Sunday 16 November 2025
Weerarrada uu ururka al-Shabaab soo qaaday, dhammaadkii Feebarweri 2025, waa weerarradii ugu ballaadhnaa, abaabul ahaan, sannadihii dambe. Ururku waxa uu dib u soo ceshaday dhulalkii ay xukuumaddu hore gacanta ugu dhigtay, isagoo dib ula wareegay deegaanno ballaadhan oo ka mid ah badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Sida fudud ee deegaannadani uga baxeen gacanta dawladdu waa mid muujinaysa nuglaanta qaabdhismeedka dawladda iyo fashilka istiraatiijiyaddii milatari ee caalamiga ahayd.
Gacan ku dhigidda al-Shabaab ee deegaannadani waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Soomaaliya galayso marxalad kalaguur siyaasadeed iyo haayadeed oo qotodheer. Soo dhawaanshaha wakhtigii doorashada iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah awgood, dawladda Soomaaliya waxa ay, hadda, u bandhigantahay khataro siyaasadeed in ka badan sannadihii hore. Sidaas darteed, waxa baahi weyn loo qabaa dib u eegidda qaabka taageerayaasha caalamiga ahi ula dhaqmaan Soomaaliya. Qaabka ay hadda ula shaqeeyaan xukuumadda dhexe oo taag daran, gacan ku haynteeda gobolladu kala dhimantahay, awooddeeda siyaasad-fulintuna xaddidantahay ma aha qaab lasii joogtayn karo. Waxa loo baahanyahay istiraatiijiyad ka waaqicsan qaabkan hore, iyadoo laga bilaabayo ka tanaasulidda habraacyada milatari iyo u gogoldhigidda heshiis siyaasadeed oo waara, oo xitaa ay ku jirto la macaamilidda al-Shabaab.
Dib u qabsashada al-Shabaab ee deegaanno hore looga qabsaday waxa ay muujisay fashilka istiraatiijiyadda milatari ee caalamiga ahayd iyo taagdarrada xukuumadda Soomaaliya, waxana loo baahan yahay qorsheyaal ka waaqicsan qaababkii iyo habraacyadii militari ee hore
Dhammaadkii Feebarweri ee 2025, ururku waxa uu galaabixiyey weerarro abaabulan oo uu ku bartilmaameedsaday Jawhar, Aadan Yabaal iyo Cadalle oo ka tirsan Shabeellada Dhexe, iyo Afgooye oo ka tirsan Shabeellada Hoose, waxaana dheeraa weerarrada uu ku qaaday Buulobarde iyo gobollo muhiim ah oo ka tirsan bariga webiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan. Waa weerarro dhinacyo kala duwan laga soo qaaday, sababayna dhiigbixidda ciidamada xukuumadda iyo malleeshiyaadka beelaha ee ciidamada isbahaysiga la ahaa, ilaa ugu dambeyn ay dumeen. Weerarka Feebarweri ma ahayn weerar kedis ah, oo hordhaciisa waxa ururku uu fuliyey Jeenaweri, se xukuumaddu may qaadin weerar ka hortag ah oo abaabulan. Walow weerarrada dhanka cirka ah ee xukuumadda iyo isbahaysigeeda caalamiga ahi fuliyeen iyo weerarrada dadka deegaanku ay wiiqeen horumarka al-Shabaab, haddana ururku waxa uu dib ula soo noqday deegaanno aanu gacanta ku haynin laga soo bilaabo 2019-kii, waxanu kusii siqayaa caasimadda Muqdisho. Soo labakaclayntani waa mid muujinaysa in isbeddel weyni ku yimi mawqifkii kooxda: sannad ay gabbaad iyo darsid ku jirtay, ururku waxa uu dib u bilaabay fulinta hawlgallo ballaadhan, isagoo weliba ku socda istiraatiijiyad cad oo ah soo ceshiga deegaannadii laga faromaroojiyey.
