Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah

19 May, 2026
Share

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyey barnaamij cinwaankiisu ahaa: Qaabaynta Haybta ee Dunida Casriga ah. Barnaamijka waxa lagu lafa-guray sida haybta Soomaalidu u samaysanto, mararka qaarna dib loogu qaabeeyo dunida casriga ah. Kulanku waxa uu si gaar ah u eegay waayo-aragnimada Soomaalida, saamaynta caalamiyeynta, socdaalka, is-dhexgalka dhaqan, isku-xidhnaanta dhijitaal, iyo isbeddellada bulsho ee ku xeeran qofka, qoyska iyo bulshada. Kulanka waxa marti ku ahaa Maxamed Muuse Cali (Al-Macarri), oo soo bandhigay aragti milicsi leh oo ku saabsan haybta, dhaqanka, casriga iyo mustaqbalka Soomaalida.