Monday 24 March 2025
Haddii qof i wayddiiyo sidee ayaa aynnu casrigeennan isu maamulnaa, oo aynnu u maaraynnaa nolosha aynnu wadaagno? Waana noocma nidaamka inoo suurogalinaya in aynnu wada noolaanno, oo bulsho abuurno? Waxa aan qiyaasayaa in jawaabtu sidan soo socota tahay: bulshooyinka maanta waxa maamula xukuumado leh awood ballaadhan, oo aan dunida hore uga jirin, nolosheenana awooddaas maamul ku saameeya. Shaqada xukuumaddu kuma koobna ilaalinta aasaasiga ah ee xubnaha bulshada iyo hantidooda, ee waxa ay nidaamisaa nolosheenna dhinac walba, iyada oo habab kala duwan u maraysa. Tusaale ahaan, waxa ay maamushaa qaababka aynnu u shaqaysanayno iyo habraaca la marayo, waxa ay gacanta ku haysaa sida dadku isu la xidhiidhayaan, waxa ay go’aamisaa sida aynnu u socdaalayno, xitaa waxa ay maamushaa sida aynnu carruurteenna u barbaarinayno. Xidhiidhka xukuumaddu la leedahay bulshadeedu kuma koobna waajibaadkaas ay kusoo rogto, ee dhinaca kalena waxa ay bixisaa adeegyo badan, sida daryeelka caafimaad, waxbarasho, gaadiid, jidad, guryo, beero nasasho, matxafyo, iyo goobo jimicsi iyo madadaalo. Dawlad kasta kuma guulaysato in ay waxqabadyadan fuliso, se haddana ma jiro qof xilligan dooranaya in uu ku noolaado deegaan bilaa dawlad ah, mana jiro qof raba in uu dawlad guuldarraysatay hoos joogo.
Nidaamka dawladeed ee aynnu xilligan naqaannaa waa arrin ku cusub sooyaalka aadamaha. Beryihii hore bulshooyinku qaab sidan hadda aad uga kooban ayaa ay isu nidaamin jireen. Tusaale ahaan, bulshooyinka beelaha ah, waxa taladooda gacanta ku hayay odayada beesha, oo khilaafyada xalin jiray, waxii dhaqan ahna looga dambayn jiray. Xitaa markii bulshooyin badan oo nidaam ama boqortooyo hoos tagaa soo baxeen, sida casrigii boqortooyadii Haan ee Shiinaha (202 miilaadiga ka hor ilaa 221-kii miilaadiga), ama bulshooyinkii Yurub ee qarniyadii dhexe noolaa, haddana ma jirin nidaam leh tilmaamaha dawladnimada maanta la yaqaan. Berigaas hore, taladu waxa ay gacanta ugu jirtay boqorka, balse shaqooyinka maalinlaha ah maamullo hoose oo aanu soo faragashan ayaa nidaamsan jiray. Xukuumaduhu, qarniyadii hore, saamayn weyn kuma ay lahayn nolosha muwaaddiniinta ku hoos nool, oo ma ay bixin jirin adeegyo muwaaddiniinta wada gaadha, sida aynnu maanta naqaan.
Dawladnimadu xilligan waxa ay noqotay lagama maarmaan, cidna dood kama keento lagama maarmaannimada jiritaanka maamul awood leh, oo bulshada maamula. Taas beddelkeeda, waxa laga doodaa wayddiimaha ah: yaa mudan in uu maamulka qabto? Sidee ayaa uu ku helayaa sharciyadda maamulka?
Dhalashada dawladnimada cusub, oo reer Galbeedka kusoo horraysay, ka dibna dunida kale oo dhan gaadhay, waxa ay ka dhalatay gorfayntii falaasifada siyaasadda, oo shantii qarni ee u dambeeyey wax iska wayddiinayey maamulka iyo dawladnimada. Haddaba, in xukuumadi sheegato in ay nolosheenna u talinayso, maxaa sharciyeynaya sheegashadeeda? Goorma ayaa ay faragelinteedu sharci tahay? Se ilaa heer intee le’eg ayaa ay muwaaddiniinta waajib ku tahay in ay u hoggaansamaan? Su’aalahan ayaa mudan in laga jawaabo, ka hor intaan laga hadal qaabka ugu habboon ee xukuumad loo samayn karo, qaab-dhismeedkeedu sida uu noqonayo iyo soohdinta awooddeeda maamul.
