Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Qoraalka – Sirta Nolosha

30 December, 2024
Image
buug
Share

Waxa aan waqti ku qaatay in aan ka fikiro farriimaha aan gudbinno ka maamul ahaan sida ay ku dambayn doonaan 100 ama 1000 sano ka dib. Dabcan ka maamul ahaan waxa mar walba maskaxdayada ku jirta sidii aan u guuri lahayn hayaan bulshadu u aydo. Aniga oo taas ku haysta maanka ayaa waxa igaga soo hor baxay akhris aan muddo dhex mushaaxayay taariikhda magaalooyinka qadiimka ah ee Aligsaandariya iyo Baqdaad. Waa labo magaalo oo dhaca dunida Carbeed ama Islaamka ah. Waa akhris igu xidhay magaalooyin kale oo qadiim ah laakiin iyagu xuddun u ahaa xaddaarad kale. Waa caasimadaha maanta ee Giriigga iyo Talyaaniga. Waxa yaab leh waxa xog laga kaydiyay magaalooyinkan. Ciddihii isaga dambeysay maamulkooda, dhismayaashii, qasriyadii, dasooyinkii, girgirihii dhoobada ahaa, waddooyinkii, biriishyadii, doomihii, daadadkii, fatahaadihii, dhulgariirradii, dabaylihii, abaarihii, barwaaqooyinkii, tukaannadii, suuqyadii, buugaagtii, maktabadihii, mufakiriintii, aqoonyahankii, culimadii, baadariyadii, ardaydii, jaamacadihii, xamaamyadii bulshada, tiyaatarradii, cusbitaalladii, dugsiyadii, saldhigyadii, geeriyhii iyo aroosyadii ugu magaca dheeraa intaba waxa laga qoray lagana kaydiyay xog sugan oo illaa maanta la akhristo. Xogta ugu faca wayn waxa ay ku noqotaa ka hor illaa 5400 oo sannadood. Dabcan xogtani waa mid xambaarsan taariikh oo loo darsay ujeeddo cilmi baadhiseed. Waqti ayaa la geliyay in la fahmo oo la baadho aasaartii ay ka tageen iyo meelihii ay ku noolaayeen maaddaama oo ay xambaarsanyihiin macno taariikheed oo aadanuhu aqoon ka korodhsan karo.
Aan siig jeexdo, waan u soo noqon doonaa dulucda aan kor ku ibofuray e. Maktabaddii Aligsaandariya ee Masar oo jirtay illaa 300 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise, naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaato e, waxa ay taariikhda ku gashay in ay noqotay maktabaddii ugu waynayd waqtiyadaasi adduunka (Great Library of Alexandria).

Sida taariikhdu xustay waxa la sameeyay maktabadda xilligii Ptolemaic Dynasty, tirada qoraallada yaallayna waxa lagu sheegaa illaa 500 000 kun oo qoraal. Waqtigan lama ikhtiraacin buugga. Waraaqo dhaadheer oo la laallaabo ayaa wax lagu qori jiray. Waxyaalaha yaabka leh ee in la xuso mudan waxa ka mid ah in boqortooyada waqtigan ka talinaysay Masar ay dirsan jirtay ciidan soo dhaca oo soo booba wixii qoraal ay helaan. Sidaas ayay ciidamo ugu dirtay Yurub iyo meelihii kale ee ay qoraallo ku ogayd boqortooyadani. Sidoo kale waxa qoraallo laga baadhi jiray maraakiibta ku soo xidhata dekadda maaddaama magaaladu markeeda hore ay ahayd magaalo ganacsi oo doonyaha iyo maraakiibtu aad u imaan jirtay. Qoraallada la helo waa la koobbiyayn jiray oo asalka waxa loo reebi jiray maktabadda koobbigana waxa la siin jiray maraakiibta wadatay. Hadda xasuusnow waqtigan koobbigu wuxu ahaa dib u qorid. Maktabaddu waxa ay haysay oo dhex degganaa mufakiriintii waqtigaas adduunka ugu aqoonta badnaa oo boqortooyadu noloshooda dammaanad qaadday si wax looga barto, aqoonna ay u dhaliyaan.

