Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Orkaastaradii Ray Jaarlees ee baroordiiqda madowga

3 September, 2025
Image
Orkaastaradii Ray Jaarlees ee baroordiiqda madowga
Share

Hordhac

Kolka laga warramayo dhacdooyinka muusig ee taariikhiga ah, iyo kolka laga warramayo fanka codka u noqda looma'ooyaanka waa in la xusaa oo laga warramaa orkaastarada "Black requiem" ee lama'illaawaanka ah. Shaqadan muusig iyo dhacdadan waxaa agaasinkeeda lahaa Quincy Jones; muusigyahan iyo soosaare saaxiib rumaad la ahaa Ray Charles. U jeedkii u horreeyay ee orkaastarada loo agaasimay ayaa ahayd: debbaaldegga iyo xuska labaatan sannadguurada shaqo-faneedda muusig ee Ray Charles. Laba jaal, oo ceeshow-milix ah ayaa ay ku suntanaayeen labadoodu— waa Ray iyo Quincy. Dhacdadu kaliya ma ay ahayn mid ku curatay isku-soo-haad iyo xiiso, se waxa ay ahayd riyo carruurnimadii labada saaxiib, illaa iyo rumayntii koowaad, soo jiitamaysay oo Quincy Jones, ayaa qiraal ahaan u yidhi: “Markii aan aniga iyo Ray carruur ahayn, waxa aan ka sheekaysan jirnay in aan hal mar wada sameynno bandhig muusig oo isku daraya classical, gospel, jazz iyo opera oo ah jaadad muusig oo kala duwan. Xitaa waxa aan ku ballannay in maalintaas ay iman doonto. Ugu dambeyn, 1971-kii ayaa ay rumowday. Annaga oo u dabaaldegayna 20-guuradii Ray ee fanka, waxaan si wadajir ah u la ciyaarnay Houston Symphony Orkaastara, oo ka koobnayd 80 xubnood; Orkaastarada la yidhaahdo Baroordiiqda Madowga (Black Requiem)." Orkaastaradan waxa ay qabsoontay saddex kal (1971, 1988, iyo 1992-kii), se labadii kudladood (sound mass) ee u horraysay duubis rasmi ah oo la baahiyay ma ay jirin. In kasta oo Kudladdii u danbaysay ee sagaashankii laga hayo duubis la baahiyay oo qaddiimi ah.

Markii aan aniga iyo Ray carruur ahayn, waxa aan ka sheekaysan jirnay in aan hal mar wada sameynno bandhig muusig oo isku daraya classical, gospel, jazz iyo opera oo ah jaadad muusig oo kala duwan

Baroordiiqdii Madowga (1992-kii)

Dhacdaddan sagaashankii waxa hoggaaminaysay Victoria Bond, iyada oo ay ka qeybgaleen Roanoke Symphony Orkaastara iyo kooxo heesayaal ah. Waxa lagu qabtay hoolka Preston, jaamacadda Radford, Virginia, bishii Maaj, 1992-kii. Victoria Bond, oo ahayd Agaasimaha Muusigga ee Roanoke Symphony Orkaastara, ayaa sannadkaas waxa ay heshay fasax rasmi ah si ay u qabato bandhigga "Black Requiem" iyada oo la xidhiidhay muusigcuriyaha Quincy Jones oo ahaa mu'allifkii shaqo-faneeddan. Indhoolihii xaqa arkayay, waa Ray e, ee kuwa indhaha leh arraggooda qaabaynayay ayaa la keenayaa masraxa, iyada oo garbaha la hayo—isaguna bulshada madowga ayuu fankiisu garabka hayay— waxa uu soo dul fadhiisanayaa biyaanada, kuna furfurayaa kudladda sheeko dheer oo ku saabsan xusuusihii addoonsiga, soo daabuliddii Afrikaanka iyo madowga kale, iyo tacaddigii ay la kulmeen bulshada madowga ahi. Muusig danbe oo baxaya, isaguna uu farihiisa biyaanada ku hubsanayo ayaa uu sheeko lagu laray muusig ku bilaabayaa;

"Addoomaha madow waxay cod dheer kaga ooyeen dhulka cabbudhsan ee Ameerika. Waxay ku ooyeen webiga ay rabaan in ay ka gudbaan—webi u dhexeeya silicooda iyo xornimada. Goobo qabrigu yahay xabsi, oo ay kaniisaddu tahay meel lagu duugo xanuunka—ayay ku heesi jireen:

“Hal webi ayaan ka tallaabi,

si aan u gaarno geerida,

oo aan uga baxo ciqaabta.”

Cawayskii mugdiga ahaa, waxa uu codkoodu ka dhex yeedhi jiray mugdiga guryaha danyarta—xabaalaha qiiqaya—jidhka daallan, ruuxa halgamaya. Heesahooda waxaa ka mid ahaa: "U dhaqaaji si qarsoodi ah, una dhaqaaji meel badbaado leh—ha ahaato Masiixa xaggii, xorriyad, ama dhimasho nabad leh, (si uun bedbaado ah)."

Kolkaas ayaa uu Ray raacinayaa, duco ay laabta hoose iyo ruuxdooda ka odhanayaan addoomada oo ay ku cataabeen;

"Gaadhiga janno ee barakaysanow,

hoos u soo deg oo iga qaad dhulkan silica ah."

Baryootankaa ruuxiga ah ka dib, waxa uu sii wadayaa sheekadoodii, iyada oo muusiggiina uu midabbaynayo codkiisa iyo sheekada murugsan; "Xusuustii dadkan waxa ay u ekaatay mid gabowday, oo la illoobay—se dhab ahaantii waxa ay ku jireen gudcur, iftiinkii la waayay; oo ah waqti ay geeridu u la ekaatay furaha xorriyadda." Waxa uu sii raacinayaa Ray; "Saddex boqol oo sanno, oo addoonsi...silic, garaac, iyo dulmi ah ayaa ay wajaheen. Ha se ahaato e, hilibkaas la jeedalay, lafahaas la jabshay waa ay sii noolaayeen. Ruuxda ayaa ay ka nolaayeen. Qarni cusub ayaa kacaamiyay cod cusub. Dhiig ayaa qulqulay; 1963-kii, qaylo sare ayaa lagu eedaamay. 1965-kii, Malcolm X ayaa la dilay, 1968-kiina, Martin Luther King Jr. ayaa la dilay; oo codkii looma'ooyaanka ayaa la laayay.

"Xusuustii dadkan waxa ay u ekaatay mid gabowday, oo la illoobay—se dhab ahaantii waxa ay ku jireen gudcur, iftiinkii la waayay; oo ah waqti ay geeridu u la ekaatay furaha xorriyadda."

Saddex labood, halyeeyo ayaa u dhacay sidii dhagax culus oo jabiyay markabkii u rarnaa rejada madowga. Ugu danbaynna, markabkii waxa quusiyay murugada iyo xaqiiqda qallafsan."

Bayhoofkaas kolka uu Ray si dareen leh uga sheekeeyo oo uu ku dhex gudbiyo dullankaas xulka erayadiisa, ayaa uu sii raacinayaa riyo dareentaabad badan in uu ka sheekeeyo;

Waxaan doonayaa in aan hadlo;

In aan walaalkay u sheego riyo aan arkay;

riyadan, waa riyo kale oo la mid ah riyadiisii;

riyadii ka hadlaysay xorriyadda, caddaaladda iyo nolosha.

Walaalkay waa dhintay...

Laakiin riyadu ma dhimman!!

Qaylo ayay la sarakaceen dadku,

Iftiin baa hareeraha ka ifaya,

xoog baa is uruursanaya,

waxaan maqlayaa hees,

cod, oohin, iyo orod;

WAANA RIYADA WELI NOOL!!

***

Muusiggii ayaa diryamaya, ka dib sooyaal warran ku saabsan dhabta nolosha madowga iyo tacaddigooda. Heesihiisii xulka ahaa, codkiisii laboodnimada iyo metelaadda laga dhadhansayay ayaa qaadanaya jawiga oo dhan, iyo badhtanka kudladda. Ray, indhool araggiisu durugsan yahay ayaa uu ahaa; mar kalena webi ay erayadiisa ka biyo-dhurtaan ayaa ay ku sifeeyaan madowgu oo ruuxdooda ayaa uu ahaa. Tabtaas ayaa uu fannaanku u leeyahay: dareen lixaad, iyo indho aanu mugdigu dabooli karin araggooda. Sidaas ayaa uu mudane Ray Charles u hagayay oo uu erayadiisa ku garbinayay looma'ooyaanka iyo codkii kacaamiga ee madowga. Sheeko, muusig iyo heeso xul ah ka dib, waxa lagu soo afmeerayaa kudladdii orkaastarada duco wadareed iyo rejo baryid ah;

"Allaha naxariista badanow,

Ka yeel ducadan mid gaadha quluubta dadkayaga.

Ha soo ifbaxo dhul cusub,

Ha dhalato dunida labaad;

Dunidii nabadda,

Oo cirka sare ku xidhan.

Ha curto jiil labaad,

Oo leh adkaysi iyo geesinimo,

Jiil quruxdiisu tahay bogsiin iyo xoog,

Oo silica danbe ku burburiya codkooda iyo dhiiggooda."

Orkaastaradan waa ay dhaafsiisan tahay shaqo-faneed muusig, oo waxa ay ahayd metalaad dhab ah oo isugu dhafan; sooyaalayn iyo baraarujin, taas oo garabgal u ah madowga ku dulman carriga dullaysiga. Nuxurka ugu habboon ee dhacdadu waa in ay cod u noqotay looma'ooyaanka, ka warrantay bayhoofka iyo in, sida oo kale, ay xusuus iyo saadaalinba sheekada Ray ka soo daahirtay. Si kale, Ray sheekadiisa waxaa laga dhadhansanayaa hayb-wareerka haysta nafaha madowga, faquuqa loogu gaysanyo dhulka loo soo daabulay, iyo carruurta halkaasi ku dhalatay oo uu u saadaalinayo rejo hor leh, iyo in codkii kacaamay ee la laayay oo jidkoodii la raacaa ay tahay dawga habboon. Baroordiiqdani waxa ay noqotay mid faaftay, dareen abuurtay oo ay midigta ku qabsadeen harjadayaasha madowga ee ku nool carriga Ameerika. Sidaa Ray ayaa uu ku suntan yahay fannaanka indheergaradka ah ee ku howllan baraarugga bulshadiisa iyo qooraansiga rejada. Tabtaas ayaa uu xaqa ugu eedaamaa fannaaka dhabta ahi, oo uu u metalaa codka looma'ooyaanka.

Tags
Muusig Dhaqan

Qoraallada kale ee qoraaga