foostana gaadhsiiyey 200 doollar. Se sababta guushu kuma koobna falcelinta Iiraan, ee sidoo kale waxa jira laba sababood ama jaangooye oo isla Hantigoosadka u laabanaya: heer caalami ahaan, gacansarrayntii Maraykan ee dhaqaale waxa ay caqabad iyo carin kala kulmaysaa Shiinaha madaxa lasoo kacay, heerka gobol ee Bariga Dhexena, tobankii sanno ee u dambeeyey waxa tartan xooggani ka dhex jiray awoodaha gobolka laftooda; waa Israa’iil, Iiraan, dalalka Khaliijka iyo Turkiga. Labadan heerbana, xidhiidhka ka dhexeeya loollanka dhaqaale iyo loollanka millatari ee Hantigoosadka gudihiisu waa uu xoogaystay, si joogto ahna waa ay isku saameeyeen.
Sidaas oo ay tahay, oo caalam ahaan argagaxaas dagaal innagu xeeran yahay, haddana waxa jira sababo keenaya yididdiilo. Wejiga keliya ee dhibaatadu maaha inuu sii xididdaynayo kalaqaybsanaanta u dhaxaysa dalalka ama kooxaha diineed, ee waa suurogalnimada iyo awoodda bulshooyinku u yeelanayaan iskacaabbin iyo halgan gudaha iyo gunta ka dhisma. [Tusaale ahaan], Ingiriiska gudahiisa, dhaqdhaqaaqa dagaalka lagaga soo horjeedaa waa inuu noqdaa mid xoogga lagu saarayo in la wiiqo kaalinta xukuumadda Ingiriis ku leedahay kaalmaynta iyo fududaynta jariimooyinka isbahaysiga Maraykan iyo Israa’iil ku wadaan bulshooyinka gobolka. Ha yeeshee, dhaqdhaqaaqa bulsho waa mid u baahan garab raadhikaal ah oo gudaheeda ka samaysma. Abaabulka dibadbaxyada iyo ololaha lagu diiddan yahay qulqulka hubka ee maraya halbawlayaasha caalamiga ah ee Hantigoosadku, waa jid ka waxtar badan hub kasta oo kale oo dagaalka lagu joojin lahaa.
Qofka dib u akhriya dhukumantiga “Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka” ee uu soo saaray maamulka Trump bishii Noofambar ee 2025, iyo dhukumantiga “Istiraatiijiyadda Difaaca Qaran” ee soo baxay Jeenweri 2026, waxa uu la kulmayaa u qaadanwaa, xilli dayaanka bambooyinku is haystaan magaalooyinka Dahraan iyo Bayruut. Dhukumantiga Amniga Qaran waxa lagu sharraxay sababta ay tahay in Maraykanku u qaato mawqif gebi ahaanba ka duwan kii hore oo ku wajahan gobolka, waxaanu leeyahay:
“Ugu yaraan nus qarnigii tagay, siyaasadda Arrimo Dibadeed ee Maraykanku waxa ay mudnaanta siisay gobolka Bariga Dhexe, si ka duwan dhammaan daafaha dunida. Sababaha mudnaan-siintu waa ay caddaayeen: Bariga Dhexe waxa uu tobannaan sano ahaa isha ugu muhiimsan ee tamarta dunida, waxaanu ahaa saaxadda uu ku kulmo loollanka awoodaha waaweyni, waxaana ka aloosnaa dagaallo iyo qalalaase dunida kale saamaynayey, oo xitaa xeebaheenna soo gaadhay”.
Dhukumantigu waxa uu ku doodayaa in laba ka mid ah sababahaasi “aanay maanta taagnayn”. Sababta koowaad waa in loollankii awoodaha waaweyn lagu beddelay u loollanka qaab istiraatiiyadaysan oo diblumaasiyeysan, kana fogaanaya khasaare toos ah. Qodobka labaadna, waa in Maraykanka oo ah il tamarta saafiga ah, aanu u qabin isla baahidii darnayd ee keeni jirtay inay gobolka faragelin toos ah ku sameeyo: “Xilli maamulkani uu meesha ka saarayo siyaasadihii dabarka ku ahaa tamarta ama uu fududaynayo, dardargelinna uu ku samaynayo waxsoosaarka tamareed ee Maraykanka, sababtii taariikhiga ahayd ee uu Maraykanku xoogga u saari jiray Bariga dhexe ayaa hoos u dhacaysa”.