Sannad ama laba sanno ka hor way adkayd in la sawirto soo labakaclayn ay al-Shabaab samayso. Badhtamihii 2022-kii, kacdoonkii kooxda Macawislay—koox beeleed hubaysan—oo ay garab siinayaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika waxa uu sababay in al-Shabaab laga qabsado qaybo badan oo ka mid ah badhtamaha Soomaaliya.
Xukuumaddii kolkaas waxa ay ballanqaadday wanaajinta nabadgalyada iyo adeegyada aasaasiga ah ee gobollada la xoreeyey ee Hirshabeelle iyo Galmudug, se may hayn qorshe cad oo lagu hirgelinayo, waana sababta keentay in aanay ballanqaadyadaasi fulin, walow weerarka beelaha ay xukuumaddu taageeraysaa uu hore usii socday. Judhiiba dadkii deegaanka ee markii hore soo dhaweeyey waxa ay cabbireen sida ay arrinka ugu hungoobeen, dad badanina waxa ay is barbardhigeen baqamaalidda malleeshiyaadka beeluhu adeegsadaan iyo kala qaybsanaantooda, iyo dhaqannadii al-Shabaab ee cashuurta iyo garsoorka ee aan kala dhantaalnayn, haba ka ad’adkaadee. Deegaannadaas badankoodu hadda waxa ay dib ugu gacan galeen al-Shabaab.
Xilli istiraatiijiyadda xukuumadda Soomaaliya adeegsatay iskuxidhanka beelaha si ay kacdoon gudeed u dhaliso, haddana waxa ay ku guuldarraysatay iskuxidhka guusha milatari iyo heshiisiinta siyaasadeed ee beelaha laftooda. Dhawr jeer, xukuumaddu waxa ay xidhay madaxdii dhaqanka ee hore u taageeray al-Shabaab, walow ay rabeen heshiis. Judhiiba boogihii hore ee beelaha ayaa dagaal isu rogay, xukuumadduna waxa ay ku fashilantay in ay qalalaasahaas beelaha u dejiso siday al-Shabaab u dejisay—oo, iyadu, inta badan arrimaha ku muquunisa isku darka maxkamadaha shareecada, xukunka maxalliga ah iyo cudud.
Al-Shabaab in ay dib u qabsato dhulkii uu hore uga saaray kacdoonkii beeluhu, waxa sababay in xukuumaddu fulin wayday ballanqaadyadii ay la gashay beelaha waxana ay arrintaasi ku keentay beelaha kalsooni-darro, kala shaki iyo in ay xukuumaddu u maareyn wayday qalalaasaha beelaha dhexdooda, sidii ay al-Shabaab u maareyn jirtay
Walow al-Shabaab, sida muuqata, ay u wiiqantay, haddana jabkii ay deegaannada ku lumisay ma aha mid ka muuqda. Sida aniga iyo Maxamed Mubaarag aannu kolkaas ka dignay, al-Shabaab waxay oddorosaysay in xukuumaddu ay ku fashilmi doonto sii haysashada deegaannada ay gacanta ku dhigtay. Ugu dambeyn, kooxdu waxa ay ka faa’iidaysatay niyadjabka dadka deegaanku ka qaadeen ballanqaadyada beenoobay ee xukuumadda. Deegaanno dhawr ah, al-Shabaab waxay kaga baxday istiraatiijiyaddeeda u gaarka ah, iyadoo dagaalyahannadeeda saartay, shicibka u qaxisay magaalooyin kale ama dhulalkeeda kale—arrinkan oo xukuumadda ka hor istaagay dadkii ay rabtay in ay soo ceshato— amaba waxa ay unugyadeeda ku dhex beertay dadka deegaanka ee ay ka tagtay. Kooxdu waxa ay sidoo kale dib ula wareegidda deegaannada bilawday xilli ciidamada xukuumaddu ugu awood daran yihiin.
