Wednesday 19 November 2025
Qofka habdhaqankiisa, habfekerkiisa, iyo dareennadiisuba waxay geli karaan qalalaase khalkhaliya habsamadii ay ku hawlgelayeen. Qalalaasahaas baynu nidhaahnaa xanuunno ama xaalado nafsadeed ama dhimir.
Khaladfahan badan ayaa ku hareeraysan xaaladahaas nafsadeed. Ugu horrayn, waa in aynu wada garanno in cidina aanay ka tallaallayn, oo qof kastaa (sabool iyo hodan, muumin iyo mulxid, sokeeye iyo shisheeye, rag iyo dumar, yar iyo weyn) uu mar la kulmi karo wax walaahow iyo uurgubyo ku reeba; labadii qofba mid baa laga yaabaa in ay kol uun haleesho jirro nafsadeed, sida ay xustay deraasad ballaadhan oo 2023 soo baxday. Nolosha ayaa wadata dhacdooyin la mahadiyo iyo kuwo mahadho reeba labadaba. Sidii uu Maxamed Mooge ku heesay, “Dunidaa badhaadhe ah / marna wadata hawl badan.” Sidaa awgeed, cid kasta ayaa u nugul in xaaladdu ku adkaato oo dabadeed qarracan iyo quwadjabba ay kaga tagto, oo qaxar iyo qato ay kala kulanto. “Meeshii mildhaabe leh rag saw kula masaal maaha!”
Sidaas oo ay tahay, xaaladda caafimaadka dhimirka ee dunidu aad bay uga sii daraysaa, marba marka ka dambeeya. Tusaale ahaan, bishii sagaalaad ee sannaddan 2025 ayaa uu Ururka Caafimaadka Adduunku ku warbixiyay in siddeeddi qofba uu ruux ka mid ahi maanta la halgamayo caafimaaddarro dhimir.
Kolka la dersayo xaaladaha nafsadeed, walaaca (anxiety) iyo qulubka (depression) ayaa ka mid ah kuwa ugu faafsan ee dadka saameeya. Maqaalkeennan koobani, markaa, waxa uu isku dayayaa in uu soo ururiyo astaamaha iyo aanaynta qulubka, si uu inoogu noqdo barbilaw wacyigelineed (Waxana uu irridaha u furayaa in Af Soomaali lagaga haqabbeelo xogta ku saabsan caafimaadka dhimirka/nafsadda). Dabcan qoraalkan iyo mid kale tooni qofka uma noqon karo wax uu ku maarmo, ee waa in uu xaaladdiisa sii baadho oo uu cid takhasuskeeda leh inta uu la fadhiisto uu dhab uga shaqeeyo wax-ka-qabashadeeda. Qoraalku waa kuu ibafur ee kuu ma noqonayo dammaanad. Maxaa yeelay, qof kastaa waxa uu leeyahay shakhsiyad jaadgooni ah iyo waayo u gaar ah.
Qaamuuska Af Soomaaligu, erayga qulub waxa uu ku qeexayaa: “Isla-hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso.” Sida oo kale, kolka uu magac-faleed yahay, waxa uu taxayaa tilmaamo aad muhiim u ah: “Welwel iyo caloolxumo dareemid” iyo “Welwel iyo caloolxumo dart[oo]d la caatoobid.” Kolka aynu ag dhigno qeexidda iyo macnaynta cilmiyaysan ee xaaladda afka qalaad lagu dhaho depression, waxa aynu arki doonnaa sababta ay eraybixin ahaan isugu habboon yihiin.
Guud ahaan jirrooyinka maanka iyo nafsadda haleela marka la qeexayo waxa la raacaa dhawr hage oo caalami ah, oo uu ugu weyn yahay Abla’ablaynta Caalamiga ah ee Cudurrada oo uu soo saaro Ururka Caafimaadka Adduunku haatanna maraya daabacaddii 11aad, iyo Hagaha Cudursheegga iyo Tirakoobka Cilladaha Dhimirka oo uu soo saaro Ururka Dhakhtarrada Dhimirka ee Maraykanku haatanna maraya daabacaddiisii 5aad oo naqtiiman (text revised; waxa lagu naanaysaa soogaabintiisa Ingiriisiga ee DSM). Waxa soo raaca Hagaha Cudursheegga ee Daynaamika-nafeedda oo ay soo saaraan kooxo badan oo ka siman in ay u janjeedhaan aragtida lafagurka nafsadeed (psychoanalysis) ama daynaamika-nafeedda (psychodynamic theory) oo qabta in fasiraadda xaaladaha nafsadeed iyo dhimirba laga raadiyo kudaadegidda iyo qodista duunka hoose ee qofka iyo utumaha laga yaabo in ay ku qarsoon yihiin ee aanu hore ugu baraarugsanayn (Waa mad’habkii uu asaasay Sigmond Faroydh). Hagahan daabacaddiisii saddexaad ayaa la filayaa bisha Diseembar ee 2025. Dhammaan buugaggani waa halbeeg laga ambaqaado baadhista, oo dabcan qeexiddu ka kow tahay.
