Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Sheeko

Qaannabaad badne

11 February, 2026
Image
Qaannabaad badne
Share

Waxa uu ahaa caato lafo ah oo ay soo godday nolosha adag ee badday in uu goosho deexda ballaadhan ee Soomaalida. Subax Jimce ah ayay ahayd kolkuu nagu soo booqday xaafadayada oo farasmagaalaha taallay. Xaafadahayaga waxa aan ugu yeedhi jirnay Dugullo, waayo; xaafadaha nagu hareeraysan oo dhami waxa ay ahaayeen xaafado ladan oo daaran, halka taayadu ka dansanayd. Saaxiib iga roon oo aan lahaa waxa uu ugu yeedhi jiray Harlem. Waagaa, waxa uu ula jeedo ma fahansanayn. Hasayeeshee, magac qariib ah oo ku munaasib ah ayaa uu ila ahaa.

Saaxiibkay, Harlem waxa uu ka maqlay, habar bare ka ahayd dugsiga kiniisadda Menonite-ka. Waxa ay ahayd islaan wanaagsan oo wajigeeda aan quruxdeedii weli ka idlaan, ay ku shaqlanaayeen baro aan rasiin ahayni, si muraaqo leh ayaa u xasuusan jiray saaxiibkay. Sida uu u joogo, ayaa uu marar ku dhufan jiray hees iyo laba uu ka bartay fasalkeeda. Waxa aan ugu jeclaa "Duq Makdoonal beertiisa" (Old MacDonald had a farm). Waxa yaab lahayd, markii ay ka heshay hooyaday oo aniga iga maqashay. Markasta oo ay iga maqasho turjumaadaan heesta ku sameeyay oo aan ku ladhay jiib iyo laxanba, waxa ay odhan jirtay, waxa aad saaxiibkaa u sheegtaa in uu macallimadiisa u qaado heesaha Arlaadi mid ka mid ah.

Kolkaas ayay iyada oo aan jawaab iga dhawrin codkeeda xabeebta leh ku heesi jirtay wanaagga Cambuulada iyo kadeedka beer ka waardiyeynta Lo'da jaarka. Khiyaalkayaga curdinka ah wax ka durugsan ayay ahayd maanso ku saabsan wanaagga cambuuladu. Waxa aan sii xusuusanahay faalladay saaxiibkay macallimadiisu ka bixisay heesta ay hooyaday cambuulada u qaadday, waxa ay ku tilmaantay ayuu yidhi, in ay tahay; garaafiiti camal!

Waxa ay ahayd faallo qariib ah, waayo, garaafiitiga waxa aan ka aaminsanaa, wax aan lahayn yool sidaa u sii ridan oo gidaarada ku dhamuuqan oo looga golleeyahay tabta siliga deyrarka lagu gaashaamo in lagu celiyo socotada aan la rabin. Garanmaayo sababta, laakiin, markasta oo aan arko deyrarka ku gaashaaman siliga, waxa ay i soo xusuusin jireen humaagga ay hooyaday ku qeexday magallootiga.

Aniga iyo saaxiibadayba nama ay xiisagelin jirin sheekooyinka hooyaday ee ku saabsan cambuulada iyo magallootigu. Waxa aanu ka heli jirnay sheekooyinka laga soo minguuriyay dhulal shisheeye. Harlem-na kuwaas ayay ka mid ahayd. Mararka qaar, waxa aan ugu dhawaaqi jiray Harram (Xaraam). Harram, cafwan, Harlem, waxa ay ku taallay Maraykankan. Kollay, waxa ay ahayd buq xaaraan iyo fisqi badan oo dhacda bartamaha Tufaaxa weyn. Sida uu qabay saaxiibkayga aqoonyahanka ahi, Tufaax, waa naanaysta magaalada Niyuuyook. Yeelkee, waxa i cajab galisay in ay jiraan, wax ay wadaagaan xaafadahayaga obasiibada ah (iskuraran) iyo dacallada kalee adduunku, taas oo ka dhignayd in aanaan keli ku ahayn u hoyashada bartamaha mugdiga ah ee ay biyadhigeen faqriga iyo wasakhdu. Faqriga iyo wasakhduba dhan caalami ah ayay leeyihiin, ayaa aan ugu qiil dayay.

