Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Raaca Saddexaad ee Fanka Soomaalida

17 September, 2025
Image
Raaca Saddexaad ee Fanka Soomaalida
Share

Masraxa Hargeysa waa warshad aan daalin. Waa madbacad tayo badan. Waxa uu caan ku yahay soo saaridda fan iyo fannaan hibo u saaxiib ah; walina lama dhaliilin shaqsi uu masraxa Hargeysa shaacsane ka dhigay. Marka la joogo dhanka gooraynta (cahdiyada), fannaan waliba waxa uu gaar la yahay milaygiisa, kama horreeyo kamana danbeeyo. Goorayntu waa arrin la xidhiidha tamarta shaqsiga ah. Xilli ayaa uu qofka waxsoosaarkiisu badan yahay oo uu laba-gacmoodiyaa, xillina hoobad ayaa uu galaa oo iskadaa in uu waxsoosaaro e, naftiisa ayuu tahli waayaa. Xasan Aadan Samatar xilli ayaa uu lahaa fankiisu figta gaadhay. Seben dhegaha dadka Soomaalidu ay xifdiyeen codkiisa isla jeerkaana haddii ay arkaan ay suuraysan karayeen heesta uu u qaadi doonaa midda ay tahay. Maxamed C. Huryo, Cumar Dhuulle, Khadra-Dhool, Mushteeg iyo kuwii “muuqa aan la kala garan.” Intaasiba waxa ay lahaayeen seben u gaar ah iyo waa’ uu calankoodu taagnaa. Raacaa hore ee fanka waa ay fududayd in la kala garto hoobalka codka toolmoon iyo fannaan ismoodka keligii is mahadiyay. La iskuma jirin oo bulshaweynta ayaa garsoor ahayd; iyagaa cidda ay jeclaadaan xiddigaha gayn jirey walibana ku hayn jirey, cidda qancin waydana barteeda ku dhaafi jiray. Rag badan oo fankooda tacab geliyay ayaa ay bulshadu aqbali wayday; kuwa aan islurin oo hibo Eebbe samee ahi dabada ka riixaysayna shaanbad aan dabadood cid la siinin ayaa loogu dhuftay. U fiirso Dhuulle iyo Dhool mar ma ay damin xitaa iyaga oo godgalay.

Xilliyadii hore oo ay Hargeysa ka mid ahayd xarumaha soo saara fanka Soomaalida, waxa ay ahayd xilli ay bulshadu garsoore u ahayd fanka iyo fannaanka oo aan si fudud lagu dhaafi jirin shaandhada bulshada

Haddaba, xilligan la isku maaxdumay ee cid waliba banyaalka noqotay waa ay adag tahay in qofka caadiga ahi kala garto hoobalka hiboolaha ah ee ay iyadu(hibadu) hoggaaminayso iyo hoobal la-moodka mikirifoonka cidlada ka helay ee waxii ku soo dhacaba qaaday. Waa ay adag tahay miisaan saariddu, waana ay kakan tahay in aad qof keliya farta ku fiiqdid. Qabiilka, qoqobka iyo qaraabakiilka xadhkaha goostay ayaa keensanaya in la tilmaami waayo cidda ay hibadu saaran tahay. Qoddobkan oo qudha ma aha e, kaabayaal kale ayaa iyaguna jira, waxa ka mid ah: 1) Qalabka muusigga oo tiro iyo tayaba batay ayaa hormuud u ah in ay cid waliba heesto. 2) Tiknoolajiyadda casriga ayaa, iyaduna, doorkeeda qaadatay oo buunbuunin badan u samaysay qof aan si kale u mudheen. Sida uu Maxamed D. Afrax ku dooddayo fan-masraxeedku bilawgiisii illaa toddobaatannadii kor ayaa uu u socday, xilligaa wixii ka danbeeyayna waxa uu bilaabay hoobad. Doodda Afrax waxa u markhaati furay waaqaca haatan taagan iyo sida uu fankii qirinqiirka ugu jiro ee u yahay “maafishkaba keen.” Laakiin, meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa innala qabta hoobadka masrixiyadda iyo maahsanaanta fanka, iyada oo ay kala duwan yihiin duruufaha saamaynta tooska ah ku leh.