Magaalo kale oo ku caanbaxday maktabadda iyo aqoontu waa Baqdaad. Waqtigii Cabbaasiyiinta ee imbiraadooriyaddii Islaamka ayaa magaaladan laga sameeyay maktabad ku gashay taariikhda Bayt al-Hikmah oo ah hoygii xikmadda. Maktabaddan qoraallo badan ayaa laga qoray, taariikhdeeduna way ka sugnaashiyo badantahay maktabadda Aligsaandariya. Nasiibdarro se waxa la burburiyay maktabaddan sannadkii 1258 ee taariikhda Miilaadiga ah ka dib markii ay Mongooliyiintu weerareen Baqdaad. Waxa la wariyaa in webiga Tigris uu midabkiisu isu beddalay khadka madow ee buugtii lagu qubay ay ku qornaayeen. Maktabaddani se waxa ay dhashay maktabado badan oo ku faafay magaalooyinkii waqtigaas hoos imaanayay maamuulkii dowladda Islaamka ee Cabbaasiyiintu ka talinaysay waqtigaas.

Akhriste, aan kugu soo celiyo bartii hore: Talow sideen jiilka reer Boorama ee nool 100 sano ka dib ugu reebnaa taariikh ay ka dheegtaan wixii ay awoowyaashood ku foognaayeen? Waxa suurogal ah in ay kugu soo dhacayso maanta taariikhdu waxa ay innoogu xafidantahay fiidiyooyada tirobeelka ah ee ku jira Baraha Bulshada sida Facebook iyo Youtube. Ka warran haddii aan ku doodo in aanay xogta meelahaas innagaga jirtaayi sinnaba innoogu xafidnayn. Waa ta koowaade horta barahaasi ma lihin innagu. Waa baro ganacsi oo ku xisaabtamaya in ay macaash sameeyaan. Sidaas darteed isbedbeddelkoodu wuu badanyahay.

Tusaale kooban: labaataneeyo sano ka hor waxa aan soo gaadhay magaalada Boorama oo ay ka furanyihiin istuudiyayaal lagu duubo oo lagu badiyo cajalladaha (cassette tapes) lagu dhegaysto rikoodhadii hore (cassette players). Isla waqtiyadaasi waxa soo baxay cajallad wareegsan oo loo yaqaanno CD. Way ka koobnaayeen, ka qaad waynaayeen kana casrisanaayeen. Waxyar uun ka dib waxa la keenay DVD laynoogu sheegay in si kama dambays ah ay u xallisay kaydinta maqalka iyo muuqaalka oo wada socda. Haddana ma sii jirin muddo ka badan dhawr sannadood. Waxa sheekadan la mid ah taariikhda cajaladaha fiidiyooyada ee loo yaqaannay VHS (Video Home System) oo jiilal badan oo reer Boorama ahi ku soo barbaareen daawashadooda. Maanta waxa ugu dambeeyay ee lagu kaydiyo muuqaallada cod iyo maqalka ah ma hubo haddii aan been iska dhawro. Waxan se ogahay in aalad walba oo la soo saaro ay qasbaysay in la iibsado aalado cusub oo lagu isticmaalo. Sidaas si la mid ah waxan hubaa in baraha bulshada ee maanta uu ku jiro kaydkeenna taariikheed laga guuri doono muddo aan fogayn. Dabciga suuqa ganacsi iyo horumarka xawliga ah ee tignoolajiyeed ayaa keenaya in la helo meelo ka casrisan, ka sahlan oo ka soo jiidasho badan. Intaasi waa hal tusaale ama sabab oo sheegaysa sababaha aynna innoo anfacaynin taariikh ku kaydsan barahaasi. Waxan tirin karaa sababo kale oo tiro badan. Waxaan se rajaynayaa in ay halkaas sabab innagaga filantahay fahanka baahida aan u qabno meelo kale oon wax ku kaydsanno. Sidaas darteed waa in aan xal u hello jiilka dambe ee reer Boorama ama Somaliland aan ku gaadhsiinno wax iyaga u noqda taariikh innagoo xasuusan muhiimadda ay leedahay taariikh run ah oo sugan.

