Thursday 22 January 2026
Garsoor lagu kalsoonyahay, madmadow ka madhan oo madax bannaan waxa lagu tiriyaa tiirarka gundhigga u ah bulsho kasta oo dimuqraaddi ah, sidoo kalena waa gundhigga dhismaha dawladnimo hawlkar ah. Kolka maxkamaduhu tixgeliyaan sarraynta qaanuunka, waxa ay ilaaliyaan xuquuqda qofka, waxa ay xakameeyaan si xun u adeegsiga awoodda maamul, waxa aanay dammaanad qaadaan hirgelinta caddaaladda, oo loo fuliyo qaab daahfuran oo loo simanyahay. Haddii aanu jirin garsoor xooggani, distuurka iyo haayadaha siyaasadeed ee qaabka wanaagsan loo dhisay ma awoodayaan in ay u shaqeeyaan qaabkii la rabay. Xeerarku waxa ay luminayaan awooddoodii, xuquuqdu waxa ay noqonaysaa bar-kuma-taal, kalsoonidii bulshaduna waa ay is dhimaysaa. Marka la eego dalalka soo koraya iyo dalalka la kulmaya isbeddello siyaasadeed, garsoorka waxa loo tixgeliyaa gundhigga kama-kacdada ah ee ay waajibka tahay in lagu dul dhiso xasilloonida, sharcinnimada iyo maamulka dimuqraaddiga ah.
Haddaba, Somaliland marka la joogo, garsoorku waxa uu si sii kordhaysa u noqday udub-dhexaadka waxyaabaha bulshadu danayso. Tobankii sanno ee tagay, waxa soo baxay wayddiimo dhab ah oo ku saabsan madaxbannaanida nidaamka garsoor, xirfadnimadiisa iyo daahfurnaantiisa si guud. Nidaamka garsoor ee Somaliland waxa aan kusoo dhex jiray muddo ku dhow afar iyo toban sanno. Maqaalkan kaga hadli maayo faahfaahinta khibraddaydii garsoorkan, mana aha isku day dib u eegista qaddiyado hore. Waa u kuurgal ka dhimbiil qaadanaya khibrad muddo dheer aan si toos ah uga helay maxkamadaha, khibrad ii suurogelisay in aan helo aragti koobsanaysa qaabka nidaamka garsoor u shaqeeyo.
[Xilligan oo ay ku beegantahay qabashada Shirkii Garsoorka Qaranka ee ay Wasaaradda Caddaaladdu soo qabanqaabisay labadii bishan], si looga doodo dib u qaabaynta garsoorka, waxa aan aaminsanahay in ay lagama maarmaan tahay dhegaysiga talooyinka gudaha nidaamka garsoorka, ciddaas talooyinka bixinaysaa ha noqdaan sharci-yaqaanno ama muwaaddiniin caadi ah oo sannado ku qaatay fahanka nidaamkan e. Dadka marar badan nala dhaqmay ee nidaamkan kusoo noqnoqday waxa ay hayaan aragtiyo iyo talooyin ay adagtahay in dibedda laga helo, waana u lafdhabar dedaal kasta oo dib u habayn dhab ah wada.
Arrimahan soo socdaa waa u kuurgallo muwaaddin arrinkan danaynayaa sameeyey. Akhristayaashuna waxa ay awoodaan in ay qiimeeyaan oo ay natiijadooda gaarka ah kala soo baxaan. Ujeedkaygu waa in aan si furan oo bilaa cabsi iyo bilaa eex ah uga hadlo galdaloollada ugu cadcad ee garsoorka iyo hagaajinta degdegga ah ee lagama maarmaanka u ah dhisidda nidaam garsoor oo lagu kalsoonyahay, xeerar leh, oo dhiirran.
Habraaca garsoor ee Somaliland waa mid ka dhashay islafalgalka xeerarka dhaqanka, kuwa Islaamka iyo kuwa dawladnimo. Ka hor xukunkii gumeysiga, bulshadeennu waxa ay si weyn ugu tiirsanayd xeerka dhaqanka, oo ah nidaam soojireen ah oo lagu xalliyo khilaafaadka, ku dhaqan ahaanna xaqiijistay boos horumarsan marka la barbardhigo shareecada. Xitaa ka dib kolka dhaqamadii iyo mabaadi’da Islaamiga ahi isla falgaleen, nidaamka xeerka dhaqanku waxa uu sii ahaa kan loo badan yahay. Ka dib gumeysigii ayaa la yimid xeerka maamul, oo kolkii dambe lagu ladhay qaababkii hore ee garsoor, sidaasna waxa ku dhashay nidaam garsoor oo isku dhafan.
