Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Qaab-cashuureedka JSL: Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka JSL iyo Mabaadi'da Guud ee Cashuuraha?

26 September, 2026
Image
Qaab-cashuureedka JSL: Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka JSL iyo Mabaadi'da Guud ee Cashuuraha?
Share

Dawlad kasta oo casri ah oo dunida ka jirta waxa waajib ka saaran yahay in ay kobciso oo kordhiso dhaqaalaha iyo haynta bulshaddeeda, si taasi midho-dhal u noqoto, waxa ay dadaal badan ku bixisaa curinta Siyaasad Cashuureed (Tax Policy) oo hufan iyo nidaam dhaqaale oo togan, iyada oo lagu salaynayo waaqica dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Curinta siyaasad cashuureed oo hufan kama qayb qaadato oo keliya in ay dawladdu hesho maaliyad, ee waxa ay sidoo kale jaan-goysaa maal-galinta adeegyada bulshada, hirgalinta kaabeyaasha dhaqaalaha, koboca dhaqaale ee dadka iyo dalka, dhiirigalinta iyo helista maal-galinta caalamiga ah iyo xakameynta badeecadaha iyo adeegyada qaar.

Sidoo kale, waxa ay yaraysaa saboolnimada iyo kala-sarraynta dhaqaale ee bulshada. Sidaa darteed, siyaasad cashuureedku waa hannaan lagu hago aydhiyoolajiyado, mabaadi’ iyo siyaasado dhaqaale oo lagu gaadhayo rumaynta himilooyin bulsho ama qaran leeyahay. Haddaba, haddii aanay jirin siyaasad cashuureed oo habboon dawladdu waxa ay luminaysaa guud ahaan hannaanka iyo dheelitirka dhaqaale ee dalka.

Ogsoonow, jiritaanka siyaasad cashuureed oo keliya ma dammaanad qaadayso hannaan cashuureed oo tayo leh ee muhiimaddu waa in siyaasadda cashuurtu horseedo qaab-dhismeed cashuureed oo toolmoon iyo nidaamka cashuur ururin oo ku sallaysan maslaxadda dhaqaale ee bulsho-weynta, caddaaladda, dakhli cashuureed oo wanaagsan-na dawladda u soo ururin kara, bulshadana siin kara fursado dhaqaale oo isku mid ah. 

Sidaan hore u soo sheegnay nidaamka iyo siyaasadda cashuurtu waa jidka ugu mudan ee dawladdu nidaam dhaqaale oo togan ku samayn karto, sida oo kale waa biriijka isku xidha bulshada iyo dawladda, kaasi oo mideeya danaha bulshada iyo dawladda, si wada-jir ahna ugu suurto-galiya abuurista iyo hirgalinta siyaasadaha cashuureed iyo midka dhaqaale ee muddada dhaw iyo kuwa fog ba.

Haddaba, siyaasadda cashuurta dawladdu waxa ay jaan-gooysaa qaab-dhismeedka guud ee cashuurta dalka kaasi oo go’aan ka gaadha qaab-cashuureedka (Tax Structure) iyo waliba xaddiga cashuurta (Overall Tax Revenue) ee dawladdu heli doonto ama soo ururin doonto. Doorashada iyo ka go’aan gaadhista qaab-cashuureedka dalku yeelanayo ka bacdi, waxa ay haddana mar kale dawladdu juhdi iyo daddaal dheeri ah galisaa kala xulashada saddex qaab-cashuureed ee jira oo kale ah Cashuurta Saami-galka Quman (Proportional Tax) ,Cashuurta Hor-u-Socodka (Progressive Tax) iyo Cashuurta Dib-u-Socodka (Regressive Tax). 

Saddexdaas qaab-cashuureed mid ka mid ah ayay dawladdu ku sallaysaa cashuurta ay jidaynayso, hadba qaab-cashuureedka ay dawladdu dooranayso waxa ay ku doorbiddaa goorba midka dakhli cashuureed fara badan (Productivity) u soo ururin kara, caddaaladda iyo sinnaanta cashuur-bixiyaha dhawri kara (Equity of Taxpayer), isla markaana fudud oo u sahlan (Simplicity) dhammaan cashuur-bixiyayaasha iyo cashuur-qaadayaasha.