Jimce kasta amaba Jimce dhaaf, labadayda waalid waxa ay Sharuur ku soo casuumi jireen odayaasha xaafadda. Midhaha bunka oo lagu saloolay saliid sinsin karaysa ama subag, ayaa odayga ugu da'da weyn hadba inta joogtaa bisinka ku bilaabi jiray. Badanaa odaygaasi waxa uu noqon jiray awoowe Xuseen. In kasta oo aanu ahayn awoowgayga dhabta ah, haddana, ixtiraam darteed in aan sidaa ugu wacno ayaa nala faray. Awoowe Xuseen waxa uu ahaa oday siddeetan iyo dheeraad jira oo aan lahayn wax carruur ah. Waqiiba, ma uu guursan, taas oo sababtay bulshada badankeedu - oo aan ula jeedo inta gaadhay da' ay wax ku xaman karaan in ay ka baqaan ama ka naxaan xaalkiisa. Waxa la sheegi jiray in uusan weligii ilka dhacsan oo uu lahaa ilkacaanihii carruurnimo. Mucjisooyin dhaafsiisan fahankayaga dhallaanimo ayaa arrintaa la la xidhiidhin jiray. Anigu shaqsiyan aad ayaan u jeclaa awoowe Xuseen, sababtaas darteed baan filayaa in ay hooyaday mar walba u soo martiqaadi jirtay. Hasayeeshee, Jimcahan awoowe Xuseen ma joogin. Waxa laga yaabaa in cidkale casuuntay. Qof xariir ah oo aan la nicin karin ayaa uu ahaa.

Jimcahan, waxa ay hooyaday i fartay in aan sijaayada u goglo marti cusub. Kolkii uu fadhiistay, inta uu soo dhawoow igu yidhi ayaa uu bilaabay in uu madaxa ii salaaxo. Judhii, koowaad lama aan yaabin, balse, markii uu cabbaar waday, ayaa aan dareemay in ay wax qaldan yihiin. Gacantiisu hal mar ayay ku wada dhacaysay laba qaybood oo kala duwan oo madaxayga ah, ama sidaas ayaa ay ila noqotay! Kuma dhiirran karin in aan kor eego, waayo, ma rabin in uu dareemo qajilaadayda. Dabadeed, koob shaah ah ayaa loo keenay, laakiin, sabab aanan garanayn darteed hooyaday dhulka ayay u dhigtay. Dhaqanka hooyaday ma ahayn in ay sidaa fasho. Weligeed dhulka uma ay dhigin awoowe Xuseen. Waxa aan iskula shawray war jiraaba Cakaara ayaa uu imane, miyaa aan dhawro oo arko. Waxa nala baray in ay ixtiraam daro tahay in aad martida erey ama fal ku dareensiiso soo dhaweyn la'aan.

Koobku waxa uu waqti dheer iska yaallay halkii ay hooyaday dhigtay, taasina lafteedu wax caadi ah ma ahayn. Awoowe Xuseen ama martida kale ee tirada badan ee noo iman jirtay toona suuragal kama ahayn in shaahu uu ka qaboobo. Awoowe Xuseen inta uu shaahiisa labada gacmood kaga guddoomo gacanta hooyaday ayaa uu kor u haysan jiray ilaa uu ka laasanayo. Waxa aan is idhi martida Jimcahani horray ayaa uu shaah ka soo cabbay ama shaaha ayaa uusan jeclayn. Haddana, arrin yaab leh ayay ahayd, waayo, odayaasha bulshadayadu waxa ay maalin kasta cabbi jireen koobab badan oo shaah sonkor badan leh ah. Rag waa shaah, dumarna waa sheeko. (Ama siday odhan jirtay gabadh iska dhal ahayd oo aan dugsigii sare isku fasal ahayn; rag waa shaah, dumarna waa shaqo. Halhayskeedaasi halkudheguu wanaajiyay oo weji cusub u yeelay. Waxa ay ku fasiri jirtay; weli raggu shaahii ayay fiiqsadaan oo ku foogan yihiin, balse, dumarku waa ay xooreen sheekooyinkii macnadarrada ahaa ee ay soohi jireen, hadda, waa hawlkar heegan ah. Waa aan ka heli jiray gabadhaa, carrab jalqo maad badan ayay lahayd. Hadda, kaa hadlayaa waa aniga, waa in aanan aragtiday sheekada ku shaashayn. Si aragaygu waa in uu aniga igu koobnaadaa. Barahaygii fasalka shanaad Miss Block oo reer Faloorida ahayd ayaa mar igu canaanatay dhaqankan. "Fallooyinkaaga waabka ahi ma waxa ay kaa caawiyaan in aad yoolkaaga dambabasto mise in aad faafaahiso?" Waxa caddaatay in aan u nugulahay baaqa faallo doceeda, waxa wanaagsan in aan sheekadayda ku laabto, si aynaan adiga iyo aniguba u dawakhin.)

