Skip to main content

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Qaabdhismeedka Masaajiddada Geeska Afrika: Kayd-sooyaaleedka Gobolka

18 March, 2025
Image
geeska cover
Share

Dedaallada Geesku ugu jiro baahinta xogaha ku saabsan Geeska Afrika dartood, mareegtu waxa ay goonni u soo qaadatay taxane buuggag iyo maqaallo isugu dhafan oo suugaan iyo sooyaal ah, muhiimna u ah dadka danaynaya gobolka. Qaybtan saddexaad oo taxanaha ka mid ah, waxa aynnu ku soo bandhigaynnaa qaab-dhismeedkii Islaamiga ahaa ee Geeska Afrika ka jiray, innaga oo dib u akhrin ku samaynayna maqaal ay qoreen labada cilmibaadhe ee reer Isbayn, Carolina Cornax-Gomez iyo Jorge de Torres Rodriguez, oo ka tirsan Maxadka Culuumta Raadraaca oo raacsan Golaha Sare ee Cilmibaadhista Isbayn. Maqaalka cinwaankiisu waa: “Masaajiddadii Geeska Afrika ee Qarniyadii Dhexe”. Waa maqaal la qoray ka dib shaqo cilmibaadhiseed oo Soomaalilaan laga waday toddoba sanno, waana maqaal iftiiminaya tilmaamaha qaabdhismeedka masaajiddada gobolka iyo kaalintii ay ku lahaayeen qaabaynta aqoonta iyo siyaasadda. Masaajiddada Soomaalilaan oo la barbardhigayo kuwa Jabuuti iyo Itoobbiya, cilmibaadhistani waxa ay soo saartay qaababkii dhismayaasha iyo raadayntii gobolku isu lahaa.

Qarniyadi 13aad ilaa 16aad, Geeska Afrika waxa ka dhacay isbeddelo baaxad leh oo ka dhigay mid ka mid ah gobollada ugu gedgeddoonka badan qaaradda. Wakhtigani waxa uu la gaar ahaa hanaqaadkii maamullo Islaami ah iyo in Islaamku ku faafay Soomaalidii reer guuraaga iyo xoolodhaqatada ahayd. Isla xilligan waxa horumar weyni ku yimi magaalawga iyo adkaynta xidhiidhada siyaasadeed iyo ganacsi ee gobolku la lahaa dunida kale. Udubdhexaadka isbeddelladani waxa uu ahaa Islaamka, masaajiddada ayaana kaalin diineed iyo mid dhismaba ku lahaa.

Waxa jira maqaal-cilmiyeed lagu baahiyey majalladda “Dunida Islaamka iyo Badda Midhatareeniyanka”, oo loo soo gaabiyo (REMAM), cinwaankiisuna yahay “Masaajiddadii Magaalooyinka Geeska Afrika ee Qarniyadii Dhexe”. Maqaalkan labada cilmibaadhe ee Carolina Cornax-Gomez iyo Jorge de Torres Rodriguez, waxa ay kusoo bandhigayaan natiijooyinkii kasoo baxay waxqabadyo iyo dedaallo raadraac oo toddoba sanno laga waday Soomaalilaan. Cilmibaadhistu waxa ay xoogga saaraysaa tilmaamaha qaabdhismeed ee masaajiddada gobolka, waxa kale oo lagu eegayaa kaalintii masaajiddadu ku lahaayeen heerka aqooneed iyo siyaasadeed ee gobolka. Waxa la is barbardhigayaa masaajiddo isku dhow oo ku kala yaalla Soomaalilaan, Jabuuti iyo Itoobbiya, si loo helo isa saamayntii gobolka oo soo bandhigaya taariikhda guud ee soo gaadhitaankii Islaamka iyo ku faafiddiisii gobolka. 