“Haddii qaab-cashuureedka dalku noqdo mid quman oo ku sallaysan maslaxadda iyo mabaadi’da dhaqaale ee dalka, waxa hubanti ah in uu dalku cagta saari doono dhabbaha guusha iyo Horumarka’’ kani waa hal-ku-dhigga khabiirka weyn ee William Pitt oo loogu yeedho aabaha cashuurta macaash macaashka casriga ah (Father of Modern Tax Income). Isaga oo doodiisa sii wata waxa uu raaciyay oo carrabka ku adkeeyay “Qaab-cashuureedka dawladdu doorbido ayaa dalka u horseeda horumar, sinnaan iyo barwaaqo ama dib-u-dhac, burbur dhaqaale iyo kala-sarrayn bulsho”. 

Aragtidan waxaa taageersan oo iyaguna si weyn iskugu waafaqsan dhammaan aqoonyahanadda iyo khubarada cashuuraha iyo dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Adam Smith (Wealth of Nations), David Gamage (Taxation: Law, Planning and Policy) Miranda Stewart (Tax Government in 21 Century) iyo khabiiro kale oo dhammaantood si faahfaahsan ugu lafo-guray buugaagtooda iyo cilmi-baadhistooda sida ay lama-huraanka u tahay xulashada qaab-cashuureed quman, kaasi oo sar-gooya koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Maqaalkani waxa aynu ku qeexaynaa waxa ay aqoon ahaan ku kala duwan yihiin saddexda qaab-cashuureed ee guud ahaan cashuurta loo jideeyo iyo waliba qaab-cashuureedka cashuurta dalkeenu ku salaysan yahay, waxa lagu door-biday, doorkeeda dhaqaale-abuur iyo kaalinteeda sharci. 

Sidoo kale, waxa aynu miisaanka saaraynaa in qaab-cashuureedka dalkeenu waafaqsan yahay Dastuurka dalkeena JSL iyo mabaadi'da caalamiga ah ee cashuuraha (General Tax Principles), ka dib waxa aynu sharraxaynaa doorka iyo waajibaadka qaab-cashuureedka toolmoon ka qaato nidaamka dhaqaale-abuur ee dalka, innaga oo iftiiminayna sababta qaab-cashuureedka habboon loogu tilmaamo ruuxda dhaqaale-abuur iyo udub dhexaadkiisa. Ugu danbaynna waxa aynu tooshka ku iftiimin doonaa qaab-cashuureed ku habboon JSL innaga oo cuskanayna Dastuurka JSL iyo mabaadi'da caalamiga ah ee cashuuraha.

Sidaan kor ku soo tibaaxnay guud ahaan qaababka cashuurta loo qaado ama loo dhigo waa saddex qaybood oo kala ah:

  • Cashuurta Saami-galka quman (Proportional Tax)

  • Cashuurta Hor-u-socodka (Progressive Tax)

  • Cashuurta Dib-u-socodka (Regressive Tax)

Cashuurta Saami-galka Quman: waa qaab cashuureed tacriifad (Tax Rate) isku mid ah saaraya dhammaan cashuur-bixiyayaasha, iyada oo aan loo tixgalin awoodda dakhli ee soo gasha cashuur bixiyaha. Waa qaab cashuureed sicirka cashuurtu yahay mid go’an oo aan isla beddelin dakhliga cashuur bixiyaha. 

Tusaale ahaan haddii labadan qof ee lamaanaha ah ee Maxamed iyo Muna dhakhliga soo galay bishii hore yahay sidan: Maxamed $3,200, Muna $200. Tacfiiradda ama sicirka cashuurta (tax rate) ee ku dhacayaa waxa uu noqonayaa isku mid, labadda cashuur bixiyahaba waxa ku dhici doona tacriifad cashuureed 6%.

Cashuurta Hor-u-socodka: waa hab cashuureed sicirka ama tacriifadda cashuurtu la beddelanto dakhliga cashuur bixiyaha. 

