Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

“Qaran iyo Qabiil”: Riwaayad Cashar Bixisay

8 September, 2025
Image
“Qaran iyo Qabiil”: Riwaayad Cashar Bixisay
Share

Maqaalkan waxaa lagu faaqidayaa riwaayad Siddeetannadii ka soo baxday Jabuuti laguna magacaabay "Qaran iyo Qabiil". Maqaalka xooggiisa waxaa laga soo qardaystay buugga magaciisu yahay Fan-Masraxeedka Soomaalida: Raad-raac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado Caan-baxay ee uu hore u qoray allifaha maqaalkani. Sababaha loo xushay laba ayaa ugu weyn. Tan koowaad waa riwaayaddan oo ka hadlaysa dhibaato maanta halis weyn ku haysa jiritaanka Soomaalida, dad ahaan iyo qaran ahaanba. Waa qabyaaladda ku qasantay dawladnimadii ee laga dhigtay qalab in yar oo daacadnimo ka fog ay ku fushato dano siyaasadeed, waxa ay dhashayna la wada arko.

Sababta labaad ee loo xushay maqaalkan waxay tahay in gacan laga gaysto sidii loo heli lahaa faaqidaad suugaaneed (literary criticism) af Soomaali ku qoran oo taabbagal ah. Waa jaad muhiim ah oo ka maqan suugaanta Soomaalida, kana mid ah arrimaha wargeys-xilliyeedkani ku dedaali doono in uu gacan ka geysto — waa lafa-gurka ama ka-faallootanka riwaayadaha, sheekooyinka, filimada, gabayada, heesaha ama, guud ahaan, maansada iwm.

Kooxda afarta Maaris ee ka mid ah kooxaha fanka Jabuuti ayaa soo ban-dhigtay riwaayaddan la magac-baxday "Qaran iyo Qabiil Isma Qaadi Karaan." Waxay soo baxday bartamihii siddeetannada. Waa sannado ka hor burburka aan hore loo arag ee maanta meel maran laga taagan yahay qaranimadii Soomaalida; kaas oo aynu wada ogsoonahay dubbaha lagu burburiyay in uu yahay qabyaalad la siyaasadeeyey iyo siyaasad la qabyaaladeeyey.

Magaca riwaayaddan wuxuu muujinayaa digniin fiira dheeri leh oo ay fannaaniinta reer Jabuuti berigaas ka digayeen cawaaqib-xumada laga dhaxli doono haddii lagu sii wado qabyaaladda lagu dhex walaaqayo arrimaha siyaasadda iyo maamulka dawladnimo. Waa isla digniintii uu abwaan Cali Sugulle, horraantii lixdannada, nagu baraarujinayey:

Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraay

Wax ka dhigan gobannimo nin qabiil dhex-dhigee

kala dhawray

Waa is dhinac wadnaa kala dhawraay

Kala dheer labaduye kala dhawraay?'

Riwaayado, heeso iyo gabayo fara badan ayay hala-buurka Soomaalidu isku dayeen inay dadkooda kaga waaniyaan qabyaaladda noocaas ah, waliba xilliyo ayna suugaanleyda qudhoodu rumaysan kareyn in ay maalin maalmaha ka mid ah xaaladdu gaari doonto heerka ay maanta marayso!

Sheekada riwaayaddu ku socoto

Aan u noqono riwaayaddii "Qaran iyo Qabiil". Ugu horraynta aan milicsano sheekada ay ku socoto iyo habka ay u dhisan tahay. Bandhiggu, wuxuu ku furmayaa afar dhallinyaro ah oo lababa is jalbeebinayso. Waa laba wiil iyo laba gabdhood oo ay isku xirto saaxiibtinimo afar-gees ah. Labada wiil waa saaxiib, labada gabdhoodna sidoo kale. Sama-diid iyo Suuban waa lammaane jacayl, Siciid iyo Sucaadana sidoo kale. Labada gabdhood waxay sagootinayaan labadooda wiil oo dibedda tacliin ugu baxaya. Erayo jacayl ayaa la isku beer-laxawsanayaa. Axdi iyo ballan adag ayaa lagu kala tagayaa.

