Friday 12 December 2025
Si ay ka muuqato isku-day cad ah oo lagu furdaaminayo marinhabaabinno ay qayb ka ahayd xukuumaddu, waxa uu Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, qaaday tallaabo ku qasabtay shirkadaha kooban ee awoodda badan in ay hakiyaan kor u qaadis ay ka wada shaqeeyeen oo ay ku sameeyeen qiimaha adeegyada isgaadhsiinta. Arrintan, oo ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu isku dayday in ay been ka sheegto caddeymo muuqday si ay u cabbudhiso diidmada dadweyne, ayaa dibedda keenaysa sida ay hay’adaha dawladdu u nugul yihiin, iyo sida ay xukuumaddu diyaarka ugu tahay in ay ilaaliso danaha shirkadaha kana hormariso danaha shacabka.

Waxa ay dhibaatadani bilaabantay markii ay saddexda shirkadood ee u waaweyn isgaadhsiinta Somaliland – Telesom, SOMTEL, iyo Soltelco – ay 9-kii Ogos, si isku mar ah, u fuliyeen kordhinta qiimaha adeegyada internetka iyo telefoonada gacanta. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa, isla markiiba, taageertay kordhintaas isku duuban, iyada oo bayaan ay soo saartay ku sababeeysay in loo baahan yahay “adeegyo tayo leh”, arrintaas oo, dhab ahaan, ka dhigan in ay shaabbad ku dhufatay wax ay macaamiishu u arkayeen sicir-ku-ciyaar ay sameynayaan shirkadahan waaweyni.

Markii muwaadin lagu magacaabo Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) uu 10‑kii Ogos u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha codsi rasmi ah oo uu ku dalbanayo oggolaansho iyo ogeysiis bannaanbax nabadeed oo lagaga soo horjeedo kordhinta qiimaha, waxa ay Wasaaraddu ku jawaabtay beenin cad oo ay ku dafirtay codsigaas, iyada oo ku doodday in aanay helin wax codsi ah. Si ay u sii xoojiso marinhabaabinta, waxa ay isla markiiba faafisay sawirka warqaddii codsiga ahayd ee Dafac oo lagu dhejiyay qoraal cas oo leh “WAA BEEN-ABUUR”, arrintaas oo si toos ah uga hor imanaysa sheegashadoodii ahayd inaanu jirin wax codsi ah oo soo gaadhay.
Sheegashooyinkaas isburinaya ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, taas oo dhalisay dhaleecayn ballaadhan oo ku aaddan waxa loo arkay been-abuur ay Wasaaraddu sameysay, isla markaana keenay su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan xidhiidhka dawladda iyo oligaarkiyada shrikadaha isgaadhsiinta.
Kaddib cadaadis bulsho oo isa soo taray iyo wasaaradda oo ay muuqatay in aanay run sheegin, Madaxweyne Cirro ayaa la kulmay madaxda fulinta ee saddexda shirkadood ee isgaadhsiinta, waxaanu ku dhawaaqay in kordhinta qiimaha la hakiyay muddo aan go’nayn. “Madaxweynuhu waxa uu dhegeystay walaaca shacabka,” ayaa uu yidhi Afhayeen u hadlay Xukuumaddu. Ha se ahaato e, Afhayeenku si cad ayaa uu uga muquurtay in uu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan been-abuurka wasaaradda lagu eedeeyay oo ahayd tallaabo aan la difaaci karin oo aanay weli xukuumaddu ka bixin sharraxaad, kana qaadin tallaabo isla-xisaabtan ah.
Ka-noqoshadani waxa ay ka dhigan tahay dib-u-gurasho weyn oo ay sameeyeen shirkadaha iyo wasaaradaha xukuumadda ee markii hore taageeray kordhinta qiimaha. Dadka la socda ganacsigani waxa ay arkayaan in tallaabooyinkan qiima-kordhinta ee ay ka mideysan yihiin saddexda shirkadood ee ugu waaweyni ay tahay mid aan hore loo arag oo tilmaamaysa in si laxaad leh looga tashaday, dawladduna la ogeyd.