Dhaxal la hilmaamay

Darsidda raadadka Islaamiga ah ee Geeska Afrika waxa qarnigii 20aad lagaga mashquulay raadadka baaxadda weyn leh ee laga helay dhulka sare ee Itoobbiya. Iyada oo arrintani jirto, haddana waxa mashaariic degal-baadhiseed laga bilaabay Waqooyiga Itoobbiya, Ifaat, NuuraHarlaa iyo Soomaalilaan, si looga gudbo baadhis la’aantii jirtay. Dedaalladan baadhiseed waxa ay bedka keeneen aragtiyo cusub oo ku saabsan sida Islaamku kusoo gaadhay gobolka, sida uu ku negaaday iyo faafitaankiisii.

Cilmibaadhisaha raadadka Soomaalilaan lagu baadhay waxa ay xaqiijiyeen shan iyo toban masaajid oo qarniyadii dhexe ah, badankooduna ku yaalla deegaannada galbeed ee la siman Itoobbiya. Masaajiddadan wakhtigoodu waa muddadii u dhaxaysay qarnigii 14aad iyo qarnigii 16aad, waxaanay ka midaysanyihiin hababka loo dhisay iyo farsamada injinneernimo ee la adeegsaday. Tilmaamaha ay wadaagaan waxa ka mid ah, mixraabka dibadda uga baxsan dhismaha kale ee masaajidka iyo minnaarado la’aan. Tilmaamahan ay wadaagaan waxa ay muujinayaan dhaqamo ay wadaageen bulshooyinkii muslimka ahaa ee galbeedka Soomaalilaan ku dhaqnaa, oo sida loo badinayo ku saamaysmay saldanadihii Itoobbiya ee la jaarka ahaa. 

•	الشكل 1: خريطة المواقع الإسلامية الوسيطة في جنوب شرق إثيوبيا وجيبوتي وصوماليلاند

  • Qaabkaka 1: Khariidada goobaha Islaamiga ah ee dhex dhexaadk ah, Koonfur beri Itoobbiya, Jabuuti, iyo Soomaalilaan.

Masaajiddada Xeebaha iyo kuwa Deegaannada Gudaha: Laba Qaabdhismeed

Masaajiddada ka dhisan deegaannada dalka gudihiisa, siiba kuwa ka dhisan galbeedka Soomaalilaan waxa ay muujinayaan qaabdhismeed cayiman oo ay ka midaysanyihiin, oo ah dhismayaal laga sameeyey dhagax keli ah iyo farshaxan hoose. Si ka duwan, masaajiddada xeebtu, sida masaajiddada ku yaalla Saylac, waxa ay muujinayaan dhinacyo intaas ka badan, sida minnaarado goobo ah iyo waxyaabaha dhismaha masaajidka lagu qurxiyey. Kala duwanaantan waxa keenay la falgalkii Saylac ee shabakadaha ganacsi ee Badweynta Hindiya iyo xidhiidhadii ay la lahayd dunida Islaamka. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee masaajiddadu ku kala duwanyihiin waa jihada ay u jeedaan. Inta badan masaajiddada Geeska Afrika waxa ay u jeedaan dhinaca waqooyi, se masaajiddada Soomaalilaan qaarkood baa u jeeda jihada waqooyi-bari ama waqooyi-galbeed, waana mid muujinaysa saamaynta masaajiddadii Itoobbiya ku yeesheen, oo jiho isku mid ah u jeeday qarniyadii hore ee Islaamku soo gaadhay gobolka.

Saamaynta goboleed iyo qaab yaalka taariikhiga ah

Masaajiddada galbeedka Soomaalilaan waxa ay la wadaagaan masaajiddada kale ee ka jiray deegaannada Ifaat iyo Herer ee Itoobbiya waxyaalo badan. Tani waxa ay muujinaysaa in hab soo jireen ah oo isku mid ah ay iskaga daydeen, oo ah qaabdhismeed xidhiidh la leh saldanadihii qarniyadii dhexe ee gobolka ka talinayey. Isku ekaanta ka sokow, waxa jira kala duwanaan la xidhiidha qaababka loo sameeyey mixraabyada, qoraallada lagu xardhay iyo agabka lagu qurxiyo masaajiddada, waana wax muujinaya kala duwanaan deegaan iyo sooyaal.