Ugu horrayn, waa in aynu ogsoonaanno in qulubku uu yahay jirro haleesha dareenka, caaddifadda iyo jewiga qofka. Waxa uu ka mid yahay dallad ballaadhan oo la isku dhaho Cilladaha Jewiga Nafsadda (Mood Disorders). Sidaas oo ay tahay, maaddaama jidhkeenna iyo nafsaddeennu aanay kala qaarnayn ee ay si kasta isu saameeyaan, qalalaasaha dareenka abbaaray waxa uu ka soo daahiri karaa habdhaqanka iyo habfekerka qofka oo uu raadeeyo.
Qulubka laftiisa waxa loo qaybiyaa dhawr nooc. Waxa ka mid ah gedgeddoonka dabeecadda iyo camalxumada carruurta (disruptive mood dysregulation disoder), tiiraanya-luudka caadada ka horreeya (premenstrual dysphoric disorder), qulubka jiitama (persistent depressive disorder), iyo qulubka daran (major depressive disorder) oo ah kan aynu gaarka ugu muraadi doonno.
Saddex heer ayaa uu midkood u iman karaa qulubku: 1) qaab sahlan (mild), 2) qaab meeldhexaad ah (moderate), iyo qaab xooggan (severe). Waxana aynu isla eegi doonnaa sida lagu garto. (Xasuusnow: Carruur iyo cirroolaba waa uu heli karaa xanuunkani).
In qofkaas uu qulub darani hayo waxa la go’aamin karaa kolka ugu yaraan shan calaamadood oo ka mid ah sagaalkan tilmaamood uu qofku yeesho muddo ugu yaraan labo toddobaad ah oo xidhiidhsan. Astaamahaas waa in ay ka mid yihiin jewi qasan (depressed mood) iyo xiisaha oo guura (loss of interest), iyo ugu yaraan saddex kale oo soo raaca. Macnuhu waxa weeye, labadan aynu goonnida ula baxnay waa asaasi.
Jewiga oo ka qasma. Malaha waa calaamadda ugu caansan. Qofku waxa uu iska soo tebinayaa in uu dareemayo haawasho gudeed, oo uu murugoonayo, oo uu quus taagan yahay; haddii aanu isagu iska warbixinna, ciddii u kuurgasha ee u fiirsataa waxa ay arki kartaa in uu isku buuqsan yahay, had iyo goor maahsan yahay, mararka qaar uu ooyayo, oo sida la dhaho ay ka jiifto ama ka jajaban tahay. (Carruurta iyo da’yarta waxa halkan ugu jira camalxumo iyo dabeecaddooda oo noqota mid aan loo dulqaadan karin).
Hurdada oo ka xumaata. Qofku waa uu doonayaa in uu seexdo, ama waa uu isku dayayaa, balse u ma imanayso. Waxa jira xaalado kale oo nafsadeed oo qofku aanu doonaynba wax hurdo ah, isla markaana aanu isku dayayn (sida xaaladda aynaan maanta ka hadlayn ee laba’eefka – bipolar disorder), oo ay tahay in aynaan tan ku khaldin. Qofka qulubku hayaa waa uu rabaa hurdo, ee waa aanu awoodin in uu il iyo baal isu keeno.
Xiisaha oo ka guura. Waxa yaraada waxyaabaha xiisagelinaya, ama xaradhaaminaya dareenkiisa ee wax jeclaysiin kara. Wax alla wixii macne u samaynayey ama uu dhadhan ku hayey way isa soo gurayaan.
Ciilkaambi had iyo goor ah. Qofku waxa uu dareemayaa in uu khalad galay ama uu raqiis yahay, oo sidii cid denbi lagu hayo ayay laabtiisu cuslaanaysaa. Waxa uu dareemayaa in aanu waxba ku fillayn oo uu waxbayahay. Waa uu is hiifayaa oo is haaraamayaa.
Tamardarro joogto ah. Qofku waxa uu noqonayaa cagajiid aan waxba qabsan karin. Daalka iyo dakaanka ayaa ku badan. Waxa laga yaabaa in aanu qolkiisa ka soo bixin maalmo iskubixis ah, oo uu furaashka laasimo.