In Xukuumaddu, bilowgii, doonaysay in ay taageerto kordhinta qiimaha, isla markaana cabbudhiso mudaharaadku ma ahayn wax cidlo ka dhashay. Waxa ay ku qotontaa shabakad dhaqaale oo qotodheer iyo xidhiidho shakhsi oo madmadow galinaya xadkii kala soocayay ciddii ay ahayd in la xakameeyo iyo ciddii xakameyn lahayd.
Saddexda shirkadood ee ku lug leh qiimo-kordhintan mideysani waxa ay hoos yimaaddaan qaar ka mid ah kooxaha ganacsi oo ugu waaweyn Somaliland. SOMTEL waxa si buuxda u leh Dahabshiil Group, halka Telesom ay ku hoos shaqeyso dalladda guud ee Hormuud Group. Labadan shirkadood ee dhalay shirkadahani waxa ay saamiyo laxaad leh ku leeyihiin, ama wada leeyihiinba, bangiyada, xawaaladaha, hantida ma-guurtada ah, korontada iyo gaadiidka, waxayna noqdeen oligaarkiyo ganacsi oo xuurteystay suuqa, isla markaana saameyn ku leh dhinac kaste oo ka mid ah dhaqaaleha Somaliland.
Sida ay hore u baahisay Somaliland Chronicle, bandhigyadii saamiyada ee SOMTEL, sannadkii 2021, ayaa eedo badan dhaliyay, kaddib markii ay maalgashadeyaasha saartay 20% oo ah ‘khidmadda adeegga’ kuna fashilantay in ay bixiso xogaha maaliyadeed ee aasaasiga ah ee caadi ahaan loo baahan yahay markii la bixinayo saamiyo la shaaciyay. Shirkaddu waa ay diidday in ay bixiso soo bandhiggii la isla yaqaannay ee xogta; sida qiimeynta shirkadda, xogta macaashka, ama wadarta guud ee saamiyada la siiyay dadweyneha – waa hab dhaqanno ka dhigan khiyaamo marka la joogo suuqyada ay xakameeyaan sharciyadu.
Suuqa isgaadhsiinta Somaliland waxa uu ku shaqeeyaa xaalad ay aad u yar tahay xakameyntu; shirkaduhu waxa ay awoodaan in ay si wadajir ah u gooyaan qiimaha waxana ay sameyn karaan dhaqanno ganacsi oo ay faragalinta dawladdu aad ugu yar tahay. Dadka ganacsigan u dhuundaloolaa waxa ay qabaan in jiritaan la’aanta hay’ado xakameeya oo madaxbannaani ay ka dhigayso ilaalintii macaamiisha mid aan suuragal ahayn, gaar ahaan marka ciddii xakameyn lahayd ay u afduuban tahay ciddii la xakameyn lahaa.
Haddii dib loo eego magacaabisaha Xukuumadda ee waqtigan, waxa muuqanaysa sida ay shirkadaha isgaadhsiinta ee awoodda badani u qabsadeen hay’adaha dawladda, iyaga oo dad la soo shaqeeyay ku leh xilalka Dawladda. Wasiirka Madaxtooyada ee haddu waxa uu hore uga shaqeyn jiray Telesom, Madaxa Hay’adda Sirdoonka Somaliland waxa uu hore uga shaqeyn jiray Dahabshiil, Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu ka soo shaqeeyay SOMTEL oo ah shirkadda isgaadhsiinta ee Dahabshiil leedahay, Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee WADDANI, isna, waxa uu hore u la soo shaqeeyay Dahabshiil.

Hannaankani waxa uu, sidoo kale, ku baahsanaa in badan oo ka mid ah xukuumadihii hore oo ay dad hore uga soo shaqeeyay Dahabshiil iyo Telesom ay qabteen xilal sarsare oo xukuumadeed oo ay ku jiraan maaliyadda, siyaasadda isgaadhsiinta iyo korjoogteynta maamul. Natiijadu waxa ay noqotay xukuumad ay dadka go’aanka u gaadhayaa yihiin kuwo, inta badan, go’aannadoodu saameynayaan ciddii hore u shaqaaleysiisay, ama ay markaa shuraako yihiin, lagana yaabo in ay mustaqbalka dib u shaqaaleysiin doonaan.