Raadadka helitaankoodu cusub yahay waxa ka mid ah laba masaajid oo waaweyn oo ku yaalla degaan lagu dhaqnaa qarniyadii dhexe oo laga helay Jabuuti, lagu na magacaabo Handuuga. Raadadkani waxa ay muujinayaan caddaymaha xidhiidhadii gobolka, masaajiddadanina waxa ay kuwa laga helay galbeedka Soomaalilaan ka shabbahaan mixraabyada dibadda uga baxsan dhismaha intiisa kale iyo daaradaha bannaan ee dhismaha qaybta hore, waxay se la gaar yihiin tilmaamo maxalli ah oo tusinaya in ay u gaar ahaayeen masaajiddadan. 

•	الشكل 2: موقع المساجد في المواقع الوسيطة بصوماليلاند

  • Qaabka 2: Goobta Masaajiddada Soomaalilaan ee gobooha dhex dhexaadka ah ee Soomaalilaan.
  • •	الشكل 3: مخطط مستوطنة دمراقاد الوسيطة في صوماليلاند
  • Qaabka 3: Dameeraqad Soomaalilaan
Qaab degaleed

Inkasta oo tobankii sanno ee u dambeeyey horumar la taaban karo laga gaadhay diraasaynta Islaamkii qarniyadii dhexe ee Geeska Afrika, haddana cilmibaadhistani weli may wada daboolin dhinacyada kala duwan ee gobolka. Diraasaynta dhismayaashii Islaamka ee Itoobbiya waxa la bilaabay xilli hore, iyada oo diraasaynta Herer la bilaabay labaatanaadkii qarnigii 20aad. Soddonaadkii qarnigaasna A. T. Curle waxa uu xuduudda Itoobbiya la lahayd dhulkii uu Ingiriisku haystay ka sameeyey muujinta waddooyinka ku aroora deegaannada. Inkasta oo raadadka laga helayey goobihii Islaamkii qarniyadii dhexe ee Geesku soo badanayeen intii lagu gudo jiray qarnigii labaatanaad, haddana degel-baadhista iyo mashaariicda muddada dheeri waa ay koobnaayeen.

Inkasta oo cilmibaadhisani kala go’een marar ka mid ah qarnigaas labaatanaad, haddana buuraha ku hareeraysan deegaanka Harlaa waxa laga fuliyey degelbaadhis, waxaana la helay masaajiddo dhawr ah, mid ka mid ahna qayb ahaan ayaa la qoday. Ifaat waxa bilawgii qarnigan 21aad laga bilaabay degelbaadhis, waxaana la xaqiijiyey goobo muhiim ah, sida deegaanka Nuura, waxaana la helay masaajiddo si wanaagsan loo ilaaliyey.

Xogaha ku saabsan goobaha Islaamiga ah ee qarniyadii dhexe ee ka baxsan deegaamadani waa kuwo aad u kooban. Tusaale ahaan waxa jira goob taariikhi ah oo dhawaan uun laga helay gobolka Ogaadeeniya, waxaana ku yaalla goobtaas masaajid, qoryaha lagu dhisayna la qurxiyey. Sannadkii 2018-kii waxa kale oo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobbiya laga helay goob cusub oo la degganaa qarniyadii dhexe, waana goobta lagu magacaabo Derbi, oo la xaqiijiyey in uu ku yaallay masaajid lagu dhisay qoryo la wareejiyey.

•	الشكل 4: مخططات أرضية لمساجد صوماليلاند

Qaabka 4; Qaab dhismeedka dhulka ee Masaajiddada Soomaalilaan

Tilmaamaha dhismeed ee masaajiddadii qarniyadii dhexe ee Itoobbiya

•	الشكل 5: العناصر المعمارية لمساجد صوماليلاند الوسيطة

Qaabka 5: Qaybo ka mid ah dhismaha masaajiddada Soomaalilaan

Waxa xogo faahfaahsan laga soo ururiyey masaajiddo sagaal ah oo qarniyadii dhexe ee Islaamka laga dhisay Itoobbiya. Siddeed ka mid ah masaajiddadaasi waxa ay ku yaallaan Ifaat, midna waxa ku yaallaa Harlaa. Masaajiddadani waxa ay wadaagaan qaababka dhismaha, waxaanay shabbahaan isla kuwa laga helay galbeedka Soomaalilaan. Masaajiddada Itoobbiya laga helay waxa ay kuwa galbeedka Soomaalilaan kaga duwanyihiin tilmaamo gaar ah oo dhismeed, oo masaajiddada Itoobbiya mixraabku kama soocna dhismaha inta kale, halka kuwa Soomaalilaan mixraabka qoobad muuqata oo dhismaha ah yahay.

Weli waxa jira gobollo, sida   oo aan ilaa hadda si weyn loo baadhin, arrinkan oo keeni kara in goobo cusub mustaqbalka la helo. Goobta Handuuga ee Jabuuti ku taal lafteedu waxa ay baadhista kusoo kordhin kartaa aragtiyo cusub oo ah dhismihii masaajiddada gobolka Danaakisha. Sannadkii 2022 waxa Handuuga laga xaqiijiyey laba masaajid oo u eg kuwa Soomaalilaan, sida mixraabyo afar gees ah oo dhismaha dibadda uga soo baxsan.

Masaajiddada Saylac waxa ay muujinayaan xidhiidhkii adkaa ee ay magaaladani la lahayd magaalooyinka kale ee xeebaha sida Muqdisho iyo kuwa Badda Cas, waana wax muujinayaa sidii Saylac ula falgashay dunida kale ee Islaamka. Dhinaca bari, goobta Madoona, waxa laga helay magaalo la degganaa qarniyadii dhexe oo ah degaan reer baadiye, waxa sidoo kale goobo saddex ah oo la degganaa xilliyadaasna laga helay Buntilaan, waxaanay muujinayaan isa saamayn dhinaca dhismaha.

Inkasta oo baadhitaanku uu weli koobanyahay, haddana masaajiddada Geeska Afrika waxa ay bixinayaan xogo aan ku koobnayn uun heerka dhisme ee la gaadhay, se waxa kale oo ay bedka keenayaan heerarkii aqooneed, siyaasadeed iyo sooyaal ee dhismayaashaas lagu dhisay. Dhinaca jiquraafiyadeed, waxa jira caddaymo soo badanaya oo muujinaya in masaajiddadii Soomaalilaan laga dhisay qarniyadii dhexe ku saamoobeen saddex qaab dhisme oo kala duwan. Waxa si fudud loo arki karaa kala duwanaanta u dhaxaysa masaajiddada magaalo xeebeedka Saylac iyo masaajiddada gudaha dalka ku jira. Waxa kale oo cad oo in masaajiddada degaanka bari ee Madoona laga helay ka dhisme duwanyihiin kuwa laga helay galbeedka Soomaalilaan oo u qaab dhawaa kuwa Itoobbiya. Ka baraarugga kala duwanaantani ma aha wax cusub, oo Steven Braden ayaa hore ugu dooday in masaajiddada Ifaat leeyihiin qaabdhismeed u gaar ah, sida dhagaxaanta lagu dhisay mixraabka, dhagaxaanta is dulsaaran, mixraabka aan la weyneyn iyo minnaarado qaab sallaan ah loo dhisay, waana wax dhammaan xidhiidh la leh saldanaddii Sacaadaddiin.

