Monday 24 March 2025
North of Dawn oo ah sheekofaneeddii u dambaysay ee uu soo saaro Nuuraddiin faarax, oo ay madbacadda Penguin daabacday 2018, waa sheeko dhacdooyinkeedu daadsanyihiin dhul aad u kala fog; laga soo bilaabo Soomaaliya, Kiiniya ilaa laga soo gaadho Norway. Waa sheeko soo bandhigaysa kala daadsanaanta ku habsatay bulshada Soomaalida, iyo filanwaaga bulshooyinka qurbaha u qaxay kala kulmeen dhexgalka kooxaha midigta fog ah.
Nuuraddiin faarax waa hormuudka sheekofaneedda iyo qoraayada Soomaalida, waana mid ka mid ah qoraayada Afrika ugu qalinka cuddoon, guul weynna ka gaadhay sheekofaneedda Afrika, isaga oo kaga qaybqaatay wax ka badan 14 sheekofaneed, oo ay u dheeryihiin waxqabadyo qoraal oo kale, sida gorfaynno iyo masraxiyado. Muddo ka badan lixdan sano waxa uu ku foogganyahay kala dhigdhigidda dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed haleelay iyo xanuunnada ay la taahayaan sannadaha badan; dalka gudihiisa waxa uu soo bandhigaa xanuunnadaas bulshada daashaday sida qoqobka qabyaaladeed iyo xagjirnimada diineed, qurbahana waxa uu diiradda saaraa kala daadsanaanta, kala tagga, adkaanta dhexgalka bulshada loo tagay iyo la qabsi la’aanta nolosha galbeedka ee aanay hore u aqoon, oo ay kala kulmeen wax kasta oo lid ku ah dhaqankoodii.
Sheekadiisan waxa uu xoogga saarayaa dhinaca qurbaha iyo kadeedka bulshadu kala kulmeen, si la mid ah sheekadii uu soo saaray sannadkii 2014 ee “Hiding in Plain Sight”, iyada oo labada sheekaba qaadaadhigayaan dhacdooyinkii dagaallada iyo kadeedka qurbaha ee ah in bulshada lagu dhejiyo tilmaanta qaxoonti dalkoodii dagaallo uga soo yaacay, waana dhibaatooyin keliya aan ku koobneyn xagjirnimo, tacasub iyo kala qaybsanaan qabiileed kuwaas oo bulshada Soomaalida u raacay wadddamadii ay galeen, waxa se intaas u dheer cunfiga leh maadiga iyo macwniga ee ay kala kulmeen xagjirka midigta ee waddamadii ay u qaxeen.
Sheekadu waxa ay ku bilaabmaysaa wiil dhallinyaro ah oo ka baxsaday qoyskiisa oo Norway deggan, una soo baxsaday Soomaaliya. Wiilka magaciisu waa Dhaqane oo xagjirnimada diineed qaatay. Sheekadu waxa ay u kala guuraysaa xilliyada dhacdooyinka, si ay u abuurto jawi xiiso leh oo akhristaha soo jiita, sidoo kale na ay isugu xidho wakhtiyadii kala duwanaa ee Dhaqane soo maray noloshiisa.
Mugdi, oo ah aabbaha dhalay Dhaqane, waxa isaga iyo xaaskiisa Gacalo Soomaaliya kasoo guureen 1988, waxaanay soo magangaleen dalka Norway. Mugdi waxa uu ka shaqeeyaa tarjumidda sheekofaneed Noorweyjiyaan ah, xaaskiisa Gacalana waxa ay ka shaqo gashay xafiis dawladeed. Caqabadda labada shakhsi la daalaadhacayaan waa hanashada iyo raalligelinta kooxaha midigta fog, waxaanay u dhaqmayaan sidii in ay ku qancinayaan kooxahan in ay yihiin laba muwaaddin oo wanaagsan, khatarna aan ku ahayn habnololeedka Yurubiyaanka. Caqabad aan middan ka yarayn waxa ay ka wajahayaan qaraabadooda u dayriyey sababta in ay nolol calmaani ah oo furfuran qaateen, oo ah nolol qaraabadoodu ka cadhooto, una arkaan dad dhaqankoodii dayriyey.
