Monday 7 September 2026
Waxaa jira filinno kansarka u soo bandhiga halgan ku dhammaada guul ama guuldarro. Waxaana jira kuwo kale oo cudurka ka dhigta marriin lagu ciil kaambiyo laguna kiciyo caadifadda dadka. Hase yeeshee, filinka "Ordinary Love" (Jacayl Caadi Ah) oo la soo saaray sannadkii 2019-kii, ayna wada agaasimeen Lisa Barros D'Sa iyo Glenn Leyburn, halka sheekadiisana uu qoray qoraaga riwaayadaha ee Irish-ka ah Owen McCafferty, ayna jilayaasha ugu waaweyni yihiin Liam Neeson iyo Lesley Manville, wuxuu qaaday waddo ka gadisan.
McCafferty wuxuu sheekada ka soo dheegtay waayo-aragnimadiisii gaarka ahayd intii xaaskiisu la tacaalaysay daaweynta kansarka naasaha. Taasi waxay shaqada siisay daacadnimo muuqata, waxayna ka dhigtay tafaasiisha nolol maalmeedku inay aad ugu dhowdahay nolosha dhabta ah in ka badan in awood la saaro daraamada.
Filinku kansarka uma soo bandhigayo oo keliya dhacdo caafimaad, balse wuxuu u arkaa waayo-aragnimo jiritaan oo dib u qaabaysa xidhiidhka qofku la leeyahay jidhkiisa, dadka uu jecel yahay, iyo timaadadii uu u haystay mid xasilan. Aragtidani waxay la jaanqaadaysaa saykoolajiyadda cudurka, isagoo cudurka u arka dhibaato taabanaysa aqoonsiga qofka, xusuustiisa iyo xidhiidhka uu la leeyahay dadka kale, ee aan ku koobnayn oo keliya jirriinka jidheed. Halkaas ayay shaneemadu, filinka Ordinary Love, noqonaysaa muraayad si qoto dheer uga turjumaysa xaaladda nafsadeed ee bukaanka iyo qofka la jira safarkiisa daaweynta halkaasoo aamusnaantu noqoto mid ka xeel dheer hadalka, tafaasiisha yaryarina waxay noqonayaan qaar ka awood badan milodaraamada.
Bilowga filinku wuxuu ina tusayaa nolol deggan oo ay wadaagayaan lammaanaha Tom iyo Joan. Socod subaxeed, kaftan fudud iyo nolol maalmeed guri caadi ah ayaa siinaya dareen xasilloon. Bilowgii wax digniin ah lagaama siinayo in dunidan deggani is beddeli doonto. Se, marka Joan laga helo kansarka naasaha, dheellitirkii nolosha ayaa dumaya. Nolol maalmeedkii wuxuu isu beddelayaa ballamo caafimaad, sugitaan iyo welwel laga qabo natiijooyinka baadhitaannada.
Hadana, isbeddelka ugu weyn kuma dhacayo bannaanka jidhka, ee wuxuu ka dhacayaa gudihiisa. Qalliinka iyo daaweynta kiimoterabigu waxay beddelayaan muuqaalka jidhka. Waxay sidoo kale beddelayaan sida Joan isu aragto. Muraayaddu waxay isu beddelaysaa goob ay nafteeda kula kulanto, halka timaha daadanaya iyo raadadka qalliinku ay noqonayaan su'aalo xanuun badan oo ku saabsan aqoonsigeeda, dumarnimadeeda iyo dareenkeeda dhammaystirnaanta. Filinku wuxuu si guul leh u sawirayaa mid ka mid ah arrimaha ugu adag ee saykoolajiyadda cudurka, waana jahawareerka jidhka. Bukaanku wuxuu dareemayaa in jidhkii uu sannado badan ku noolaa aanu mar dambe ahayn kii uu yaqaanay, waxaana halkaas ka dhasha qalo u dhaxaysa qofka iyo sawirka uu ka qabo naftiisa.
Saykoolajiyadda bukaanka kansarku kuma eka cabsida dhimashada oo keliya, sida dad badani malayn karaan. Wuxuu gaadhaa shabakad murugsan oo dareenno nafsiyeed ah. Bukaanku marka hore wuxuu la kulmaa naxdinta ogaanshaha cudurka. Dabadeed wuxuu galaa marxalad ay hadheeyeen walaac iyo hubanti la'aan, halkaas oo baadhitaan kasta oo caafimaad uu noqdo dhacdo ay weheliso cabsida sugitaanku. Marka daaweyntu sii socoto, wuxuu wajahayaa caqabado kale sida la qabsiga jidhka is beddelay, cabsida uu ka qabo aragtida dadka kale iyo dareenka ah inuu luminayo xakamaynta noloshiisa. Filinku marxaladahan si toos ah uma kuurgalayo. Se wuxuu daawadayaasha ka dhigayaa inay ku noolaadaan iyagoo raacaya indhaha Joan, aamusnaanteeda, hakadkeeda marka ay muraayadda hor istaagto iyo xidhiidhkeeda cusub ee ay la leedahay jidhkeeda.