Masaajiddada laga helay galbeedka Soomaalilaan iyo masaajidka Harlaa waxa ay u egyihiin masaajidda Ifaat, waana arrin xoojinaya aragtida ah in uu jiray qaab cayiman oo la xidhiidha bulshooyinkii iyo siyaasadihii Islaamiga ahaa ee xukumayey gobollada koonfureed iyo bari ee Itoobbiya. Isku ekaanta ka sokow, waxa jira kala duwanaan u dhaxeeya masaajiddada galbeedka Soomaalilaan iyo kuwa laga helay Itoobbiya, waxaana ka mid ah qaabka mixraabka loo dhisay, masaajiddada qaar oo aan minnaarado lahayn, qoraallada lagu xardhay iyo qurxinta gudaha masaajidka. Kala duwanaantan waxa lagu fasiri karaa in ay ahayd kala duwanaan gobollada u dhaxaysa, waxa kale oo ay la xidhiidhi kartaa xilliyo taariikh ahaan kala duwan. Si guud, masaajiddada galbeedka Soomaalilaan laga daah furay waxa ay muujinayaan in wakhtiyo isku dhow la dhisay, oo ku siman xilligii saldanaddii Sacaadaddiin (xilli ku aaddan 1415-kii ilaa 1573-kii). Se deegaannada laga helay Herer iyo Ifaat waa ay ka taariikh horreeyeen kuwa kale, waana wax waafaqsan deegaannada ay ku yaallaan oo Islaam ahaan horraysay, xuddunna u ahayd siyaasadihii Islaamka ee Geeska Afrika.

Islaamka waxa gobolka soo gaadhsiiyey ganacsatadii imanaysay deegaannada xeebaha, waxaanu ugu faafay laba qaab oo kala duwan. Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray xeebaha Soomaalida qarniyadii dhexe waxa uu ahaa deegaanno dadka reer guuraaga ahi si ku meelgaadh ah xilliyo sannadka ka mid ah degaan, oo aan magaaloobin. Saylac waxa ay ahayd magaalada xeebeedda keliya ee qarniyadaas dhexe jirtay, ka hor intaanay magaaloobin Berbera iyo Maydh. Labadan magaalo waxa ay markii dambe noqdeen xarumo ganacsi oo si rasmi ah loo deegaameeyey. Saylac sooyaal ahaan, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba waxa ay ku xidhnayd Badda Cas, waxaanay ku xidhnayd dunida Islaamka oo dhan, waxaanay xidhiidho diineed iyo ganacsiba la lahayd xarumaha Islaamiga ah ee ugu waaweyn Bariga Dhexe iyo badda Medhetereeniyanka. Waxa jira dhismayaal ku yaallay labada masaajid ee Umawiyiinta iyo al-As’har oo tilmaamaya in loo gaar yeelay ardayda reer Saylac, oo ah caddaymo sheegaya in Saylac ku jirtay xaalad ka duwan deegaannada kale ee galbeedka Soomaalilaan, ee gudaha dalka ku jiray iyo deegaannada Itoobbiya. Sidoo kale, deegaanka Madoona, waxa uu soo bandhigayaa masaajiddo kuwa kale ka duwan oo qarniyadii dhexe la dhisay, oo tilmaamaya in laga dhisay deegaan ka baxsan saamaynaha siyaasadaha dawladeed, waxaana loo badinayaa in dad isxilqaamay oo ducaad ahi diinta ku faafiyeen deegaannada miyiga waxii ka dambeeyey qarnigii 13aad. 

•	الشكل 6: أعمدة حجرية في المسجد الرئيسي بأباسة

Qaabka 6: Tiirarka dhagaxa ka samaysan ee Masjidka weyn ee Abasa

Waxa cad baahida loo qabo baadhitaan dheeraad ah oo lagu sameeyo masaajiddadii qarniyadii dhexe ee Geeska Afrika, welina waxa jira galdaloollo waaweyn oo dhinaca sooyaalkii iyo aqoontii lagu dhisay masaajiddadaas. Haddana, xogahan koobani waxa ay caddayn u yihiin in weli lasii baadhi kaaro isbeddeladii taariikheed ee gobolka, iyada oo la darsayo xidhiidhadii u dhexeeyey masaajiddada iyo bulshooyinkii muslimka ahaa. Waa albaab laga geli karo fahanka isla falgalka aaminaadihii diineed iyo talisyadii bulshooyinkan soo maray.