Wax ay dhacdooyinku iska dabayimaaddaanba, waxa lasoo gaadhayaa in wiilkoodii Dhaqane ee Norway ku dhashay, uu koox argagixiso ah ku biiro, waxyar ka dibna Soomaaliya u baxsado, ugu dambaynna naftiisa ku halaago qarax ismiidaamin ah oo kooxda al-Shabaab ka fulisay Muqdisho agteeda. Dhaqane aabbihii, Mugdi, waxa uu dareemayaa yaxyax iyo in wiilkiisu sumcad darro u soo jiido, mana rabo in sinaba loola xidhiidhiyo xasuusaha wiilkiisu ka tagay, se xaaskiisa Gacalo, ayaa ku adkaysanaysa in ay caawiso xaaska inankoodii ka dhintay iyo laba carruur ah oo uu ka tagay.
Ka hor intaan Dhaqane isqarxin, waxa uu labadiisa waalid uga tagay farriin uu kaga codsanayey in ay daryeelaan labadiisa carruur ah iyo xaaskiisa, oo kolkaas ku jiray xeroqaxoonti oo ku taalla Kiiniya. Gabadha uu ka dhintay iyo labada carruur ahi waxa ay rafaad badan u marayaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen Oslo, caasimadda Norway. Waxay si qardojeex ah ugu dambayn usoo galayaan Oslo, ka dib markii ay safar dheer iskaga soo gudbeen magaalooyinka kala ah Entebbe, Dimishiq, Nicosia, Rooma, Baraasulis iyo Frankfurt, iyaga oo safarkaas dheer tareenno iyo diyaaradaba soo adeegsaday, iyaga oo watay dal kugallo Tansaaniyaana oo bug ah.
Ugu dambayn gabadha iyo labadeeda carruur ahiba waxa ay soo gaadhayaan Norway, waxaanay taakulo ka helayaan Mugdi iyo Gacalo. Bilawga kulanka qoyskaba, Waliya oo ah garoobta uu Dhaqane ka dhintay, waxa ay diidaysaa in ay suunka gaadhiga xidhato, iyada oo xijaab weyn xidhan. Waxa ay akhriyeysaa duco, waxaanay ku doodaysaa in geerideedu gacanta Eebbe ku jirto, se aanu suunku waxba badbaadin karin. Mugdi wax kasta waxa kaga weyn sharcijebinta, waxaanu xasuusinayaa in ganaax badan laga qaadi doono haddii askartu qabtaan iyada oo aan xidhnayn suunka. Kala aragti duwanaantaas ayaa kulanka koowaadba foodda la isku darayaa, waana waxa seeska u noqonaya qaxarka ka dhextaagnaan doona qoyskan.
Waxa uu dib innoogu celinayaa carruurnimadii Dhaqane; waa wiil ku dhashay Galbeedka, kuna barbaaray nolosha Yurub. Waxa uu carruurnimadiisa kusoo qaatay muusig tumid, ka qaybgalka xafladaha jaaska iyo in uu marmar si qarsoodi ah u daawado filimada galmada. Haddii wax laga wayddiiyo Soomaaliya, ugama fekeri jirin sidii in Soomaaliya tahay dalkiisa hooyo, wax xidhiidh ah oo dalkaas ku saabsanna ma aqoon. Hase ahaatee, wakhti ka dib waxa uu isku beddelay cagsiga wax kasta oo uu ahaa. Bilawgii wuxu muujiyey in uu kelinnimada badsado, wakhtigiisana kusoo koobo jaamacadda oo uu ka baran jiray Warbaahinta, iyo masaajidka oo uu xidhiidh dhow la lahaa imaamka tujiya oo xagjir ah.
Waa sheeko sawiraysa sida fekerka Wahaabigu u dhexqaaday bulshada Soomaalida iyo raadka uu ku yeeshay. Sheekadu waxa ay dib ugu laabanaysaa dhaqan-diimeedkii Soomaaliya ka jiray ka hor intaan Wahaabigu dalka iman, iyo sida dadku isugu dhexjireen, rag iyo dumar. Waxa ay sheekadu soo bandhigaysaa kala sooca ba’an ee ay keentay aydhiyoolajiyadda diineed ee cusubi. Mararka qaar dumarku waxa ay hoosta kasoo xidhaan albaabka xitaa haddii aanu nin joogin, waxa meesha ka baxay isgacanqaadka ragga iyo dumarka, gabadhana waxa lagu ballamiyey in ay guriga oo keliya ku eekaato. Gabadha waxa loo arkay sharafta qoyska oo ay tahay in afar gidaar dhexdood lagu ilaaliyo.