Mas’uuliyiinta xukuumadda oo arrintan laga la xidhiidhay ayaan ka jawaabin su’aalaha ku saabsan isdiiddooyinka daneed (conflicts of interest) ee arrintan ka suuragalka ah, siyaasadaha xeerinta isdiiddooyinka daneed, iyo in ay jiraan xidhiidho maaliyadeed oo dadka xilalkan hayaa weli la leeyihiin ciddii ay hore ugu shaqeyn jireen.
Hannaankii ugu dambeeyay, lagana yaabo in uu yahay midka ugu dhagarta badan, ee qabsashada dawladdu waa mid lacageed: Xukuumadda Somaliland waxa ay si qotodheer ugu daymeysan tahay isla shirkadahaa awoodda badan ee ay, dastuur ahaan, u xilsaarnayd in ay xakameyso.

Sida ay tilmaamayaan ilo maaliyadeed, waxa ay shirkadahan isgaadhsiinta, iyo shirkadaha dhalayba, u shaqeeyaan sidii daymiyeyaal waaqici ah oo ay mar kaste ku baxsato xukuumadda oo ay mar kaste lacagtu ku yar tahay. Xidhiidhkan is-daymineed ma aha, keliya, isdiiddooyin daneed e; waa farsamada ugu weyn ee ay shirkadahani uga faa’iideystaan siyaasadda dawladda. Isku-day kaste oo dhab ah oo si run ah loogu xakameynayaa, haddii ay tahay in la dhaqangaliyo tartanka hufan, in la soo rogo ganaaxyo, ama in la xannibo qiime-goynta mideysanba, waxa ku lammaan khatar aargoosi oo shirkadaha kaga timaadda.
Xukuumaddu waxa ay, mar kaste, waajahaysaa khatar ka imanaysa in deyn-bixiyeyaasheeda ugu waaweyni ay joojin karaan daymintii ama u diidi karaan in ay maalgeliyaan mustaqbalka, taas oo galin karta qalalaase maaliyadeed. Arrintani waxa ay dawladdii ka dhigaysaa mid aan u madaxbannaaneyn xakameynta ee u qafaalan, kuna qasban, dalabaadka maaliyadeed ee cidda qaanta ku leh, in ka badan inta ay eegi karto xaaladda dhaqaale ee muwaaddiniinta. Marka arrintan lagu daro nidaamka isufuranka ee hawlwadeennada oo aan kor ku sharraxnay, waxa ay ku-tiirsanaanta maaliyadeed dhammeystiraysaa giraan dhammeystiran oo aan la jabin karin oo ah ‘qabsasho’. Xukuumadda waxa ka shaqaynaya hawlwadeenno ka soo wareegay isla shirkadahan awoodda badan. Nidaamka sidaas ah, xakameyntu kuma adka oo qudha e, waa mid aan qaab-dhismeed ahaan suuragal ahayn, in la isla xisaabtamaana waa fekrad aan la dhaqangalin karin.
In kaste oo ay jiraan arrimo dastuuri ah oo waaweyn oo ka dhashay in ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka beensheegtay caddeyntii muujinaysay in uu muwaaddin u gudbiyay, si uu u guto xaqa uu u leeyahay in uu muddaharaado, haddana ma jiro wax baadhitaan ah ama dhegeysi ah oo ka soo baxay Baarlamaanka kuna saabsan arrintan. Xildhibaannada mucaaradka, ee inta badan dhaliila talada xukuumaddu, weli kama ay bixin wax war ah oo ku saabsan beenta wasaaraddu ka sheegtay xuquuqdaa aasaasiga ah.

Warbaahinta ugu waaweyn, iyaguna, waxa ay eedahan been-abuurka la xidhiidha uga hadleen si aad u kooban, iyaga oo diirradda saaray, keliya, in la hakiyay qiimihii la dallacay, halkii ay ka warrami lahaayeen isku-daygii xukuumadda ee in ay dambi ka dhigto ‘diidmo’ xaq ah . Dhawr wariye oo aannu arrintan kala xidhiidhnay ayaa diiday in ay faallo ka bixiyaan go’aanka warbaahintooda ee tabinta arrintan, taas oo muujinaysa saameynta qotada-dheer ee ay shirkadahan waaweyni ku leeyihiin hay’adaha warbaahinta.