Innaga, marka laga yimaaddo raacii koowaad ee fanka dhidibbada u taagay ee Xusseen Aw Faarax, Cabdillaahi Qarshe, Cabdi Sinimoo, Cali Maleexaani iyo raggii kale ee ay ka mid ahaayeen waxa ay ka tageen niman dabkii ay shidheen dogobyo sii saaray. Kooxda ku xigtay waa raacii labaad ee fanka casriga ah, waana abaabul isku darsaday khibradda ay kasoo gaadheen qoorweynta ka horraysay (raaca koowaad) iyo curintooda cusub oo aan iyaduba ‘gabno’ ahayn. Sida fallanqeeyayaasha fanku sheegaan raaca saddexaad ee fanka Soomaalidu waa kacaanka qarnigan 21aad iyo halabuurka ay lugaha ku wataan. Dad badan oo aan ka mid ahay ayaa saluugsan sida wax u socdaan, qaabka fanka loo barabixinayo iyo sida iskufuranka xad la’aanta ahi u saamaynayo sawracii abka-soo-gaadhka ahaa.

Ma durayo casriyeynta fanka iyo horumarintiisa oo taasi waaba sababta uu fan u yahay—in uu ahaado wax furan oo cid waliba markeeda iyo maalinteeda wax ku biiriso, laakiin ka bad-badinta ayaa ah qoddob in laga noqdo mudan. Sidoo kale, waxa jira waaqac aynnu ugu yeedhi karno ‘Busaarad faneed’ oo midho kasta oo la curiyaa ay hees la noqon karaan halabuurrada iyo hooballada, iyada oo aan laga indhaqarsanaynin shaacsanaha bulshada oo aan la eegayn sida ay ereyadaasi caqliga bulashada ‘gabayga’ dhaxalka u leh u gelayaan.

Ka dib raaci 1aad ee fanka Soomaalida ee filkii Cabdillaahi Qarshe iyo raacii 2aad oo aan iyaguba gabno ahayn, waxa raaca 3aad, oo kan hadda ah, ku dhacday wax aan ugu yeedhi karno ‘busaarad faneed’ lamana kala saari karo hoobalka hibeed iyo hoobalka ‘anna-waykanka’ ah

Sida uu Ibraahin Hawd ku xusay buuggiisa Aanadii Negeeye; “Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga, adiguna aad tahay nolosha.” Sidoo kale waxa uu odhanyaa: “Marka aan doonayo in aan ogaado ummad ummaddaha ka mid ah heerka ay joogto ilbaxnnimadooda iyo horumarkoodu waxaan eegaa uun masrixiyaddooda.” Qiimahaas ayaa uu fanku ku dhex leeyahay bulshada, haddii se uu hoobad galo waxa uu qaadanayaa qeexitaan aan ahayn kan aynnu wadaagnay.

Maaxdumitaanka fanka raaca saddexaad waxa jira fannaaniin iskooda u ga badbaaday (ama dheh hibaddoodu ka badbaadisay) oo mar qudha dhegaha dhallinyarada qabsaday. Hooballo aan sida asxaabtooda kale wixii hees looga dhigaba qaadin ee xeerar iyo mabaadi’ faneed samaystay. Midhadh ka koray ficilka iyo faddeexadda bulshada kala disha ee qabyaaladda, takoorka iyo jaad kasta oo cunsuriyad ah. Fannaaniin codka uu caqli u raaco oo aan dhuunigu hagin. Dhiggooda, waxa iyaguna jira qofaf aan danba ka lahayn waxa ay ummadda u soo gudbinayaan. Shaqsiyaad adeegsada fanka ‘iga geeda’ oo haddii aad xitaa adigu midho u dhiibto ka fekeraya ma ‘qarxaysaa’ iyo immisa erey oo baraha bulshada laga adeegsado ayaa heestan ku jira oo aan Meesha soo dhiganaynin ‘adiga iyo taageerayaashaada ma idin meteli karaan midhahani’!

Haddii aynnu uurdooxno abbaarta maqaalkeenna, waxa raaca saddexaad ee fanka Soomaalida soo ifbaxay abwaanno iyo fannaaniin ujeeddo la’aan heesaha u sameeya. Abwaaanno iyo fannaaniin qaatay doorkiii haweenka buraanbura oo madal kasta la taagan heesaha u eeg buraanburkii reeraha lagu ammaani jirey ee aroosyada laga qaadi jirey. Gasariirka curinta fanka ee raaca saddexaad waxa uu marayaa heer tayaxumo badan oo aynu arkayno ereyada heesahooda, laxankooda iyo dabcan codkooda oo saaxiib dhaw la ah migsarka sifeeya dhuunta aadanaha.