Dhacdo kale oo sheekada ka mid ah, Waliya, oo ah xaaskii uu Dhaqane ka dhintay iyo imaamka masaajidka oo xagjir ah ayaa iska kaashanaya in ay ciqaabaan wiilkeeda Naciim oo khamri la cabbay saaxiibbadii oo Noorweyjiyaan ah, waxaanay go’aansadeen in ay xadkii khamriga ku oogaan, oo ay jeedaliyaan. Kol haddaan meeshu Soomaaliya ahayn, wiilka yari waxa uu ciqaabtaas uga cabanayaa booliska, sheekadiisana waxa maqlaya haayadaha carruurta daryeela, ugu dambayna wadaadka imaamka ah waxa lagu xukumayaa dhawr sano oo xabsi ah.
Mugdi saaxiibkii oo Noorweyjiyaan ah, Fredrick, waxa uu shahaadadiisa PhD ka diyaarinayaa isbarbardhigga qaxoontiga Soomaaliga iyo qaxoontigii Noorweyjiyaanka ahaa ee gobolka Minisoota ee Maraykanka degay. Waxa uu sharraxayaa farqiyada u dhexeeya bulshooyinkii reer Yurub ee u socdaalay Maraykanka, qabsadayna magaalooyin iyo bulshooyinkan cusub ee qaxoontiga ah. Waxa uu sheegayaa in Noorweyjiyaankii Maraykanka u socdaalay ay ahaayeen dad beeralay ah oo sabool ah, una baahan dhul dihin oo waxbeerashada ku fiican. Markii ay tageen Maraykanka 1860, waxa ay ku beegnayd xilli dabarjar lagu waday dadkii asalka u lahaa Maraykanka cahdigii madaxnimada Lincoln, waxaanay sidaas ku heleen dhul jaban, oo ay mararka qaar dhul weyn ku helaan wax hal doollar ka yar, sidaas darteed, filanwaa maaha inay ku guulaysteen dhulkaas cusub ee ay degeen.
Si ka duwan dadkaas, Soomaalidu waxa ay Minisoota iyo Norway-ba ku tageen qaxoontinnimo, badankooduna may lahayn waxbarasho fiican. Waxa ay tageen dhul ka cimilo duwan kii ay ka yimaaddeen oo qabaw aad u darani ka jiro. Farqiga ugu weyn, sida Fredrick ku doodayo, waa in Soomaalidu dalalkaas ay u qaxeen la tageen dakanooyinkii iyo dhirbaaxooyinkii dagaalkii sokeeye ee dalkooda, halka Noorweyjiyaanku Maraykanka la tageen rejo iyo yididdiilo cusub, waxaanay isla heleen rejadaas, dhul ku wanaagsan beerashada iyo dawlad gacmo furan kusoo dhawaysay. Soomaalidu, si ka duwan dadkaas, soo dhawayn looma hayn, mana jiro wax ka xun in aad Yurub ku dhex noqotid qaxoonti, muslim madaw ah, waxaana u dheer in ay kusoo beegmeen xilli qaxoontinimadu ay aragti siyaasadeed noqotay oo loo arko in ay weerar ku yihiin dhulka iyo dadka Norway, iyada kooxaha midigta fog ahi Soomaalida ku tilmaamaan dhibaato dhab ah oo ka xun xanuunnada dadka ku dhaca.
Waxyar ka dib markii uu Mugdi yimi Norway, waxa uu ogaanayaa dhacdo argagixiso oo laba sano imaatinkiisa ka hor dhacday, laguna bartilmaameedsaday muslimiin. Wiil dhallinyaro ah oo 29 jir ah, kana tirsan ururka midigta fog ah ayaa bambo ku tuuray masaajid, dad ku tukanayey na dilay. Dhacdadan waxa ku xigay dhacdooyin is xigxigay oo la caynad ah.
