Saturday 6 December 2025
Deegaanka Godanka Danaakilada ee gobolka Cafarta ee Itoobiya waxa dhawaan ka qarxay folkaano gamaarsanaa 12,000 oo sannadood. Hal mar ayaa uu gilgishay oo qarxay waxanu hawada galiyay daruuro isugu jira qiiq, dambas iyo holac laga arkay muuqaallada dayaxgacmeedyada, isaga oo dhawr iyo toban kiiloo mitir isku shareeray cirka.
Dabaysha oo u dhacaysay waqooyi bari awgeed, waxa uu dambaskiisu gaadhay oo uu saameeyay dalalka Yemen, Cumaan, Baakistaan iyo Hindiya. Arrintaas oo muujisay awoodda qarax ee folkaanaha iyo sida buska uu kiciyay uu qaarado isaga gudbay.
In kaste oo dalalka Hindiya iyo Baakistaanba ay sheegeen in aanay jirin khataro caafimaad oo ay ka digayaan, haddana qaar ka mid ah duulimaadyada gudaha ee Hindiya ayaa hakaday, waxana ay khubarada qaarkood ka digeen in uu saameyn dhanka neefmareenka iyo mid deegaanba yeelan karo, weliba sida loogu kala dhaw yahay ubucda folkaanaha.
Haddaba, muxuu yahay folkaanahan gamaarsanaa in ka badan 12 kun oo sannadood ee hadda butaacay? Folkaanahani waxa uu dhacaa dhanka koonfureed ee silsilad folkaaneed la yidhaahdo Erta Ale oo ku taallaa gobolka Cafarta ee Itoobiya oo ah deegaan aan sugnayn kuna yaallaan folkaanayaal firfircoon iyo dillaaca weyn ee Afrika, isla markaana ay dhacdo bogcadda ugu godan uguna kulul dhulka.
Deegaankan godanta Danaakilada ee ay ku yaallaan folkaanayaashan dihin ayaa waxa ku kulma saddex lakab oo dhulka ah (safeexado dhuleed) oo kala ah lakab Nuubiyeedka, lakab Soomaaliyeedka iyo Lakab Carbeedka dhulka.
Waxa, sidoo kale, deegaankan dhaca dillaaca weyn ee Afrika oo si joogto ah u kala riixaya labada lakab ee lakab Soomaaliyeedka iyo Lakab Nuubiyeedka Afrika, kaas oo ay cilmibaadheyaasha dhulku ay qabaan in uu, ugu dambeyn, u kala jari doono Afrika labo qaaradood ama qaybood oo waaweyn.
Dalal ku yaalla Bariga Afrika oo hadda xidhan ayaa mustaqbalka bad yeelan doona, kuwo qaaradda ka tirsanna waxa ay ku xidhmi doonaan badweynta. Ha se ahaato e, ha ka werwerin hana ku farxin arrintan hadda, waxa ay qaaraddu si buuxda u kala go'i doontaa malaayiin sannadood ka dib, waana waqti ka badan in ugu yaraan hadda laga tashado colaadaha sokeeye iyo isbeddelka cimilada, si loo sii waari karo in muddo ah laguna yididiiloon karo in nolosha bini'aadamku sii jiri karto in ku dhaw intii uu gamaarsanaa folkaanaha Xayla Gubbi.