Skip to main content

Monday 9 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Qabatinka Daawashada Muuqaallada Arxanka Daran

28 February, 2026
Image
Qabatinka Daawashada Muuqaallada Arxanka Daran
Share

Waa tijaabo dad badani soo arkeen, siiba dadkii kacaamay sannadihii ka dambeeyey 2011. Saaxiib xammaasadaysan baa raba in uu wax ku tusiyo, waa muuqaal taleefannada la isugu dirdiro, se ma aha filin galmo sida qof kastaa filan karo, ee dhallinyaradaas waagaas ku dhex faafsanaa, ka hor intaan la baran in si sahal ah lagu galo mareegaha muuqaallada galmada. Muuqaalkaas saaxiibkaa ku tuso waa muuqaal qof qof kale dilaya, weliba sida badan gawracaya. Muddaad amakaagaysaa, oo fikirku kaa istaagayaa, daal iyo kaladaadsanaanna aad dareemaysaa, muuqaalkaasina abidkaa ka bixi maayo xusuustaada.

Waa u qaadanwaa u dhigma marka koowaad ee qofi filim galmo uu daawado, se si ka duwan filinnadaas galmo ee maanku caadiyeysto marka dambe, uqaadanwaaga uu qofku kala kulmo muuqaalladaas arxandarrada ahi waa jug “trauma”, iyo wax dad badani sannado ka dib weli faahfaahin karaan siday u xusuustaan.

Inta badan muuqaalladaas waxa lahaa ururkii Islaamiga ahaa ee Daacish, wixii ka dambeeyey kacdoonnadii Gu’ga Carabta, ururkan oo muuqaalladaas u faafin jiray xayaysiis ahaan, laguna tilmaami karo mid ka mid ah qaababkii ugu xumaa –haddaanay ahaynba tii ugu xumayd – ee xayaysiis lagu samaysto. Dhibaatada jirtaa waa in baraha bulshadu wakhtigaas aanay si guud u lahayn nidaam lagu xakameeyo muuqaallada arxandarrada ah iyo cunfiga ah, oo wareejinta muuqaalladaasi wax fudud bay ahayd, baraha, sida Facebook iyo Twitter-na may lahayn khuwaarsimiyo horumarsan, oo waxa ay ku tiirsanaayeen waxyaabaha adeegsadayaashu kasoo cawdaan, waxaana baraha bulshada dheeraa mareegaha aan la aqoon ee sida looga heli karo muuqaalladaas, se dhibaatadan waa la dabaqabateeyey.

Laga soo bilaabo sannadkii 2015, baraha bulshadu waxa ay raaceen siyaasado ballaadhan oo lagula dagaallamayo qaddiyaddan iyo in muuqaalladaas cunfiga ah si atumaatig ah loo masaxo, siiba barta Twitter oo ahayd barta sida ugu wanaagsan ay Daacish u adeegsato, iyo si guud kooxaha argagixisada ahi, una ahayd barta xayaysiis ee aasaasiga ah. Tusaale ahaan, YouTube waxa uu sannadkii 2017 masaxay kumanaan muuqaal oo cunfi ah, oo intooda badani la xidhiidhaan dagaalkii Suuriya, arrinkan oo dhaliyey cabashooyinka dadka xuquuqda dhibbanayaasha dagaalka u ololeeya, iyagoo muuqaalladaas ka dhiganayey caddaymaha dambiyo dagaal oo laga gaystay deegaannadaas. Sidoo kale, Google waxa uu soo rogay dabarro badan oo lagu xidhay mareegaha muuqaalladani ku jiraan.

Si tartiib ah ayaa ay muuqaalladaasi u qarsoomeen, helitaankooduna waa uu adkaaday, waxaana faaftay aragtida ah in meesha keliya ee muuqaalladaas laga heli karaa tahay internetka qarsoon (dark web), oo aan si fudud lagu geli karin, una baahan khibrad tignikaal oo xeeldheer. Sheekooyinka la xidhiidha qololka mugdiga ah iyo gadashada muuqaallo dil oo keliya laga heli karo “mareegaha mugdiga ah”, waa wax faafay, sida sheekada wiil masaari ah oo dilay ilmo yar, sababtoo ah qof kale ayaa ku dhiirrigeliyey in uu muuqaalkan ku iibiyo mareegaha qarsoon, waana dhiirrigelinta ku sababtay in uu muuqaalkaas geliyo mareegaha fog ee aan la gaadhin.