Sheekadu waxa ay qaybo badan u gaar yeelaysaa doodda ku saabsan halista midigta fogi ku hayaan qaxoontiga iyo magangalyadoonka. Sheekadu waxa ay Mugdi soo dhexmarinaysaa doodda ah: “Tilmaanta ka dhaxaysa kooxaha midigta fog ah iyo kooxaha jihaadiyiinta ah ee Islaamiyiintu waa in ay beegsadaan dadka wacyiga iyo aqoonta kooban, oo ah soo jiitaan dhallinyarada dugsiyada ka baxa, ama kuwa meel waalidkood ka fog ku nool. Labadan kooxood waxa kale oo ay wadaagaan in aanay ka khajilin faafinta aydhiyoolajiyado been ah oo ay ku duraan kuwa ay is hayaan”.
Mugdi, waxa uu carruurta uu awoowga u yahay uga sheekeeyaa sheekada nin lagu magacaabi jiray The Laser Manm, oo ah nin dalka Sweden ku dilay kow iyo toban qof oo muhaajiriin ah intii u dhaxaysay 1991ilaa 1992. Waxa uu aaminsanaa in rasaas lala dhaco dadka soo galootiga ahi dalka Sweden ka eryi doonto, hase ahaatee, hadda isagaa xabsi daa’in ku qaadanaya mid ka mid ah xabsiyada Sweden. Mugdi waxa kale oo uu usoo qaadanayaa dhacdadii Breivik, oo uu ku sababaynayo in “siyaasadaha dawladaha Yurub aad gaabis u yihiin si ay uga hortagaan weerarrada dhinaca midigta ah ee dadka ajaanibta ah neceb, kuna faana Naasigii iyo tagtadii Yurub, oo aan aqoonsanayn isku furanka adduunka iyo dunida kala dhaqannada ah. Ma oga in dunidu beri hore tagtay, iyagu se halkoodii taaganyihiin”.
Sheekadani waxa ay soo gudbinaysaa tilmaamo muujinaya walaac iyo murugo ay soo dhexmarinayso shakhsiga jilaya Mugdi; waa oday toddobaataneeyo ah oo talaxgabay, lana liicaya murugo muddo dheer ka haysay dhicitaanka dalkiisii. Waxa indhihiisa oo shan ah dumay dalkii uu u hanweynaa, sidii xiddig habeen gudcur ah soo shalwanaya. “Bal sawiro guri dumay oo dhawr nafood sahayday” ayuu Mugdi ku tawaawacay, ka dibna waxa uu ka fekeray dhibaatada dhici karta haddii dawlad dhammi muwaaddiniinteeda ku dul dunto, sidii Soomaaliya ka dhacday 1991. Murugadan Mugdi waxa aad mooddaa murugada qoraaga, oo goobjoog usoo ahaa dhicitaankii dawladdiisa, nus qarnina wax ka qorayey hallawgaas abadiga ah ee la tiimbaday.
Guud ahaan, Nuuraddiin sheekadiisan kama leexan hannaankiisii qoraal ee lagu yaqaannay, dalka, aqoonsi-ummadeed, dagaallada sokeeye, dhimashada macnobeelka noqotay, xagjirnimada, kala qaybsanaanta iyo jinsiga oo sheekooyinkiisa oo dhan qayb ka noqda, ahna waxa qaabeeya. Isagoo isku dhafa tagtadii iyo timaaddada, waxa uu muuqaallo kasoo ergistaa tagtadii Soomaaliyadii calmaaniga ahayd oo ah wax isaga iyo dadkay isku gedaha yihiin uun xasuusan karaan, xasuusta marka uu ka baxo se, waxa uu fooddasaaraa waaqica qadhaadh ee xagjirnimada iyo walaacu ka buuxo.
Shakhsiyadaha lagu jilay dhacdooyinka sheekadani waa dad si dhab ah u jira, oo dhammaadka sheekada qoraagu waxa uu u mahadnaqayaa liisto dheer oo dad ah, oo uu xusayo in uu wakhtiyo kala duwan la kulmay, sheekooyinkoodiina ka sameeyey sheekadan. Ka sokow dhacdooyinka ku jira sheekada, su’aalaha la iska wayddiin karo iyo sida ay u koobsanayso duruufaha dadka soo galootiga ah, haddana waxa lagu dhaliili karaa xiiso gelin la’aan iyo habdhaca sheekada oo aan lahayn soo jiidasho akhristaha jidka ku sii haysa, waxaana la moodaa in qoraagu waxqabadkiisa qoraal keliya xoogga saaray susuminta dhacdooyin iyo sheekooyin kala dambeeya.
Waxa laga soo turjumay halkn