Skip to main content

Sunday 8 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Nidaamka Cusub ee E-Visa Soomaaliya iyo Goldaloolooyin amni oo Hor Leh

19 December, 2025
Image
Security flaws plague Somalia’s new E-Visa platform
Share

​Nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah ee ay dhawaan bilowday Soomaaliya ayaa weli aad uga nugul dhanka amniga taas oo halis ku ah xogta iyo macluumaadka shakhsiga ah ee kumannaan qof oo codsaday fiisaha Soomaaliya. sida lagu baahisay baadhitaan cusub oo ay samaysay Al Jazeera, nidaamkan ayaa weli leh goldaloolooyin amni oo saamaxaya in oggolaansho la'aan ama fasax la'aan loo dhici karo xogta xasaasiga ah ee ku kaydsan oo ay ku jiraan magacyada qofka oo dhameystiran, lanbarka baasaboorka, iyo taariikhaha dhalashada.

In kaste oo khabiir dhanka amniga internetka ah uu uga digay, haddana dawladda Soomaaliya kama ay hadlin mana ay xallin arrintan walaaca leh.

​Ceebahan ayaa soo baxaya, wax yar ka dib markii ay hore u dhacday in la jabsaday nidaamkan oo in ka badan 35,000 oo ah xogtii dadka oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ahi dibedda timid, taas oo keentay in Soomaaliya ka guurto bartii hore, horraantii bishii Noofambar oo ahayd markii kooxo jabsaday ay la wareegeen nidaamka.

Faylasha la sheegay in dibedda la keenay waxa ku jirtay xog khuseysa diblumaasiyiin, shaqaaleha gargaarka, qandaraasleyaal shisheeye, iyo dad u dhashay dalka Kolombiya oo la sheegay in ay xidhiidh la leeyihiin shabakadaha calooshood-u-shaqeystayaasha ee ku lug leh dagaalka Suudaan.

​In kaste oo ay ceebta arrintani ahayd mid baaxad weyn, haddana Dawladda Federaalka Soomaaliya waa ay ka aamustay markii hore, taas oo kordhisay walaaca dunida iyo dadweynaha codsanaya nidaamkan fiisaha oo markii horeba muran badan dhaliyay.

​Qaar ka mid ah dalalka shisheeye ayaa dhawaan soo saaray digniino daarran arrintan. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay ogeysiis amni oo ay ku xustay "warar la hubo oo ku saabsan in ay xogo baxeen". Waxa ay ka digtay in xogta shakhsiga ah ee kumannaan muwaadin oo Mareykan ah la soo bandhigo. Boqortooyada Ingiriiska ayaa, iyaduna, cusbooneysiisay talooyinkeeda socdaalka ee dibedda, iyada oo ku boorrisay dadka safraya in ay si taxaddar leh ugu xisaabtamaan khatarta, ka hor inta aanay codsan fiisaha elektarooniga ah ee Soomaaliya. Mar dambe ayaa ay dawladda Soomaaliya qiratay dhacdada, iyada oo hay’adda mas’uulka ka ah ay sheegtay in si "sharci-darro ah loo beegsaday qaybo ka mid ah xogta nidaamka socdaalka Soomaaliya." Hay’addu waxa ay sheegtay in ay xannibtay nidaamyadii ay dhacdadu saameysay, isla markaana ay bilowday baadhitaan.

​Haddaba, arintan cusub ee ay Aljazeera kashiftay ayaa muujinaysa in, in kaste oo ay jireen ballanqaadyadaa rasmiga ahi, haddana ay weli jirto nuglaan amni oo aad u daran iyo dabacsanaan xoog leh oo ku saabsan sida ay dawladda uga go'an tahay wax ka qabashada iyo sugidda amniga xogta ee nidaamkan baylahda ah oo uu marka horeba abuurayay xiisado siyaasadeed oo ku saabsan fulintiisa. 

Tags
Soomaaliya