Laakiin, waaqaca dhabta ahi sidan ma aha, muuqaalladaasi ma foga, gaadhitaankooduna uma adka sida la moodayo, oo xitaa marar uma baahna khibrad farsamo oo qotodheer. Kooxo dad oo ka samaysan baro gaar ah, sida Telegram, iyo mareego magacyadooda ay is dhaafsadaan kooxaha jecel muuqaalladaasi, loona adeegsado erey Ingiriisi ah oo hore “Gore”, weli muuqaalladaas cunfiga ahi waa kuwo la wadaago. Magaca “Gore” waxa uu faafay sagaashanaadkii, ugu dambayna waxa soo batay mareegaha “Gore”, oo uu ugu caansanaa “BestGore” oo la xidhay sannadkii 2020.

Isbeddelka xaqiiqda ah ee sannadahan dhacay waa in dadka jecel muuqaalladaasi ay is habeeyeen, oo goobo cayiman iyo kooxo cayiman yihiin, si ka duwan sidii waagii hore isku dhexdaadsanayd. Dadkani tiro ahaan ma yara, ee waabay sii bataan, xitaa iyada oo shirkadda Google ay mareegahan ka saartay natiijooyinka baadhitaannada, oo qofku keliya marka uu magaca mareegta si dhab ah u garanayo uun baadhan karo.

Waa dhif in muuqaalladani dadka si guud ugu soo baxaan, sidii dhacday 27-kii Feebarweri ee 2025, kolkaas oo barta Instagram khawaarsimiyaadkiisa khalkhal ku dhacay, oo sababay soo burqashada muuqaallo cunfi ah oo adeegsadayaasha soo gaadhay, ka hor intaan shirkadda Meta si degdeg ah u bakhtiin. Maalinkaasi waxa uu sabab u ahaa gelitaannada muuqaallada “Gore”, iyadoo dad badani u baadheen in ay mar kale muuqaalladaas daawadaan.

Waa hubaal in muuqaalladani dalalkeenna soo gaadhaan, siiba innaga oo ah dalalka u badan ee muuqaalladan soo saara [oo waxa jira muuqaallo badan oo ururrada argagixiso soo bandhigaan iyaga oo qoorta ka goynaya qof ama gacmaha ka jaraya mid kale, ama xitaa qaraxyo la duubay oo halaaggaas dhacaya lasoo daayo]. Laba sababood midkood ayaa ay qofka kusoo gaadhi karaan, in uu si lama filaan ah ugu dhuftay lingaxa mareeg ama guruub “Telegram”, sidaasna qofku ku arko qof la dilayo ama la jarjarayo, ama in qofku hore u garanayey mareegahaas, qofkuna sidaas ku daawado, xitaa isaga oo aan jeclaysanayn.

Maxaa xiise ah ee ku jira muuqaallo cunfi ah?

Sababma ayaa dadka jecel ama qabatimay daawashada muuqaalladani usii faafiyaan ama isula wadaagaan muuqaalladaas, oo samaysanka mareeg cusub isula dhexmaraan kolka mid hore la xidho? Ama weydiinta ka qotodadheeri waxa weeye: sababmaa dad ugu soo laabtaan daawashada muuqaal cunfi ah mar kale? Sababmaa mareegahaas iyo barahaas bulsho u leeyihiin daawadayaal joogto ah, sida mareegaha galmada?

Dood ka dhacday barta “Reddit”, oo ah baraha sida ugu weyn dhiirrigeliya badheedhka iyo qirashada, sababtoo ah in inta badan dadka adeegsadaa qariyaan aqoonsigooda, dad badani waxa ay caddeeyeen in ay muuqaalladaas u daawadaan in ay dareemaan xanuunka shakhsi; waxa jira dad daawada kolka qulub hayo ama rabaan isdilid, ama laga yaabo in uu sawirto in uu booska qofkaas la dilayo uu ku jiro, waxa kale oo ka mid ah dad waayay dareenkii cabsi ama xanuun ee ay muuqaalladaas ku dareemi lahaayeen, oo keliya iska daawanaya.

Saamaynta filimada galmo waa maangal, oo waa abuur dabiici ah oo aadamaha ku abuuran oo ay kiciyaan hoormoonnada haqabtirka rabitaanka gudeed, se waxa la filayey in muuqaal cunfi ahi aanu qofna xasilin, ee sababmaa weli dad u jecelyihiin? Keliya ma waxa uu yahay horumar cabsi leh oo ka dhashay xiisaha aadamuhu u qabo wax uu la amakaago ee innaga riixa daawashada filimada argagaxa, ama gelitaanka tijaabooyin cabsi leh, sida ciyaaraha halista ah? Si ka duwan tijaabooyinkaas hore, oo aynnu ogsoonnahay in aanay halistu xaqiiqo ahayn, filimada “Gore” waa xaqiiqo dhab ah, lagana yaabe in xiisaha loo qabo badhkii halkan ku duugan yahay: in aad isha ku dhufatid meel ama xaalad aanad si fudud u gaadhi karin, sida qofku u xiisaynayo inuu isha ku dhufto maydadka shil gaadhi ka dhashay.

