Tuesday 9 December 2025
27-kii Oktoobar ee 2025, kooxda RSF waxa ay gacanta ku dhigeen magaalada al-Faashir ee caasimadda u ah gobolka Waqooyiga Daarfuur, ahna mid kaalin weyn kaga jirta isbeddelladii ugu muhiimsanaa taariikhda Suudaanta casriga ah. Ka dib go’doomin ku dhawaatay 550 maalmood iyo wax ka badan 200 weerarro ah, ugu dambayn RSF waxa ay la kaceen Qaybta Lixaad ee Ciidamada Qaranka Suudaan, oo al-Faashir u ahayd fadhiisinkii ugu dambeeyey ee Daarfuur. Gacan-ka-bixidda magaaladan iyo halaagga aadamannimo ee ku lammaan, waxa ay gebi ahaanba galbeedka Suudaan ka dhigayaan mid ku hoos jira RSF, waxaana figta gaadhaya kalaqaybsanaantii dhinacyada dagaallamaya.
Go’doominta al-Faashir waxa lagu tirinayaa mid ka mid ah xayiraadihii ugu muddada dheeraa sooyaalka. Waxa suurogal ah in la barbardhigo Go’doomintii Leningrad ee Naasigu Jarmalku magaaladan ku go’doomiyey muddo dhan 872 maalmood. Go’doominta al-Faashir waa mid sababtay burbur baaxad leh iyo barakaca dadkii degganaa. Bishii Abriil ee 2024, ciidamada RSF waxa ay go’doomiyeen magaaladan, waxaanay jareen dhammaan jidadkii safarrada iyo gargaarka aadamannimo usoo marayay dad ka badan 900 oo kun oo qof. Qaramada Midoobay ayaa judhiiba ka digtay in gobolkan dadka badani degganyihiin, sidoo kalena la tacaalaya macaluusha uu yeelan doono natiijo halis ah.
Magaaladu waxa ay la kulantay duqayn joogto ahayd bilo badan. Cisbitaallada waa ay buuxsameen, suuqyada iyo xaafadaha la degganyahayna waxa ay la kulmeen duqaymo joogto ah, waxaana istaagay safarradii cuntada ee magaalada soo galayey. Sida ay xustay u qaabbilsanaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadamuhu, dad ka badan 700 oo qof ayaa dhintay inta go’doonka lagu jiray ilaa bishii Diisambar ee 2024, sidoo kalena boqolkiiba sagaashan guryaha waa la boobay, waanay burbureen. Labada dhinac ee RSF iyo Ciidamada Qaranka Suudaan ba waxa lagu eedeeyey in ay si aan ka fiirsi lahayn u bartilmaameedsadaan rayidka magaalada.
Bishii Ogos ee 2025, UNICEF waxa ay al-Faashir ku tilmaantay “xuddunta silica carruurta”, ka dib faafidda nafaqadarrada, xanuunnada iyo burburka cisbitaallada.
Qabsashada magaalada al-Faashir waxa ay xoogagga RSF ku kacday qiime sare, waxaanay u hureen qudhbaxa hoggaamiyeyaal sarsare iyo boqollaal dagaalyahanno ah. Qabsashada al-Faashir waxa ay dib u dhac weyn ku tahay Ciidanka Suudaan, oo ku siganaya in gobolka Daarfuur gacantooda ka baxo. Hase ahaatee labada dhinac ee RSF iyo Ciidanka Qarankuba sidan oo kale ayaa marba mid loo kor marayey tan iyo bilawgii dagaalka. Jabkan cusubi waxa uu xoojinayaa “Xukuumadda Nabad iyo Midnimo” (sidoo kalena loo yaqaan Xukuumadda Aasaaska), oo ah maamul loollan kula jira xukuumadda Ciidanka Qaranku hoggaaminayo ee Boorti-Suudaan fadhida.
Xukuumadda Nabad iyo Midnimo waa xukuumad iskeed isu magacawday oo laga aasaasay Nayaala, Koonfurta Daarfuur, waxaana isugu tagay koox siyaasadeed cusub oo ah dhinacyadii goostay. Xilliga la aasaasay waa xilli dagaal qadhaadhi uu ka socdo Suudaan. Mashruucan waxa la shaaciyey bilawgii 2025, iyadoo lagu bilaabay axdi aasaasaya xukuumaddan oo lagu saxeexay Nayroobi, ujeedkuna yahay dhisidda dawlad calmaani ah, dimuqraaddi ah oo aan dawlad dhexe ahayn – waana dawladdii ugu horraysay nooceeda taariikhda Suudaan. Dastuurka kumeelgaadhka ahi waxa uu xusayaa siddeed gobol oo federaal ah, magaalada Nayaala ayaana caasimad u ah xukuumaddan cusub.
Bishii Julaay 2025, waxa la shaaciyey hoggaan cusub: Maxamed Xamdaan Dagloo (Xamiidti) ayaa golaha Madaxweyne u ah, halka Cabdicasiis al-Xilwu uu yahay Kuxigeenka madaxweynaha (oo ka socda Jabhadda Dhaqdhaqaaqa Bulsheed ee Xorraynta Suudaan – Waqooyiga Kauda), halka Maxamed Xasan al-Tacaayushina loo doortay Raysalwasaare (oo hore xubin uga ahaa Golaha Madaxbannaanida). Golaha sidoo kale waxa ku jira siyaasiyiin kale, sida, Fadlullaah Barma Naasir (oo ka socda Xisbiga Ummadda), Ibraahiin al-Miirgani (oo ka socda Xisbiga Midnimada ee Dimuqraaddiga ah), Diktoor al-Haadi Idiris Yaxya (oo macallin jaamacadeed oo hore ka ahaa Kiiniya, madaxna u ah Ciidanka Xorraynta Suudaan iyo sidoo kale Golaha Kumeelgaadhka ah), Saleebaan Sandal Xajaar (oo ka socda Dhaqdhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinnaanta – Suudaan), Usaama Siciid (oo ka socda Koongarayska Beja) iyo Mabruuk Mubaarak Saalim (oo ka socda Xisbiga Libaaxyada Xorta ah).
Waxa si ballaadhan loo qiyaasayaa in xukuumaddan dhinaca kaliya ku dhawaaqay ay taageero ballaadhan oo maaliyadeed iyo siyaasadeedba ka hesho Imaaraadka Carabta, oo intii uu dagaalku socday sidoo kale caawinaysay RSF. Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka Suudaan waxa ay taageero ka helaan Masar, Eretariya, Sucuudiga iyo Qadar. Ka sokow koobsashada axsaabtan iyo shakhsiyaadkan aynu taxnay, haddana sharciyadda aasaasidda xukuumadda cusubi weli waa mid muran ku jiro: ma haysato aqoonsi caalami ah, ma laha nidaam maaliyadeed, mana laha awoodo maamul oo dhaafsiisan gobollada ay gacanta ku hayaan RSF. Iyada oo aanay jirin heshiis waddani ah iyo gaadhitaan la hubo oo gargaarka aadame ah, maamulka Nayaala waxa uu isku miidaaminayaa noqoshada maamul kumeelgaadh ah oo kala qaybsan, halkii ay ka noqon lahayd xukuumad dheellitir ah oo dhab ah.
Gacan-ka-bixidda al-Faashir waxa ay ina xasuusinaysaa in aanay maanta jirin goob xasilloon oo Suudaan ka mid ah. Labada dhinac ee Ciidamada iyo RSF waxa ay duqaynayaan madaarrada, kaydadka shidaalka iyo xarumaha saadka ee dalka oo dhan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee RSF waxa ay duqeeyeen Khurduum iyo Boorti-Suudaan, Xamiidti-na waxa uu ballanqaaday in uu duqaynayo madaar kasta oo ciidanka garab siiya, arrinkan oo cabsi ka dhaliyey gobolka oo dhan.
Iyadoo RSF si dhammays ah ay gacanta ugu hayaan Daarfuur, dhinacyada dagaalku waa ay sii adkaanayaan. RSF waxa ay gacanta ku hayaan galbeedka, halka bariga iyo waqooyiga, oo ay ku jiraan Boorti-Suudaan, Cadbara iyo jiinka webigu, waxa gacanta ku haya Ciidamada. Falanqeeyayaashu waxa ay ka digayaan in Suudaan ay cagaha la gasho kalafurfuran u eg kii Liibiya, xukuumaduhuna ku loollamaan labada dhinac ee dalka.
Arrimahan oo jira, bariga Suudaan, siiba Boorti-Suudaan iyo deegaanka Beejaha, ayaa walaac badani kusii kordhayaa. Duudsiga kooxaha laga tirada badan yahay iyo goobta istiraatiijiga ah ee deegaankani waa miino muddaysan oo qarxi karta mar uun – weerarka diyaarad aan duuliye lahayn oo gef siyaasadeeda ayaa hurin kara qalalaase cusub, oo cunoqabatayna qulqulka gargaarka aadamannimo ee soo mara dekedda keliya ee qotodheer ee ay Suudaan leedahay.
Soo kabashada RSF waxa ay keentay dib ugu laabashada qaabaynta siyaasadda gudaha ee Daarfuur. Labada hoggaamiye ee rugcaddaaga ah, Minni Minnaawi iyo Jibriil Ibraahiim – oo labadooduba kasoo jeeda qabiilka Saqaawa, sannado badanna ahaa tiirarka dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee Daarfuur – ayaa kaalintooda hoos loo dhigay. Xidhiidhada ay la lahaayeen Ciidamada Qaranku hadda ma aha awood jirta, awooddoodiina waa lasoo koobay.
Waxa jira eedo hoggaanka Ciidamada Qaranka lagu dhaliilo in aanay dedaal badan oo mudnaansiin ah ku bixin Daarfuur, sida ay ugu bixiyaan qabsashada bariga dalka iyo wajahadda Badda Cas. Arrinkani waxa uu sii xoojinayaa dareenkii ahaa in haldoorka waqooyiga iyo badhtamaha ee Suudaan kasoo talinayey tan iyo madaxbannaanidii 65-kii, ay weli diyaar u yihiin in ay Daarfuur garabkeeda ka baxaan, si la mid ah kolkii ay oggolaadeen in Koonfurta Suudaan ay go’do 2011-kii.
Mid ka mid ah sinnaariyooyinka, kala qaybsan deggan baa dhici doona. Isfoodsaarkii labada dhinac waxa uu istaagay kolkii RSF ku guulaysatay al-Faashir, labada dhinac midina dhinaca ka kale uma soo dhaqaaqayo, iyadoo la kala ilaashan doono saadka iyo taageerada ajnabi. Suudaan sidan bay u kala qaybsanaanaysaa – rasmi ahaan ma aha, se waaqac ahaan – oo ay ahaanaysaa gobollo bari iyo galbeed ah.
Sinnaarayada labaad waxa ay ka digaysaa qalalaase jiitama oo cusboonaada. Haddii aan goobaha lagu kala sugnaan, RSF waxa ay duqayn doontaa Khurduum iyo Boorti-Suudaan, waxaanay beegsan doontaa madaarrada iyo jidadka saadku maro, halka Ciidamada Qarankuna ay weerari doonaan Daarfuur iyo Kurdifaan. Waxa istaagaya safarrada cirka, waxa joogsan doona gargaarka aadamannimo, dhinacyo cusub oo goboleedna dagaalka waa ay ku lug yeelan doonaan.
Sinnaariyada u dambaysaa waa xabbad-joojin la xakameeyo, oo ay qabanqaabiyaan afar dhinac; Maraykanka, Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka. Hannaanka lasoo jeediyey, oo weli laga doodayo tan iyo ilaa bishii Sibtambar, waxa uu dhigayaa in la sameeyo jidad gargaarka aadame maro, xabbad-joojin la ilaaliyo, xayiraadda qulqulka hubka iyo kalaguur siyaasadeed. Soojeedintan ka sokow, haddana haddii aanu jirin habraac siyaasadeed oo la hubaa, waa uun xabbad-joojin ku meelgaadh ah oo lagu samaynayo dagaalkan Suudaan u qaybiyey labada dhinac.
Dalalkan afarta ahi waa ay awoodaan damaanad-qaadidda jidad gargaarku maro oo aan caqabado lahayn dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan RSF iyo Ciidamada Qaranku, waanay awoodaan hubinta u hoggaansanka, iyagoo korjoogtayn madaxbannaan ku samaynaya. Sidoo kale waxa ay awoodaan joojinta dagaallada madaarrada, iyagoo ku khasbaya ama soo rogaya nidaam mamnuucaya duqaynta madaarrada ugu muhiimsan iyo kaabayaasha kale – sida Boorti-Suudaan, Cadbara, Dangala, al-Abyad, al-Faashir iyo Nayaala – iyaga oo u kuurgal madaxbannaan ku samaynaya fulinta arrinkan. Waxa kale oo dalalkani awoodaan joojinta shixnadaha hubka ah, oo waxa ay adkayn karaan xayiraaddiisa iyagoo dabagal adag ku samaynaya jidadka hubku soo maro, siiba bariga Liibiya iyo jidadka Khaliijka. Waxa kale oo xoojin u baahan ugu horraynba in xabbad-joojin heer deegaan ah la sameeyo – heshiisyo la dhex dhigo magaalooyinka al-Faashir, Nayaala iyo al-Abyad – ka hor intaan xabbad-joojin heer qaran ah la gaadhin.
Intan waxa dheer in Minnaawi iyo Jibriil, iyo kuwo kale oo leh awood, hoggaamiyeyaal deegaanna ah, laga qayb galiyo dejinta arrimaha bani’aadamnimo iyo nabadgalyo, iyadoo korjoogtayn madani ah lagu samaynayo si loo dammaanad qaado in aanay khalkhalin heshiisyada. Sidoo kale, waxa baahi weyn loo qabaa samaynta koox dabagasha arrimaha bani’aadamnimo – oo ah koox ka kooban Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo dabagasha gaadhitaanka gargaarka iyo xabbad-joojinta, sidoo kalena u kuurgasha weerarrada lagu hayo kaabayaasha gargaarka la mariyo.
Gacan-ka-bixidda al-Faashir hal mar ayaa ay wada tahay gebogebo iyo bog cusub. Waa qodob soo afjaraya gacan-ku-hayntii Ciidamada Qaranka ee Daarfuur, waana qodob shaacinaya kala qaybsan cusub iyo bilawga xilli awooddu noqonayso waxa qaabaynaya khariidadda Suudaan, ee aanay siyaasaddu noqonayn. Se sidoo kale, waa qodob noqon kara mid dhiirrigeliya diblumaasiyadda, oo dhinacyada kaalinta leh ee heer gobol iyo heer caalamiba ku cadaadinaya in ay garwaaqsadaan baaxadda dhibta iyo baahida loo qabo shaqo habboon ka hor intaan talo faraha ka wada haadin.
Haddii dalalkaa afar-geesoodka ah iyo dalalka isbahaysiga la leh ee Afriki ka faa’idaystaan fursaddan, si loo suurogaliyo gaadhitaanka gargaarka aadaminnimo iyo ka wadahadalka xabbad-joojin la hubo, arrinka al-Faashir waxa bilow u noqonayaa jid adag oo lagu gaadho xasillooni. Haddii kale se, Suudaan waxa ay ku siganaysaa in ay ka dhacdo haadaanta kala qaybsanaan abadi ah iyo dagaal joogto noqda – dal isagu is cunaya, xilli Suudaaniyiin badani ay ku doodayaan in aanay meel xasillooni jirin.