Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Qoraallada lagu Sameeyo Garaad-gacmeedka iyo Saadaashii Orwell

18 May, 2026
Image
Qoraallada lagu Sameeyo Garaad-gacmeedka iyo Saadaashii Orwell
Share

Mar ka mid ah bilaha soo socda, waxa aan rejaynayaa inaan helo jeeg aan lacag badan ahayn, anigoo ka mid ah qoraayadii kooxda ahaa ee dacwad wadareedka Bartz ka gudbiyey shirkadda Anthropic. 2025, shirkadda garaad-gacmeedka Anthropic, ee sida rasmiga ah loogu yaqaanno hal-abuuridda robotka wadasheekaysi ee Claude, waxa ay oggolaatay inay bixiso 1.5 bilyan doollar, oo ay siiso kumanaan qoraa, ka dib markii garsoore ku xukumay inay ku xadgudubtay xuquuqdii dabaacadda ee qoraayadan.

Kolkii aan dacwadda maqlay markii koowaad, waxa aan u maleeyey in Anthropic ay ku dedaalaysay inay Claude barto mawduuca waxqabadkayga qoraal ee ay xadday, oo ku saabsan Ellen Wilkinson, siyaasiyad ka tirsanayd Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, Hantiwadaagga iyo arrimaha dumarkana u doodi jirtay. Markii koowaad maskaxdayda kumay soo dhicin in Claude-ka la barayo sida aniga oo Laura Beers ah, aan u sooho jumladaha qoraalkayga, codkaygana warqad ugu qoro.

Waxa jira caddaymo badan oo muujinaya in robotyada wadasheekaysiga, sida Claude, keliya aan lagu tababbari karin dib usoo saaridda nuxurka qoraaga, ee sidoo kalena la bari karo metelaadda codkiisa. Bishii Maaris 2026, weriyaha Julia Angwin, waxa ay dacwad wadareed ku qaadday dadka leh barnaamijka “Grammarly”, iyadoo shirkadda ku tuhuntay inay qaateen aqoonsigeeda iyo aqoonsiga qoraayo kale, si ay u dhisaan agabka garaad-gacmeedka ah ee Expert Review, oo bixiya soojeedino tifatiraad oo ah codadka qoraayo kala duwan; kuwo nool iyo kuwo dhintayba.

Waxbaridda agab garaad-gacmeed keliya kuma koobna in mawduucayga la baro, ee waxa kale oo la barayaa inuu taxliiliyo codkayga qoraal oo uu ugu dambaynna keeno, waana wax muujinaya mustaqbal uu sawiray Jooraj Orwell, oo si indheergaradnimo leh u saadaaliyey. Sheekofaneeddiisa 1984, ee soo baxday 1949, Orwell waxa uu mala’awaashay “agabyo lagu qoro sheekofaneedyada”, oo awood u leh soo saaridda suugaan badan, iyagoo adeegsanaya “kaleidoscopes”, oo ah mekaanig la borogoraamiyey, oo beddela waxqabadkii qofeed ee fanka.

Waxa aan is weydiiyey, ilaa heerkee buu Claude-ku dheegan karaa qaab-qoraalkayga? Robotka wadasheekaysiga ayaan weydiiyey inuu qoro maqaal “ku jaango’an qaabqoraalka Laura Beers”, oo ay kaga warramayso qof siyaasi ah oo nool bilawgii qarnigii 20aad. Waa ay igu adkaatay inaan qaabqoraalkaygii ka dhex arko nuxurka uu soo saaray. Hase ahaatee, laga yaabaa inaanu Claude-ku hayn xogo iyo nuxurro ku filan oo dhankayga ah, sababtoo ah wax ka badan hal buug igama arag, si uu codkayga u sugo.

