Skip to main content

Monday 23 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Nuxur la’aanta Warbaahinta Cusub

1 December, 2024
Image
Getty
Getty Images
Share

Talafeeshan ayaa bartiisa YouTubka soo dhigaya muuqaal uu cinwaan uga dhigay: “Donald Trump heshiis degdeg ah ma la samayn doonaa Putin… khabiir arrimaha siyaasaddaha ah oo sir weyn soo bandhigay”. Sirtaas weyn ee uu khabiirku soo bandhigi doono, marka aad muuqaalka daawatid, waa in uu si fudud weyddiintaas kaga jawaabi doono in aanu si dhab ah u ogayn in heshiiskaasi dhici doono, welina aan la saadaalin karin tallaabada uu Trump qaadi doono. Sida talafeeshanku soo bandhigay, khabiirku waxa uu marka hore u muuqday qof xog badan og, sidaas daraaddeed, daawadayaasha iyo talafeeshanka laftiisaba amakaag ayaa ay ku tahay in uu khabiirku garan waayo tallaabada Trump qaadi doono. 

Mareeg kale oo warbaahineed ayaa soo qoraysa cinwaan soo jiidasho leh, iyada oo leh: “Gobol laga helay dahab badan…”. Qoraalkaas illaa dhammaadka qofku waa uu ku hungoobayaa, xogta cinwaanka ku jirtana maqaalka loogu dhex tegi maayo, xitaa magaca gobolka lama sheegayo. Isla mareeg kale ayaa lagu soo qorayaa: “xeeldheere arrimaha dhulgariirka ah oo ka dayriyey dhulgariir dhici doona bishan…”. Si la mid ah kuwii hore, qofka akhrisanayaa waa uu ku daalayaa in uu xog dhammaystiran ka helo cinwaankaas. 

Waa cinwaanno lagu hungoobayo, wax xog ahina aanay ku dhex jirin. Marka uu qofku maqaalka ama muuqaalka u dhaadhaco waa uu ku hungoobayaa, cinwaanka iyo sheekada maqaalkuna ismaba laha. Waxa uu qofku dareemayaa in keliya loo baahnaa booqashadiisa ama daawashada muuqaalka, balse aanay jirin xog cusub oo ku dhex jirtaa. Muran kuma jiro in warbaahintaasi keliya rabto dheefta ay ka helayso akhristaha ama daawadaha, iskumana hawlayso faahfaahinta xogta cinwaanka. 

Arrinka la yaabka leh waa in dadka qaar ku doodayaan in qaabkani yahay qaabka cusub ee warbaahinta casrigan, habkanina yahay hab horumarsan oo la jaanqaadaya casriga la joogo. Dadkaasi dan kama galaan in nuxurka gudaha ku jiraa ka jawaabo wayddiinta  ama xogta cinwaanka, xitaa muhiim uma arkaan in cinwaanka iyo mawduuca guduhu is yeeshaan. Tifaftirayaasha sidan ku doodayaa waa ay ogyihiin in aynnu ognahay in qaabkani yahay qaab ay kula tartamayaan baraha bulshada iyo janallada kale ee warbaahineed, waxa mudnaanta koowaad ay siinayaanna tahay tirada soo booqatay, dheefta ay ka helayaan tirada dadka daawaday ama akhristayna ay u samayn karaan wax kasta oo ay ugu horrayso ka tallaabsashada ilaalinta kalsoonida akhristaha ama daawaduhu siiyey. 

Marar badan macallimiinta warbaahintu waxa ay ardayda ku adkeeyaan in ay warkooda u sameeyaan cinwaan soo jiidasho leh oo qofka xiiso ku abuura, hase ahaatee qodobkan waxa shardi u ah in cinwaanku run noqdo, nuxurka gudaha iyo cinwaankuna is yeeshaan. Waxa ay markasta macallimiintu baraarujiyaan in qofka lagu dagi karo mawduuc khaldan oo hal mar lagu soo jiidan karo, se waa qof warbaahintaasi khasaarayso soo laabashadiisa dambe, oo aan dib u booqan doonin mareegtooda. 

Dhibtu waa ay yaraan lahayd haddii arrinku ku kooban yahay cinwaanka, oo keliya waxa laga doodi lahaa qaabka ugu wanaagsan ee ay tahay in loo dejiyo cinwaan koobsanaya nuxurka mawduuca wax kalena aan lagu darin, se dhib kale ayaa ka jirta nuxurka gudaha lagu soo gudbinayo. Wararka ama muuqaallada warbaahinta qaar soo gudbisaa waa wax u eg boosti qof kusoo qoray bartiisa Facebook oo uu kula kaftamayo saaxiibbadii. Waa nuxur ka madhan dhammaan halbeegyadii iyo anshaxii warbaahinta. 

Isbeddelka ku yimi baraha bulshadu wax badan ayaa uu beddelay, qaababka dadku wax isugu soo gudbiyaanna waa ay is beddeleen, se kama dhigayso in warbaahinta caadiga ah, sida TV, mareeg warar ama wargeysyadu u dhaqmaan qaabka akoonnada gaarka loo leeyahay, oo ay isku dayaan in ay la tartamaan baraha bulshada. Dad badan ayaa isku khalda cusboonaysiinta, horumarinta iyo la jaanqaadka isbeddellada nolosha oo dhinac ah, iyo beddelidda halbeegyada, wax kasta oo cusubna sida dadka jiilkaas lala jaanqaado. Tusaalaha ugu habboon ee aynnu soo qaadan karnaa waa in dhaqdhaqaaqii Surrealism-ku boqol sano ka hor odorasay in sheeko-faneeddu meesha ka bixi doonto, jiilasha cusubina aanay awoodin in ay akhriyaan sheekooyin dhaadheer. Dad badan baa xilligaas bogaadiyey odoroska dhaqdhaqaaqaas, hase ahaatee maanta sheeko-faneeddu weli waa ay jirtaa, waxaana meeshii ka baxay dhaqdhaqaaqii. 

In warbaahinta lala jaanqaadsiiyo isbeddelka tiknoolajiyaddu waa arrin waajib ah. Waa arrin la xidhiidha agab laga tago iyo mid kale oo la qaato, habab hore oo laga gudbo iyo kuwo cusub oo lagu dhaqmo, iyo hab werin ka horumarsan sidii hore. Se kama dhigna in ruuxdii warbaahinta la dilo, oo halbeegyadii lagu tunto, meeshana laga saaro kaalintii warbaahintu lahayd. 

Warbaahintu waa hab ama agab dadka wax lagu baro, waana waddo loo maro in dadka lagu ogaysiiyo dhacdooyin dhacay iyo waxa dunida ka socda: siyaasad, saynis, suugaan, fan iyo ciyaaraba. Sidaas daraaddeed, waxa habboon in warbaahintu u shaqayso qofka kalsoonida siiyey, ee raba in uu wax dheeraad ah ogaado, oo ay u hagarbaxdo. Dhibi kuma jirto in akhristaha ama daawadaha la madadaalliyo, se waa in aan la marin habaabin. Waa in aanay warbaahintu mudnaanta siin in ay qofka xiiso geliso gar iyo gardarraba, oo aanay samaysan cinwaanno bilaa nuxur ah.