Marka aynnu leennahay dawladdu waxa ay leedahay awood siyaasadeed oo ay wax ku maamusho, maxaa aynnu ula jeednaa? Laba dhinac ayaa laga istaagi karaa awoodda siyaasadeed. Dhinaca koowaad, waa raalli ahaanshaha bulshada iyo in ay u aqoonsadaan awood, macnaha in ay oggolyihiin in awooddaas jirtaa wax fari karto waxna ka reebi karto. Marka dadku ay qaanuunka u hoggaansamayaan, waxa ay aaminsanyihiin sharciyadda dawladda qaanuunkaas fulinaysa, markaas waxa meesha imanaya in xubnaha bulshadu ku qanacsanyihiin qaanuunka lagu dhaqayo. Dhinaca labaad, waa ciqaabta ka dhalanaysa diiditaanka qaanuunka; dadka diida fulinta xeerarka qaanuunku waxa ay mudanayaan ciqaab, sida xabsi iyo magdhaw. Waa laba dhinac oo is dhamaystiraya. Waa in dadku u hoggaansamaan qaanuunka yaalla, oo ay oggolyihiin sharcinnimadiisa, haddii se aanay asalkaba oggolayn, qaanuun guulaysanayaa ma jiro, waxaana ka dhalanaya jujuub iyo cabudhin.
Waxa xusid mudan, in jiritaanka maamul iyo kala dambayni dadka ka xorayso cabsida ay nafahooda iyo hantidooda u qabaan. Marka qofku ogyahay in qofka kusoo xadgudba xeer ka qabanayaa jiro, waxa galaysa kalsooni. Kol haddii ay sidaas tahay, awoodda siyaasadeed waxa ay kulansataa sharciyad maamul iyo ku sandullaynta ciddii xeerarkaas diidda. Ma aha wax is xilqaan ah oo qofkii doonaa u hoggaansami karo, kii kale na ka xidhiidh furan karo, dhinaca kalena ma aha jujuub badhaxtiran oo dadku u afduubanyihiin.
Awoodda siyaasadeed waxa ay muwaaddinka ku sandullayn kartaa waxaanu jeclaysan balse danta guudi ku jirto, sida cashuurta. Anarkiisamku (falsafad siyaasadeed oo ka soo horjeedda awoodda siyaasadeed iyo maamulka dawladnimada) waxa ay ku doodaan in aanay bulshadu u baahnayn maamul sare, oo ay awoodaan maaraynta arrimahooda, loomana baahna in qofku maamul dawladeed u afduubnaado. Haddaba dadkaas sidee loogu qancin karaa baahida bulshadu u qabto dawlad u talisa? Waan u tegi doonaa beddelka Anarkiisamku bedka keeneen ee ay soo jeediyeen in lagu dhaqmo, balse waa in aan jawaab ka bixiyo su’aashan sare. Waxa aan ku bilaabayaa in akhristuhu sawirto bulsho bilaa maamul dawladeed ah, ciidan la’aan ah, garsoor la’aan ah, adeegyadii dawladdu bixin jirtay aanay jirin, wax kaste oo dawlad tilmaan u ahina aanay muuqan. Sawirkaasi haddii uu adkaado, bal aynnu dayno tijaabada Thomas Hobbes uu ku dhigay buuggiisa ‘Leviathan’ sannadkii 1651-kii. Thomas Hobbes waxa uu goobjoog u ahaa dumitaankii maamulka dawladeed, xilligii Dagaalka Sokeeye ee Ingiriiska. Hobbes xaaladda uu goobjoogga u ahaa waxa uu u ekaysiinayaa ‘nolosha duurjoogta’ ee kolba kii awood lihi ka kale ugaadhsado. Waxa uu tilmaamayaa in si habqan ah tartan loogu galayo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, qof kastaana waxa uu ka cabsi qabaa in lagu xadgudbo. Nolosha oo dhami cabsi bay galaysaa, ugu dambaynna qofku waxa uu ku dhaqmayaa xeerka ah yaan lagaaga horrayn, oo waxa uu bilaabayaa in uu wax weeraro intaan la soo weerarin, qof kastaana waxa uu ku dedaalayaa in uu helo awood lagaga baydho. Nolosha sidan ah, shaqo ma jirayso oo qofka loo dammaanad qaadi maayo xaqiisa, wax beerasho ma jirayso, ganacsina ma soconayo, madadaalo, fan iyo arrimo bulsheedna hadalkoodaba daa.