Dhacdadani waxa ay muujinaysaa wax ka badan dhibaato ka dhex jirta nidaamka maamul ee Somaliland; waxa ay bannaanka keenaysaa sida loogu wacadfuro mabaadi’da dimuqraaddiga ah ee hoggaamiyeyaashu ay difaaciddooda ku soo dhisteen magac iyo taageeraba.
Madaxweyne Cirro waxa uu dhaxlay nidaam ay tobaneeyo sannadood caadi ka ahayd isu-furanka hawlwadeennada oo u kala wareega shirkadaha waaweyn iyo xukuumadda. Ha se ahaato e, in maamul uu hogaaminayo xisbi sannaddo badan ku kasbaday taageero dadweyne in uu abaabuli jiray bannaanbaxyo uu kaga ka‑horyimaaddo xadgudubyada xukuumadda, uu isu rogo mid cabbudhinaya isla xuquuqihii waxa ay ka dhigan tahay wacad-fur badheedh ah oo kacay mabaadi’dii siyaasadeed.
Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani waxa ay sannado badan iska dhigayeen in ay hormuud u yihiin u-ololeynta xuquuqaha dastuuriga ah, abaabulidda mudaharaadyo iyo is-hortaagga xadgudubyada dawladda. Waxa ay ku dhiseen magacooda siyaasadeed muqaddasnimada xaqa ay muwaaddiniintu u leeyihiin in ay si nabad ah isugu soo baxaan una mucaaridaan. Hadda oo ay awoodda hayaan, waxa uu maamulkoodu isticmaalayaa dafiraadda caddeymo muuqda waxana uu ku hanjabayaa in uu cunfi dawladeed isku hortaago muwaaddiniin dalbanaya isla xaqii ay mar ku sheegi jireen mid muqaddas ah.
Awooddii ay dadweynuhu ku fashiliyeen dafiraaddii wasaaradda, iyaga oo adeegsanaysa baraha bulshada waxa ay muujinaysaa sida tiknoolajiyadda macluumaadku ay weli xakame ugu noqon karto awoodda xukuumadda, xitaa haddii ay shirkadaha isgaadhsiintu doonayaan in ay kordhiyaan qiimaha isla adeegyadaas. Waa maad dhab ah e, isla adeegyada la doonayay in lagu qaaliyeeyo ayaa ay shacabku u adeegsadeen in ay ku qaawiyaan isku-daygii xukuumadda ee loogu talagalay in lagu difaaco qaaliyeyntii ay shirkaduhu sameeyeen.
In kasta oo ka noqoshada kor u qaadista qiimuhu ay muujinayso in cadaadiska dadweynuhu uu weli saameyn karo go’aannada xukuumadda, haddana waxa ay dhalinaysaa su’aal aasaasi ah oo ah; maxaa keenay in laga baaqsan waayo cadaadis dadweyne oo noocaas ah si loo xalliyo wax ay ahayd in marka horeba ay jiraan hannaan lagu xakameeyaa – waa haddii aanay haddaankiiba qabsadeen isla shirkadihii ay ahayd in uu xakameeyo.
Arrintani waxa ay iftiiminaysaa xaqiiqada Xukuumadda Somaliland oo noqotay nidaam ay koox yar oo ganacsi oo isku xidhani ay si weyn ugu taliyaan hay’adaha dawladda, iyaga oo adeegsanaya ku-tiirsanaanta maaliyadeed, shakhsiyaad lagu darsado xukunka, iyo in ay si nidaamsan u qabsadaan hay’adihii xakameyn lahaa.
Dhacdadan isgaadhsiintu waxa ay u badan tahay in ay tahay keliya figta qudha ee ka muuqata buur baraf ah oo bad ku qarsoon. Haddii ay wasaaradihii xukuumaddu u marayaan dafiraad cad si ay u difaacaan qiime kordhin ay ku heshiiyeen shirkadaha isgaadhsiintu, ka warran danaha ganacsi ee kale ee ay leeyihiin shrikadaha waaweyni oo ay xukuumadduna diyaar u tahay in ay ku difaacdo marinhabaabin iyo awoodda dawladda?
