Tuesday 11 November 2025
Walbahaarku waa dilaa qarsoon. Waa xaalad saldhigasho la’aan ah oo qofku jiif iyo joogba diido. Waxa aad ku hammiyaysaa sidii mar uun ‘gudahaagu’ u faaruqi lahaa ee aad u dareemi lahayd xasillooni iyo madhnaansho ruuxeed oo aad sida shinbiraha u duuli karto. Waa xaalad nafsadeed iyo jidheed oo ku timaadda cadaadis ama culays nololeed, taas oo saamayn ku yeelan karta caafimaadka guud ee qofka: habfekerkiisa, hormoonnada jidhka, iyo awooddaha maskaxda sida xusuusta iyo feejignaanta. Salaan-Carrabay oo qeexaya xaaladda uu xilli ka mid ah xilliyada ah maray ayaa yidhi “Walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheer.” Waxa uu leeyahay waan qasmay qalbi ahaan, qulub badanna waa aan dareemay. Sida qofku farxadda, raynraynta iyo nayaayirada u dareemo si la mid ah ayaa uu xaaladdana u dareemaa waana marxalad ay dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka kasmanafeeddu caddeeyeen in ay sababto cimridegdeg dhakhso ah.
Sigmund Freud (1856-1939), oo lagu tilmaamo aabbaha kasmanafeedda casriga ah waxa uu ku dooday; in aysan dareemadu dhiman, se ay aasmaan oo qofka laabtiisa ku dhuuntaan. Culimada kasmanafeeddu waxa ay qabaan in dareen walba oo la cabbudhiyo ogaada qofka ay ka soo muuqdaan iyaga oo jirro nafsadeed ah. Dareennadaasina waa kuwo qofka ku lammaan oo aan ka hadhin. Tan waxa ka dhalanaysa in aan la cabbudhin, oo la oggolaado in qofku dareenkiisa sheegan karo. Geesta kale, waa in qofku si qayaxan u sheego dareenkiisa gudeed iyo wax walba oo nafsaddiisa gubaya. Dareen yar oo la cabbudhiyey ayaa barbilow u noqon kara xaalad nafsadeed/dhimir oo halis ah.
"Immisaa la dhayalsaday
Dadka hoos u dhiigbaxa!"
–Qaal Maxammed
Cilmibaadhisyadu waxay muujiyeen walbahaarka joogtada ahi in uu kordhiyo halista cudurrada wadnaha, daciifiyo habka difaaca jidhka, kordhiyo niyad-jabka iyo welwelka, isla markaana yareeyo waxqabadka shaqo iyo waxbarasho ee qofka. Marxaladdani, qof kastaa waa uu maraa waana shaacsane cid waliba dareento mar ka mid ah mararka xaaladuhu ku qallafsanaadaan. Nebigu (NNKH) ayaa xadiis laga weriyay ka ducaysan jiray, Illaahayna ka magan geli jirey in uu haleelo walbahaarku: “Eebbow, waxaan kaa magan gelayaa walbaharka iyo murugada, caajiska iyo tamardaridda, gaajada iyo cabsida, culayska daynta.” Maskax ahaan walbahaarku waxa uu saameeyaa baraadka, dhugmada iyo in aannu ruuxu la socon waaqaca hareerihiisa ka socda.
Culimada kasmanafeeddu waxa ay qabaan in dareen walba oo la cabbudhiyo ay ka soo muuqdaan oogada qofka iyaga oo jirro nafsadeed ah. Dabadeed ay noqdaan kuwo qofka ku lammaan oo aan ka hadhin. Tan waxa ka dhalanaysa in aan la cabbudhin dareenka dadka ee la siiyo xorriyad iyo fursad ay dibedda ku keeni karaan.
Sidaa marka aynnu u xusnay walbahaarka, waxa innoo iftiimay abbaarta maqaalkeennu daaran yahay ee ah Nabadda Gudaha (Inner Peace) ee qofka. Nabadda gudaha, maskaxda iyo daganaanshuhu waa sifo muujinaya qof ka madhan saameynta walbahaarka, warwarka, qulubka, caloolyowga, tiiha, qaska, hiifka, diiqadda iwm. Dadweynaha adduunka oo dhan waxay isla qireen: nabadda gudaha (inner peace) inay tahay tiir muhiim u ah nolosha wanaagsan ee aadamaha. Sahanno kala duwan ayaa si joogto ah u muujiyey in dadku ay nabadda gudaha u arkaan mid lagama maarmaan u ah farxadda, fayaqabka iyo tayada sare ee nolosha.
Ashley Davis Bush, oo ah dhakhtar kasmanafeed iyo qoraaga buugga The Little Book of Inner Peace: Simple Practices for Less Angst, More Calmi, waxa ay ku dooddaysaa; in qofku caafimaadka jidhkiisa inta uu ka war hayo in ka badan uu ka war helo caafimaadka gudihiisa isaga oo si hoose isula sheekaysanaya, farxaddiisa taabbogelinaya, islamarkaana ku dedaalaya wax kasta oo gudihiisu ku nafisi karo. Qofku, waa jidh iyo Ruux degganaanshaha ruuxda ayaana sababta degganaanshaha jidhka, dabcanna Ruuxda ayaa ka muhiimsan degganaanshaha jidhka.