Waxaan go’aansaday inaan mar kale isku dayo. Kolkan, waxaan ka codsaday inuu qoro maqaal kooban oo waafaqsan qaabqoraalkii Orwell. Iyadoo Orwell uu yahay mawduuca uu ka hadlayo buuggayga: “Orwell’s Ghosts: Wisdoms and Warnings for the Twenty First Century”, qoraagan waxa lagu tiriyaa qoraayada maqaallada ee ugu cadcad qarnigii 20aad. Inta badan qoraallada Orwell waa kuwo xuquuqdooda dadweynaha loo fasaxay, tan oo ka dhigan in sharci ahaan loo adeegsan karo tababaridda Claude-ka.

Waxa aan Claude weydiiyey inuu qoro maqaal “u samaysan qaabqoraalkii Jooraj Orwell, oo ku saabsan halista garaad-gacmeedka, siiba awoodda agabyada wax qora ee halista ku ah aqoonsigii qofeed iyo xorriyaddii fikir”. Kol haddii uu nuxurro iyo qoraallo badan hayo, kolkan garaad-gacmeedku waxa uu keenay qoraal ku farayaraysigiisa la arki karo:

“Waxa jira nooc isdhigasho ah, oo uu garan karo qofka si tartiib ah wax uu lahaa looga qaaday. Kama dhigna inuu dafiro waayidda wax, ee waa inaanu weli ku baraarugin. Rahu kama dhex boodo biyaha sida tartiibta ah usoo kululaanaya. Muwaaddinkuna kama muddaharaado cidhiidhi gelinta tartiibta ah ee lagu samaynayo qaabfikirkiisa xorta ah. Sida muuqatana, akhristuhu uma baroordiiqayo sheekofaneedda sida tartiibta ah loogu beddelayo wax muuqa sare uga eg; cutubyadii, xiddigihii sheeko, iyo iskuxidhnaanta iyo dareennada, se, halkii garaadka aadame lagu beddelayo xogaha laga soo ururiyey garaadyadii aadame ee hore oo dhan”.

Laga yaabee in weedha u dambaysaa u muuqato mid aan lagu qancin, se waxa aan filayaa in Orwell xitaa la amakaagi lahaa rahaas biyaha kululaanaya kusii dhex quusaya, halka jumladda bilawga ee ah “waxa jira nooc isdhigashada ah”, ay aad u suurogal tahay in Orwell qoraalkiisa ku bilaabi lahaa. Ma hubo in qof kastaa ila qaadanayo in iskudayga Claude-ka aan laga sooci karin qoraalladii tiraabeed ee Orwell. Se kolka laga hadlayo “suugaanta garaad-gacmeedka lagu soo saaro”, waxa ay ila tahay inaanay muhiim ahayn in uu nuxurkii asalka si dhab ah u raacay, kol haddiiba uu gudan karo shaqadii madaddaalinta iyo soojiidashada jamaahiirta.

Jaam, Xadhkaha kabaha iyo Buugag

Taasi waxa ay ahayd saadaashi Orwell ku sameeyey sheekadiisa 1984. Iyagoo adeegsnaya “agabyada sheeko samaynta”, shaqaalaha “Wasaaradda Xaqiiqada”, oo ah haayadda dawladeed ee ka masuulka ah xakamaynta xogaha iyo dib u qoridda sooyaalku, waxa ay awood u yeelanayaan soo saaridda sheekofaneedyo, jariidado, filimaan, buugagg dugsi, barnaamijyo TV iyo masraxiyado”. Waxa ay si xad ka bax ah usoo saarayaan jariidado macnola’aan ah, oo waxa keliya ee ku qorani yahay isboorti, dambiyo, faalin iyo sheekofaneedyo jaban”, waxay soo bandhigayaan filimo dareenka shahwo kiciya, iyo agabyo galmo oo jaban, oo dadka loogu talagalay, oo ah dabaqadda shaqaysa ee aan waxba baran.

Tiknoolajiyaddaasi waxa ay walaac ku haysaa xiddiga sheekada Orwell, Winston Smith, oo waxa uu go’aansanayaa inuu soo iibsado buug iyo qalin si uu u diwaangeliyo aragtiyahiisa madaxabannaan. Se, Julia, oo ah gacalisadiisa shahwaaniyadda ah, oo fikirka kasoo horjeedda, makaanig ahaanna ugu shaqaysa ilaalinta agabkaas cusub, waxa ay aaminsantahay in “buugaggu keliya yihiin alaab ay tahay in lasoo saaro, sida jaamka iyo xadhkaha kabaha”.