Siciid iyo Sucaad (Bashiir Jaamac iyo Canab Ismaaciil) axdigaas way oofinayaan. Siciid wuxuu ku gacansayrayaa gabar ay xigto yihiin oo aabbihii, Suge, isku dayayo in uu u guuriyo. In ay aabbihii iyo xigtadii isku xumaadaan ayuu ka doorbidayaa in uu jacaylkiisa burburiyo, gabadhii axdigu ka dhexeeyeyna uga baxo. Lammaanaha kale, Sama-diid iyo Suuban (Aadan Ibraahin iyo Kaltuun Xasan) mashruucoodu wuxuu ka burburayaa dhanka inanka. Arrintii Siciid diiday tu la mid ah ayuu isagu yeelayaa. Ina eedadii, Safiya, oo intu maqnaa aabbihii u doonay ayuu ka doorbidayaa gabadhii axdigu ka dhexeeyey. Sama-diid adduun-araggiisa oo dhan ama fekerkiisu wuxuu ku dhisan yahay qabyaalad indhala', xataa marka arrintu joogto guur iyo jacayl. Waa halka ay ku kala gaddisan yihiin isaga iyo saaxiibkiisii hore, Siciid.

Adduun-aragga Sama-diid waxa uu, gebi ahaan, ku dhisan yahay qabyaalad indhala’ xitaa marka ay arrintu joogto guur iyo jacayl.

Qabyaaladdaas indhaha la' ayuu Sama-diid ku maamulayaa hay’addii dowladda ee mas'uulka looga dhigay. Wuxuu u rogayaa hanti u gaar ah isaga iyo xigtadiisa. Shaqaalihii aqoonta lahaa wuu ruqsaynayaa, si uu meel ugu helo kuwo dhega xiran oo ay is xigaan. Waqtigii shaqada wuxu ku mashquulayaa shirar qabyaaladeed. Haya'addii sidaa ayay ku curyaamaysaa. Ka dibna inta laga war helo ayaa loo soo dirayaa guddi la xisaabtanta. Fool-xumooyinkii uu sameeyay ayaa soo wada baxaya. Sidaa ayaa shaqada looga eryayaa. 'Bahdii' buu qaylo-dhaan kula dhex dhacayaa, isagoo isku kalsoon oo aaminsan in ay u soo gurman doonaan, ka dibna dowladda ku sandullayn doonaan in ay go'aankaas ka noqoto. Raggii afka macaan 'ina adeerta' hayn jiray nin waliba markuu ogaaday in uu dhulka yaal ayuu ka dhaqaaqayaa. "Anigu mashquul baan ahaye, bal hebel raadi," iyo isku tuur-tuur baa looga baxayaa.

Markaas uun buu indhaha kala qaadayaa oo ogaanayaa in uu mugdi gudayey. Laakiin se goorteed! Taas waxaa u sii dheer gurigiisii oo hore u dumay, ka dib markay masayrtay Safiya, ina eeddadiisii uu daraadeed ugu ballan-furay Suubantiisii jeclayd e sanadaha badan ka dhur sugaysey. Suuban lafteeda ayaa si ay uga aar-goosato ku diraysa Safiya oo aan garanayn. Waxay ugu sheekaynaysaa in uu wato gabar la shaqaysa. Waa gabar ina adeertiis ah (Sagal) oo uu eex ku siiyey jagada xoghaynta xafiiskiisa, ka dib markuu xaq-darro uga eryay gabadhii ka shaqayn jirtay.

