Monday 7 September 2026
Inkasta oo bandhiggiisii ugu horreeyay ee filinka taariikhiga ah ee miisaaniyadda weyn “The Odyssey” oo uu soo saaray agaasimaha Maraykanka ah ee Christopher Nolan, uu ku guulaystay in uu adduunka oo dhan ka sameeyo rikoodho cusub oo xagga dakhliga ah (box office) haddana isla jeerkaas wuxuu baraha bulshada, saxaafadda iyo sidoo kale caamada Giriigga ka dhex abuuray falcelinno kala duwan. Iyadoo isticmaalayaasha baraha bulshadu inta badan ku mashquulsan yihiin qiimaynta go’aanka agaasimuhu ku doortay atariisho maqaar madow si ay u matasho doorka Helen of Troy, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiin Giriig ahi muujiyeen sida ay uga xumaadeen maqnaanshaha jilayaal dalkooda u dhashay, iyagoo aaminsan in agaasimaha Maraykanku uu si xad-dhaaf ah xadhkaha u goostay wax-ka-beddelka sheekada asalka ah.
Dhinaca kale, mas’uuliyiin kale oo Giriig ah ayaa xusuusiyay in “Odyssey” aanu ahayn dhacdo taariikhi ah oo la hubo, balse uu yahay uun hal-abuur suugaaneed ka warramaya tacaburrada geesiyaal halyeeyo ah. Waxay sidoo kale tilmaameen in xitaa sheegashada ah in shaqadan uu qoray Homer aanay cilmi ahaan si dhab ah loo xaqiijin, isla markaana weli tahay arrin muran iyo dood leh oo ka dhex taagan aqoonyahannada taariikhda iyo mitoolajiga.
Dhinaca kale, khubaro iyo naqdiyayaal badani kuma raacsana dhaleecayntan. Waxay ku doodayaan in Homer laftiisu aanu si toos ah u sifayn jidhka Helen, balse uu ku ekaaday adeegsiga weedho guud oo tilmaamaya qaar ka mid ah muuqaalkeeda, sida “timo qurux badan” (kallikomos), “waji qurux badan” (kallipareios) iyo “dhar qurux badan xidhan” (tanypeplos). Tafaasiisha keliya ee si gaar ah uga hadlaysa jidhka Helen ee ku jirta qoraallada gabayga Homer waa “laba cududood oo jilicsan oo caddaan ah” (leukoenos). Halkan waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso inay jiraan sawirro ku xardhan weelal Giriigii hore ah oo loo yaqaanno amphora, kuwaas oo farshaxan-yahannadii sameeyey ay ku andacoodaan inay yihiin sawirrada Helen of Troy, balse dhab ahaantii ah wax aan ka ahayn sawirro ka dhashay mala-awaalka farshaxamiistayaal. Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahannada iyo mas’uuliyiinta dawladda Giriiggu waxay xaqiijinayaan inaan labada gabay ee “Iliad” iyo “Odyssey”, ee loo nisbeeyo Homer, loo arki karin dukumentiyo taariikhi ah. Waxay yihiin oo keliya laba shaqo suugaaneed oo ka sheekaynaya geesiyaal uu qoraagu hal-abuuray.
Dhinaca rasmiga ah, wasiiradda dhaqanka ee dawladda Giriigga, Lina Mendoni, ayaa tiri: “Dawladdu marnaba waa inaysan hal-abuurayaasha u yeedhin sida ay dhinaca fanka ugu fasirayaan shaqo ama mala-awaal.” Waxay wasiiraddu sii raacisay: “In xitaa la is weydiiyo suurtagalnimada in ay dawladdu faragelin ama faafreeb ku samayso shaqada agaasimaha Christopher Nolan waa arrin gebi ahaanba aan dhab ahayn.”
Dhanka kale, turjumaanka caanka ah ee qoraallada Giriiggii hore, Daniel Mendelsohn, ayaa difaacay go’aanka Christopher Nolan ee ahaa inuu atariisho madow u doorto doorka Helen of Troy. Wuxuu tallaabada agaasimaha ku tilmaamay mid mudan ammaan iyo qaddarin, maadaama ay awoodday inay “dood iyo caqabad abuurto, isla markaana nagu dhiirrigeliso inaynu si qoto dheer uga fekerno fahamkeenna ku aaddan quruxda iyo sawraca.” Si kastaba ha ahaatee, Mendelsohn wuxuu dhaleeceeyay agaasimaha qaabka uu u sawiray dabeecadda Odysseus, isagoo sheegay inay ka maqan tahay “kaftankii iyo soo jiidashadii ay wehelinayeen xeeladda iyo dhagar-dhaadashada”, kuwaas oo ahaa astaamo uu Homer marar badan ku celcelin jiray marka uu ka hadlayo geesigan.