Waxa aan hadalka marinayay, si aan u quudiyo faduushayda dhawr jeer ayaa ay iga qabatay in aan martida xasuusiyo koobka shaaha ah, haddana, waa aan ka maagay oo waxa aan is idhi hooyo ama aabbe, waa haddii uu hore uga soo laabto guriga minyaridiisee, midkood ayaa xusuusin doona. Haddana, waxa aan is idhi malaha hooyo ayaa shaaha ka illowday xawaashyadii, oo kolkuu uga soo carfi waayay haylkii, sinjibiishii iyo hayldhagoolihii ayaa uu isaguna ku dhiirran waayay, si aanu martigaliyaha xumaan u dareensiin ayaa uu shaahii u deyriyay. Martigaliyaha ayay ahayd in uu shaahiisa wanaajiyo marka horeba.

Nusasaac ka dib, bunkii oo kurbin ku jira oo fandhaalna dhinac yaal ayaa ay hooyaday keentay. Markii ay sidaa dhulka u dhigtayba fandhaalka ayaa uu midigta ku qabsaday. Maxaan sheegayay, awliyo wax dareensan saw ma ahi! Si miisaaman uma uu qabsan karayn qaadada, kol kasta oo uu darsado fujaanka waa ay ka daadaanaysay, argagax ayay igu beertay aragga sida uu ula kadeedan yahay fandhaalku. Isha kuma hayn karayn, waxa ay taasi ii soo jiidaysay cadhada hooyo. Cadhadeedu ma aha mid aad u baahan tahay, waxa weheliya waxa ay gacanta ku hayso oo ay kugu soo ganto. Inta ay bidixda kugu waabiso, ayaa ay midig waxa ay hayso bogga kuu galinaysaa. Yeelkee, cabsidu igama ay hor istaagin in aan gees ka qooraansado. Ma fahmi karayn sababta hooyo uga caawin weyday in uu si hagaagsan wax u cuno, ama aniga iigu ogolaan weyday in aan kaalmeeyo. Waxa aan is idhi hooyaday ma jecla martida Jimcahan. Haddaa, waayahee maxaa ay marka horeba u soo casuuntay?

Kolkuu cunay intii uu awooday, ayaa ay hooyaday lacag yar u laabtay, markaas ayaa uu baxay isagoo duco ku sii hurgufayay minankayaga. Gebigiisuba dhidid ayaa uu hoorayay, ma waxaanuu dhidid qoyinbaa miskiinku mixnad ayuu ka maray in uu naftiisa quudiyee!

Galabnimadii, annagoo barandaha hadhsanayna, ayaa hooyaday oo iga dareentay faduusha igu taagan iiga warrantay arrimo ku saabsan martidii saaka.