Nidaamka garsoor ee Somaliland maanta waxa uu ku tiirsanyahay saddex ilood: xeerka madaniga ah, shareecada Islaamka iyo xeerka dhaqanka, saddexdan mid kasta oo ka mid ahina waxa uu ka garsooraa dhinac ka mid ah arrimaha madaniga iyo ciqaabta. Shareecada Islaamku waxa ay boos udub-dhexaad ah ugu jirtay dejintii dastuurka iyo xeerarka, arrinkan oo sababtiisu tahay Islaamnimada bulshada lagu dhaqayo. Xeerarka kasoo horjeedsada mabaadi’da shareecada Islaamka waxa loo tixgeliyaa “kuwo aan sharci ahayn”, sidoo kalena maxkamadaha shareecada ee aan dawliga ahayn ayaa weli kala saara ama ka gar naqa arrimaha qoyska, dhaxalka iyo guurka.
Si ballaadhan marka loo eego, qaabdhismeedka garsoorka Somaliland waxa uu ku dhisanyahay Xeerka Guud ee Ingiriiska, oo ah arrin la jaanqaadaya dhaxalkii maamul ee Ingiriisku dalkan kaga tagay. Seeska Xeerka Guud ee Ingiriiska waxa loo celin karaa Axdigii Weynaa (Magna Carta) ee sannadkii 1215, ahaana axdi-boqoreed uu soo saaray Boqor John ee Ingiriiska. Axdigaasi waxa uu soo bandhigay mabda’ qaanuuni ah oo xilligiisii kacaan ahaa, mabda’aasina waxa uu ahaa in dhammaan dadku, oo boqorku ku jiro, ay u hoggaansamayaan qaanuunka. Mabda’an ugu dambayn waxa ka dhashay waxa loo yaqaan sarraynta sharciga.
Axdi Boqoreedkaas waxa loo tixgeliyaa lafdhabarta dimuqraadiyadda cusub, waxa lasoo geliyey dammaanado aasaasi ah, sida diidmada in la xabbiso ama la xayiro hanti iyada oo aan xukun maxkamadeed loo hayn. Maanta, axdigaas keliya waxa laga hayaa afar nuskhadood oo asal ah: laba yaalla maktabadda “British Library” iyo laba kala yaalla Salisbury iyo Lincoln Cathedral.
|
|
|
|
|
Labada shaqo ee “dib-u-eegista xukunnada” iyo “xukun go’aaminta” waxa lagu soo daray nidaamka garsoor muddadii uu joogay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali. Labadan shaqo waxa loo dejiyey in la oggolaado dib-u-eegis dheeraad ah in lagu sameeyo go’aannada maxkamadda sare. Hase ahaatee hindisahani waxa uu si cad uga hor imanayaa dastuurka Somaliland oo si cad u qeexaya in maxkamadda sare tahay awoodda garsoor ee ugu sarraysa, go’aannadeeduna yihiin kamadambaysta.
Haddaba, sababma ayaa ay maxkamadaheennu u yihiin “ilameerayso”?
Jawaabtu waa ay caddahay: waa dhif in maxkamadaheennu soo saaraan go’aanno kamadambays ah. Dadka la kala xukumayaa inta ugu badan go’aan kasta rafcaan bay ka qaadan karaan, iyaga oo aan caddaymo cusub keenin ama aan soo caddaynin khalad garsoor oo dhacay. Garsoorayaashu ma duraan rafcaanka ama ma joojiyaan, nidaamka laftiisuna waa uu dhiirrigelinayaa isku jahawareerkaas joogtada ah, natiijada ka dhalataana waa “ilameerayso” garsoor oo aan dhammaad lahayn.
Si jahawareerkani u caddaado, waxa aan idinla wadaagayaa kiis aan anigu la kulmay. Nin ayaa ka dhintay laba xaas. Geeridiisa ka hor, waxa uu gaadhi Suzuki ah ku iibsaday saddex kun oo doollar, lahaanshahana waxa uu ku qoray magaca xaaskiisa labaad (minyarada). Geeridiisa ka dib, wiil xaaskiisa koowaad u dhashay (minwayntu) ayaa dacwad ka gudbiyey xaaska labaad ee aabbihii, isagoo ku doodaya lahaanshaha gaadhiga.