Kolkani waa mar ku beegan bishii Ogos ee 2023-kii, kolkaas oo al-Shabaab ay cagta marisay saddex saldhig milatari oo ciidamada xukuumaddu ku lahaayeen Caws-Weyn, weerarkan ayaa dhaliyey dhimashada inta u dhaxaysa 150 illaa 178. Marxaladdan, isballaadhinta ee ka madhan istiraatiijiyadda ee ciidamada xukuumaddu waxa ay keentay dhiigbaxa awoodda loojisti, arrinkan oo adkeeyey isgaadhsiinta gargaarka iyo in unugyada safka hore ka dagaallamaya lagu kabo ciidamo tababar heersare ah qaba. Xukuumaddu si badheedh ah ayay u diidday khasaaraha weerarkan, al-Shabaabna waxa ay kaga soo jawaabtay soo bandhigidda muuqaallada gawaadhi ciidan iyo askar ay gacanta ku hayaan. Weerarradani waxa ay wiiqeen kalsoonidii bulshadu ku qabtay awoodda xukuumaddu ku sugi karto nabadgalyada.
Marxaladda labaad ee hawlgalka xukuumadda oo loo bixiyey “Hawlgalka Libaaxa Madow” waxa qorshaysnaa hawlgelinta ciidamo Kiiniyaan, Itoobiyaan iyo Jabbuutiyaan ah, si hore loogu socdo koonfur iyo saldhigyada al-Shabaab, se qorshahani ma dhaboobin. Loollanka gudeed oo masuuliyiinta Federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa carqaladeeyey qorshaha, taageeradii caalamiga ahaydna waxa ku yimi hoosu dhac ka dib fashilka hawlgalka.
Deegaannada qaar, al-Shabaab waxay uga baxday istiraatiijiyad u gaar ah, waxana ay ka sii qaxisay dadkii degganaa, taas oo dawladda iska hortaagtay in ay shacabka soo ceshato, meelaha qaarna waxay ku sii beeratay dad u gaar ah. Qorshahaas, iyo fashilka siyaasadeed ee ku yimid hawlgalkii ciidan, ayaa fududeeyay soo noqoshadeeda
Dib ugu soo laabashada al-Shabaab ee jiidda hore waxa sabab u ah awoodda ururku u leeyahay xukunka bulshada deegaanka iyo haysashadooda, in ka badan inta ay sababtu tahay awoodda ururka ee milatari. Walow cilmibaadheyaal badani soo bandhigeen jaranjarrooyinka maamulka deegaannada ee al-Shabaab iyo qaabka kooxdu ugu dheesho siyaasadaha beelaha, haddana, inta badan hadallada siyaasadeed ee caalamiga ahi waa kuwo ku koobsada awoodda milatari, haysashada deegaannada iyo halbeegyada la dagaallanka argagixisada. Waa arrin daboolaysa ahmiyadda maamulka al-Shabaab ee qaab-xukunka deegaannada iyo beelaha, oo u suurogeliya ka faa’iidaysiga tabashooyinka hore iyo soo jiidashada odayada beelaha si ay u maamulaan nidaamyada sakada iyo ismaamul u gaar ah. Waa arrimo keena iskaashi, oo xoojiya sharciyadda ururka ee deegaannada ay joogaan. Xukuumadda dhexe waa mid, inta badan, ka maqan deegaannada miyiga, maqnaantan oo al-Shabaab ka dhiga maamulka kaliya ee dhulkan ka arrimin kara.
Bilihii dambe, waxa uu ururku qaatay taatiko hore loo yaqaannay: ka wadahadalka heshiisyo laga gaadho maamul-qaybsiga deegaannada. Al-shabaab waxa ay sidoo kale dagaalyahannadii Macawislay usoo bandhigtay heshiis iyo in loo oggolaanayo haysashada hubkooda, haddii ay tanaasulaan. Inta badan waxa ay bilawga la timaaddaa tallaabooyin fududayn ah, iyadoo ku gadanaysa u hoggaansankeeda, se gadaal ayaa ay tallaabooyinka ad’adag ka soo kordhisaa. Laakiin haddana, heerkan cafinta [macawislaydu] waa mid aan hore looga baran. Madaxda dhaqanka iyo dad kale oo aan waraystay, kuna sugan Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ee uu ururku lasoo noqday, waxa ay ii sheegeen qaab isku mid ah. Ururka ayaa taleefanno kula soo xidhiidhay, isagoo uga digaya in ay dib u laabtaan, una xaqiijiyey in wax kastaa sahal noqon doono, shardiguna yahay in ay u hoggaansamaan.
Waxa jira caddaymo kale oo ah in ay wax ka beddeshay istiraatiijiyaddeedii xidhiidhka ay la leedahay shacabka. Bishii Abriil, ururku waxa uu xayiraad toban sanno ku dhawaad jirtay ka qaaday deegaannada Koonfur-Galbeed, waxyar ka hor intaanay dhimin ciidamadii halkaas ka joogay oo ay dib ugu fidisay deegaannada Shabeellooyinka oo Muqdisho u dhow. Ururku waxa kale oo uu dhiirrigeliyey joogidda deegaannada uu ka taliyo. Si ka duwan sidii hore ururku u samayn jiray ee ahayd qasab ku raridda dadka deegaanka, waxa uu u muuqdaa mid sidii hore uga diyaarsan dhegaysiga codsiyada dadka deegaanka iyo fududaynta xeerarkeeda, si ay u ilaashato gacan ku haynteeda iyo sharciyaddeeda.
Dhammaadkii Abriil, warar badan oo la isla dhexmarayey baraha bulshada iyo fagaarayaasha diblumaasiyadda ayaa tilmaamayey in al-Shabaab ay diyaarinayso weerarro Muqdisho ah. Walow aanay saadaashani dhicin, haddana waxa ay bannaanka keentay kalsooni darrada laga qabo awoodda xukuumaddu caasimadda ku difaaci karto. Shakiga weerarka waxa sii kordhiyey in al-Shabaab qaraabada beelaha xukuumadda ku jira ay u ballanqaadday in aan la bartilmaameedsan haddii ay faraha ka laabtaan amaba ay ururka iskaashi la sameeyaan.
Weerarrada al-Shabaab ee gudaha Muqdisho si muuqata ayay hoos ugu dhaceen tan iyo bilawgii 2023-kii, korjoogayaasha caalamiga ah qaar ka mid ahina waxa ay arrinkan u arkeen guusha xukuumadda. Si ka duwan qaraxyadii joogtada ahaa, al-Shabaab waxa ay bilawday fulinta weerarro ka buuq yar kuwii hore, se haddana farriin ah, ujeedkuna yahay; wiiqidda talada xukuumadda. Weerar walxaha qarxa ah oo lala beegsday safarkii Madaxweynaha bishii Maaris, 2025-kii, iyo weerarkii xarun tababar ciidamada ah oo Muqdisho ku taalla lagu qaaday bishii Maaj 2025-kii, waxa ay sababeen hoos u dhaca kalsoonida bulshadu xukuumadda ku qabto iyo korodhka cabsida ururka laga qabo.
Awoodda al-Shabaab waxa ay ku qotontaa kartida ay u leedahay maamulidda deegaannada ay haysato, iyada oo ku dhex ciyaarta tabashooyinka beelaha, heshiisyada odayaasha iyo dabacsanaan ay muujisay intii dambe oo isugu jirta cafinta macawislayda iyo qaadista cunaqabateynta deegaannada qaar. Waxa kale oo ay yareysay qaraxyadii Muqdisho oo ay u beddeshay kuwo khasaare toos ah gaadhsiinaya dawladda oo qudha
Xukuumadda Soomaaliya waxa ay la daalaadhacaysaa cadaadiska qalaalasaha gudeed ee soo jiitamayey muddo dheer. Siyaasadda lagu heshiiyey ee hadda, oo la gaadhay ka dib sannado badan oo loollan iyo wahadallada dhinacyo islaynayey ah, wolow lagu saleeyey dheellitir qotodheer, haddana waa mid haliso badani ku gadaamanyihiin, oo ka imanaya beelaha waaweyn ee dalka iyo maamul-goboleedyada. Soomaaliya waxa ka jir lix maamul, oo midkood tahay Somaliland oo ah dal madaxbannaan, se aan la aqoonsanayn.
Soomaaliya waxa siddeed iyo tobanka bilood ee soo socda foodda kusoo haya saddex doorasho oo muhiim ah: doorashooyinka goleha deegaanka oo ah bisha Juun 2025, doorashooyin heer maamul-goboleed ah oo ku beegan bisha Noofambar 2025 iyo doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada oo wakhti ka mid ah 2026 ah. Madaxweyeaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku adkaystay hannaanka “qof iyo cod”, oo ah hannaan ay Soomaaliya ugu dambaysay 1969-kii (doorashooyinkii dambena ahaayeen doorashooyin dadban). Mucaaridka Xasan Sheekh ee siyaasiyiinta ah—intooda badanina hore u ahaayeen isbahaysigiisa—waxa ay aaminsanyihiin in tallaabooyinkiisa ujeedkoodu yahay xukun maroorsi, siiba iyadoo doorashooyinka barlamaan iyo madaxtooyo ee 2026 ay qaban doonto guddi uu isla madaxweynuhu magacaabayo.
Dedaalka uu Xasan Sheekh ugu jiro soo ururinta taladu waxa uu gilgilayaa deggenaanshaha nidaamka fedderaalka. Waxa intaas dheer, in codaynta qaabkan ah aan si sharci ah loo fulin karin waaqac ahaan iyo siyaasad ahaanba. Lama filayo in Buntilaan iyo Jubbalaan ka qayb galaan, iyadoo hoggaamiyeyaashoodu u arkaan doorashadan mid aan sharci ahayn. Al-shabaabna waxa ay leedahay sooyaal lagu bartay oo ah weerarka doorashooyinka, arrinkan oo ka dhigan in aan doorasho laga qaban karin goobo badan oo ka mid ah deegaannada badhtamaha iyo koonfurta dalka ee ay haysato.
Isbahaysiga Xasan Sheekh waa uu shiikhay, waxaanu kusoo ururay naftiisa, waxa kaliya ee u hadhayna waa la xidhanka isbahaysiyo ganacsi oo iska kooban laftoodu. Mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa isbeddelkan ku tilmaamay “in si halis ah loogu hoobtay kelitalisnimo awoodda urursatay” taas oo meesha ka saaraysa heshiisyadii siyaasadeed ee tobanka sanno soo socday. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku waxa ay madaxweynaha Soomaaliya uga digtay qaadashada go’aanno “iyadoo aanay jirin taageero dhinacyada ah”. Dedaalladan dambe ee Xasan Sheekh waxa ay sababeen samaysanka xukuumad dhexe oo sharciyaddeedu sii nusqaamayso, una talisa qaran kala daadsan. Arrinkani waa mid saamayn toos ah ku leh dagaalka al-Shabaab lagula jiro. Xasan Sheekh, waxa uu sababay in garbo muhiim ahaa oo la filayey ay baxsadaan. Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka, oo kolkii hore qayb laxaad leh kaga jiray dagaalka lagu wado al-Shabaab, ayaa hadda baxsaday ama si hoose ugu biiray al-Shabaab.
Dhankeeda, Xukuumadda Soomaaliya, oo ku dhisantay waanwaan nugul oo muddo dheer qaadatay, waxay hadda u sii hoobatay dhanka qalalaasaha gudeed; Madaxweyne Xasan ayaa isku dayaya in uu hirgaliyo hannaan siyaasadeed oo maroorsi ah, iyada oo ay xulafadiisii siyaasadeed sii gabaabsiyayaan, waana arrin sii wiiqaysa dagaalkii lagu waday al-Shabaab
Arrimahan oo dhacaya, ciidanka Soomaaliya waa mid xaalad adag ku jira. Waa ciidan kala qaybsan, awood daran, si weynna ugu tiirsan Hawlgalka Midawga Afrika iyo taageerada caalamiga ah, al-Shabaabna aad bay ugu milantay gudaha ciidanka. Ruuxda macnawiga ah ee unugyadu waa mid hoosaysa, isna sii dhimaysa, sababta isdhimiddeeduna waa hoos u dhigidda taageeradii, isbeddellada siyaasadeed ee aan la saadaalin karin, kalsooni darrada baahday iyo weerarrada joogtada ah oo Alshabaab ku hayso. Arrinkani ifafaalo wanaagsan kama muujinayo gelidda dagaal dheer oo al-Shabaab lala galo.
Waxa jira caddaymo muujinaya in haldoorka siyaasadda Soomaaliya aanu al-Shabaab u arag halis jiritaankooda galaafanaysa. Sidan cagsigeeda, waxa muuqda in ay u arkaan sidii mid ka mid ah dhinacyada ku loollamaya awoodda iyo khayraadka ee ka dhex jira fagaare siyaasadeed oo aslanba kala daadsan. Qaar badan oo ka mid ah haldoorka xukuumaddu waxa ay imika Itoobiya u arkaan cadawga ugu weyn, waxa kale oo ay cadawga u arkaan dadka dhaliilaya qaabka madaxweynuhu ula dhaqmay arrinta nabadgalyada. Sida haldoor badan oo Soomaaliya ah ka dhaadhacsan, dawladdu waa jid hanti lagu urursado, lagama maarmaanna ma aha in ay noqoto xukuumad leh qiyam ay waajib tahay in la difaaco, wax kastoo ku baxa. Haddiiba Alshabaab maamulka qabsato, haldoorkani waxa ay u arkaan in xeerarka dheeshu sidooda ahaanayaan, oo ay suurogal tahay in ay kasii faa’iidaysan karaan, kol haddiiba ay mawaaqiftooda beddeli karaan.
Ciidamada Soomaaliya waa kuwo aad u taagdaran, kala daadsan kuna tiirsan Hawlgalka Midowga Afrika. Siyaasiyiinta ayaa iyaguna aan lahayn aragti dhisan oo ku aaddan al-Shabaab; kuwo badani waxa ay al-Shabaab u arkaan koox aan khatar badnayn, halka ay qaarna u arkaanba in Itoobiya iyo mucaaridka xukuumaddu ay kaga daran yihiin al-Shabaab
Soomaaliya waxa ay wajahaysaa isbeddelo dhawr ah oo doorashooyinka dhaafsiisan. Ergada Siyaasadeed ee Qaramada Midoobay, oo gobollo badan jooga tan iyo 2013-kii waxa ay dalka ka baxayaan dhammaadka 2026. Ergadan oo ah meesha rasmiga ah ee wax isla wadaagidda iyo qaabaynta siyaasadda, bixitaankeeda waxa ay Soomaaliya ku waayi doontaa dhexdhexaadintii aan dhinacna ka tirsanayn, xilli ay weliba Soomaaliya ku jirto kala qaybsanaan siyaasadeed. Arrinkan ka sokow, waxa kala daatay kalaguurka Hawlgalka Midawga Afrika, oo la filayo in hawlgal kii hore ka koobani uu hawshii amni la wareego, haddana uu maalgelintiisa muran ku jiro. Waxa dib u dhacay hoos u dhimidda kharashaadka ciidamada, xaaladda nabadgalyo awgeed, bilihii u dambeeyeyna lama bixin mushaharkii ciidamada Midawga Afrika. Hawlgalka Midawga Afrika waxa uu u baahanayaa wax ku dhow hal bilyan oo doollar si uu shaqadiisa u guto, waxaana dheer 96 milyan oo doollar oo lagu daboolo kharashaadka hawlgalkii hore ee aan weli la bixin. Midawga Yurub iyo Midawga Afrika waxa ay doorbidayaan in boqolkiiba 75 maalgelinta ay yeeshaan dawladaha la qoondeeyey ee ka mid ah Qaramada Midoobay, boqolkiiba 25-ka hadhsanna ay qaybsadaan deeqbixiyeyaasha soo hadhaa. Qorshahan maalgelin waa mid u baahan waafaqidda Golaha Ammaanka, xilli Maraykanka oo ah ka qaybqaataha ugu weyn Qaramada Midoobay uu kasoo horjeedo.