Filinku wuxuu waayo-aragnimadan ku sii darayaa dhinac kale isagoo tilmaamaya in lammaanuhu sannado ka hor waayeen gabadh ay dhaleen. Sidaas darteed, cudurku ma galo nolol xusuusta ka madhan. Wuxuu dib u soo nooleeyaa cabsi hore, wuxuuna suurtagalnimada khasaaro cusub ka dhigaa sii socoshada dhaawac hore oo aan weli bogsan.
Ordinary Love kuma koobna un sheekotebin cudur. Wuxuu luuqaddiisa shaneemada u adeegsanayaa sida qalab uu xaaladda nafsiga ah ugu beddelo waayo-aragnimo muuqaal ah oo uu daawaduhu dareemo. Markaa, sawirku keliya ma aha hab dhacdooyinka lagu gudbiyo, balse wuxuu noqonayaa qayb ka mid ah falanqaynta nafsiga ah. Kamaraddu waxay ku tiirsan tahay muuqaallo deggan oo dhaadheer, taas oo wakhtiga siinaysa socod gaabis ah oo la mid ah wakhtiga nafsadeed ee bukaanka ka dib marka cudurka la ogaado. Daawaduhu wuxuu dareemayaa in uu wakhtigu hakad ka galay jilayaasha dhexdooda, halka dunida bannaankeedu sidii caadiga ahayd u socoto. Sugitaanka laftiisuna wuxuu noqonayaa qayb ka mid ah waayo-aragnimada, ha ahaato marinnada isbitaalka ama gudaha guriga.
Iftiinka dabiiciga ah ee qabow ayaa sii xoojiyey dareenkaas. Goobaha caafimaadku waxay u muuqdaan kuwo ka madhan diirranida gacaltooyada. Qolalka sugitaanka iyo marinnadu waxay isu beddelayaan meelo bukaanku qalo ku dareemo, sidii in jidhkiisu uu waayay asturnaantiisii oo uu noqday agab baadhitaan iyo daaweyn loo adeegsado. Goobtu ma sii ahaato oo keliya asalka ay dhacdooyinku ka dhacayaan. Waxay noqotaa milicsiga xaaladda nafsadeed ee jilayaasha.
Labada agaasime waxay sidoo kale si kooban u adeegsadeen muusigga, iyagoo boos weyn u bannaynaya aamusnaanta. Aamusnaantani ma aha madhnaanshiyo. Waa luuqad u gaar ah oo gudbisa waxa jilayaashu ku fashilmaan inay ku cabbiraan hadal. Muuqaallo badan, aamusnaantu waxay ka hadal badan tahay wada sheekaysiga, maxaa yeelay waxay ka turjumysaa daqiiqadaha uu qofku ku adkaado inuu magacaabo cabsidiisa. Waxaan si gaar ah u xusuustaa muuqaalka kalluunka ku jira haanta biyaha oo dhimanaya, Tom-na uu ka saarayo oo ku tuurayo bullaacadda isagoo ooyaya. Muuqaalkaasi wuxuu si qoto dheer u taabanayaa dareenka khasaaraha ama cabsida laga qabo luminta, waana mid ka mid ah muuqaalladii sida dhabta ah ii gilgilay.
Haddii filinku la socdo isbeddellada nafsadeed ee Joan, wuxuu sidoo kale si la mid ah u danaynayaa Tom, oo si lama filaan ah isu arkaya inuu noqday daryeelaha xaaskiisa. Halkaas ayuu cudurku uga gudbayaa bukaanka, wuxuuna taabanayaa qof kasta oo la wadaaga noloshiisa.
Joan waxay la kulmaysaa jahawareer qoto dheer oo ku aadan xidhiidhka ay la leedahay jidhkeeda iyo aqoonsigeeda. Daaweyntu ma beddelayso oo keliya muuqaalkeeda dibadda. Waxay gelinaysaa xaalad kelinimo jiritaan ah, halkaas oo ay ku ogsoonanayso in qofna, jacaylkiisu intuu doono ha le'ekaadee, aanu xanuunka jidheed ka qaadi karin. Kelinimadaasina way sii cuslaataa marka ay si qarsoodi ah u dareento inay culays ku noqotay ninkeeda. Waa dareen ay bukaanno badan oo kansar qaba la kulmaan inta lagu jiro daaweynta dheer.
Filinku wuxuu sidoo kale si sax ah u sawirayaa xaaladda nafsiga ah ee daryeelaha. Tom ma aha bukaanka, balse cudurku wuxuu ku dhex nool yahay tafaasiisha maalin kasta ee noloshiisa kamid ah. Wuxuu qariyaa cabsidiisa, wuxuu liqaa murugadiisa, wuxuuna isku dayaa inuu isu muujiyo qof adag si aanu u sii kordhin walaaca xaaskiisa. Laakiin adkaysigaas muuqda wuxuu qarinayaa daal nafsadeed oo isa soo taraya, maadaama uu la nool yahay daal caadifadeed iyo dareen tabar-darro oo ka dhashay cudur aanu isagu la dagaallami karin.