Ka sokow caddaymaha lahaansho ee iska muuqda, haddana khilaaf sidaas u fudud ayaa gebi ahaan waaxaha nidaamka garsoor gaadhay. Maxkamadda Degmada ayaa bilawgiiba gaadhiga u xukuntay xaaska labaad, Maxkamadda Gobolkuna waa ay taageertay go’aankan. Isla kiiskii baa gaadhay Maxkamadda Rafcaanka, oo isla go’aankii hore mid la mid ah gaadhay, waxa se amakaag ah in kiiskaasi ugu dambayn gaadhay Maxkamadda Sare oo go’aankii hore taageertay. Marka laga yimaaddo in wiillku isku dayo dib ugu laabashada kiiska iyo in uu sidaas ku qaataba, xaqiiqada jirtaa waa in khilaaf aad u fudud oo ku saabsan lahaansho, oo ay habboonayd in lagu xalliyo Maxkamadda Gobolka, uu qaadanayo sannad dhan amaba laba sanno, oo uu wakhti iyo maalba cunayo. Waxa wax laga argagaxo ah in kiis sidaas u fudud uu gaadho maxkamaddii dalka u sarraysay.
Maxkamadaha Somaliland ma laha haybaddii ay habboonayd in nidaamka garsoorku siiyo. Muwaaddiniintu waxa maxkamadda magan uga yihiin caddaalad, garsoor iyo daahfurnaan. Qof kasta oo maalin shaqo booqda Maxkamadda Degmada, ta Gobolka, ta Rafcaanka ama Maxkamadda Sare, waxa uu arkayaa dadka tirada badan ee samirka ku sugaya dhegaysiga kiisaskooda, iyagoo ah muwaaddiniin naawilaya caddaalad.
Waxa cad, oo ah wax laga xumaado, in Maxkamadda Sare ay si badheedh ah dib ugu dhigto go’aannada, arrinkan oo daaliya dadka is haysta heer ay is dhiibaan amaba kiiska ku dhammaystaan cadaadis awgii. Arrinkani ma aha caddaalad, ee waa niyadjabin. Garsooraha Guud, si la mid ah garsoore kasta, waxa uu u dhaartay xaqiijinta caddaaladda “si aan cabsi iyo eex midna lahayn”, se qaabkan jira ee dib-u-dhigista joogtadaa ahi waxa uu dhabarjabinayaa dhaartan.
Dib-u-dhigista xukunka ee maxkamadaha inta badan waxa ka dhalata wayddiinta ah: sidee arrinkani ku dhacay? Inta badan kiisaska Maxkamadda Sare waxa dib u eega guddi shan qof ah oo midkood madax u yahay. Dhammaadka fadhiyada dhegaysiga kiiska, guddoomiyuhu waxa uu isugu yeedhaa guddiga si looga doodo kiiska, loona gaadho go’aan, garsoore kastaana waxa uu leeyahay cod kuwa kale la siman. Sidan oo ay tahay, waxa aan caddaymo sugan u hayaa kiisas aanu guddoomiyuhu kulan ka doodid ah u samayn, bilo weliba maaha ee sannaddo, dadkii kiisku ka dhexeeyeyna weli ay sugayaan xukun. Arrinkani marka uu jiro, garsoorayaasha kale ee guddiga ka doodaysa kiisku ma soo dhex gelaan, guddoomiyahana kuma cadaadiyaan in kiiska xukun laga gaadho. Fasirka keliya ee aan ka gaabsigaas ku fasiri karaa waa in garsoorayaashu ka cabsanayaan in lagu tuhmo dano shakhsi in ay ka leeyihiin cadaadinta soo saaridda go’aan, cabsidanina waa waxa nidaamkii awood tiray.
Xaaladda jahawareerka ah ee nidaamka garsoorka Somaliland waa uu sii jiri doonaa ilaa muddo aan cayinnayn haddii aan nidaamka dib u habayn dhab ah lagu samayn. Waxa la rabaa ma aha wax ka beddel iska fudud, ee waa dib u habayn dhammaystiran oo lagu sameeyo hannaanka rafcaanka. Waxa waajib ah in meesha laga saaro dhaqanka hadda jira, ee rafcaan ka qaadashada xukun hore loo arko xuquuq iska asal ah iyadoon la eegin seeska dacwadda. Dhaqankan beddelkiisu waa in aan rafcaan iyo duridda xukun hore aan la aqbalin haddii aanay ku dhisnayn jidbixin sharci oo badqaba, oo lasoo raaciyey caddaymo, halbeegyo cadcadna lagu sababeeyey. Hannaanka dib u habaynta lagu sameeyey, waa hannaan keensanaya in maxkamadaha kiiska dib looga bilaabayaa ay marka koowaadba u kuurgalaan baaqa rafcaanka ah ee labada dhinac soo qorteen, sidoo kalena darsaan xogtii hore ee maxkamadda ka hoosaysa oo ay dib u eegaan dhammaan fadhiyadii iyo go’aannadeedii, ka dib u eegistan hordhaca ah, ayuunbay suurogal tahay in ay go’aamiso in kiiska lasii wadi karo.
Ka dib qiimaynta dhabta ah ee rafcaanka, maxkmadda kiisku kasii socdaa keliya waxa ay soo saari kartaa saddex natiijo midkood: in ay taageerto xukunka maxkamadda ka hoosaysa, oo ay weliba shaaciso go’aanka kama dambayska ah iyo saxnimada go’aanka. Natiijada labaad waa in ay buriso go’aankaas haddii ay hesho in maxkamadda ka hoosaysaa ku dhacday gef sharci ama gef habraaca ah. Natiijada kale ee suurogalka ahi waa in ay kiiska ku celiso maxkamaddii uu ka bilaabmay si loo sameeyo tallaabooyin dheeraad ah, kolka loo baahdo caddayn dheeraad ah. Hannaankan ayaa ay nidaamyada garsoor ee wax-ku-oolka ahi ku ilaashadaan hawlkarnimada iyo kalsoonida.
Badanka dalalka dunida, maxkamadda sare waxa gaadha tiro kooban oo kiisas ah. Sababtu waa in go’aannada maxkamadda sare ay sameeyaan habraacyo ugub ah oo qaranka oo dhan khuseeya, laguna jaangooyo xeerarka mustaqbalka fog imanaya. Sidaas darteed, maxkamadda sare keliya waxa gaadha kiisas wayddiimo badan dhaliyey oo muhiimad heer qaran ah leh, ama caddayn dastuur la xidhiidha, ama madmadow sharci ku jiro. Maxkamaddan kaalinteedu kolkaas ma aha ka garnaqa khilaafyo rootiin ah, ee waa xallinta arrimo saamayn ku leh nidaamka sharci oo dhan.
Nidaamka garsoor ee Somaliland sidan cagsigeeda ayuu u shaqeeyaa. Dacwaduhu si joogto ah ayaa ay isaga daba bilaabmaan, xitaa kiisaska iska fudud ama aan muhiimadda lahayni, arrinkan oo culays ku ah maxkamadaha, sidoo kalena hoos u dhigaya awooddii maamul ee masuuliyiinta maxkamadaha hoose. Kolka Maxkamadda Sare ku khasbanaato ama wakhtiga ku lumiso kiisas ay habboonayd in lagu dhammeeyo heerka hoose ee maxkamadeed, kolkan ma awoodayso in ay qabsato kaalinteedii aasaasiga ahayd ee ahayd saafidda sharciyada iyo dejinta halbeegyo qaran. Jiritaan la’aanta go’aanno sharci oo laga duulo oo cadcad, waxa ay ka dhigantahay in maxkamadaha heerka hoose ay soo saaraan go’aanno is khilaafsan, oo dadka la kala saarayaana lumiyaan kalsoonida garsoorayaasha, sidaasna kiisasku sannaddo ku socdaan. Qaabkani waa mid caddaaladdii ka dhigaya wax lagu ciyaaro ama meesha laga saaro, halkii ay ahayd in si degdeg ah caddaalad loo siman yahay loo helo.
Dhibaatooyinkani waxa ay soo bandhigayaan khalkhal qaabdhismeed iyo maamul oo ku xididdaysan nidaamka garsoor. Iftiimintan ku saabsan ilameeraysada rafcaanka, ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan indhaha kusoo jeediyo mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee nidaamka ka jira. Falanqaynaha dambena, waxa aan rejaynayaa in aan kaga hadlo dhinacyo kale oo faahfaahsan. Hadda, waxa aan xoogga saaray habraaca iyo nidaamka maamul halkii aan xoogga ka saari lahaa farsamada fasiraadda sharci. Sharciyaqaannada iyo qareennaduba waa ay ka doodi karaan qodobbada aragtiyaysan, se bulshada lafteedu waa ay arki karaan waxa ay sannadaha badan ee khibradda ahi bareen: musuqu waa mid saameeya garsoorayaasha iyo qareennadaba, dib-u-dhigistu waa arrin dabiici noqday, qaabkan hadda jiraana waa mid ay ku hungoobayaan dadkii loogu talagalay in uu u adeego garsoorku. Somaliland waxa ay u baahantahay in ay si dhab ah u garwaaqsato dhibaatooyinkan, oo ay dhab ka noqoto dib u dhiska nidaam garsoor oo hawlkar ah, laguna kalsoon yahay.