Tusaale, haddii dakhliga cashuur bixiyuhu kordho, tacriifadda cashuurta ku dhacaysaana waa la kordhaysaa. Sidoo kale, haddii dakhliga cashuur bixiyuhu hoos u dhaco, tacriifadda cashuurta ku dhacaysaa waa yaraanaysaa. Taasi oo ka dhigan in cashuur-bixiyayaasha dakhligoodu sarreeyo ay bixiyaan qiime tacriifadeed ka badan cashuur-bixiyayaasha dakhligoodu ka hooseeyo.

Cashuurta Dib-u-socodka (Regressive Tax): waa qaab cashuureed tacriifadda cashuurta hoos u dhac ku yimaado, marka dakhliga cashuur bixiyuhu kordho, sidoo kale tacriifadda ama sicirka cashuurtu korodho marka dakhliga cashuur bixiyuhu yaraado. Taasi oo macnaheedu tahay in cashuur-bixiyayaasha dakhligoodu sarreeyo ay bixiyaan qiime tacriifadeed ka yar cashuur-bixiyayaasha dakhligoodu ka hooseeyo.

Waxaa muhiim ah in la xuso, qaab-cashuureedka dawladda (xukuumadda iyo baarlamaanka) Somaliland jidaysay ama se ku sallaysay cashuurta ay ka qaado muwaadiniinteedda waa qaab-cashuurteedka saami-galka quman, inkasta oo qaab-cashuureedka JSL hore u ahaan jiray qaab-cashuureedka hor-u-socodka; xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa bedeshay oo dalka u doortay qaab-cashuureedka saami-galka quman xukuumaddii xigtay ee Kulmiye iyo waliba xukuumadda Wadani ee hadda joogta midkoodna ma farogalin, waxbana kama baddelin.

Qaab-cashuureedka saami-galka quman door fiican ma ka qaataa koboca iyo horumarka Dhaqaale ee dalka?

Sida aan kor ku soo sharraxnay, qaab cashuureedka saami-galka quman waxa uu tacriifad ama sicir cashuureed isku mid ah saarayaa dhammaan cashuur-bixiyayaasha, iyada oo aan lagu sallaynayn dakhliga ama hantida cashuur-bixiyaha, taasi oo macnaheedu tahay cashuur-bixiyayaasha hantida badan iyo cashuur-bixiyayaasha hantida yar waxa la saarayaa qiime tacriifadeed (Flat Tax Rate) isku mid ah. Marka ay sidaas tahay, waxa iska cad in habka iyo hannaanka cashuur-bixintu aanay ku sargo’nayn awoodda dhaqaale ee cashuur-bixiyayaasha, maadaama oo cashuur-bixiyaha hantida badan iyo cashuur-bixiyaha hantida yar tacriifad isku mid ahi ku dhacayso. 

Marka xaaladdu sidaas tahay, Wasaaradda Hor’umarinta Maaliyaddu waxa ay luminaysaa dakhli cashuureed oo aad u fara badan. Waayo, cashuur-bixiyayaashii hantida badnaa waxa ku dhacday tacriifad hoose oo aan ku sargo‘nayn ama ka turjumayn awoodoodda dhaqaale.

Mabda’ ahaan hab-cashuureedka saami-galka quman ee dawladdu jidaysay uma saamaxayo Wasaaradda Hor’umarinta Maaliyadda in ay dakhli cashuureed badan soo urruriso, sababta oo ah qaab-cashuureedkani waxa uu xeeriyay isla markaa kala madax baneeyay dakhliga cashuur-bixiyaha iyo tacriifad cashuureedka ku dhacaysa, oo tacriifad cashuureedku waa mid go’an (Fixed Tax Rate) oo aan isla beddelin dakhliga cashuur-bixiyaha, taasi oo ka dhigan haddii dakhliga ama hantida cashuur-bixiyuhu korodho tacriifad cashuureedku lama kordhayso. 

Maxay haddaba, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ku door-biday Qaab-cashuureedka saami-galka Quman?