Waaguu yaraa Aw Madag (waa magaciisee) waxa uu ahaa qof firfircoon. Aabbihii Muddawi waxa uu lahaa carruur tirabadan oo wiilal iyo gabdhaba lahaa. Ayeyday hooyo ayaa ka mid ahayd carruurta Muddawi. Aw Madag si la mid ah walaalihii waxa uu raaci jiray geela iyo lo'da aabbihii, laakiin waxa uu kaga duwanaa dhallinta aynigiisa, in uu u soo dhuuman jiray magaalada, dabadeed, waxa uu tegi jiray maxkamadaha gumeystaha. In kasta oo aanu fahmayn luuqadda lagu wada xidhiidhayo, haddana, dacwadaha ayaa uu dhuuxi jiray, waxa uu aad ula dhacay nidaamka uu fiirsanayo. Markaa ka dib cibaaro ayaa uu la soo baxay; waxa uu bilaabay in uu dadka maxkamadeeyo. Cid kasta oo uu dacweyn karayo maxkamaduu la tiigsaday. Kolkii uu aabbihii dhintay arrintiisu farahay ka baxday. Waxa la sheegaa in hooyadii caweys damacday in ay ka qabato qof qaraabadiisa ah oo uu maxkamadda ka dacweynayay, Aw Madag oo kiisku qaatay maba dhaadanayn cidda uu la hadlayo. Feedh ayaa uu Aw Madag hooyadii dhulka ku galiyay, dabadeed, dacwadiisa ayaa uu iska sii watay, taas oo uu aakhirkii ku guulaystay. Waxa la yidhi, subixii saddexaad, ayaa uu soo kacay isaga oo ay gacmuhu gariirayaan. Gariirku waa nooc faalig ah oo ilaa waagaa hayay. Wax uu ku noolaado si uu u helo, waxa uu noqday mid si joogto ah dadka u dacweeya.

Waxa la sheegaa in beri wiilkiisa curad geed ka soo dhacay oo uu gacan ka jabay. Wiilkiisii oo xanuun la ooyayaa kolkii uu u yimid, ee uu uga warramay waxa haleelay, waxa uu Aw Madag wayddiiyay;

Yaa geedka kaa soo tuuray?

Cidna.

Yaa geedka kula saarnaa?

Cidna.

Yaa geedka ku hoos ciyaarayay?

Cidna.

Qofna aaga ma ka dhawaa?

May.

Qof dhankaaga soo eegaya ma arkaysay, meel shishe hadduu doono ha joogee?

May.

Kolkii uu dulqaadku ka dhammaaday ayaa uu Aw Madag ku qayliyay; "Ma bulshada intaa tiro le'eg baad ka weyday cid aad farta ku fiiqdo, war bax beerku ku go'ye."

Dhacdadaa ka dib, dadku waa ay isaga wada dheeraadeen Aw Madag iyo qoyskiisa. Carruurta jaarkiisa waxaa looga digi jiray in ay la ciyaaraan carruurtiisa. Adigu, gurigiisu Harlem kale ayuu noqday; xaafadaha looga digo carruuraha xaafadaha kale, in aysan ka ag wareegin.

Dadku waxa ay islahaayeen Aw Madag qaannabadiisu waxa uu joojin doonaa, kolka xukunka qalaad iyo waxa wataaba dalka ka baxaan. Balse, taasi ma dhicin, waxa la sheegaa habeenkii xornimada in uu qorshaynayay kiis uu ka xukumay garsoorihii Talyaaniga ahaa in uu dib u furo. Waa siduu ku faaleeyay oday jaarkiisa ahaaye; "Ayax tag, eelna reeb."

Shan sano ka hor, anigoo fasax kaga imid dugsigaygii boodhinka ahaa, ayaa aan maqlay odayaal makhaayad shaah kaga sheekaysanaya halka uu ku danbeeyay Aw Madag.

Koone madaw oo magaalada ah, ayaa naftu si nabad ah sariirtiisa dusheeda kaga baxday. Waxa se ka yaabiyay odayaasha dardaarankii uu u jeediyay carruurtiisa. "Ma xasuusataan weysheenii cawlanayd ee uu baabuurka Soofakali jiidhay, ... (higo)... saadanbe ayaa dacwadu furmaysaa oo ay ahayd in aan tago ... faylasha oo dhammaystiran jaakadayda cad bay ku jiraan...(higo)... haddii aad xalaal aan dhalay tihiin, ha ka daba hadhina."