Dhacdadani waxa ay u tahay Madaxweyne Cirro fursad siyaasadeed iyo imtixaan shakhsiyadeed, labadaba. Taageerada dadweyne ee uu ku helay faragelintan uu sameeyay waxa ay siin kartaa raasamaal siyaasadeed oo lagu wajaho arrimaha qaab‑dhismeedka ah ee foolxumooyinkan suurtagaliyay. Su’aashu waxa ay tahay, haddaba, Madaxweynuhu ma ka faa’iidaysan doonaa xilligan mar-la-aragga ah ee uu jiro baraarugga dadweyne, si uu u furdaamiyo nidaamka oligaarkiyada ganacsi ee wiiqaya xukuumadda, mise waxa uu ku eekaan doonaa maaraynta hal foolxumo oo ah tallaabadan ay shirkaduhu qaadeen hadda, isaga oo iskaga tagaya arrinta aasaasiga ah oo ah qabsashada awoodda?
Dhacdadani waxa ay ka tagaysaa arrimo dhawr ah oo muhiim ah oo u baahan in la xalliyo una sii baahan baadhitaanno joogto ah:
Ma jiri doonaan mas’uuliyiin dawladeed oo dafiraad ay ku sameeyeen xuquuq dastuuri ah oo muwaaddin kala kulma cawaaqibteeda?
Maxaa u sabab ah aamusnaanta Baarlamaanka ee ku aaddan xadgudubka cad ee lagu la kaco dhaqankii dimuqraaddiyadda?
Maxaa ay yihiin go’aannada kale ee siyaasadeed oo ay saamayn ku yeesheen xidhiidhada maaliyadeed ee shirkadahan iyo xukuumaddu?
Illaa intee ayaa ay gaadhsiisan tahay shakhsiyaadka ay xilalka xukuumadda u geysteen shirkadahan waaweyni?
Madaxweyne Cirro ma u adeegsan doonaa raasamaalkiisa siyaasadeed ee dhacdadan in uu wax ka qabto awood-qabsashadan nidaamsan, mise saamayntii shirkaduhu waxa ay u sii jiri doontaa sidii hore?
Shirkadaha isgaadhsiintu weli ma ay sharrixin sababta iyo sida ay ugu heshiiyeen qiime kordhintan, mana ay ka jawaabin su’aalaha ku saabsan xidhiidhada qotada dheer ee ay la leeyihiin masuuliyiinta xukuumadeed. Aamusnaantooda oo ay weheliso dafiraaddii xukuumaddu, waxa ay muujinaysaa koox awood leh oo kalsooni ku qabta in cadaadiska dadweyne ee kumeel‑gaadhka ahi uu iska shiikhi doono, halka dheefta ay ku qabaan qaab-dhismeedka jirana ay sideeda sii ahaan doonto.
Su’aasha weyn ee hortaal Somaliland waxa ay tahay: ma badbaadi karaan hay’adaha dimuqraaddiga ahi, marka ay shirkado waaweyni gacan dhaqaale oo fog iyo hawlwadeennaba ay ku leeyihiin hay’adaha dawladeed? Dhacdooyinkii toddobaadkani waxa ay soo jeedinayaan in nidaamka hadda jiraa aanu hawshaas tahli karayn.
Haddii aan baraarugga dadweyne ee maanta jira loo beddelin fursad dib‑u‑habayneed oo nidaamsan, laguna hagaajinayo xidhiidhka u dhexeeya awoodda shirkadaha iyo maamulka dawladda, waxa lagama-baaqsadaan ah fadeexooyin sidan oo kale ah. Shirkadaha awoodda badan ee doonayay in ay kordhiyaan qiimaha adeegyada telefoonka, iyada oo weliba dambi laga dhigayo in laga mudaharaado waxa keliya ee ay sugayaan waa in dareenka dadweyne dego, si ay haddana meel kale uga fadkudiyaan.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan