Wednesday 9 July 2025
Maqaalkan waxa aan ku dul istaagi doonaa maxsuulka ay la huleeleen dhinacyada iskahor-imaadka Bariga Dhexe, oo kala ah Israa'iil iyo Maraykanka oo dhinac ah, iyo dalka Iiraan oo dhinaca kale ah. Qiimeyntani waxa ay isku xidhaysaa dhacdooyin badan, iyadoo ku dhisan arragtida loo yaqaan ‘Game Theory’ oo uu daahfuray Aqoonyahan Joon Nash - waa shaacsanne geli kara faracyo badan oo aqoonta ah. Si kooban, waa aragti darista go'aannada saameynta ku leh nolosha ee dhinacyada iska soo horjeeda ay qaataan si uu mid waliba doorka sare ugu yeesho maxsuulka soo bixi doona. Waa ciyaar maskaxeed lagu raadiyo go'aannada ugu wanaagsan ee lagu budlin karo yoolasha loo socdo, iyadoo haddana lagu dheelayo xeerar aan rasmi ahayn oo xayndaab u ah ficillada dhinac kastaa ku wajahayo marxalladda kolkaa taagan.
Aan soo biyodhaco e, Israa'iil waxa ay billowday ololaheeda milatari ee ay ku doonayso in ay xididdada ugu siibto awoodda Iiraan kal hore. Waxa aan odhan karaa hadafkeedii ugu weynaa waxa ay xaqiijisay sannadkii hore kaddib laciifintii laxaadka lahayd ee loo geystay unugyadii ugu xoogga weynaa "udubkii iskacaabbinta" ee Iiraan ku lahayd Bariga dhexe, waa Xisbullaah iyo Xamaas e. Udubkani waxa uu Iiraan u ahaa awood u taalla meel ka baxsan xuduudaheeda, u dhow cadawgeeda istiraatiijiga ah, isla mar ahaantaana u saamaxaysa in ay ku gorgortanto haddii ay dareento khatar amni.
Waa awooddii u saamaxday in aan Israa'iil marna hore ugu dhiirran weerar ay ka fuliso gudaha Iiraan, waayo, Israa'iil ma aysan rabin in ay isku furto furimaha unugyada iskacaabbinta iyo dalka Iiraan si wadajir ah. Waayo, iskama wada waabbin karto duufaan gantaallo ah oo hal mar sida roobka ugu da'a. Kolkaa, kubadda hirdanka labada dal waxa ay taallay bannaanka soohdimaha Iiraan. Nasiibdarro, ama nasiib la'aan ka ay tahayba, xisaabtaasi waa ay isbedashay!
Muddo aad u dheer taariikhda markii koowaad Israa'iil waxa ay toos u beegsatay safaaradda Iiraan ee dalka Suuriya, iyadoo halkaasina ku dishay saraakiil sar sare oo Iiraaniyiin ah. Iiraan iyana waxa ay kaga jawaabtay weerarro cirka ah oo ay markii koowaad ku qaadday gudaha Israa’iil. Xaaladdu "tit for tat" bay noqotay, Israa'iil na waxa ay ciyaartay "sequential game"; waan ku weeraray, waad ka jawaabtay, ana waan ka jawaabay. Yeelko e, labaduba waxa ay sheegteen guulo xiisadduna waa ay iska degtay.
Halkan haddii aad ila soo gaadhay, aan xusuustaada dib u celiyo. Waxa aan hore kuu idhi, Israa'iil waxa ay aad u laciifisay awooddii Xamaas iyo Xisbullaah oo Iiraan u ahaa, awoodaha ay ku gorgortanto kolka ay joogto amnigeeda qaran. Si farshaxannimo milatari leh, Israa'iil waxa ay dagaalkeeda ku horreysiisay xulufadii Iiraan, iyadoo Iiraan daawanaysa. Kaddibna, kolkii ay hubsatay in unugyadaasi tabar beeleen, waxa ay billowday in ay toos u abbaarto mulkiilihii unugyadaas waa "Iiraan" e. Dabadeed waxa dhacay weerarka aynnu kor ku soo xusnay iyo kuwan ka sii danbeeya.
Mar kale, 31-kii Julaay isla sannadkaa 2024, Israa'iil waxa ay weerartay dalka Iiraan iyadoo khaarajisay Hoggaamiyihii Garabka Siyaasiga ah ee Xamaas, iyo Taliye sare oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada kacaanka. Kolkii ay intaasi dhacday Iiraan markii labaad waxa ay weerarro gantaallo ah oo toos ah ku garaacday Israa'iil, iyadoo beegsatay kaabayaasha sirdoonka iyo milatariga ee Israa'iil.