Fikraddani waxay gaadhaysaa heerkeeda ugu sarreeya muuqaallada u muuqda kuwo caadi ah. Sugitaan aamusan oo marinka isbitaalka ah, caawinta Joan marka ay gashanayso jaakaddeeda, ama labadooda oo baabuurka saaran ka dib kal-fadhi dheer oo kiimoterabi ah. tafaasiishaas yaryari waxay muujinayaan in jacaylku aanu ka muuqan geesinnimada oo keliya, balse uu ka muuqdo awoodda lagu wadaago cabsida iyo joogitaanka dhinaca qofka kale marka ereyadu ay ka gaabiyaan inay qalbi qaboojiyaan.
Ordinary Love wuxuu ka tirsan yahay filinno cudurka ka dhigay aalad lagu fahmo nafta aadanaha. Filinka Still Alice, cudurku wuxuu khatar ku noqonayaa xusuusta iyo aqoonsiga. Amour wuxuu bixinayaa milicsi qoto dheer oo ku saabsan jacaylka marka uu wajahayo gabowga iyo daciifnimada jidhka. Wit wuxuu daaha ka rogayaa farqiga u dhexeeya daaweynta caafimaad iyo daryeelka bani'aadamnimo. Cries and Whispers wuxuu cudurka u adeegsanayaa inuu qaawiyo xidhiidhada qoyska marka dhimashadu soo dhowaato. Halka 50/50 uu ka dhigayo kaftanka hub lagu wajaho cabsida ka dhalata ogaanshaha kansarka.
In kasta oo ay dhammaan shaqooyinkaasi muhiim yihiin, haddana aniga aragtidayda Ordinary Love wuxuu leeyahay gaar ahaantiisa. Sababtu waa inuu ka fogaaday xaaladaha aan caadiga ahayn, isagoo diiradda saaraya waxa ay la kulmaan bukaannada badankoodu iyo qoysaskoodu. Ma soo bandhigayo geesiyaal, mana abuurayo musiibooyin waaweyn. Wuxuu si deggan ula soconayaa sida cudurku dib ugu qaabeeyo tafaasiisha ugu fudud ee nolosha iyo sida jacaylka maalinlaha ahi ugu beddelmo nooc ka mid ah iska-caabbinta nafsadeed.
Inkasta oo cudurku ka muuqdo tiro filinno Carbeed ah, haddana kansarku weli ma helin falanqayn nafsadeed iyo jiritaan oo xeel dheer sida aan ka helno qaar ka mid ah filinnada caalamiga ah. Marar badan cudurka waxaa loo adeegsaday qalab lagu dhaqaajiyo sheekada, halka waayo-aragnimada gudaha ee bukaanka iyo qoyskiisu ay ahayd mid aan si weyn loo muujin.
Si kastaba ha ahaatee, shqneemada Carabtu waxay soo bandhigtay isku dayo muhiim ah oo lagu taabanayo dhinaca bani'aadamnimo ee cudurka. Filinka Asmaa ee uu agaasimay Camr Salama, isla markaana ay jileyso Hend Sabri, wuxuu soo bandhigayaa dhibaatada bukaanka marka ay wajahayso cabsi, takoorka bulshada iyo kelinimada. Sidoo kale, filinka Biik Naciish ee uu agaasimay Mehdi Barsawai wuxuu bixinayaa akhris saamayn leh oo ku saabsan saamaynta cudurku ku yeesho qoyska iyo sida dhibaato caafimaad ay dib ugu qaabayn karto xidhiidhada qoyska. Tijaabooyinkan oo kale waxay caddeynayaan in shaneemada Carabtu awood u leedahay inay cudurka ka eegto dhinac nafsadeed, balse weli waxay u baahan tahay shaqooyin kansarka ka dhiga mawduuc lagu milicsado bani'aadannimada, bedelka dhacdo sheekotabin oo keliya.
Ordinary Love wuxuu muujinayaa in kansarku aanu beddelin jidhka oo keliya. Wuxuu dib u qaabeeyaa xidhiidhka qofku la leeyahay naftiisa iyo dadka ku xeeran. Iyadoo la adeegsanayo sheeko fudud iyo luuqad shaneemo oo aad u xasaasi ah, filinku wuxuu daawadaha u soo dhoweeyaa dunida gudaha ee bukaanka, cabsida uu la nool yahay lammaanihiisu iyo aamusnaanta labadooda ku wehelinaysa safarka daaweynta. Qiimaha dhabta ah ee shaqadani waxay ku jirtaa inaysan bixin cashar caafimaad oo ku saabsan kansarka, isla markaana aysan raadin geesinimo aan caadi ahayn. Waxay wejigii bani'aadamnimo siisay waayo-aragnimo ay malaayiin qof la nool yihiin. Halkaas ayay shaneemadu ku gaadhaa mid ka mid ah shaqooyinkeeda ugu sarreeya: inay naga dhigto inaynaan keliya fahmin xanuunka dadka kale, balse aan dareen ahaan ula wadaagno, oo aan garawsanno in taageerada ugu xooggan mararka qaarkood ay noqon karto aamusnaan la wadaago, gacan gacan kale qabata, ama jacayl sii wada la dagaallanka cudurka maalinba maalinta ka dambaysa.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.