Riwaayaddu waxay ku dhammaanaysaa Sama-diid oo ciirsi la'aan cidla' ka calaacal heesaya, isagoo wax walba ka qaawan: madaxnimadii uu ku lawfaray, shaqadii uu ku noolaa, bulshadii uu ka abaal-dhacay, gurigii uu dhisay, qabiilkii uu qaranka ka doortay; intiiba maanta waa ka qaawan yahay. Xataa maskaxdiisii marin-habaabisay wuu ka xiriir furtay. Xaggee se u cirsadaa! Wuxuu ku soo baxayaa shakhsiyad taraajik ah (loo murugoodo), oo mudan inta loo caroonayo in ka badan in loo danqado.

Marka ay kuwii uu qabyaaladda ugu lisay ay kaga baxeen xaaladdiisa xumaatay, waxa uu Sama-diid ku soo baxayaa shakhsiyad taraajik ah.

Waa kaas toobiyaha guud ee socodka sheekadu. Waxaa tiir-dhexaad u ah Sama-diid. Asaga ayaa ah shakhsiyadda hoggaaminaysa dhacdooyinka waaweyn. Sida magaciisaba ku cad, wuxuu ka soo jeedaa dhanka xumaha. Waxaa ku qofaysan damiir-xumada, caddaalad-darrada, qaran-diidka iyo fekradaha dambeeya ee waqtigoodii laga gudbay. Fekradahaas waxaa xuddun u ah qabyaaladda, iyada ayaana ah mowduuca weyn ee riwaayaddu ku dhisan tahay. Gaar ahaan riwaayaddu waxay ka digaysaa, xumaanteedana qaawinaysaa qabyaaladda lagu jujuubayo nolosha magaalada ee aan qaadi karin, laguna dhex qaldayo maamulka dowladnimo ee ayna is gayin. Waa qodobkan midka uu saaran yahay riwaayadda culayskeedu. Dhacdooyinka sheekadu waxay ka wada jawaabayaan su'aasha ah Qaran iyo Qabiil ma heshiin karaan? Waxay uga jawaabayaan "maya" oo lagu oranayo af masrax. Waxay judha horeba jawaabtaasi ka muuqataa hal-ku-dhegga riwaayadda "Qaran iyo Qabiil isma qaadi karaan".

Qabiilkii shalay iyo kan maanta

Qaranimo iyo qabiil, cilmi ahaan, waa laba qaab-abaabuleed ooy bulshadu isku maamusho. Mid walba soo if-bixiisu wuxuu ku beegnaa xilli gaar ah oo kan kale ka duwan, jiritankiisuna wuxu astaan u yahay kuna xiran yahay heerka uu marba joogo horumarka bulshada iyo ilbaxnimadeedu.

Qabyaaladdu waa hababkii ugu horreeyey ee la isku abaabulay, waagii nolosha aadmigu joogtay heerka bilowga ah ee miyiga iyo miyi-xigeenka lagu wada dhaqnaa. Wuxuu ahaa qaab iskaashi iyo iska-war-hayn oo la miciinsaday waqti iyo meel aan dawladi jirin. Si aan sida dugaagga keli-keli kaynta loogu kala firdhin ayaa intii dhiig ahaan iyo degaan ahaan is-xigtayba is urursatay, magac la baxday, xeer ay isku maamusho iyo madax ay ka dambaysana samaysatay.

Qabiilo waliba waxay ahayd mujtamac kuwa kale ka soocan oo leh degaan u gaar ah iyo hanti ka dhaxaysa. Xubnaha qabiiladu ma kala nolol sarrayn. Waxay ahaayeen dad wax wada qaba, meel ku wada nool, isku dan iyo isku dareen ah; faa'iidadii mid u soo korodha uu kan kale wax ku leeyahay; sida kii wiil u dhasho oo uu berri ina adeerkiis u noqon jiray garab iyo ciidan u soo kordhay, xagga shaqada xoolaha ama beerta iyo xagga col-iska-caabintaba. Sidoo kale, dhibaatadii mid soo gaadha, tolku waa la wadaagi jirey, sida ninkii col ama abaari cayrayso nin kastoo tolkiis ah waxaa xeer ahayd in uu xoolihiisa la qaybsado (xoola-gooyo).

