Tuesday 11 November 2025
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weeraro loo adeegsaday qaraxyo lala beegsaday Godka Jilicow oo xarun u ah nabadsugidda Soomaaliya. Waxa ay wararku sheegayaan in ilaa hadda laga maqlayo goobtaas rasaas, iyada oo ay ciidamada amnigu isku dayayaan in ay soo afjaraan kooxda weerarka ku qaadday xarunta oo ay muuqato in ay isku miidaamiyeen gudaha.
Weerarkan oo noqonaya kii ugu xoogganaa ee dhawaanahan ka dhaca Muqdisho, isla markaana lala beegsaday goob xasaasi ah oo lagu tilmaami karo meelaha ugu amniga sugann ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii uu Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sheegtay guulo ay Xukuumaddiisu ka gaadhay sugidda amniga Muqdisho iyo joojinta weeraradii laga geysan jiray magaalada. Hadalkan ayaa uu Madaxweyne Xasan ka sheegay Jimcihii masaajidka ku yaalla Madaxtooyada Soomaaliya oo uu kula hadlay dad ku tukaday.
Sidaas oo ay tahay, weerarada noocan ah ayaa uu beryahan dambe ku yimid hoos dhac, waxana laga digayay in degganaansho la'aanta siyaasadeed ay horseedi karto dabac amni oo ay ka faa'iideysan karaan kooxaha xagjirka ahi.