Istiraatiijiyadda Maraykan waxa ay xoogga saaraysaa inay gacansarraynta Maraykan ku ilaaliso goobo kale oo dunida ah, sida Laatiinka iyo Karriibeyaanka, oo dabaqadda talada Maraykan u aragto kayd Maraykan, iyadoo dib loo soo noolaynayo Mabda’ii Monroe. Istiraatiijiyaddu waxa kale oo ay aragtaa in Israa’iil ay gudanayso kaalinteedii ilaalinta danaha Maraykan ee Bariga Dhexe keliya markay la heshiiso dalalka Khaliijka. Istiraatiijiyadda waxa ku qoran:
“Israa’iil waxa ay muddo horeba xaqiijisay inay awooddo inay is difaacdo, iyadoo kaalmo kooban se muhiim ah ka helaysa Maraykanka. Israa’iil waa saaxiib mudnaan leh, oo aannu fursad u hayno xoojinta awooddeeda isdifaac iyo ka shaqaynta danaha aannu wadaagno, iyadoo la dhamaystirayo dedaallada Trump ku doonayo dhabaynta nabadda Bariga Dhexe. Sidoo kale, saaxiibbada Maraykanka ee Khaliijku waxa ay in ka badan intii hore diyaar u yihiin iska difaacidda Iiraan iyo xulafadeeda, iyagoo iibsanaya nidaamyo millatari oo Maraykan”.
Haddaba, dagaalka kediska ku bilaabmay ee lagu qaaday Iiraan dhammaadkii Feebarweri ee 2026, waxa uu u muuqdaa in si lamafilaan ah looga noqday ballanqaadyadan hore ee ku saabsanaa soo afjaridda dagaallada aan dhammaadka lahayn, iyo joojinta metelaadda kaalinta booliska caalamiga ah. Qaar ka mid ah taageerayaasha MAGA (Make America Great Again) waa ay mucaaradeen weerarkan, waxaanay u arkeen tallaabo dhabar-ka-toogasho ku ah ballamahaas hore. hase yeeshee, badh ka mid ah aragtiyada ku jira labada istiraatiijiyadood ee aynnu soo qaadannay, oo ku saabsan muhiimadda Bariga Dhexe u leeyahay hannaanka Hantigoosadka caalamiga ah, waa wax ku aroora isbeddellada dhabta ah ee ku socda dhaqaalaha caalamiga ah, dabaqadda maamul ee Maraykanna la hardamayso inay isla qaabayso, oo ay la qabsato.
Isbeddellada ku yimi waxsoosaarka warshadeed ee caalamiga ah waa mid sababay isbeddel ku dhacay jihadii ay u socdeen jidadka badeecooyinku, oo sababay dib u qaabaynta nidaamkii tamarta caalamigaa ahayd. Kama dhigna arrinkani in Hantigoosadka laftiisu gunta iska beddelay, ee waxa is beddelay goobtii xuddunta u ahayd awoodda dhaqaale ee dunida. Labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, Shiinuhu waxa uu sameeyey bootin dheer oo dhinaca awoodda waxsoosaar ah, sababtan awgeedna waxa uu xuddun u noqonayaa faallayn kasta oo lagu samaynayo isbeddelladaas. Sidaas darteed, haayadihii xukuumiga ahaa iyo shirkadihii waaweynaa ee maamuli jiray dhaqaalaha caalamiga ah xilligii Liberaaliyadda Casriga ah, waxa ay hadda ku khasbanaadeen inay isku dayaan la jaanqaadidda waaqacan cusub.
Labada Istiraatiijiyadood ee Amniga iyo Difaacuba waa ay qirayaan isbeddelladaas, sidaas darteed, waxa ay tixgalinayaan in waxsoosaarka hubka iyo agabka millatari ee Maraykan laga dhigo yool aasaasi ah oo ka mid ah istiraatiijiyadda jiquraafi-siyaasadeed ee Maraykanka. Hase ahaatee, Maraykanku warshadayntiisii oo dhan ugama tanaasulin Shiinaha [sida dad aamineen]. Cagsiga aaminaaddaas, isballaadhinta Maraykankaa ee kaabayaasha dhijitaalku waa calaamad muujinaysa loollanka dhaqaale ee Maraykanka iyo Shiinaha ka dhex jira, xilli Shiinuhu aad ugu dhow yahay gaadhitaankiisa, se marna ma aha in Maraykanku yahay dal warshadayntii lumiyey. Dedaalladiisa waxa ka mid ah: dalabka badan ee lagu rabo tamar lagu shidaaliyo Cloud Computing-ka iyo garaad-gacmeedka (AI-ga) iyo ku xoogganaantiisa waxsoosaar tiknoolajiyadeed oo udubdhexaad ah, sida semiconductors-ka.
…. La soco Q. 2aad.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxana soo turjumay Maxamuud Bulxan.