Israa'iil intaa kuma joogin e, 26-kii Oktoober, haddana waa ay soo rogaalcelisay, iyadoo duqeysay goobo milatari oo ku yaalla galbeedka Iiraan. Labada dalba waa ay dejiyeen xaaladda kaddib dhexdhexaadin joog hoose ah oo ay gadhwadeen ka ahaayeen Midowga Yurub, iyo Cummaan. Waxa xusid mudan in weerarkan bil uun ka hor Israa'iil ay sidoo kale dishay Hoggaamiyihii Xisbullaah, iyo raxan loo filayey in ay beddeli karaan. Iiraan wax tallaabo ah ma aysan qaadin ilaa uu dhacay weerarkan aynu kor kaga soo hadalnay ee Oktoober.
Israa'iil kuma aysan joogsan labadaas gardarro, balse waxa ay ku dartay mid saddexaad oo ka sii baaxad weynaa kana dhiirrannaa. Waxa ay dishay qoorweyntii amniga Iiraan, waxa ay sidoo kale duqeyn u geysatay goobihii ugu muhiimsanaa kaabayasheeda milatari. Intan waa aad og tahay e, waxa aan uga socdaa Israa'iil waxa ay samaysay is-maqiiq khatar ahaa sannad uun ka hor.
Maxaa dhacay?
13-kii Juun, xilli habeennimo ku na beegnayd kala wareegii saacadda, dunidu waxa ay ku soo toostay weerar Israa'iil ay ku beegsatay qoorweyntii hay'adaha Amniga Qaran ee dalka Iiraan. Dhacdadan waxa ay gelisay gobolka Bariga Dhexe marxallad hubanti la'aan ah muddo dhan laba toddobaad. Sidee xaalku noqday?
Iiraan waxa ay kaga jawaabtay weerarkan sideedii caadada ahayd. Gantaallo ayaa ay ku garaacday gudaha Israa'iil, halka Israa'iil ku soo jawaabtay duqeymo hor leh.Kolkan labada dhinacba, waxa ay isu adeegsadeen inta badan keydkoodii gantaallada difaaca iyo kuwa riddada dheer ee weerarka. Israa'iilna waxa ay gashay marxallad adag maadaama oo Iiraan ay soo bandhigtay iskacaabbin xooggan (deterrent force). Waxa ay isu muujisay mid aan is dhiibaynin, islamarkaana ridaysa gantaalladeeda ilaa midhka ugu danbeeya. Tallaabadani waxa ay culays dhaqaale, mid bulsheed iyo mid amniba saartay Israa'iil, heer nidaamkeedii difaacu uu ku fashilmay in uu wada difaaco dhulka ay sheegato oo dhan, kuna soo ururay oo keliya goobo istiraatiiji ahaan muhiim u ah.
Labaduba waxa ay galeen marxalladda (non-zero-sum game), oo micnaheedu tahay in qolo kastaa haysato wax ay guul ku sheegto, qolo kastaana ay guulaysan karto, ama guuldarraysan karto. Marxalladdaa kaddib, Israa'iil waxa ay xaqiiqsatay in iyadu u dhowdahay jabka maadaama Iiraan ay maalinle u waddo ganitaanka gantaallada. Taa micnaheedu waa in markasta oo Iiraan sii waddo duqeynta ay ka dhigan tahay markasta oo Iiraan ay fashiliso nidaamkeeda difaaca, ama Israa'iil ay ku khasbanaato in ay la timaaddo tanaasul. Tani waxa ay ka dhigan tahay in xaaladdu kala degayso iyadoo kaabeyaashii hubka nukliyeerka ahi ay weli shaqaynayaan, Maraykanku na aanu ciyaarta soo gelin.
Si taa hore looga baaqsado, Israa'iil waxa ay ku guulaysatay in ay Maraykanka soo geliso dagaalka si kor loogu qaado xaqiijinta yoolalka milatari iyo siyaasi ee ay doonaysay kuwaas oo ah burburinta kaabayaasha nukliyeerka iyo ridista nidaamka ka taliya Iiraan.
Maraykanku waxa uu la soo galay dagaalka, shuruuc aan rasmi ahayn oo lagu dheelo ciyaarta (Game Theory). Waxa uu sii wargeliyey Iiraan duqaymihiisa ku soo socda ee kaabeyaasheeda Nukliyeerka. Taa micnaheedu waa in uu Iiraan siiyey fursad ay ku rarato Yuraanimteeda, balse waxa uu burburiyey kaabayaashii la yaqaannay ee Iiraan lahayd, iyadoo aan wax dikhaw ah ama wasakhaw ahi aanu ka dhalan maadaama Iiraan raratay Yuraaniyaamtii goobta taallay. Ogeysiintan waxa uu kaga hor tegay in Iiraan ay qaaddo tallaabo dagaalka u beddeli karta mid ballaadhan oo aan waxba la isku reeban, oo keeni kara khatarta in ay beegsato gobolka oo dhan.