Oomataxumo. Ma aha uun in hamuuntii cuntadu ka guurayso. Waxa dhici karta in uu aad wax u cuno, dabadeed miisaankiisu kordho; ama uu aad uga soomo wixii anfaaci ahba, dabadeed uu aad u dhuubto. Cayilaad iyo caataba waa uu yeelan karaa. (Xasuuso qeexiddii erayga qulub ee Qaamuuska, oo inoo guntay sifaha “caatoobid”—waa dhan uun, ee dhinaca kalana cayilaad baa jiri karta). (Carruurta iyo da’yartu marka ay qulubsan tahay, halkan waxa u gala khalkhal ku yimaadda miisaankii laga filayay marka loo eego da’dooda).
Fiirada iyo fekerka oo hallaaba. Qofka waxa ku adkaada in uu samir yeesho oo wax cayiman awooddiisa isugu geeyo; dhugmadiisa ayaa hoos u dhacda. Fiiradiisii (attention) ayaa gaabisa. In uu arrin ka baaraandego ayaana ku adkaata.
Kuududsi jidheed iyo mid macnawi ah. Nafsad ahaan iyo jismi ahaanba waxa uu noqdaa fadhiid ay ku adag tahay in uu, sida la dhaho, far dhaqaajiyo. (Waa in ay gaadho heer dadka kale ee ka agdhowi ay arki karaan).
Dhimashada iyo isqudhgoynta oo ku soo noqnoqda. Had iyo goor waxa uu ka fekerayaa geeri ama sidii uu ifka uga tegi lahaa isaga oo aan wax tallaabo ah u qaadayn in uu nafta is dhaafiyo, ama waa uu isku dayaaba in uu is dilo, ama qorshe cad ayaa uu u dejistaa sidii uu dhiman lahaa. (Waxa jira khaladfahan badan oo laga haysto isqudhgoynta. Halkan baan kaga hadlay wax ka mid ah).
Qodobkaa hore (calaamadahaas sagaalka ah in ugu yaraan 5 ka mid ahi ay si joogto ah qofka uga muuqdaan muddo ugu yaraan labo wiig ah), waxa dheer dhawr shuruudood oo kale.
Waa in cilladdani ay qofka ku keenayso walaac, karkabo, iyo kadeed badan oo ka garbaduuba hawlihiisii maalinlaha ahaa. Waa in uu qofku tawstan darteed uu u hawlgabaa.
Waxa jira deraasado iyo tijaabooyin cilmiyaysan oo beryahan dambe la sameeyay oo su’aal ka keenay shardigan oo ka mid ah halbeegga Hagaha Cudursheegga iyo Tirakoobka. Waxa la ogaaday dadka qaarkood iyaga oo si kasta u qulubsan in ay haddana is tiilaan oo hawlgalaan oo noloshooda ay uga soo dhalaalaan sidii qof aan qulub haynin. Cilmibaadhisuhu weli waa ay socdaan, balse dar ay horkacayso Dr. Juudis Joosef ayaa shaacsanahan u bixiyay “Qulub Laga Shaqaysan Karo – High Functioning Depression.” (Dhawr bilood ka hor ayay soo saartay buuggeeda High Functioning oo ay masaladan ugu jidbixinayso, talooyin aad wax-ku-ool u ahna ay ku soo bandhigayso). Waa arrin aad u muhiim u ah, maxaa yeelay marar badan qof aynu moodayno in aanu waxba qabin oo lagaba yaabo in uu inoogu qosol iyo shaqo badan yahay ayaa laga yaabaa in waayaha qallafsani ay hoosta ka hiigayaan oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ay taasi soo ridan doonto haddii aanu goor roon soo wada bixin ama aan laga wardoonin.
Walaaca iyo diiqadda maalinlaha ahi marar badan waa qayb ka mid ah xidhmada iyada oo isku dhan la inoo soo daayo ee jiraalka ama nolosha la dhaho, oo waaba lamahuraan, ee waxa ay cillad noqonayaan marka ay habsami-u-socodkeenna inaga kala laalaan muddo badan oo xidhiidh ah.