Arrinkan oo jira, koox ka mid ah xubnaha Goleha Koongarayska Maraykanka oo Jamhuuriyiin ah ayaa soo jeediyey hindise sharci oo lagu hakinayo maalgelinta Soomaaliya, illaa Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ay qaybtooda qaataan. Waxa kale oo socda doodo ku saabsan dhimidda taageerada Maraykanka iyo joogitaankiisa diblumaasiyadeed ee Muqdisho. Ma cadda illaa heerka Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midawga Afrik uu adkaysan karo la’aanta taageerada Maraykanka iyo Midawga Yurub.
Waxa iyaduna madmadow badan leh mustaqbalka taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya; waxa sannadka dambe dhammaanaya hawlgalka Qaramada Midoobay ee siyaasadda oo kaalin dhexdhexaadin iyo isku-wad ku lahaa siyaasadda Soomaaliya. Waxa aan iyana weli la go’aamin maalgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee ay ku taagan tahay dawladda Soomaaliya
Ma jirto waddo milatari oo xukuumadda Soomaaliya kaga adkaan karto al-Shabaab, iyadoo duruufahani jiraan. Al-Shabaab waa ay soo siqaysaa, ka go’naanshihii Maraykan iyo Yurub hoos buu u socdaa, xukuumadduna dhulkeedii bay siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba u luminaysaa. Xitaa haddii xukuumaddu isku daydo in ay weerar qaaddo, ciidankii baa kala jajaban, la daalaadhacaya suququl hub, si weynna ugu tiirsan taageerada caalamiga ah.
Isla jeerkan, al-Shabaab waxa ay si qotodheer ugu xididdaysanaysaa deegaannadii miyiga, oo kaalin weyn ku leh hannaanka dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaalida. Haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo dhab ah, maamul-daadejin gobollada la qabsaday ah iyo taageero joogto ah oo lala garab istaago cidda lasoo doorto, lama filayo in dhulalka la qabsado lasii haysan doono. Istaraatiijiyadda caalamiga ahi waxa ay xoogga saaraysay rejada ay ka qabtay horumar tartiib ah oo ugu dambeyn keena dhalashada dawlad Soomaaliya ah oo kaalin leh, se hadda arrinkaasi mid dhow maaha.
Xilli ka niyadjabka xukuumadda Soomaaliya uu sii weynaanayo, waxa suurogal ah in Maraykanku si kedis ah uga baxo dalka. Dhawaan wargeyska Washigton Post waxa uu baahiyey wadasheekaysi ay shaqaaleha Guriga Cad isku wayddiinayaan waxa dhacaya “haddii aynnu ka tagno Soomaaliya oo ololaysa?”. Ka bixitaanka Maraykanku waxa uu soo dedejin karaa bixitaanka ka qaybqaateyaal kale oo muhiim ah, sida Midawga Yurub iyo Turkiga, arrinkan oo xukuumadda Soomaaliya si weyn u wiiqaya. Dhinaca ugu wanaagsan haddii laga eegaba, sii jiridda badh ka mid ah taageerada dhaqaale iyo taageerada milatari ee Maraykan kuma filna ka adkaanta kala qaybsanaanta xididdaysatay iyo khalkhalka shaqo ee xukuumadda.
Walow aanay hadda muuqan dumitaan degdeg ah oo dawladda Soomaaliya ah, haddana doorashooyinka soo socdaa waxa ay dhalinayaan qalalaase siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada xukuumadda. Haddii aanay taageerayaasha dhaqaale soo dhexgelinna, sida Maraykanka, arrinkani waxa uu gilgili doona deggenaanshaha dalka, beelaha waaweyn iyo ganacsatada ka daalay xukuumadduna waxa ay u geli doonaan Alshabaab. Alshabaab waa ay ka faa’iidaysan kartaa xidhiidhadan si ay u dhiirrigaliso kala jabka, oo ah wax soo dedejin kara dhicidda dawladda. Sida ka muuqata guulihii Taxriir al-Shaam iyo Daalibaan ee Suuriya iyo Afgaanistaan, jidka Alshabaab maamulka ku rabtaa wuu sii adkaanayaa inta taageerayaasha caalamiga ahi xukuumadda u raadinayaan jid lagu bixiyo, mooralka ciidamadeeduna hoos usii socdo heer uu gaadho in aanay dagaallamin.
In kaste oo aanu muuqan dumitaan degdeg ah oo ku yimaadda dawladda Soomaaliya, haddana siyaasadaha iyo qorsheyaasha hadda jira lagagama adkaan karo al-Shabaab, qaybsanaanta siyaasadeed ee sii fidaysaana waxa ay sii wiiqaysaa dawladda taasi waxa ay fursad siinaysaa al-Shabaab – haddii aan la helin xalal kale oo ay ku jiraan kuwo siyaasadeed sida wada-hadal aan laftiisu fududeyn
Xalalka kale ee furan waxa ka mid ah in heshiis siyaasadeed lala gaadho al-Shabaab, se suurogalnimada arrinkaasi ku dhaboobmayaa weli waa mid ay su’aali ka taagantahay. Mushkiladdu waa in dalalka deeqda bixiyaa ay mudnaanta siiyeen hawlgallada milatari, iyagoo dayacay diblumaasiyadda nabadda ee dhabta ah. Aragtida dalalka Galbeedku ka simanyihiin waa suurogalnimo la’aanta wada hadal la la galo, kol haddiiba ay isbahaysi la tahay al-Qaacida, ama wadahadalladu ay u sharciyeynayaan haysashadeeda deegaanno ku dhow saddex meelood meel dalka. Laakiin, tani waxa ay innaga fogaynaysaa su’aasha adag ee ah: al-Shabaab maxay wadahadalka rasmiga ah ku helaysaa, oo aanay ku helayn awooddeeda iyo isbahaysiga istaraatiijiyadeed ee ay beelaha deegaanka la leedahay?
Wakhtigan taagan, ma jiro miisaan siyaasadeed oo dheellitiran, awoodana in uu al-Shabaab ku khasbo imaatinka miiska wadahadalka. Xitaa haddii la helo, lama filayo in wadahadallo toos ahi dhex mari karaan iyada iyo xukuumadda, marka la eego sida xukuumadda lafteedu u kala qaybsantahay. Al-shabaab kollayba si hoose wadahadal way ula leedahay xubno taloqabeen ah oo ka tirsan wasaaraha Soomaaliya iyo ciidamada difaaca, iyo xitaa bulshada – qasab, taatiko iyo guul mid ay ku gaadhaba. Ururku waxa uu ku xididdaystay shabakadaha beelaha, nidaamyada dhaqaale iyo dawladda lafteeda.
Haddii arrinku sidan kusii socdo, waxa xoog badinaya mawqifka Alshabaab. Se weli waxa jirta fursad jidka daran lagaga baaqan karo, waana Xasan Sheekh oo jidkii ku socdo ka laabta. Dib u dhisidda heshiiskii siyaasadeed ee xukuumadda iyo maamul-goboleedyada ka dhexeeyey, sida Jubaland, iyo qabiillada waaweyn, ugu yaraan waxa ay dib usoo celin kartaa heshiis, waxaanay kaalin ka qaadan dagaalka Alshabaab lagula jiro. Se, daaqaddaasi si degdeg ah ayay isu xidhaysaa.