Dad badan ayaa ku dooda in sawirka uu Hobbes bixiyey ku salaysan yahay aragtidiisii dayrada ahayd ee uu ka qabay dabeecadda aadamaha, isagaa asalka dabeecadda dadka u arka in ay danaysi ku dhisan tahay, oo haddii ay fursad maamul la’aan helaan ay u baratamayaan boobka wixii ay awoodaan. Runtii, walaw oo uu aragtidan aaminsanaa, haddana meesha ka saari mayso xaqiiqada uu ina hor dhigay, oo ah in aanay dadku wada dhaqmayn haddii aanay jirin kalsooni uu dhinac walbaa ku qabo in dhinaca kale oofinayo ballanka. Kalsooni la’aantu waxa ay iman kartaa marka aanay jirin maamul iyo awood sare oo qaanuunka fulinaysaa. Haddii laba qof heshiis ganacsi wada galaan, marka qaanuun iyo awood sare jirto, dhinac walbaa waxa uu u ku kalsoon yahay in dhinaca kale shuruudaha heshiiskaas oofin doono, haddii kalena sharcigu u qaban doono, oo ah kalsoonida meesha ka baxaysa marka aanay awood siyaasadeed jirin.
Dadka dhaliilay Hobbes waxa ay ku doodeen in sawirka uu bixiyey aanu waaqica ku salaysnayn. Waxa ay caddayn usoo qaateen dadka isku kalsoonaada ee is kaalmeeya iyada oo aan dawladi soo faragashan. Sida ay ku doodeen, waxa la arki karaa dad deris ah oo wax dan guud ah ka wada shaqaynaya, oo shaqooyinka qaybsanaya, iskuna kalsoon iyada oo aan heshiis la saxeexin. Si guud, dabeecadda dadku sidaas uu Hobbes sawiray oo dhan uma kharribna, balse dooddaasi jiho kale ayaa ay inoola kacaysaa. Mawduuca taagani waa in cabsida ka dhalata dumitaanka awoodda sare ee dalku ay baabi’iso naxariista iyo damqashada dadka. Qofka dagaal sokeeye ku jiraa uma damqanayo kuwa liita, ee waxa uu la halgamayaa ilaalinta naftiisa, oo ugu dambayn ku ridaysa in uu ku dhaco waxyaabo qaanuunku ka qaban lahaa, waxyaabihii uu xeerin jirayna meesha waa ay ka baxayaan.
Sababtan awgeed, maamul iyo dawlad waa lagama maarmaan, maxaa yeelay bulshada waxa ay siisaa kalsooni, dadkuna waa ay kala ganacsan karaan, isna kaalmayn karaan, oo ah waxyaabo aan suurogal ahayn marka aanu maamul jirin. Haddaba, sidee ayaa loo dhisi karaa xukuumad haddii aanay jirin?
Hobbes waxa uu aaminsanyahay in dadku marka ay ka daalaan cabsida iyo kala dambayn la’aanta, ugu dambayn ay ku heshiiyaan qof ay awood sare siiyaan, si qofkaasi u hoggaamiyo. Hobbes xoogga ma uu saarin tilmaamaha qofkaas hoggaanka noqonaya, ee waxa uu ku nuuxnuuxsaday in awood siintaas loo dhanyahay.
Hobbes waxa uu ka dayriyey waxyaabaha dhici kara marka maamul la waayo iyo sida dadku u dhaqmaan, bal haddaba aynnu eegno in uu jiro hab kale oo bulshadu isugu xidhnaan karto maamul la’aan. Anarkiisamku waxa ay aaminsanyihiin in isku xidhnaanta dadku, maamul la’aan, suurogal tahay. Walaw dadka sidan aaminsani aanay badnayn, bal haddana aynnu la eegno caddaymahooda. Waxa ay sahlaysaa, ka hor inta aynaan go’aamin lagama maarmaannimada maamul dawladeed, in aynnu eegno hababka kale ee dadka isku hayn kara.