Waa in la hubsado in sifooyinkan aanu keenayn eel jidheed (physiological effect) oo ka dhashay xaalad caafimaad oo kale ama dawooyin iyo/ama maandooriye kale oo qofku qaadanayay. Qodobkani waa muhiim, maxaa yeelay waxa dhici karta in haddii qofku bilmetel sakhraamo ama mirqaamo ama uu haafyuun iyo xashiishad isku guro dabadeed uu, sida la dhaho, “cirka galo,” uu hadhow isku/lagu arko astaamo u eg qulubka daran. Kolkaa waa in la xaqiijiyo in aanu jirin sababo noocaas ah oo loo nisbayn karo astaamaha.
Sida oo kale, sifooyinkaa waa in aan loo aanayn karin xaalado iyo xanuunno nafsadeed/dhimir oo kale. Tusaale ahaan, laba’eefku waxa uu leeyahay calaamadaha qulubka, laakiin kacsanaan (mania) iyo kacsanaan-xigeen (hypomania) ayaa u dheer; waa sababta loogu bixiyay laba’eef (bipolar). Qulubka darani waa in uu keligii jiro oo uu noqdo qulub madiyaysan (unipolar depression), taas oo ka dhigan in kacsanaantii/kacsanaan-xigeenkii aanay barbarsocon qulubka.
Mid aynu ogsoonaanno: Qulubka ka dhasha dhacdo weyn oo nololeed—sida qof aad jeclayd oo kaa dhintay ama aad si kale u wayday, ama xidhiidh caashaq oo kaa burburay, ama shaqo iyo mihnad aad ku taamaysay oo kaa kala daadatay, ama wax la halmaala—mar kasta ma aha qulub daran oo ay tahay in laga dayriyo loona aqoonsado jirro nafsadeed. Waayo inta badan waa falcelis caadi ah, waana habeendhax oo ma waaro. In kasta oo, sida aynu hoos ku arki doonno, uu mararka qaar keeno danabkac qofka geliya qalaanqal qulub daran ku dambeeya.
Maxaynu ku kala garan karraa murugada tacsida ku lammaan ee caadiga ah iyo baaxaadegga urugada wata ee qulubka darani wato? Waxa aynu tixi karraa dhawr qodob, si aynaan qof baroordiiqaya ugu khaldin in uu buko.
Dareenka: Qofka geeriyaysani waxa uu ku wajahaa dareen haawasho iyo tebid ah—waxa uu waayay cid uu jeclaa, waana wax la filan karo in booskiisii uu ku bannaanaaday. Dhanka kale, qulubka daran waxa lagu gartaa dareen had iyo goor dunsan oo qasan, iyo farxad-la’aan baahsan—qofku maba uu karo in uu samo fisho.
Tiiraanyada: Labadaba waxa ku jirta marxalad tiiraanyo ku suntan, balse qofka tacsiyaysan tiisu way jabtaa marka muddo laga joogo, intaa ay haysana waa hirar kala googo’an iyo ladh ku soo kaca hadba marka uu marxuunka xasuusto. Laakiin qulubku sidaas ma aha, oo tiiraanyadiisa iyo jewigiisa qasani waa joogto, ku mana xidhna cid/wax gaar ah.
Kaarka: Labadaba kaar iyo damaq baa la socda, haddana waxa dhacda in qofka laga dhintay uu mararka qaar muujiyo muusood iyo weji furan, siiba kolka uu xusayo ama la soo xasuusiyo wanaagyadii meytida ee/ama uu soo gocdo maalmo farxadeed oo ay wada qaateen. Qulubka daran ka ma suuragasho in wax nayaayiro u egi uu soo dhex galo wahabka joogtaysan ee qofka ku guud wadhan.
Hammiga: Inta badan qofka geeriyaysani hammiga madaxiisa haystaa waxa uu si ama si kale ula xidhiidhaa ciddii ka dhimatay iyo xasuusteeda, balse ruuxa qulubka darani hayo waxa aan lagu garan waayin hammi iyo feker taban oo naftiisa la xidhiidha.
Is’hiifidda: Qofka baroordiiqayaa xushmad ayaa uu naftiisa u hayaa, oo taasi meesha ka wada baxdo, halka qulubka darani uu wato naftishuuf iyo isnicid xooggan iyo qofka oo dareema in aanu waxba ku fillayn. Waa ay dhacdaa in kolalka qaar uu qofka tacsiyaysani naftiisa haaraamo, balse waa haddii uu tabanayo in marxuunku ka dhintay isaga oo aan, bilmetel, soo eegin ama aan waqti fiican la qaadanin ama aan u sheegin in uu jecel yahay ama haddii uu wax ka tirsanayay in uu cafiyay…ma aha nacayb nafeed oo iskii u taagan ee waa mid meel loo sibirsaaro leh.