Maraykanku Israa'iil waxa uu ku qanciyey in uu burburiyey kaabayaashii Nukliyeerka Iiraan, islamarkaana dib u dhigay sannado dhawra habsocodkii samaysiga hubka . Halka, Iiraan uu u oggolaaday in ay rarato Yuraaniyaamtii ay bacrimisay ee taallay goobahan oo ay iyadu ku celcelinaysay in ay u isticmaalayso arrimo horumarinneed oo nabdoon. Caddaymaha badhi taaraya in Yuraaniyaamtii la raray waa ay badan yihiin, in Maraykanku Iiraan wargeliyey duqeymihiisa iyana waa war ilo badan ka imanaya, in Maraykanku aannu ogeyn goorta Uraniumta la raray ma aha mid suurtagal ah. Kolkaa, adigu isku xidho waxa kaaga soo baxa.
Iiraan waxa ay sheegtay in ay aargoosan doonto kaddib duqeymihii Maraykanka. Aargoosigeedii waxa ay ku bilawday duqeymihii Israa'iil ay ku wadday oo ay sii xoojisay. Tan macnaheedu waa in ay yaqiinsannayd in burburka oo ay kusii siyaadiso Israa'iil uu Maraykanka kaga xannuun badan yahay in ay beegsato Maraykanka laftiisa; dabcan, tallaabo ahaanna waa ta uga khatarta yar.
Maalintii labaad mise saddexaad, Iiraan tallaabo ayey ka qaadday Maraykankii laftiisa. Balse, waa tallaabo ay u sii sheegtay in ay qaadayso, waana mid la isla wada ogaa oo Maraykanku waxa uu sheegay in uu ka jawaabi doonin. Halkaas na waxa ku istaagay ciyaartii siyaasadeed ee Israa,iil ay kolba cirka ugu shareeraysay xaaladda.
Maraykankii waxa uu bixiyey fursad daba socota tii uu kalsoonida hore ugu soo dhisay. Iiraan waxa uu u sameeyay tanaasul (rarashada Yuraaniyaamta), iyo in aanu ka jawaabin weerarkeedii rogaalcelinta ahaa. Tan khubarradu waxa ay ku macneeyeen in uu Trump si xirfad leh u mideeyey dano badan oo isdiiddanaa; waa raaligelinta Israa'iil, ka baaqsashada dagaal gaadha gobolka oo dhan, iyo ka taxadirka luminta taageeradiisa gudaha Maraykanka, oo dadkii u codeeyey ay aqlabiyad ku diideen dagaal milatari oo kale; tani waxa ay saameyn taban ku yeelan lahayd xisbigiisa doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee 2026.
Tani waxa ay keentay maxsuulka in cagaha dhulka lagu hayo, xabbadjoojin laga wadahadlo, dabadeedna sansaan nabaddeed dhalato. Laakiin, caqabad kale ayaa jirta. Israa'iil waxa ay rabtaa in ay jidkeedii hore iska sii hayso, halka ay Iiraan ay wajahayso shaki iyo bac ay ka qabto Israa'iil.
Gebegabadii, Israa'iil waxa ay xaqiijisay guulo wax weyn tari kara mustaqbalka dhow iyadoo u muuqata mid dhulka Falastiin iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ahba ka fulin doonta waxa ay doonto. Dhanka kale na waxa ay ku guul darraystay in ay wada xaqiijiso labadii qodob ee ay duulaanka ku sababaysay kuwaas oo kala ahaa : in ay si buuxda u burburiso barnaamishka Nukliyeerka Iiraan, iyo in ay kala daadiso kacaanka Dehraan ka taliya. Iiraan dhankeeda wax gaadhay khasaare milatari, waxyeellaynta kaabeyaasha barnaamijkeedii, iyo weliba khatar ku hareeraysan amnigeeda qaran ee mustaqbalka dhow iyo midka dheerba, balse lagama adkaan, sababta oo ah waxa ay ku guulaysatay in ay iskacaabbin xooggan la gasho isbahaysigii Israa'iil iyo Maraykan, waxa ay xoojisey taageeradeeda gudaha dalka iyo caalamkaba, welina waxa ay haysataa fursad ay ku bacrimiso Yuraaniyaamta ay raratay oo khubarradu weli rummaysan yihiin in ay leedahay kaabeyaal kale oo ka badan kuwii laga duqeeyay kuwaasi oo aan weliba la aqoon goobaha ay ku yaallaan. Waa fursad bedbaado iyo khatar isku lammaan wadata mustaqbalka.