In kaste oo ay jiraan hooballo iyo abwaanno ay hibadoodu ka badbaadisay, haddana raaca saddexaad ee fanka Soomaalida waxa ku badan abwaanno iyo hooballo ujeeddo la’aan heesa ama maansooda oo qayb ka ah gasariirka ku dhacay fankii Soomaalida

Heestu waa jaadka u gu casrisan maansada Soomaalida, waxana ay qaadatay doorkii uu mar gabaygu lahaan jirey. Waxa lagu tilmaami karaa (sida uu Afrax qabo) dhaqangudbiyaha u gu weyn ee haysta aqlabiyadda shacabka iyo cabbiraadda dareenka dadweynaha. Iyada oo macnahaa weyn leh, in wacyigudbin hoobalku u ga faa’idaystaana waa mid kale oo sii ballaadhinaysa nuxurka heesta iyo heesidduba ku leeyihiin agteenna.

Maaddaama oo aynnu isla soo garannay in fanku yahay muraayadda bulshada oo cidda taariikhdeenna rabtaa baadhanayso, waa muhiim in aynnu lahaanno fan ka baxsan jacaylka, nabsiga, boholyowga iyo xiisaha lammanaha. Fanka wacyiga, in aynaan ka qadin oo aanu mucsur ka noqon ayaa qumman, si aynaan u gu muuqan bulsho madhan oo “yaa Alle wax siiyay” ka taagan fanka iyo ilbaxnimada.s

Jiilkeenna, iyo dabcan facii horeba, fannaan waliba waxa uu leeyahay halabuur u ga duwan abwaannada kale. Halabuur ay si gaar ah saaxiib u yihiin, isu dabeecad fahmaan una wada falgalaan. Midhaha abwaankaasi sameeyaa waa ay u ga duwan yihiin fannaanka midho cid kale samaysay. Aragtidan waxa aynnu u heli karraa tusaaleyaal nool oo taariikhda fanka ku xardhan: Maxamed Mooge waxa uu gaar u gu lammaanaa Maxamed-Hadraawi, Xasan Aadan waxa uu isna la jiray Xasan-Genay, Mursal Muuse waxa dadka baray midhaha Weedhsame, sida Maxamed Biikeeba uu Laabsaalax ugu xidhnaa, Saalax Sanaagna uu u gacan qabtay Sekeriye Kobciye oo ah abwaan iyo fannaan baarka sare ah. Sunnahaa hore ee ku xusan taariikhda faannaaniinta raaca saddexaad waa ay ka tallaabsadeen.

Ugu danbeyn, fanku sidiisaba waa in uu noqdo mid waaqici ah, oo dhan ka ah madadaallo, dhanna ka ah farriin gudbiye. Waa in uu yahay mid nuxur leh oo ka shaqeeya isku haynta bulshada kana dheeraada kala dilka iyo cunfiga, xilkaasina waxa uu saaranyahay dadka u ehelka ah fanka ee ku dhaw.

Heesta oo ah dhaqan-gudbiyeha u weyn waa in aanay ku koobnaan uun jacayl, nabsi, boholyow iyo xiise lammaane. Iyaga oo intuba muhiim ah, waa in aynaan u muuqan ummad madhan, fankeennuna waa in uu yeesho farriin wacyigalin iyo aqoon kobcin ah – waa arrinta ay raaca saddexaad ee fanku ka tallaabsadeen, nasiibdarro!

Maxamuud Cabdicasiis (al-Xuut) oo ka mid ahaa fannaaniintii dalka Suudaan loogu dhegaysiga badnaa, qayb ka mid ah qarnigii 20aad iyo kan 21aadba, oo noolaa intii u dhaxaysay 1967-2013, marna lagu naanaysay fannaankii dhallinyarada dalka Suudaan ayaa mar la waraystay, waxa la wayddiiyey; “Yaad u heestaa?” Wuxuu ku jawaabay; “Anigu waxaan u heesa qof kasta oo i fahmaya, igu dareen ah, fankayga jecel, meesha uu doono ha joogee, kaas ayaa cidkasta iiga dhaw oo aan u ahay fannaan.” Sidan al-Xuut uu xusay hoobalku waa in uu ahaadaa daahiro (phenomenon) ay dhallinyaro badan oo heestaa ku dayan karaan, fankiisana uu ka gudbiyaa xuduudaha la sameeyay ee aan isaga lafiisa dani ugu jirin. Fannaaniintan danbe ee aan isleeyahay jidkaas bay qaadeenna waxa aan ka xusi karaa Saalax Sanaag.

Qoraallada kale ee qoraaga

Tix

Suugaanta Safarka

Fan

Dhool Faneed

Buug

Muxuu inna Barayaa Buugga Xeer Ciise?

Dhaqan

Hibamaalka iyo Farsamada Soomaaliga