Dhimashada: Qofka geeridu ku timi haddii uu dhimasho ka fekero, waa haddii uu “waa xaq” yidhaahdo oo uu meytida iyo xaaladdeeda ku hakado, ama mararka qaar inta uu aad u murugoodo in uu niyaysto in uu “raaco” qofkaa ka tegay, ra’yigaas oo aan marna ficil isu rogin. Hasayeesho e, qofka qulubka darani hayaa geerida uu ka fekerayaa waa tiisa iyo sidii uu ifka ku dhaafi lahaa, ama uu isaga r”aaxayn” lahaa.
Xaqiiqada ah in badi astaamaha qulubku u eg yihiin wax aan la macnayn karin, ama aan sabab cad oo meel taalla afka laga gelin karin, ayaa marar badan keenta in la beensado ama la faquuqo dadka qulubka darani hayo. Maxaad la cabanaysaa, ayaa lagu maahmaahi jiray, “ma ciil sokeeye ayaa ku haya, mise ciddi hoosteed baa lagaa hayaa?” Eedda aynu mukurka iyo manneenada u naqaannaa haddii ay qof qulub hayo ku socoto, inta badan waa laga gardaran yahay. Maxaa yeelay, calaamadaha jirradani ma aha wax uu ruuxu doortay oo uu ku laabsan yahay, ama uu ogaan u samaynayo. Mana qabato in looga sii daro.
In kasta oo qof kasta gaarkiisa loo warsan karo, dabadeed jawaab le’eg loo toli karo, sidaana uu yahay hagaaggu, haddana waxa jira ifafaale guud oo lagu soo sooci karo soo’ifbaxa iyo isasootarka qulubka. Waxa ka mid noqon kara hiddasidaha, mugga bayoolajiyeed ee qofka siiba habdhiska dareenwadka dhexe iyo iskudhafyada kiimikaad ee maskaxdeenna, sababo degaanku ku keeno, iyo kuwo nafsadeed iyo bulsheed oo ah kuwa aynu u ciirsannahay.
Sababaha nafsadeed iyo bulsheed ee aadka loo xuso waxa ka mid ah qodobbo aynu soo taabannay: baroordiiqda iyo burburka xidhiidhada. In kasta oo, sidii aynu xusnay, ay tahay arrin caadi ah in qofku gibildoorsoomo oo ka murugoodo marka qof uu aad u jeclaa ka dhinto ama inta ay isku dhacaan uu cilaaqaadkoodu dumo, oo uu si dabiici ah uga soo kaban karo, haddana waxa la caddeeyay in dhacdooyinka noocaas ahi ay dadka qaar ku kaakicin karaan olole gudeed oo huriya qulub daran.
Waxa kale oo ka mid ah: sawirka uu qofku naftiisa ka haysto oo marka horaba hooseeya, qofka oo aan hagaag ugu baraarugsanayn dareennadiisa oo aan iska warqabin, qofka oo dhammaysdoon (perfectionist) ah, qofka oo yaraantiisii si xun loola soo dhaqmay ama baylah ku soo koray, dhacdooyin doogreeb (traumatic) ah oo uu qofku u soo joogay gaar ahaan carruurnimadiisii, iyo qodobbo la mid ah.
Dhanka kale, waxa muhiim ah in aynu is xasuusinno dunida aynu ku nool nahay iyo waayaha uu beeray nadaamka sandullaha la isaga dhigay ee hantigoosadku sida ay uga qaybqaataan baahidda qulubka. Guud ahaan, hannaanka walaxcaabudka ah ee adduunkeenna faraha baas ku hayaa waxa uu dhalay in xaaladaha nafsadeed iyo dhimir ee dadku aad u xumaadaan, iyada oo shilincaabudku uu abuuray dabayl ‘macnabbeelnimo’ ah oo ku habsatay basharka ka dib markii nuxurkii noloshaba lagu sidkay jeebka qofka.
Haddii aynu gaar ugu soo noqonno qulubka, dabaqadaha haynta ku dhisan ee aadka u faafayaa waxay sababeen kalatag baaxad leh, oo dabaqaddii dhexe iyo danyartii kaga tegay dayaca saboolnimada ama daba-ka-werwerka. Deraasadaha qaar baa caddeeyay in dadka laba-gabballe ku jira risiq-eryadku ay xanuunno uu qulubka iyo walaacu ka mid yihiin uga nugul yihiin asaaggooda “is huba.”