Nasiib wanaag xalku wuu fududyahay. Uma baahnin in aan waqti gallinno aan ku baadigoobno. Waa QORAALKA. Adiga hadda akhrisanaya maqaalkan waxa aad u akhriyaysaa sida aan u akhrinno far Soomaalidii qornayd qarnigii 19aad. Waa 1800-ladii. Waa inta la ogyahay illaa maanta in Soomaaliga la qori jiray e. Sida aan u hubo in Youtube isbeddal ku dhici doono 100 sano gudohood ama ka dib ayaan u hubaa in qoraalka Soomaaligu waari doono 100 ama 1000 sano ka dib. Ama qoraalkuba guud ahaan. Aan xigto faylasuufkii Talyaaniga ahaa Umberto Eco mar uu wax ka sheegay buugga oo aan odhan karno waxa uu la macno yahay qoraalka. Wuxu yidhi waa sida malqaacadda, dubbaha, taayirka, maqaska – oo mar haddii la ikhtiraacay aan laga sii wanaajin karin sida lagu ikhtiraacay. Bartan, marka la eego booska aan u hayo reer Boorama, waxa dembi noqonaysa in aanan magacaabin murtidii abwaankii iyo faylasuufkii reer Boorama Cabdi Deeqsi Warfaa oo loo garan ogyahay Cabdi Sinimoo. Waa murtidii ahayd: ”Wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay”.

Waxa xasuusin iga ah in Boorama tahay magaalo haysata magac wayn oo aqooneed. Waxa Soomaalidu meel ay joogtaba u qirsantahay magaaladan in ay aabbo iyo hooyo ka tahay aqoonta umadda Soomaaliyeed. Sababaha ay ku heshay magaaladu qiraalkan way badanyihiin. Mid ka mid ahi waa faylasuufka, abwaanka iyo fannaanka aan kor ku xusay oo ah aabbaha heesta casriga ah ee Soomaaliyeed. Inta taariikhda la ogyahay Cabdi Sinimoo hortii looma heesin sida ay maanta Soomaalidu u heesto. Uguma talogelin qoraalkan in aan taariikhdaas ugu daadego, waa se taariikh mudan in qoraal isku xidhan oo koobaya laga sameeyo waxanan ku kalsoonahay in aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ehelka u ah fanka iyo suugaantu ku filanyihiin. Aasaaskii Jaamacadda Cammuud oo ahayd middii ugu horraysay ee dhul Soomaaliyeed laga sameeyo burburkii Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ka dib ayaa sidoo kale ka mid ah waxyaalaha Boorama ku noqotay hoyga aqoonta.

Ujeeddada maqaalkani waxa ay iga ahayd in aan ku iftiimiyo muhiimadda qoraalku leeyahay. Waxan raacsanayaa in aan ogaysiin kooban ku gudbiyo. Ka gole deegaan ahaan waxaan rabnaa in aan samaynno mareeg (website) degmadu yeelato. Dabcan mareegtaasi fiidiyooyo iyo codad maqal ahba waa la gelin doonaa. Waxa se ballan ah in xogta ugu badan ee lagu baahiyo bartaasi ay noqon doonto mid qoran. Bal hadda suurayso 200 oo sano ka dib reer Booramaha waqtigaas oo taariikh ahaan u darsaya qoraalkan. Waxa laga yaabaa in waqtigaasi aanay jirin mareegaha aan hadda ka warramaynaayi oo ay noqdaan wax taariikhyahannada kaliya ay fahmaan oo dadka u macneeyaan.

Ugu dambayntii waxa naga go’an ka gole ahaan in aan xoojinno booska magaalada aqoonta ee degmadeennu ku naallooto. Ma aha magaca iyo sumcaddu wax si fudud lagu helo. Waxa sidaas darteed waajib noqonaysa in aan ilaalinno kana dhabaynno. Hore waxa uu golahani u sameeyay astaanta magaalada oo ah buug. Waxa aan taagnay taallo dherarkeedu yahay 10 mitir. Sidoo kale waxa aan samaynay maktabad ay magaaladu leedahay oo ay masuul ka tahay degmadu. Maktabadda Boorama waxa sannadkan curanaya ee 2025 noo qorshaysan in aan wax ka beddallo. Iyadoo waqtigii lana doortay ka hadhsantahay sannad iyo badh waxa aan rabnaa in mareegta degmada iyo maktabaddu noqdaan waxyaalaha ugu waawayn ee lagu xasuusto golahan. Waxa ballan ah in aan Boorama u samaynno maktabadda ugu wayn geeska Afrika. Aragtidu (vision) way goglantahay, rabitaankiina wuu nagu jiraa. Ma arko wax naga hor istaagi kara in aan waqti kooban ku samaysanno ama ugu gogoldhigno in degmadu yeelato maktabadda bariga Afrika ugu wayn. Ilaahay idankii labadan soo jeedimood oo la isku daray waxa ay noqon doonaan hayaan muwaadiniinta degmada, dalka iyo mandaqadduba u aydo.