Guud ahaanba qaab-cashuureedka saami-galka quman waa mid ka mid ah nidaamyada cashuureed ee ugu fudud, marka loo eego dhammaan nidaamyada kale ee cashuurta, nidaamkani waa mid sahlan oo si dhib yar loo fahmi karo, waa mid qiimaha tacriifada sii go’an tahay oo la isla yaqaan, si isku mid ah na loo hawl-galiyo nooc kasta oo ay cashuurtu tahay. Taasina waxa ay keentay in si sahlan iskula fahmaan oo iskula jaan-qaadaan cashuur-bixiyaha iyo cashuur-qaaduhu, dabadeedna nidaamka cashuur noqdo mid fudud oo si dhib yar loo hir-galiyo.

Doorka sharci ee qaab-cashuureedka saami-galka quman

Sida aan soo lafo-gurnay qaab-cashuureedka saami-galka quman waa nidaam cashuureed tacriifad isku mid ah saaraya dhammaan cashuur-bixiyayaasha, mid yar iyo mid weyn. Tusaale, haddii aynu soo qaadanno: Baayac-mushtariga weyn ee Shirkadda Hoodaale hadii macaash macaashka ganacsigiisu yahay $100,000, Baayac-mushtariga yar ee Dukaanka Hodan na macaash macaashka ganacsigiisu yahay $100, labadaa ganacsi ee kala sad-roon tacriifad cashuureed isku mid ah ayaa ku dhacaysa, oo mid walba waxa la saarayaa 12.5% oo cashuurta mac-macaashka ganacsiga ah (Business Income Tax). 

Haddaba, marka waaqica cashuurta dalku sidaas yahay, waxa marag-ma-doon ah in qaab-cashuureedka saami-galka quman ee dawladda JSL ku sallaysay cashuurta ay qaado aanu waafaqsanayn hannaanka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u jideeyay takaaliifta iyo cashuuraha, maadaama oo qaab-cashuureedka saami-galka quman culayska cashuurta cid gaar ah saarayo, kuwaas oo ah shacabka hantida yar ama dakhliga jeebkoodu hooseeyo, talaabadan oo ka dhigan Dastuur jebin.

Waa marka koowaad e’ qaab-cashuureedka saami-galka quman waxa uu ka soo horjeedaa Qodobka 14aad ee cashuuraha iyo takaaliifta ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 14aad ee cashuuraha iyo takaaliiftu waxa uu waajibinayaa in cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee la soo rogayo loo eego danta iyo maslaxadda bulshada JSL. Taasi oo la macno ah Cashuurta la soo rogayo, cashuurta la dhaafayo iyo cashuurta la dhimayaana ku sallaysnaato maslaxada guud ee bulsho-weynta JSL. 

Haddaba, marka ay sidaasi tahay waxa iska cad in qaab-cashuureedka saami-galka quman ee aynu soo sharaxnay aanu waafaqsanayn Qodobka 14aad ee cashuuraha iyo takaaliifta ee Dastuurka JSL, maadaama oo qaab-cashuureedkani culayska cashuurta qayb ka mid ah bulshada saarayo, dan iyo maslaxad mid toona u ahayn dhammaan bulsho-weynta JSL, balse taas caksigeeda in yar oo kooban oo bulshada ka mid ah maslaxad iyo dan u yahay.

Mar kale waxa isaguna jabaya mabda’a dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta JSL oo waajibinaya in dhammaan muwaadiniintu ka siman yihiin macaamil kasta. Qodobka 8aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhigayaa mabda’an aasaasiga ah, kaasi oo ah mabda’a sinaanta muwaadiniinta. Farqadda 1aad ee qodobka 8aad ee dastuurka oo ah qodobka dastuuriga ah ee xeerinaya sinnaanta muwaadiniinta waxa uu dhigayaa sidan:

”Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luuqadda, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta afkaarta IWM, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.”

Mabda’an sinnaanta muwaadinku waa mabda’ dastuuri ah oo ku waajibinaya dawladda in ay muwaadin kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay ula dhaqanto si isku mid ah oo siman.

Mab’da sinnaanta muwaadinku waxa uu khuseeyaa isla markaana jidaynayaa in lagu dabaqo dhammaan shaqooyinka iyo nidaamyadda maamulka dawladda oo ay cashuurtu (hantida) ka midka tahay.

Haddaba, sida aan wada ognahay waxa uu qodobkani waajib ka dhigayaa in nidaamka iyo qaabka cashuurta ee dawladdu noqdo mid waafaqsan mabda’a sinnaanta muwaadiniinta oo cashuurta dawladdu jidaynaysaa noqoto mid u dhigan sidan:

  • Cashuurta ay soo rogayso ama ku waajibinayso muwaadiniinta in ay noqoto cashuur u siman (Equity) dhammaan cashuur-bixiyayaasha.

  • Dawladdu aanay waajibin ama soo rogin cashuur la saarayo muwaadiniin gaar ah ama cid gaar ah culayskeedu ku dhacayo.

  • Dejiso mabaadii’da sharci ee salka u ah dajinta iyo waajibinimada cashuurta.

  • Xaqiijiso in cashuur bixiye kasta bixiyo cashuurta sharcigu ku waajibiyay.

  • La xisaabtanto cid walba oo sharciga baal marta, sharcigana horgeysa cidda ku xad gudubta waajibaadyadda cashuurta.

Waxa iska muuqda in hannaanka iyo qaab-dhismeedka cashuurta ay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u dajisay dakhli ururinta aanu haba yaratee waafaqsanayn Qodobadan Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta JSL. Maadaama oo aan rar-cashuureedka loo sinanayn, oo culayska cashuurtu (Tax Burden) ku dhacayo qayb ka mid ah bulshada.

Qaab-cashuureedka saami-galka quman ma waafaqsan yahay mabaadi'da caalamiga ah ee cashuuraha (Principles of Taxation)?

Waxa aynu ka dharagsanahay oo isla soo fahanay qaab-cashuureedka saami-galka quman iyo guud ahaan sida uu u shaqeeyo. Waxaan isla soo garanay in qaab-cashuureedkani yahay nidaam cashuureed oo maseeya dhammaan cashuur-bixiyayaasha mid yar iyo mid weyn, tacriifad cashuureed isku mid ah na saara dhammaan cashuur-bixiyayaasha, isaga oo aan ku sar-goyn dhaqaalaha iyo hantida cashuur-bixiyaha midna. Waa hagaag. Marka xaalku halkaas yaal, waxaa iska cad in hannaanka cashuur ururinta ama dhaqaale samaynta ee nidaamkani tixgalin siinayn awoodda cashuur-bixinta ee cashuur-bixiyaha, maadama oo cashuur-bixiyaha hantida badan iyo cashuur-bixiyaha hantida yar si isku mid ah u la macaamilayo. 

Haddaba kolka xaqiiqada qaab-cashuureedka saami-galka quman sidaas yahay, waxa buraya oo meesha ka baxaya mabaadi'dii cashuuraha ee aasaasiga iyo udub-dhexaad u ahaa guud ahaanba nidaamka cashuurta. Waxa jabaya dhammaan mabaadi’da soo socda:

  • Marka koowaad, waxa jabaya mabda'a koowaad ee cashuurtu ku aasaasan tahay oo jideeyay in cashuur-bixiye kasta la cashuuro xaddi u dhigma awoodiisa dhaqaale (Ability to pay principles or Equity principles) oo ah mabda'a ugu horreeya uguna mudan dhammaan mabaadi'da cashuurtu ku aasaasan tahay. Mabda'ani waxa uu waajib ka dhigayaa in cashuur-bixiye kasta la saaro cashuur u dhiganta ama u qalanta awoodiisa dhaqaale, balse qaab-cashuureedkani tacriifad cashuureed isku mid ah ayuu saarayaa dhammaan cashuur-bixiyayaasha mid weyn iyo mid yar. 

    Sidoo kale, ku xad-gudubka mabda'ani waxa uu meesha ka saarayaa caddaaladdii iyo sinnaantii cashuur-bixiyayaasha (Fairness and Equality of Taxpayers), maadaama oo saami cashuureed isku mid ah la saarayo dhammaan cashuur-bixiyayaasha, halkii ay ka noqon lahayd in cashuur-bixiye kasta la saaro ama la cashuuro xaddi u dhigma awoodiisa dhaqaale (Progressive based Tax), oo ujeeddadeedu tahay in cashuur-bixiyaha dakhliga badan laga qaado tacriifad cashuureed ka badan cashuur-bixiyaha dakhligiisu hooseeyo, balse ma noqon ee tacriifad isku mid ah ayaa gadhka loo galiyay.