Sidoo kale, qofka Soomaaliga ah ee wakhti xaadirkan isticimaala baraha bulshada ama ku dhex nool dadkiisa waa qasab in uu ilaaliyo oo ka taxadarro caafimaadka maskaxdiisa. Maalin kasta ama saacad kasta waxa aynnu kala kulanaa baraha bulshada waxyaabo dhaawacaya oo dhib u geysanaya maankeenna, kolkaa maaddaama aynnaan lahayn cid innaga xakamaysa ama xukuumad faragelin ku samayn karta oo masuuliyadeenna qaadda waa in aynnu innagu ka taxdarnaa.
Sida ay qireen sahanno kala duwan oo la sameeyey Nabadda Gudaha ee qofku waxa ay udub-dhexaad u tahay xasilloonida, farxadda, fayaqabka iyo tayada sare ee nolosha, waana shaacsane si weyn la isugu raacsanyahay dunida guudkeeda.
Waxa aynnu si ku talagal ah iyo si aan ku talagal ahaynba u aragnaa waxyaabo xasuus xun innagu reeba oo gudaheenna raad aan baaba’ayn ku reeba ama ugu yaraan jawigeenna qasa. Imisa qof ayaa aad aragtay ama jira oo si bilaa dareen ah uu uga soo hor baxay muuqaal naxdin ah oo maalinkooda dhan beddelay. Qofka Soomaliga ah ma haysto goobo caafimaad oo uu kula tacaalayo ama kala talaniya caafimaadka maankiisa, sidoo kale, ma haysto meelo uu ka helo daryeel oo ka war hayn iyo in aad marba booqatid oo xaalkaaga darsito kuu sahlaya. Sidoo kale, mahaysto meel ka daaweysa jirrooyinka qarsoon ee duunka hoose ka soo gaadha. La’aanta goobahani waa kuwa sababa xannuunnada dhimirka ee waalidu u gu weyn tahay. Marka aad waalato ee maryaha dhigato ayaa loo dhaqaaqayaa sidii dhakhtar laguu geyn lahaa inta ka horraysa laakiin MAYA. Waliba, dhammaanteen ma aha ee qof nasiib leh uun baa la geeya dhakhtarkaas waana midh midhka ehlkiisu jacel yihiin ama wax haysta oo ilaahay wax u dhiibay, markaan ku leeyahay is ilaali dhibaatooyinkan baa jira oo aan kaaga digeyaa!
Sida uu ku doodday Dalai Lama: “Nabaddu waxay ka bilaabataa gudaha qofka; haddii qofku gudaha ka deggan yahay, dunida oo dhan ayuu degganaan ku arkaa.”
Doono oo raadso meelaha waddankeenna ku yaalla ee in uun ay degganaantu ka jirto, iska war hay oo ka warqab dareennadaada, iska diid oo ka carar wax kasta oo cidhiidhi iyo culays kugu keenaya. Hantida keliya ee aad haysataa waa isla adiga, waa in gudahaagu caafimaad qabo degeenaanna uu dareemayo. Naftaada baro oo ka warqab, ka hortag waxa ku qasi kara, kuna dedaal waxa ku dejin kara ee aad xasilloonida ku dareemaysid, qof deggan oo nabdoon uun baa wax qaban kara noloshana heer ka gaadhi kara. Laakiin, qof qasani waxba ma kala habayn karo, korna uma kici karo. Noloshu si yaabo badan way u fududaatay iminka, laakiin haddana, sayaabo kale oo badanna waa ay u adkaatay, waxaan ku leeyahay ha isku koobin inta adag, ee dhanka kale ka faa’iidayso inta fudud. Ma jirto cid kuu maqan oo ku daryeelaysa haddii aanad adigu is daryeelin. Qof dhallinyaro ah ayaad tahay noloshaada inta ugu horreysa ee aad fireeshka tahay ka faa’iidayso oo xasillooni ku dhammayso.
Baraha bulshadu waxa ay saameyn taban ku leeyihiin nafsadda qofka iyo xasilloonida gudaha waxayna raad xun ku yeelan karaan nabadda gudaha ee qofka Soomaaliga ah. Sidaas awgeed waa muhiim in uu taxaddar yeesho qofku gaar ahaan qofka Soomaaliga ah ee aan haysan meelo uu kula eerto jirrooyinka nafsiga ah ee soo gaadha.
Waa xaalad nafeed iyo maskaxeed oo qofku ku gaaro degganaansho, xasillooni, iyo raynrayn aan la xidhiidhin waxa bannaanka ka socda. Waa xaalad qofku ku dareemo inuu gudaha naftiisa ku hayo bad weyn deggan, xitaa marka dhibaatooyin, walaac, ama jahawareer bannaanka ka jiraan. Ugu dambeyn, is ilaali, is daryeel, samayso sacaado iyo maalmo kuu gaar ah oo aad adigu wakhti isla qaadatid, iska yaree isticmaalka Internet ka, ku xidhnaw oo la saaxiib dadka aad agtooda ku dareemaysid degganaanshiiyaha iyo xornnimada. Yeelo maalmo aad buuqa badan uga baxdid oo aad kaga gabato sawaxanka magaalada. Qor dareemadaada iyo wax aad dareemaysid, kuna xidhnaw kanaallada ka hadla arrimaha la xidhiidha Nabadda Gudaha.