Anarkiisamku waxa ay bedka keeneen in bulshada meel wada deggani isku soo dhawaato oo ay is wada barato, si kalsoonida bulshada dhexdoodu u kobocdo, oo dadku wax is dhaafsan karaan maamul la’aan. Mid ka mid ah bulshadaas isku dhow, haddii qof dibadda ka ahi soo weeraro ama wax ka dhaco, waxa qofkaas difaacaya dhammaan xubnihii kale, haddii bulshada dhexdeeda qofi qof kale ka xadgudbana, waxa uu dayro ka noqonayaa bulshadaas, mustaqbalkana ma helayo kaalmo iyo garab istaag, magac xumana waa uu la kulmayaa. Waa hab ku sal leh abuurta aadamaha ee ah in dad kale jeclaadaan, sidaas darteed, qofka xadgudub samaynayaa waxa uu ka fekerayaa sumcaddiisa, waxaanu ka cabsanayaa ceeb iyo in la dayriyo. Waxa ay ku doodayaan in habkani beddel u yahay habka qofku keliya ka cabsanayo xeer qabta iyo dawladda oo ciqaab, sida xabsi, ku fulisa.
Haddaba, waa suuragal in bulshooyinka kooban, ee badanka beelaha ahi, sidan u dhaqmaan, balse waaqica haddana dadku noolyihiin lama jaanqaadi karo. Waa hab beryihii hore suuragal ahaa, beesha meel wada degganina dhammaan is taqaannay, balse xilligan hab suurogal ah maaha. Dunida isku furantay, dadka socdaalka joogtada ah ku jiraa bateen, si joogto ah dadku isu beddelayo, oo aanay jirin bulsho meel ku xidhxidhan. Magaalawga, isbeddelka dadka iyo isku furanka aadamaha waxa xakamayn kara uun dawlad qofka dambi gala daba galaysa oo ciqaabtiisa marsiin karta.
Dalalka xilligan samaysan waa ay ka ballaadhanyihiin qaabkii bulshooyinka iyo beeluhu u degi jireen, qofkuna ka maarmi maayo in baahi kaga xidhanto cid ka baxsan beeshiisa ama bulshadiisa, balse aragtida Anaarkiisamka, waa mid ku salaysan duni aanay qofka baahi kaga xidhmi karin beeshiisa ama bulshadiisa, waxaanay dhiirrigelinaysaa in qofku ka aamin baxo ciddii aan bulshadaas uu garanayo aan ahayn. Tusaale ahaan, haddii loo baahdo in la dhiso jid dheer, sida jid tareen, oo ka dhex gudbaya beelo badan, sidee beelahaasi ugu heshiin karaan ka qaybgalka dantaas guud?
Hadalka oo kooban, fekraddani waa mid keliya ka dhaqan gali karaysay quruumihii la soo dhaafay, balse dunida is beddeshay ee isku furantay aan ka suurogalayn.
Garab kale oo Anaarkiisamka ah, balse lid ku ah kuwaas hore, ayaa ku doodaya in la ganacsiyeeyo adeeg kasta oo dawladda laga sugi lahaa, sidaasna laga maarmo maamul dhexe oo bulshada isku haya. Haddii qof la dhaco, wakaalad gaar loo leeyahay oo nabadgalyada ilaalisaa waa in ay jirtaa, qofkaasna usoo qabata, waana inay jirtaa maxkamad gaar loo leeyahay oo labada dhinac isu dhegaysata, mushqaayaddeedana ka qaadata. Aragtidan waxa burinaya in aanay dadku u wada hoggaansanayn wakaaladaha adeegga bixinaya, ciddii xoog is biddaana marka ay doonto ka soo horjeedsan karto, waxa kale oo iman kara tartan suuqa ah, oo shirkado nabadgalyada ilaaliya oo dhowr ah ayaa iman kara, lana kala safta dadka wax isku haya.