  • Mar labaad, waxa buraya mabda'a tarminta cashuurta (Principles of Productivity) oo waajib ka dhigaya in dawladdu hesho dakhli cashuureed badan, xeerkani waxa uu u sharci bixinayaa in nidaamka cashuurtu noqdo mid hor-u-socod ah oo dakhli badan u soo xareeya dawladda, si dakhliga cashuurtu u noqdo mid kafeeya oo ku filan dhammaan kharashaadka iyo mashaariicda dawladda. 

    Sidaa darteed, mabda'ani waxa uu waajibinayaa in qaab-cashuureedka dawladdu jidaysaa u horseedo Wasaaradda Maaliyada in ay cashuur badan soo ururin karto, laakiin se taas cagsigeedda qaab-cashuureedka saami-galka qumani guud ahaanba ma saamaxayo in cashuur badan Wasaaraddu soo ururiso. Waayo qaab-cashuureedkani waxa uu kala madax-banneeyay dakhliga cashuur-bixiyaha iyo tacriifada ku dhacaysa.

  • Mar saddexaad, waxa jabaya mabda'a door-doorsoonka (Principles of Elasticity) oo u sharci bixinaya in nidaamka cashuurtu noqdo mid door-doorsooma oo isla beddela duruufta iyo waayaha dhaqaale ee cashuur-bixiyaha. Mabda'ani waxa uu waajib ka dhigayaa in cashuur-bixiyaha iyo marba duruufta uu ku jiro la walaaleeyo oo marka cashuur-bixiyaha dakhligiisu kordho cashuur badan la saaro, marka uu dakhligiisu yaraado na cashuur yar la saaro, si aanu marnaba cashuur-bixiyuhu culays cashuureed u dareemin (Tax Burden) 

    Hase yeeshee, qaab-cashuureedka saami-galka quman maaha mid isla beddela duruufta dhaqaale ee cashuur-bixiyaha iyo guud ahaan waayaha iyo waaqica marba lagu jiro.

Guud ahaanba qaab-cashuureedka saami-galka quman waa qaab-cashuureed sinnaan-la’aanta iyo kala-saraynta dhaqaale hoy u ah, sidoo kalena, waa qaab-cashuureed aan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hor’umarka Dhaqaalaha JSL u saamaxayn in ay dakhli cashuureed fiican isla markaana cadaalad ah soo ururiso, cashuur-bixiyayaasha na sinnaan u la macaamisho. Dhanka kalena, waa qaab-cashuureed kor u qaada culayska maciishada iyo guud ahaanba nolosha shacab-weynaha dan-yarta ah, isagoona ah qaab-cashuureed aan waafaqsanayn dastuurka dalkeena JSL iyo mabaadi'da caalamiga ah ee cashuuraha.

Sababahaas dartood, qaab cashuureed ku dhisan hal heer oo aan la jaanqaadin korodhka dakhliga ma aha nidaamka ugu badan ee dalalku adeegsadaan. IMF waxay 2024 sheegtay in ku dhowaad 20 dal oo keli ahi isticmaalaan flat tax rate. Dalal badan oo gobolka ahna, sida Soomaaliya iyo Itoobiya, cashuurta dakhliga waxay ku dabaqaan heerar kor u kacaya marka dakhligu kordho.

Haddaba, dhibaatadu waxay tahay in aan si dhab ah la iskaga weydiin sidii looga gudbi lahaa qaab-cashuureedka saami-galka quman looguna wareegi lahaa nidaam ka habboon. Dawladdu, ha noqoto xukuumadda iyo Baarlamaankaba, tan hadda jirta iyo kuwii ka horreeyayba, weli may muujin awood aqooneed iyo doonis ku filan oo arrintan wax lagaga beddelo.

Dadaallada kooban ee ay dad tiro yari sameeyeennana waxa inta badan wiiqaya danaha kooxaha dhaqaale ahaan uga faa’iidaysta cashuur-yaraanta uu nidaamku siinayo iyo aqoon-yarida guud ee ku xeeran siyaasadda cashuuraha. 