Qaranimada waxaa keenay baahi soo baxday markii saldhigga nolosha bulshadu heerkaas ka koray: magaalooyin waaweyn la degay, qaabkii xiriirka bulshadu is beddelay, qabiilo walba dadkeedii kala furfurtay, xag degaan iyo xag heer nololeedba ku kala tegay, isla reerkii milyuneer iyo mucsur fara maran ka soo baxeen, kan dhergay, kan bakhtiyaya u diir-naxayn ama warba u hayn, qof waliba iska dhex helay dad badan oo kala qabiil iyo kala ummad ah, laakiinse ay jiraan dano ka dhexeeya ee isku xira, ugana soka marinaya mid ay isku reer ka dhasheen laakiin duni kale ku nool. Awooddii qabiilka iyo xeerkiisii waxaa beddelay awood dowladeed iyo sharciyo qaran. Halkii qofku qabiil ku abtirsan jiray wuxuu ku abtirsaday ummad ballaaran ama qaran calan leh ama shacab isku dal ah oo hal magac wadaaga.

Qabyaaladdu waa hababkii ugu horreeyay ee la isku abaabulay markii la koobnaa, qarannimadana waxa keentay in nolosha bulsho ay heerkaas ka kortay.

Dhismihii qabiilka sidaas ayay, taariikh ahaan, khasab ku noqotay in uu burburo. Laakiin se mushkiladda qabyaaladda, si kastoo ay qaab maamul ahaan u dunto, si kastoo uu u burburo saldhiggii ay ku fadhiday, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan, haddana kasmo ahaan iyo afkaar ahaan, muddo dheer ayey ku sii harsanaataa maskaxda dad badan. Laga yaabee inay qarniyo badan qaadato si ay uga cirib go'do dad-la-dhaqanka qofka iyo saykolojiyadda bulshada.

Dunida xagga sancada hore u martay qarniyo ka hor ayuu ka tirtirmay raadkii qabyaaladeed. "Dunida Saddexaad" qaar badan oo ka mid ah oo dib u dhacsan ayay wali ku sii harsan tahay kuna haysaa dhibaato ba'an. Annana kuwaas ayaan ka mid nahay. Waxaan nahay bulsho maraysa xilli kala-guur ah oo ay wali kala jiidanayaan laba kasmo oo kala xuubsiibanaya: Kasmadii gabowday ee qabiilka iyo tan cusub ee qaranimada. La-qabsiga kasmada cusub iyo ku-dhaqankeeda dadku waxay ugu kala hor maraan sida ay u kala maskax furan yihiin ama u kala garaad korran yihiin. Waxaa se jira dad aan garaad xumo hayn, laakiin kasmada gabowday (qabyaaladda iwm) u arka qalab ay ku fushan karaan danahooda gaarka ah, sababtaas awgeedna u dhiirri-galiya ama dadka u horseeda, iyaga oo og dhibaatada ay u leedahay danta guud ee qaranka. Xagga Soomaalida, dadka noocaas ah waxay u badan yihiin magaalo-galeen, waliba shahaadooyin ka sita dugsiyo iyo jaamacado laga barto tacliin casri ah!

Fahamka guud, waxaa loo haystaa in loo kala ilbaxsan yahay sida loo kala magaala joogsan yahay ama loo kala shahaadooyin weyn yahay. Waxaa se layaab leh bulshadeena in aan ku aragno if-baxyo sida kale u dhaca. Layaab ma leh in ay weli jiraan dad badan oo aan, garaad ahaan, ka korin adduun-araggii qabiilka. Waxaa se layaab leh in aan aragno qof dhallinyaro ah, magaalo ku dhashay, shahaadooyin waaweyn sita, laga yaabo in uu muddo ku dhex noolaa waddanno shisheeye iyo duni hore u martay; haddana wali isha uu wax ku arko iyo maskaxda uu ku socdaa tahay qabyaalad heerkeedu ka hooseeyo ama ka khatarsan yahay tan ninka wali geela la jooga.

Reer magaalnimada iyo magaalo-jooggu waa kala laba. Reer magaalnimada micnaheedu yahay ilbaxnimada, lagama eegi karo keliya degaanka qofku ku dhaqmay (miyi ama magaalo), se waxaa laga garan karaa sida uu u dhaqmo iyo qaabka uu u fekero.

"Qaran iyo Qabiil" waxay na siinaysaa tusaale cad oo arrintaan marag u ah. Waa is barbardhigga labada shakhsiyadood ee Sama-diid iyo Siciid. Waa laba wiil oo ah isku da', isku heer waxbarasho, isku degaan ku barbaaray, hawsha bulshadana isku dhinac kaga beegan (mid waliba waa mas'uul shaqo dowladeed). Isla markaas xagga kasmada iyo dhaqanka qofeed waxay kala taagan yihiin laba cirif oo aad u kala fog. Waxay u kala taagan yihiin labada kasmo ee ku hardamaya garaadka bulshada.

Hardanka labadaa garasho ayuu ku dhisan yahay loollanka daraamanimo ee riwaayaddu. Waana run ka jirta bulshada dhexdeeda. Qofkeen waliba hadduu xusuustiisa dib ugu noqdo, hadduu is horkeeno dadka uu yaqaan iyo kuwa uu ka sheeko qabo, wuxuu helayaa boqollaal Sama-diid iyo bogollaal Siciid.

Aafooyinka Qabyaaladda, Sida Riwaayaddu u Aragto

"Qaran iyo Qabiil" waa nooca riwaayadaha loogu tala galay in ay cashar bixiyaan. Waxay dadka tusaysaa fool-xumada qabyaaladdu leedahay marka ay ku adeeganayaan dad magaalo jooga oo waliba masuuliyad ka haya meel ummadda ka dhaxaysa. Waxay noo sawiraysaa sida qabyaaladdu uga horjeeddo dhinac kaste oo ka mid ah dhinacyada nolosha casriga ah. Waxay na tusaysaa: 1) sida ay uga horjeeddo una dhawaacayso awoodda dawladnimo. Arrintaas waxaa noo sawiraya quursiga iyo handadaadda Sama-diid ugu jawaabayo guddidii dawladdu u soo dirtay. Awoodda qabiilka ayaa kala weyn tan dawladda. Marka se qabiiladu waxba u qaban waydo ayuu ogaanayaa in uu cuskanayay ul boloshay oo beri hore dhuuxeedii aboor ku kala kacay! Waxaa la mid ah marka Sama-diid Macruuf ku leeyahay: "Haddaadan iga tegin boolis baan kugu telefoonayn", asna ugu hanjabayo: "Anba tolkay baan u telefoonayn, waa ninkii wax laga qaadaa"; 2) sida ay uga horjeeddo xaq-soorka bulshada. Qodobkaan riwaayaddu waxay nagu tusaysaa eexda Sama-diid shaqada ku maamulayo, iyo sida qabqableyaasha reerku ugu boorrinayaan, isaga iyo Siciidba in ay "tolkood" ugu eexdaan xuquuq dad kale; 3) sida ay u curyaaminayso horumarka dalka: tani waxay ka muuqataa burburka ku dhacaya haya'dda Sama-diid mas'uulka ka yahay, marka uu shaqaalihii aqoonta iyo waaya-aragnimada lahaa ee horumarka gaarsiin lahaa ku beddelo jaahiliin uu qabyaalad ku keenay, isaga qudhiisuna waqtigii shaqada kulano qabiil ku habsaamo; 4) dib-u-dhaca iyo indhabeelka ay qofka ku ridayso. Ninka jaamacadda ka soo baxay (Sama-diid) oo qaaraan-guridda ku abaadaya waqtigii uu u isticmaali lahaa akhriska, aaqoon-kororsiga iyo dhexgalidda dadka ay wax kala faa’iidaysan karaan, xag shaqo, xag aqoon-kororsi, iyo xataa dadkii ay da' ahaan iyo dooq ahaan isugu xirmi kari lahaayeen. Habowgaas uu ka habaabay dadkii ay dhab ahaan wax isu ahaayeen ayaa ka mid ah sababaha burburka mustaqbalkiisa; 5) xataa jecaylka iyo dhismaha qoyska qabyaaladdu waa u cadow. Waa tan Suubban u qoonsanaysa wiilkii ay jaclayd, Safiya oo aan doonayn ku sandullaynaysa, natiijaduna noqonayso guur dhicisooba, guryo duma iyo guul-darro

Qabyaaladda iyo Tacliinleyda Soomaaliyeed

Waxaa, iyana, ku-far-fiiqid mudan dhawr arrimood oo ay riwaayaddani noo dareensiinayso si doqoni-ma-garato ah. Tan u horraysa waa sida magaalo-gelidda iyo nolosha casriga ahi u kala furfurtay xargihii isu hayey dhismaha qabiilka, wajigii lagu aqoon jiray, sida ay u burbureen xeerarkiisii iyo hiddihiisii wanaagsanaan jiray iyo sida waxa soo haray ee hadda jiraa ay u yihiin uun af been ah oo marba ninkii isagu dan gaar ahaaneed ku fushanayaa inta kale ugu durbaan-tumo. Tusaalaha ugu cad ee riwaayaddu na tusaysaa waa sida qabqablayaasha reerka mid waliba marka uu muraad leeyahay 'tolnimada' ugu beer-laxawsanayo Sama-diid, maalinta uu tabar beelo oo isagu gacan uga baahdona laga wada dhuumanayo.

Tan labaad, waa sida riwaayaddu u sawirayso ninka dhallinyarada ah, waliba jaamiciga ah ee halkii laga sugayey in uu casriga la qabsado oo dadka jahliga ka saaro dib ugu laabanaya degelkii dorraad laga soo guuray ee dhex galgalanaya digadii iyo habaaskii qabyaaladda. Waa xaqiiq noo wada muuqata sida loogu hungoobay tacliinleydii laga quud-darraynayey in ay indhaha u furaan ummaddan mugdiga walaahoobaysa.

Laakiin, taa micnaheedu ma aha in ayna jirin tacliinley si qumman u fekeraysa. Riwaayaddu si ay afeeftaas u muujiso, waxay soo bandhigaysaa shakhsiyadda Siciid, oo muujinaysa dhallinyarada wax baratay in ay ku jiraan qaar Sama-diid ka duwan oo ku fekeraya maskax hore u marsan. Riwaayaddu toos bay cashar u bixinaysaa marka ay Siciid afkiisa ku leedahay "Kii wax bartay ee aan is lahaa isagaa garab kuugu noqon doona fekradaha cusub, ma hadduu qabiilkii dib ugu noqday!" Marka uu erayadaas ku calaacalayo wuxuu u jawaabayaa saaxiibkiisii hore, Sama-diid, oo af qayaxan kula murmaya: "nin waliba tolkiis uun buu u fadhiyaa xafiiska... nin walba ina adeerkiis uun baa qora"

Iimaha Riwaayadda

Riwaayaddaan "Qaran iyo Qabiil", in kaste oo nuxur ahaan ay aad u wanaagsan tahay, haddana waxay leedahay gol-daloollo loo baahan yahay in lagu baraarujiyo fannaaniintii soo ban-dhigtay, si looga feejignaado marka la samaynayo riwaayadaha dambe. Tan ugu horraysaa waa xagga sawirka laga bixinayo shakhsiyadaha riwaayaddu ku socoto. Shakhsiyad kasta waxaa haboon in si buuxda loogu ekaysiiyo qofka ay jilayso sida uu u dhaqmo iy sida dareenkiisu u shaqeeyo.

Tusaale ahaan, sax ma aha Sama-diid in uu cid walba u qirto in uu haya'ddiisa qabyaalad iyo eex ku maamulo. Nolosha dhabta ah, dadka nooca Sama-diid jilaayo ah waxay leeyihiin laba weji, mid been ah oo ay dadka tusaan iyo kooda runta ah oo u qarsoon, laakiin marka dambe falkoodu kashifo. Sama-diidka runta ah suurta-gal ma ah in uu guddi baaritaan ugu yimid hadal uga bilaabo, "nin waliba waa ina adeerkiis, aniguna tolkay uun baan meesha u fadhiyaa. Qaran ma jiree qabiil uun baa jira".

Tan kale, xumaanta Sama-diid iyo wanaagga Siciid labadaba riwaayaddu way ka badbadinaysaa. Aadanaha qof kaste oo xumihiisu badan yihiin kolley waa laga helayaa dhinacyo uu wanaag ku leeyahay; sidoo kale kan wanaagsan lagama waayi karo iimo iyo gol-daloollo loo baahan yahay in lagu muujiyo shaqada fanka. Waa in aan la illaawin isu miisaamidda dabeecadaha kala duwan ee qofka.

Xagga dhismaha daraamanimo, riwaayaddu meelaha qaarkood way kala daadsan tahay. Waxaad mooddaa in aan waqti badan loo hurin tijaabooyin iyo tifaf-tir badan. Waxaa kale oo bilicda riwaayadda kala dhantaalaya mikroofanka dhidban ee xayiraya xorriyadda dhaqdhaqaaqa jilaaga. Mushkiladdani ma aha mid u gaar ah riwaayaddaan — waa mid ay ka siman yihiin guud ahaan riwaayadaha af-Soomaaliga ku hadla.

Qabyo kale waa maqnaanta farsamooyinka caawiya muujinta fikradda riwaayaddu cabbirayso, sida iftiiminta, diikoorka, dhalan-rogidda iwm, kuwaas oo isu wada kaashada abuuridda jawiga lagu garto marba xaaladda iyo xilliga falku dhacayo.

Waxaa xusid mudan kartida xubnaha kooxda badankoodu ka muujiyeen xagga jilidda. Jilid-wanaagga Aadan Ibraahim ayaa qayb weyn ku leh guusha riwaayaddu ku guulaysatay qaawinta iyo dad-nacsiinta shakhsiyadda Sama-diidka ah ee qabyaaladda ku maamusha howlaha qaranka. Daahir Jaamac ayaa isna si wacan uga soo dhalaalaya kaalinta Siciid. Waxaan ka dhicin sida firfircoonida leh ee Canab Ismaaciil isugu ekaysiinayso shakhsiyadda Sucaado, iyo Kaltuun Xasan oo qudheedu iska tiirinaysa kaalinta Suuban; in kaste oo ay marmar ka il-duufayso muujinta dareenka nafsaaniga ah, sida marka Sama-diid u sheegayo in uu ballantii uga baxay oo ay ku jawaabayso fal-celis (reaction) aad u qabow, sidii qof aan arrinta dan ka lahayn, taas oo waydaarsan socodka sheekada.

Isku soo wada duub oo kooxda Afarta Maaris jilidda Qaran iyo Qabiil waxay ku muujiyeen in ay yihiin fannaaniin mustaqbal wanaagsan leh, siiba marka la tix-geliyo badankoodu in ay yihiin fannaaniin da' yar oo weli ku cusub saalada masraxa.

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waxa laga soo qaatay Wargays-xilliyeedka Suugaanta & Dhaqanka Soomaalida ee HAL-ABUUR, tirsigii koowaad ee soo baxay xagaagii 1993-kii. Waxa dib u qoray hawlwadeennada Madashada Geeska.

Qoraallada kale ee qoraaga