Si la mid ah wax kasta oo qofku kicinta dareen gudeed ka helo oo uu qabatimay, waxa uu soo laabtaa isagoo raba xaddi intii hore ka badan, taasina waxa ay keenaysaa in uu daawado muuqaallo sidii hore kasii argagax badan, ama qaabab kasii arxandaran. Waa qodob dib inoogu celinaya Daacish iyo sababta ay qaabkan ugu dooratay xayaysiis, ama sababta kooxi isugu xayaysiiso in ay dadka layso ama ciqaabto.

Ka warran haddii “Gore” uu helo jidbixin anshax?

Laga yaabee in Daacish ogayd in qaabkani yahay jid ku habboon ciidan helid; oo ka sokow diidmada iyo weerarrada lagala hor tagay, haddana waxa jiray uun dad muuqaalladaasi soo jiitaan, cunfigaas ka hela, oo ku biiritaanna lagaga kasbado, sida dhallinyaro badanba lagu ciidameeyey daawashada ciyaaraha akshanka iyo dhugtanka. In muuqaalladan xidhani ku dhex faafsanyihiin dhallinyaradu, waa waxa keenay cabsi laga qabo abuuridda arxanlaawayaal mustaqbalka ah.

Muuqaalladani keliya ma wax adrenaline lagu helaa? Muuqaalladani se ma yihiin halis ka weyn cunfiga nolosha maalinlaha ah? Cunfiga bulshada lafteedu dhiirrigeliso. Nolosha maalinlaha ah, dambiyo iyo xadgudubyo badan baa dhaca, oo qaar badan la duubo, internet-kana ku jira, sida Masar ka dhacday dhawaan muuqaalka muran isku beddelay in oday weyni qof ku dilo rasaas. Walow aanu muuqaalku cunfi la barbardhigi karo kuwan aynnu ka hadlayno aanu ahayn, haddana waxa uu furay dood, siiba iyadoo la faafiyey sheekooyin –aan la hubin saxnimadooda – oo ah in ninka la dilay uu ereyo meelkadhac ah u gaystay inanta uu dhalay odaygu.

Muran kuma jiro in la dhaleeceeyo meelkadhac sidaas ah, xitaa haddii ereyo keliya uu yahay, se haddana tiro badan oo dadka faallooyinka dhiibtay ahi waa ay soo dhaweeyeen dilkaas, iyagoo xaq u arkay in la dilo qof inantaada meelkadhac ula yimi, manay aaminin in ay jirto ciqaab kale oo maangal ah, manay garawsan in aabbuhu ku dhacay dil maxkamadayn mudan, amaba xitaa in kaalin sharci jirto, se waxa ay doorteen qaanuunka kaynta, ee dhigaya dilka cid kasta oo kugu gafta, heer kasta oo gefkaasi joogo.

Ma aha in dadkani xaqa gabadhu leedahay madaxbannaani u doodayeen, ee waa xammaasad ka timi sharafta la aaminsanyahay, oo xitaa haddii dhacdadu ahaan lahayd in isla odaygu dilay inantiisa oo uu wiil ku arkay, dhiirrigelintan oo kale uun bay heli lahayd. Sidan bay u jiraan tobanaan dambiyo iyo cunfi maalinle ah oo adkaynaya heerka fikirka qabalilga ah ee darani ugu soohmay nafaheenna.

Mid ka mid ah mareegaha ugu caansan “Gore” (oo ayna magaceeda xuseen), bogga hore waxa kaaga hor imanaya digniintan ah: “Fiiro gaar ah: annagu ma dhiirrigelinno argagixisada iyo xadgudubka marna. Dhammaan nuxurrada meeshan ku jiraa waa ujeeddooyin waxbarasho ama arkiifiyo, iyo si dadku u ogaadaan dunida wareersan ee aynnu ku nool nahay”.

Walow aan si dhab ah looga run sheegin sheegashadan xirfadeed ee tibaaxaysa in mareegta awgeed loo abuuray, haddana waxbaa ka jira. Tusaale ahaan, mareegahani waxa ay marar kala duwan noqdeen arkiifiyada loogu laabto caddaymo ahaan, ka dib markii laga masaxay mareegaha ama baraha kale, cunfigooda awgood ama sababo siyaasadeed. Guruubbada Telegram, waa isha laga helay ficilladii arxanka darnaa ee Bashaar al-Asad gaystay ka dib baxsashadiisii.

Daawashada muuqaalladaas cunfiga ahi waa wax tilmaami kara xaalado nafsi oo daran, oo u baahan dawayn iyo baadhitaan caafimaad. Se haddana waa muraayadda laga arki karo heerka arxandarro ee hadda dunida ka jirta, waana sababta Daacish ugu dooratay qaab ay ciidan ku hesho, waana wax ina tusinaya nugaylka nabadda aynnu ku nool nahay.

Tags
Aragti