Inta aan ogahay, ma jirto xukuumad si aqoon iyo doonis muuqata leh ugu hawlgashay dib-u-eegista iyo sixitaanka qaab-cashuureedka dalka. Sidoo kale, aad bay u kooban tahay doodda aqooneed ee si cad u iftiimisay caddaalad-darrada qaab-cashuureedkan iyo saamaynta uu ku leeyahay cashuur-bixiyayaasha dakhligoodu hooseeyo.

Maxay tahay haddaba danta ugu jirta Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland qaab cashuureed saami-galka quman? Ma Wasaaradda Maaliyadda iyo Hor’umarinta Dhaqaalaha ayay nala doonaynin in dakhli cashuureed badan soo urruriso? Wasaaradda maaliyadda laftirkeeda ma hor’umarinta dhaqaalaha ee ay tibaaxday ayaan ka dhab ahayn? Ma Caddaalad u samaynta cashuur-bixiyaha dakhliga (Hantida) badan iyo kuwa dakhliga yar ayaan waajib ka saarnayn? Ma Wasaaradda Maaliyadda ayaan shacab-weynaha jeebka yar ee dakhligoodu hooseeyo dan ka lahayn? Mise Dawladda iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarka Dhaqaalaha ayaan garanayn tubta iyo tabta hor’umar dhaqaale lagu gaadho? Waa su’aalo in laga jawaabo u baahan.

Xaqiiqada qaab cashuureedka Somaliland oo sidaas u taalla haddii aynu weydiin gar ah dusha kaga keeno oo nidhaahno: Wasaaradda Maaliyadda iyo Hor’umarinta Dhaqaaluhu ma waxa ay doonaysaa in ay hor’umar dhaqaale dalka u horseedo? Mise sidii ay ahaan jirtay in la ahaado oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Hor’umarinta Dhaqaaluhu aanay haba yaraatee wax dhaqaale abuur ah isku taxaluujin, wakhtina ku bixin, weligeedna ku ekaato cashuur ururinta dulmiga ku dhisan oo keliya? 

Jawaabta soo baxaysaa waa “Haa” ama ”Maya”. Haa waxa ay doonaysaa nidaam maaliyadeed oo hufan iyo horumar dhaqaale, ama may ee ma doonayaan.

Haddii ay ta hore noqoto oo loo hanqal taagayo nidaam maaliyadeed oo casri ah kuna dhisan sinnaan, caddaalad iyo hor’umar dhaqaale, haddana Wasaaradda Maaliyadu laabta ku haysato oo buun-buuniso cashuurta ku dhisan qaab-dhismeedka saami-galka quman, kolkaas Wasaaradda Maaliyadda iyo Hor’umarinta Dhaqaaluhu waxa ay yeelanaysaa isburin u dhexaysa hadafka la sheegay iyo qaabka la dabaqayo. 

Wax aad u badan baana u baahanaya in dib loogu noqdo oo kow ka tahay hab cashuureedka dulmiga badan ee saami-galka quman ee dawladdu jidaysay iyo waliba sida loo maamulayo dakhli ururinta cashuurta iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha.

Haddii se jawaabta weydiintu noqoto “Maya” oo looma baahna hannaan maaliyadeed casri ah. Kolkaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu kuma qasbana in ay qaab-cashuureedka beddesho, isla markaana ku hawsho horumar dhaqaale, sinnaan, caddaalad iyo waxyaabaha la halmaala. Haddii sidaas lagu sii socdo, sida xaqiiqadu ahaydna u ahaan jirtay, ma jiri doono horumar dhaqaale iyo nidaam maaliyadeed casri ah oo dhab ahaan la hiigsado lana gaadho.

Wax kasta oo kale, oo la sheegaa na waxa ay iska noqonaysaa uun sidii ay iska ahaan jirtay, hadal tiro badan iyo ballanqaadyo aan natiijo muuqata lahayn, oo shacab-weynaha jeebka madhan iyo cashuur-bixiyaha dakhliga yar lagu maallayo.