Sheekofaneedyo sikinno lagu soo saaro

Sida qiyaasaha ku xusan, waxa jira kumanaan buugag ah oo lagu iibiyo Amazon, oo gebi ahaan ama qayb ahaan qoraalkooda loo adeegsaday garaad-gacmeedka. Si kale haddii loo dhigo, garaad-gacmeedka maanta waxa loo adeegsadaa in lagu soo saaro buugag badan, sida alaabaha kale loo soo saaro, tusaale ahaan jaamka ama xadhkaha buudhka.

Inta badan qoraalladan gebi ahaan laguma qorin agabka garaad-gacmeed. Se, sida agabka qoraal ee garaad-gacmeedka ah, Sudowrite, laga soo xigtay, buugaggaas waxa lagu quraaray ama lagu tifaftiray garaad-gacmeed. Iyadoo la adeegsanayo adeegga “dib-u-hufidda qoraal”, shirkaddu waxa ay qoraayada fursad u siisaa inay hufaan qoraalkooa, iyadoo la ilaalinayo qaabqoraalkoodii, garaadgacmeedkuna waxa uu usoo bandhigayaa dhawr qaab oo qoraagu kala dooranayo. Waa shaqo u eg “hufiddii” ay samaynayeen kooxda dib-u-qoridda sheekada ee ka tirsanaa “Wasaaradda Xaqiiqada” eek u jirtay sheekofaneedda 1984.

Se waxa jira buugag kale oo Amazon lagu soo bandhigo, oo gebi ahaan lagu qoray garaad-gacmeedka. Agabka qoraal ee garaad-gacmeedka ah, Squibler, waxa loo arkaa agab haddii fikrad guud la siiyo, sikinno kusoo saari kara “sheekofaneedyo dhan”.

Suurogalnimada in macaash badan oo fudud laga sameeyo “suugaanta” garaad-gacmeedka lagu sameeyey, waxa ay keenaysaa in akhristayaasha mustaqbalku nuxur badan oo agabkan lagu sameeyey waajihi doonaan. Waxa ay cilmibaadhisuhu sheegeen, inaanay akhristayaashu si fudud u kala sooci karin nuxurrada lagu sameeyey garaad-gacmeedka iyo qoraallada asalka ah.

Sannadkii hore, waxa aan la qadeeyey saaxiib qoraa sinnaariyo ah oo aannu ku kulannay Loos Anjalis, waxaanu ii sheegay in saaxiibbadii walaac badan ka qabaan adeegsiga garaad-gacmeedka oo loo adeegsado in qoraal qaybaha dambe ee filin lagu soo saaro. Waxa ay u badan tahay in filin hore dad badani iska kaashadeen oo aad loola dhacay, qaybtiisa dambe jamhuurku daawadaan, gacan aadame iyo garaad-gacmeed kii lagu qoraba sheekadiisa.

Sidaas oo ay tahay, tijaabadayda kooban ee aan ku sameeyey Claude, waxa ay I siinaysaa waxoogay rejo ah oo ugu yaraan mustaqbalka suugaanta qoraal la xidhiidha. Barnaamij garaad-gacmeed, sida Claude, waa uu isku soo xoorin karaa nuxurrada iyo qoraalladii qoraayo hore oo badan, se waa ay adagtahay in faragelin bani’aadam la’aanteed uu soo saaro fan dhab ah. Waxa hadhsan inaynu aragno in garaad-gacmeedka soo saari karo sheekofaneed ama maqaal si dhab ah ugu eg kuwii Orwell. Se awoodda uu u leeyahay soo saaridda sheekooyin iyo sinnaariyooyin shaneemo, waa wax aan hadda muran ku jirin.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.