Shabakadda ABC News ayaa Daniel Mendelsohn ka soo xigatay inuu yidhi: Dabeecadda Odysseus ee filinka Nolan waxay u muuqataa mid silic iyo saxariir badan oo culayska dambigu saaran yahay, kana madhan yahay kaftankiisii, fahmaddiisii degdegga ahayd, soo jiidashadii iyo xeeladihiisii. Odysseus waxaa loo dhisay sida milicsiga dabeecadda Batman, ama dabeecadda Oppenheimer, (waa laba shakhsiyadood oo ka soo muuqday filimadii hore ee Christopher Nolan) kuwaas oo labaduba la ildarnaa xanuun joogto ah oo ka dhashay in ay ka daba yimaadaan oo ay la halgamaan khuukhdii tagtada, iyagoo hadda siyaabo kala duwan ugu dagaallamaya sidii ay uga xoroobi lahaayeen xanuunkaas.
Dhanka fagaaraha bulshada, wakiillo ka tirsan jaaliyadda Giriigga ee Maraykanka, oo ay weheliyaan kooxo siyaasadeed oo muxaafid ah, ayaa muujiyay niyad-jab ay ka qaadeen agaasimaha Hollywood-ka. Waxay soo saareen warqad furan oo ay ku caddeeyeen in Giriiggu aanu ahayn oo keliya raad ka hadhay waayihii duugoobay, balse uu yahay qaran nool oo casri ah. Warqadda waxay ku muujiyeen sida ay amakaag ugu noqotay ugana xumaadeen inaan hal jilaa oo Giriig ah lagu darin kooxda jilayaasha filinka. Warqaddu waxay sii waday: “Doodaha ka socda ee ku saabsan hal-abuurka ‘Odyssey’, qaar waxay qabaan in sheeko xariirooyinku yihiin hanti ay dunidu wada leedahay, sidaas darteedna aan lagu koobin xuduudo dhaqan oo gaar ah. Qaar kalena waxay qabaan in kala-duwanaanshaha jilayaashu uu ka turjumayo dabeecadda daawadayaasha caalamiga ah ee maanta, beddelka isku-day lagu dhawrayo saxnaanta taariikheed.” Qorayaasha warqaddu waxay intaas ku dareen: “Waan fahamsannahay aragtiyadan, se caalamiyeynta shaqo faneed macnaheedu ma aha in laga go’o xididdadeeda.”
Iyadoo laga hadlayo maqnaanshaha jilayaasha Giriigga, warbaahinnada maxalliga ahi waxay tilmaameen in dawladda Giriiggu qayb ka qaadatay maalgelinta filinka, iyadoo siisay 6.5 milyan oo yuuro oo ka mid ah miisaaniyadda barnaamijka taageerada ee ay dawladda Giriiggu bilowday sannadkii 2017-kii. Barnaamijkan wuxuu dhigayaa in dawladdu bixiso qayb ka mid ah kharashaadka soo saarista shaqo kasta oo filin ah oo gudaha dalka lagu duubo.
Xisbiga NIKI, oo ah xisbi yar oo mucaarad ah oo leh aragtiyo diimeed mayal adag, ayaa ka horyimid doorashada atariisho madow oo matasha doorka Helen of Troy. Wuxuu sidoo kale xisbigaasi ka mudaharaaday in lacag dawladeed lagu bixiyo soo saarista filinka, isagoo sheegay in cashuur-bixiyeyaasha Giriigga lagu khasbayo inay maalgelin ku sameeyaan siyaasadda dawladda ee loogu talagalay in taariikhda iyo sawraca dhaqameed ee Giriigga lagu soo rogo “aydhiyoolajiyad horumarineed.” Hoggaamiyaha xisbiga Dimitris Natsios ayaa yidhi: “Iyadoo dawladda Giriigga, oo isu tilmaanta waddaniyad, ay sii waddo taageeridda jihayn kasta oo horumarineed, haddana waxay isku dayaysaa inay aamusiiso oo cabbudhiso hindise kasta oo muujinaya aqoonsigeenna qaran.”
Si guud, falanqeeyayaashu waxa ay filinka ku tilmaameen in uu yahay “filinkii ugu fiicnaa ee Christopher Nolan.” Sagaashan ka mid ah boqol falanqeeye oo ku jira madasha Rotten Tomatoes ayaa taageerayaasha shaneemada kula taliya inay daawadaan. Halka wargeyska The Economist uu shaqada ku tilmaamay filin doqonnimo wata oo halyey taariikhi ah oo astaamo kalaasik ah leh u beddelay wiil casri ah, dhanka falanqaysadda filimada ee majaladda Forbes, Tamara Khudova, waxay aaminsan tahay in filinku noqon doono dhacdada shaneemada ugu weyn ee sannadkan: “Waa filin baaxad weyn oo cajiib ah. Kooxdiisu waxay ku wareegeen ku dhowaad kala badh dalalka Koonfurta Yurub, waxayna tageen Ayslan iyo Biritan. Waxay dhiseen magaalo dhan, waxayna sameeyeen ‘faraskii alwaaxda ahaa ee Troy’. Waxay badweynta dhexdeeda ku duubeen muuqaallo ay adeegsanayaan maraakiib alwaax ah oo dhab ah. Runtii waa filin aan innaba caadi ahayn oo si dhab ah sooc ah…”
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.