Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Qalootiga: Sheeko Caqiibo leh

6 April, 2026
Image
Ajnabi: Sheeko Caqiibo leh
Share

Buugga Qalootiga ee uu qoray faylasuufkii reer Faransiis ee Albert Kaamu, oo af Ingiriisi ahaan loo yaqaan The Stranger, ma aha sheeko fudud oo akhristuhu u qaadan karo madaddaalo keliya ama uu si sahlan u fahmi karo. Waa qoraal caqiibo leh, akhristahana si xeel dheer ugu riixaya inuu ka fekero su’aalaha waaweyn ee nolosha: macnaha jiritaanka, qiimaha dareenka, iyo xidhiidhka adag ee ka dhexeeya qofka iyo bulshada uu ku dhex nool yahay. Sheekadu waxay ku wareegaysaa nin la yidhaahdo Meersal, oo ku nool nolol deggan, aan lahayn hammi ballaadhan ama murugo muuqata. Hase ahaatee, noloshiisu waxay si lama filaan ah u gashaa jiho ka duwan tii hore, markii uu ku lug yeesho fal dambiyeed si weyn u beddelaya mustaqbalkiisa. Haddana, buuggu kuma koobna oo kaliya sheeko dil; wuu ka sarreeyaa dhacdadaas, isaga oo akhristaha hor dhigaya su’aalo qoto dheer: maxaa qofka ka dhigaya “caadi”? goormase uu noqonayaa “qof qalaad” ama ka baxsan waxa bulshadu aqbasho? Kaamu halkan kuma bixinayo jawaabo cad oo go’an. Halkii uu xukumi lahaa ama tilmaami lahaa sax iyo khalad, wuxuu abuurayaa jawi feker oo murugsan, kaas oo akhristaha ku khasbaya inuu la kulmo jahawareerka iyo su’aalaha uu la tacaalayo ninka sheekadu ku saabsan tahay. Sidaas darteed, buuggani ma aha mid ku dhammaanaya jawaabaha su’aalahaas, ee waa mid ku bilaabmaya su’aal, su’aal weli sii daba socota akhristaha xitaa marka uu buuggu dhammaado.

Waxa dhibaatada keenaa ma aha oo keliya falka uu sameeyo aadamuhu, ee waa sida uu dunida ula falgalo ama aanu ula falgalin iyo sida ay bulshadu uga filayso inuu u muujiyo murugo, qoomamo, ama dareen ay iyadu caadi u aragto. Meeshaas ayayna isaga iyo bulshadii ku hareeraysnayd ku kala weecanayaan. Haddaba, Albert Kaamu, sheekadda dhexdeeda, ma dhisayo geesi la bogaadiyo, mana sawirayo dambiile si cad loo neceb yahay. Wuxuu dhisayaa bani’aadam, mid qalad leh, aamusan, mararka qaarkoodna aan si fiican u fahansanayn waxa laga rabo. Nolosha uu ku nool yahayna aanay qurux iyo foolxumo midna micno ugu samaynayn, kana madhan macne hore loo sii diyaariyey. Dunidu sida ay tahay ayuu u aqbalayaa, isaga oo aan isku dayayn inuu ka dhigo mid ka jilicsan ama ka macaan sida ay bulshadu jeceshahay. Sidaas darteed, The Stranger waa muraayad loo dhigay bani’aadamka casriga ah: qof ku dhex lumay xeerar bulsheed, filashooyin qarsoon, iyo su’aalo aan jawaab sahlan lahayn. Quruxda buugguna halkaas ayay ku jirtaa, ma aha waxa uu sheegayo, balse waxa uu ku qasbayo akhristaha inuu ka fekero; ma aha jawaabaha uu bixinayo, balse su’aalaha uu kaaga sii tagayo.

Shaqsiyadda Meersal, oo ah udub-dhexaadka sheekadu, wuxuu ku nool yahay nolol aad u toosan, daacad ah, kana madhan is-yeelyeel iyo jilitaan bulsheed. Ma aha nin ka fekera sida uu dadka ugu ekaan lahaa, balse waa qof u nool sida uu wax u dareemayo. Markii hooyadii dhimatay, muu muujin murugo, waliba qaabka ay bulshadu caadaysatay ee oohin, baroor, ama hadallo murugo lagu muujinayo. Arrintani ma aha mid ka dhalatay qalbi-adayg ama jacayl la’aan, ee waa diidmo uu diidayo inuu jilo murugo aanu si dabiici ah u dareemin. Kaamu, halkan wuxuu si xarrago leh u taabanayaa qodob cilmi-nafsiyeed oo aad u qoto dheer: waxa qofku dareemayo mar walba la mid ma aha waxa laga filayo inuu muujiyo. Bulshadu se kala duwanaantaas ma aqbasho; waxa ay qiimeysaa muuqa iyo hab-dhaqan la wada yaqaan, halkii ay ka fahmi lahayd dareenka aamusan ee gudaha ka jira.

Dhacdada dilka ee Meersal u geysanayo ninka carabka ahi, waa tiir-dhexaadka buugga, balse macnaheedu kama yimaaddo sida caadiga ah ee dembi loo fahmo. Ma aha fal ku dhisan nacayb, aargoosi, ama ujeeddo hore loo sii qorsheeyay. Waa fal ka dhashay isku-darka duruufo jidheed iyo kuwo maskaxeed: kulayl daran oo qofka dareenkiisa wiiqaya, daal, iyo xaalad maskaxeed oo aan si buuxda u shaqaynayn. Kaamu, halkan wuxuu ku muujinayaa aragti cilmi-dabeecadeed oo qadiim ah, haddana weli cusub: in ficilka bani’aadamku mararka qaar ka dhasho duruuf, halkii uu ka dhalan lahaa shar ujeeddo leh. Su’aasha taaganina ma aha oo keliya “muxuu sameeyay?”, balse waa “sidee bay xaaladdu u qaabaysay waxa uu sameeyay” Marka Meersal maxkamadda la horgeeyo, waxa si tartiib ah u caddaanaysa in aan la xukumayn falka dilka oo keliya. Waxa la xukumayaa shakhsiyaddiisa oo dhan. Waxa loo haystaa in aanu ooyin, sidoo kale aanu muujin qoomamo ku filan, in aanu u hoggaansamin qaabka diineed iyo bulsheed ee laga filayay. Maxkamaddu waxay isu beddelaysaa gole bulshada u hadlaya, difaacayana caadooyin iyo filashooyin hore loo dejiyay, halkii ay ka noqon lahayd hay’ad si miyir leh u baadha xaqiiqadda. Kaamu, si cad ayuu u muujinayaa in bulshadu ka cabsanayso qof daacad ah oo aamusan, ugana sahlan tahay inay aqbasho qof been sheegaya balse si qurux badan ugu eeg nin bulshadda dhexdeeda ka ah “nin caadi ah”.

Qodobka diinta iyo geerida wuxuu Meersal siinayaa culays bani’aadamnimo oo weyn. Wuxuu diiday rejo uu u arko mid aan qalbigiisu rumaysnayn, isaga oo doorbiday inuu aqbalo xaqiiqada dhimashada halkii uu ka raadsan lahaa tasalli been ah.

Aakhirkii, aragtidaydu waxay tahay, Qalootiga, waa buug si qoto dheer u sawiraya bini’aadannimada qaawan. Meersal ma aha qof lagu daydo, balse waa qof la fahmi karo. Waa astaan u taagan daqiiqadaha aynaan eray u heli karin, shucuurta aynaan magac u bixin karin, iyo runta aynaan mararka qaar ku dhiirran karin inaan muujinno. Kaamu wuxuu inoo iftiiminayaa in dhibaatada dhabta ahi aanay ahayn macno-la’aanta nolosha, balse ay tahay cadaadiska nalagu saaro inaan ku noolaanno macno aynaan inagu dareemayn. Buuggani, sida shaqooyinka kale ee Kaamu, waxa uu u taagan yahay aragti qadiimi ah oo sheegaysa in runtu, xitaa marka ay adag tahay, ay ka qiimo badan tahay raaxada beenta ah. Isla mar ahaantaana, wuxuu u wajahan yahay mustaqbalka, isaga oo akhristaha kaga tagaya su’aal culus oo odhanaysa: intee ayaynu u oggolaanaynaa bulshada in ay noo qeexdo sida aan u murugoonayno, wax u raeaynayno, una noqono bani’aadam dhab ah?

Qoraallada kale ee qoraaga