Qalada (alienation) iyo baadiyoobidda ku lammaan hantigoosadka ayaa sida oo kale lala xidhiidhiyay qulubka. Qofku haddii uu naftiisa iyo ehelkiisa iyo saaxiibbadii iyo hiwaayadiisa ka qaloodo oo ka dibjiro si uu u sugo biilka, waxa ku dhalanaysa iswaayid u eg ta laga metelay taxanaha caqiibada leh ee Severence (Jilaayadu waa dad si ay u kala ilaaliyaan noloshooda maalinlaha ah ee hawlaheeda wadata, iyo tooda shaqo ee jirrabkeeda leh, go’aansanaya in ay xasuustooda kala qaaraan oo kala qalaan si marka ay goobta shaqada joogaan aanay u xasuusan xaaladdooda bannaanka, kolka ay suuqa jiraanna aanay isu arag wax la xidhiidha shaqada. Waa qof isagu iska dhuumanaya).
Intaas uun ma aha e, hantigoosadku inta uu keeno qulub iyo xaalad daran, ayaa uu haddana ka macaashaa. Ruuxu waxa uu gelayaa meerto ka mashquulisa duruuftiisa, taas oo u dan ah cimriga hantigoosadka.
Busaaradda iyo dhaqaalaxumada, iyo sinnaan-la’aanta oo ah eelka laga dhaxlo caqiidada iyo camalfalka hantigoosadka, ayaa iyaguna dadka ku keeni kara qulub daran.
In kasta oo aynu dhinacyo badan tixraacnay, haddana waxa kol kasta xusid mudan in ruux kastaa yahay gaarkiisa, ayna tahay in iskii loo baadho oo loogu dhabbagalo.
Siyaabaha loola tacaali karo qulubka darani way badan yihiin. Waxa la og yahay in astaamaha daran ee qofka hawlgebinaya lagu dayo dawooyin qulubjebiyeyaal ah (antidepressants), oo dood badani ka taagan tahay waxtarkooda muddada dheer. Hasayeesho e, waxa hubaal ah in baanashada nafeed (psychotherapy) ay aad wax uga tarto dhimista iyo ka-raysashada badi astaamaha qulubka. Intaa uun ma aha e, baanashada nafeed waxa ay qofka ka kaalmayn kartaa in uu fahmo halka caynku ka qalloocday, ee nabarku ka hayo. In uu u daadego sababaha laga yaabo in ay xusuusta qofkan daqiiqaddaa ka maqan yihiin ee si ama si kale ugu jidbixin kara xaaladdiisa ayaa la soo faagayaa. Horta se maxay tahay baanasho nafeed?
Marka qofka uu soo gaadho dhaawac ama cudur jidheed, waxa dhaqanka Soomaali badan ka mid ahaa in qofkaa la baanto. Baanashada jidheed waa in qofkii jabay, jirraday ama dhaawacmay loo sameeyo adeeg uu ku soo kabto, oo waliilkii laga waqaqeeyo. Cuntooyin loo arkayey in ay waxtar u leeyihiin baa loo diyaarin jiray, hawo furan inta la geeyo ayaa caano la dhansiin jiray. Lugna waa la daaliyaa, gacanna waa la nasiyaa, waa iyada lagu maahmaaho. Hilib solan, jabdhan ah, oo qofka soo celiya, ayaa loogu roonaan jiray. Haddii uu jabayna, cunto hadhuudh macsar lagu iidaamay ayaa loo rukumi jiray. Feedhaha waa la tiiriyaa, ayaa la yidhaahdaa. Waxaas oo dhami waa in jidhka loo soo celiyo wixii xanuunku kala tegay. Haddaba, ka warran dhaawaca ama cilladda soo gaadha maskaxda iyo nafsadda qofka? Sidii uu Dhoodaan ina wayddiiyay, “Sidee loo tadaawuli karaa taws caqliga gaadha?” Iyaguna ma u baahan yihiin in la baanto, oo la waqaqeeyo?
Innaga oo dhaqankaa Soomaalida ka dabqaadanayna, waxaynu odhan karnaa maaddooyinka iska dhan ee kasmanafeedda lagu yidhaahdo psychotherapy ama psychological counselling, wax kale ma aha e, waa “baanasho nafeed.” Waayo, giddigood waxay la xidhiidhaan sidii jugta nafsadda, dhimirka, habdhaqanka iyo/ama habfekerka qofka soo gaadhay looga soo kabsiin lahaa, ee wixii halkaa kaga lumay loogu soo celin lahaa. Dabcan, ma jirto cunno gaar ah oo qofka loo qori karo si waliilka nafeed uu uga soo roonaado (walow ay mar kasta fiican tahay in ruuxu uu wixii calooshiisa gelaya u toog hayo oo wax nafaqo leh badsado—haddii uu heli karo). Waxa se inoo furan in qaab kale lagu la tacaalo. Cilladaha habdhaqanka iyo habfekerka qofka haleelaa ka ma waxyeello yara kuwa jidhka ku dhaca. Tallaabooyinka lagaga soo kabanayana waxa aynu ku soomaaliyeyn karnaa “baanasho nafeed,” waayo aadkooduba waa intii jidhka loo samaynayey oo loo soo xawilay nafsadda.
Qulubka, diiqadda, werwerka, walbahaarka, walaaca, meehannawga, murugada, tiiraanyada, karkabada, iyo khalkhallada la jaadka ahi waa dhaawacyo soo gaadha sidii qofku u fekerayey ama/iyo u dhaqmayey, iyo shucuurtiisa. Niyaddu waxay u jabtaa si la mid ah, ama ka daran, sida laftu u jabto. Balse maaddaama aanad niyadda hadhuudh siin karin, taa beddelkeeda hadal (talking therapy) baad ku dhayi kartaa. Qofka oo laga neefiyo, oo loo saamaxo in uu hadlo, burqado, ciilka iyo diiqadda gudihiisa iyo duunkiisa buuxdhaafiyeyna iska soo fasaxo, ayaa lagu maarayn karaa.
Mar qofka habfekerkiisa ayaa la beegsan karaa, oo caqlicelin (cognitive therapy) ayaa loo samayn karaa; mar kale habdhaqankiisa ayaa la dabiibi karaa oo dhaqancelin (behavioral therapy) ayaa lagu deyi karaa; marna waa la isugu dari karaa, oo caqli- iyo dhaqan-celin (cognitive-behavioral therapy) wada socda ayaa la siin karaa. Kol kale, waxa loo dhaadhici karaa duunkiisa, waxana laga waraysan karaa dhallaannimadiisii iyo jugaha ku maqan ee laga yaabo in ay soo maaxanayaan, oo waxa lagu maaraynayaa jidka lafagurka nafsadeed (psychoanalysis) ee aynu carrabbaabnay. Waxaas oo dhami waa baanasho nafeed.
Marka qofka nafsaddiisa la baananayo, si ka duwan baanasha-jidheeddii, waxa reebban in qofka loo askariyeeyo, oo la isu waalideeyo, oo wax la faro waxna looga dhaarto. Taa lidkeeda, baanasha-nafeeddu waa hab dawayn ah oo xooggeedu ku xidhan yahay qofka dhibban (person-centered). Isaga ayaa bukaan iyo dhakhtarba wada ah. Baanisada/baantaha nafeed (psychotherapist) kaalinta uu leeyahay waa keliya in uu qofka u fududeeyo sidii uu naftiisa wax badan uga ogaan lahaa, iimaheeda u garan lahaa, awoodaheeda u aqoonsan lahaa, ee uu isu fahmi lahaa. Markaa habkaa isku qoofalani guulaysto, waxa soo baxaysa natiijo hagaagsan oo qofkii dhibbanaa ku soo dabbaali karta caadinnimadiisii, si culaabta nafsadeed ee uu la ciirciirayaa ay uga degto.
Maxaa uu qofku uga baahan yahay in uu cid kale u tago oo naftiisa ay wax ka barto, miyaanu isku fillayn? Kasmanafeedda waxa lagu bartaa oo lagu baadhaa aragti aad u caqiibo badan oo ay 1955-kii soo jeediyeen labo caalin oo la kala odhan jiray Joosef Laft iyo Haarrinton Ingaraam (oo mid kasta labada xaraf ee magaciisa u horreeya, ee aynu jiifjiifinnay, inta la isku xidhay loo bixiyay Daaqadda Johari—Johari Window). Su’aasha aynu faqraddan ku bilawnay ayay daaqad inaga tusaysaa.
Cidina nafteeda ma wada taqaan. Qof kastaa waxa uu leeyahay afar khanni, oo sida jaantuska hoose ka muuqata, ay ku kala jiraan hadba xogta uu qofku iska yaqaan. 1) Banyaal (Arena) oo ah waxyaabaha uu qofku iska yaqaan, dadka kalana ay ka yaqaannaan; 2) Shareeran (Blind) oo ah waxyaabaha qofku aanu iska ogayn ee uu ka indhasaaban yahay, balse dadka kale ay ka yaqaannaan; 3) Hagoogan (Façade) oo ah waxyaabaha uu qofku keligii iska og yahay, laakiin dadka kale ka qarsoon; ama 4) Dahsoon (Unknown) oo ah waxyaabaha aanu qofku iska aqoon, cid kalana aanay ka garanayn.
Si kale kolka loo dhigo, waxa jira xog cid kasta u furan oo kugu saabsan (tusaale ahaan magacaaga waad taqaan, dadkuna way yaqaannaan; waa banyaal). Waxa kale oo jira macluumaad kugu saabsan oo adigu aad haysato isla markaana aad tabtii Qaraamiga ugu heestid: “Qofkii i arka waan ka qariyaa!” (Waa xog hagoogan). Haddaba, waxa jira dhinac aanad iska aqoon oo dadka kale ay kaa garanayaan, oo aad tahay in aad baadhid oo iyaga ka heshid; maaddaama aad adigu la macaamilaysid dadka, ma wada ogaan kartid wejiga ay kaa arki karaan—kolka la leeyahay ma tihid sida aad isu haysato ee waxa aad tahay sida laguu haysto, mar kasta ma aha balse qaybtan bay ku dhaboobaysaa (waa xog kaa shareeran). Ugu dambayn, waxa dhici karta in ay jirto qayb naftaada ka mid ah, ama war kugu saabsan, oo aanad adiguna ogayn cid kalana aanay garanayn (waa xog gebi ahaanba dahsoon).
Kolkaa, qofku waxa uu u baahan yahay in uu u sahantago qaybaha naftiisa ku saabsan ee uu ka indhasaaban yahay, iyo xogta guud ahaanba qarsoon ee lamayaqaanka ah oo uga baahan hawl dheeraad ah iyo in uu tabta macdanta qodo.
Sidii aynu horaba u xusnay, qoraalkani ma aha cudursheeg (diagnosis), kaga mana maarmaysid hawsha dhabta ah ee iska-warhaynta iyo kajibbakeenidda xaaladdaada. Waa uun wacyigelin nafsadeed (psychoeducation) oo aynu uga gol leennahay in aynu ku fahanno kuna weelayno in ay wax caadi ah tahay in dareenkeenna, habdhaqankeenna, iyo fekerkeennuba u bukoon karo sida qaybaha jidhkeenna, wax ceebaal ahna aanay taasi lahayn, oo ay tahay in aynaan isku ceebsan, iskula yaabin oo aynaan isku takoorin. Taa beddelkeedana aynu nafteenna iyo dadka inoo dhowba ku dhiirrigelinno sidii aynu, adduun hawli ka ma dhammaato e, isaga kaashan lahayn waajihidda foolka adag ee nolosha iyo raadsashada dabiibka runta ah.
Dadka is jecel ee isu uurka furani ma aha in ay kala qarsadaan xaaladdooda nafsadeed iyo loollannada gudahooda ka oogan ee haddii xilli hore la ogaan lahaa oo aan la isku daawadeen wax la iskala qaban lahaa. Sida aynu naqaan, dadka isu dhowi inta badan way isu sheegaan caafimaadkooda jidheed si uu ka kale uga warhayo, wixii uga darayana uga ilaaliyo. Tusaale ahaan, waxa aynu nidhaahnaa qofkaasi xiiq buu leeyahay, macaan ama dhiikar baa haya, iyo wax la mid ah, oo ka dhigan fiiro gaar ah u yeesha oo ka ilaaliya isirrada ku kicinaya ama ku xumaynaya xaaladdiisa. Maxaa diidaya in aynu isku ogaanno xaaladaheenna nafsadeed ee u baahan koolkoolinta iyo daryeelka dheeraadka ah ee ay mudan yihiin, si aynaan isaga sii darin oo aynaan qof diiqadaysan ama qulubsan u moodin in uu is yeelyeelayo ama u saarin culays aanu sinaba daqiiqaddaa u qaadi karin? Saw u ma baahnin in aynu ballaadhinno ogaalkeenna ku aaddan jirrooyinka iyo xaaladaha nafsadeed/dhimir si aynaan ula yaabin oo aynaana uga yaabin, ee aynu u aqballo isla markaana uga shaqaynno sidii aynu uga gudbi lahayn?
Cumar-Dhuule ayaa beri hore ku heesay, “Meel bugtaan ku dhayayaa / Haygala masuugin e / mar uun waxaad tidhaahdaa / ‘Maxamed waan ku jecelahay!’” Alla badanaa, oo badanaa inta qof ee eraygeennna wanaagsan ee tudhaalaha iyo kaguridda leh “meel bugta” ku dhayi lahaa. Waa haddii aynaan kala masuugin! Waa taa farriinta qoraalkani. Waa taa dadnimada qummani.