Saturday 11 April 2026
Dagaalka sida wadajirka ah ay Israa’iil iyo Maraykanku ugu qaadeen Iiraan waxa mid muujinaya heerka Raysalwasaaraha Israa’iil, Binyaamin Netanyaahu uu ugu guulaystay in uu meelmariyo aragtida Israa’iil ka qabto Iiraan, kana dhigo mid mudnaan u leh istaraatiijiyadda Maraykanka ee gobolka iyo dunida. Tallaabadani waa mid ka digaysa soo afjaranka kala qaybsanaantii gudaha maamulka Trump ee u dhaxaysay laba garab oo midi ka digo gelitaanka dagaallo (ka dib natiijooyinkii xumaa ee laga dhaxlay labadii dagaal ee Ciraaq iyo Afgaanistaan), iyo garabka kale ee u jihaysan ugaadhsiga dawladaha, bulshooyinka iyo khaarijinta haldoorka, qaab u eg dhaqanka Israa’iil. Khaarijinta Murshidkii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Aayaatullaahi Cali al-Khaamin’i, waa tallaabo muujinaysa sida aragtida Israa’iil iyo garabkan dambe u guulaysatay.
Waa xusid mudan dhacdooyinkii dagaalkii hore ee Iiraan (Dagaalka Laba iyo Tobanka Cisho), iyo qaabkii Israa’iil ugu guulaysatay in ay Maraykanka kusoo jeediso. 13-kii Juun ayaa ay Israa’iil weerarro ku qaadday Iiraan, iyadoo bartilmaameedsatay goobo lagu bacrimiyo nukliyeerka, xarumo millatari iyo goobo la deggan yahay oo hoy u ahaa saraakiil millatari iyo saynisyahanno nukliyeer. Iiraan waxa ay weerarkaas kaga jawaabtay in ay gantaallo iyo diyaaradaha daroonka ah ku weerarto xarumo milatari iyo sirdoon oo Israa’iil leedahay.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo qayb ka mid ah barnaamijkiisa siyaasadeed ku dhisay “soo afjaridda dagaallada” (iyo ku guulaysiga Abaalmarinta Nabadda ee Noobasha!), waxa uu ku khasbanaaday adkaynta kaalinta hoggaamineed ee Maraykanku dunida ku leeyahay, sidaasna uu ku shaaciyo ka qaybgalka Maraykan ee dagaalka, isagoo fulinaya weerarro xooggan “oo lala qorsheeyey Israa’iil”. Waxa ay ahaayeen weerarro lagu bartilmaameedsaday warshadaha nukliyeer ee Fardow, Natanz iyo Asfahaan. Sidaas oo ay tahay, Trump waxa uu laba maalmood ka dib shaaciyey in la gaadhay heshiis dagaal joojin ah.
Ka qaybgalkii Maraykanka ee dagaalkaas, oo weliba si wadajir ah loola qorsheeyey Israa’iil, waxa uu ahaa isbeddel weyn oo muhiimaddiisa leh. Kolkan, Israa’iil kaalin weyn uun kumay lahayn hurinta xaaladda keentay isbeddelka jaangooyayaasha Trump ku khasbay inuu soo farageliyo dagaalka, ee sidoo kale Israa’iil waxa ay noqotay ubucda hawlgalladda milatari iyo nabadgalyo iyo caqliga kala dabbara (iyadoo weliba safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, ahna shakhsiyad miisaan ku leh maamulka Maraykanka uu yahay shakhsi aaminsan tabinta diineed iyo aydhiyoolajiyadeed ee Israa’iil).
Tani waa sababta, si ka duwan tallaabadii Maraykanka ee Dagaalkii Laba iyo Tobanka Cisho ee koobnaa, uu Maraykanku toddobaadyo badan si xooggan hub usoo daabulayey, bartilmaameedsiga Khaamin’i iyo saraakiil iyo madax kalena u noqotay qorshe ka mid ah dagaalka, sidoo kalena “beddelidda nidaamka Iiraanna” laga dhigay qayb ka mid ah sheegashooyinka dagaalkan labada dal sida wadajirka ah u galeen.
Dilka Khaamin’i iyo haldoorkii milatarigu waxa uu bannaanka keenayaa khalkhal siyaasadeed iyo amni oo ku jira aragtida nidaamka Iiraan, dilkan hoggaamiyaha waa mid aan maangal ku ahayn xeerka amni, siyaasadeed iyo milatari. Dilka sidan u fudud laguma marinhabaabin karo fasiraado kale, sida in wadashaqayn laga helay gudaha nidaamka (sida la sheego inay Finisweela ka dhacday), qodobkan oo aad loo aaminay ka dib dilkii ba’naa ee loo gaystay haldoor badan bishii Juun iyo sida kalsoonida leh ee Israa’iil muddooyinkii dambe ugu hanjabaysay dilka Khaamin’i, waxaana la mid ah in si fudud lagu khaarijiyey hoggaamiyihii Xisbullaah iyo haldoor badan oo Xisbigaas ah.
Khaarijinta Khaamin’i iyo dhacdooyinka nabadgalyo iyo milatari ee socdaa waxa ay muujinayaan horumarka ballaadhan ee laga sameeyay farsamooyinka dagaalka, oo ay qayb ka yihiin xogaha tuulan internetka iyo taleefannada gacanta (Netanyaahu ayaa si cad qodobkan uga hadlay). Waxa soo raaca baraha bulshada, gawaadhida cusub, xawilaadaha lacagta ee dunida iyo garaadka macmalka ah, oo badanka ku xidhan agabyada sirdoonka, iyadoo aadamaha oo dhammi isagu dirdoon isku yahay noloshiisa dhan. Israa’iil iyo Maraykanku baahi uma qabaan sirdoon dhulka ah, marka laga reebo kolka looga baahdo inay hawlgallo toos ah oo diyaaradaha daroonka ahi fulin kari waayeen fuliyaan, ama baahida loo qabo dadka hor fadhiya shaashadaha aadka uga fog goobta dhacdada.
Jawaabta Iiraan, ee ah duqaynta saldhigyada Maraykan, magaalooyinka Israa’iil, Khaliijka iyo maraakiibta marinka Harmus, waa mid muujinaysa in Iiraan go’aansatay in aanay xanuunka khaarijinta Khaamin’i isku koobin, ee ay u beddesho xanuun goboleed iyo hurinta gobolka oo dhan, oo ah mandaqad halbawle u ah shidaalka, gaaska iyo khayraadka caalamiga ah. Waa taatiko isku dayaysa in aanay waxba dhawran, oo ay muujiso in aanay cidina ku badbaadayn dagaalka Iiraan.
Qormadan waxaa laga soo turjumay Al-Qudus Al-Carabi