Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi
Title

Ngugi Wa Thiong’o: “ Waxa aan aaminsanahay Afka Hooyo “

25 June, 2025
Image
Ngugi Wa Thiong’o: “ Waxa aan aaminsanahay Afka Hooyo “
Share

Ngugi wa Thiong'o waxa uu ahaa qoraa iyo Mufeker reer Kiiniya ah dhawaanna geeriyooday. Waraysigan oo u la yeeshay Adrian Fiyaal, isla markaas na ay faafisay majallada “Afrika xxI” waxa uu kaga warramayaa waayihiisii dhallaannimo iyo buugtiisa xasuus qorka ah, iyo sidoo kale dhacdooyin badan oo u soo joogay.

Adrian Viall: Xasuus qorkaaga waxa loo turjumay Faransiis. Sidee kuugu soo dhacday fekradda qoraalka xasuusqorku?

Ngugi: Anigu muddaan ka cagajiidayey fekradda ah inaan xasuusqor iska qoro. Anigoo ah qoraa iyo sheekoyahan, waxaan dareemaa inaan dedaalkaygoo dhan ku bixiyey sheekooyinkayga sababta oo ah waxay ku dhisanyihiin tajribooyinkayga gaarka ii ah. Se xaaskayga ayaa igu qancisay inaan xasuusqorkana tijaabiyo. Waxa halkan Maraykanka nagula nool laba carruur ah oo aanu dhalnay, una xiisoqaba inay ogaadaan waxaan soo maray. Dartood ayaan u bilaabay inaan qoro qaybta koowaad ee xasuusqorka “Inaad Riyootid Xilliga Dagaalka”, oo ka sheekaynaya carruurnimadaydii. Kaddib waxa aan qoray “Gurigii Tarjubaanka” iyo “Dhalashadii Curiyaha Riyooyinka”.

AF: Miyay kugu adkayd in aad u dhaacdid sooyaalkaagii hore?

Ng: Waxa la yaab iyo kedisaba ah in xasuusihii carruurnimo ka firfircoonyihiin xasuusaha dhacdooyinka weynaanta. Tusaale ahaan, xasuusahaas dhallaannimo ayaa ka faahfaahsan xasuusahaygii aradaynimo ee jaamacadda Makerere ee Yugaandha. Waxa aan aaminsanahay in tijaabada koowaad ee wax aad tijaabisaa qofka kaga tagto dareen muddo dheer qofka ku jira. Buuggii koowaad ee xasuusqorka oo carruurnimadii ku saabsan, uma baahan wax baadhitaan ah, halka labada buug ee kale ee xasuusqorka aan u baahday in aan ku laabto qoraallo hore iyo arkiifiyada. Ilaa maanta, waxa aan xasuustaa hooyaday oo i wayddiinaysa in aan rabo in aan dugsi aado, waxa aan u xasuustaa sidii in dhacdadaasi shalay ahayd. Sababma? Maxaa yeelay maan filayn arrinkaas. Waan ku riyoon jiray in aan mar uun dugsi tago, se marna maan sawiranayn. Maan rumaysan markii hooyaday arrinkaas soo jeedisay, su’aashaas hooyadayna waxa ay noqotay weedha ugu horraysa sheekadaydii koowaad ee “Ha Ooyin Wiilkayga Yarow”.

AF: Cunfiga gumaysigu aad buu u badnaa yaraantaadii, se waxa aad go’aansatay in aad ka sheekaysid noloshaadii maalinlaha ahayd iyo rabitaankii aad u qabtay waxbarashada, halkii aad ka sheekan lahayd halgankii walaalkaa gumaysiga la galay…

Ng: Waxa la iska garanayaa in halgankii waxbarashada loo galay si weyn ula xidhiidho qaddiyadda gumaysiga. Marka aad akhridid xasuusqorkayga, waxaad ogaanaysaa in dagaalku socdo, se aanad arkayn, oo aanan si toos ah u xusayn. Tuduca koowaad ee buuggu waxa uu tebinayaa dhacdo aan goobjoog u ahaa. Dugsiga waxa la keenay war sheegaya in qofi ka baxsaday askarta gumaysiga Ingiriiska. Askartaa rasaas ku furay, isaguna waa uu cararay, oo inta uu dhacay, haddana kacay oo uu buuraha orod ku galay, isagoo rasaasta ka baxsanaya. Sheekadan waxa aan ka maqlay carruur anigoo jidka maraya oo dugsiga kasoo baxay. Markaan gurigii ku laabtay, waxaan ogaaday in qofka askarta ka baxsaday uu walaalkay yahay.

AF: Waxa tebinaysaa aragtidii ilmaha aad ahayd.

Ng: Haa, waxa aan doonay in aan sheekada u tebiyo sidii ay iigu dhacday. Waxa aan ahaa ilma yar, buurahana kama dagaallami karayn, se raadka dagaalku cid kasta waa uu saameeyey.

AF: Sidee ayaad ula falgashay xaqiiqada ah in qaar ka mid ah qoyskaagu gumaysiga la dagaallameen, kuwo kalena gumaysigaas la shaqaynayeen?

Ng: Tani waa xaqiiqo sooyaalka ku dhigan. Arrimuhu marnaba wax fudud oo qayaxan ma aha. Kiiniyaanka, waxa ku jiray dad garab siiya gumaysiga iyo kuwo la dagaallama gumaysigaas, waxaana suurogal ahayd in labadaas dhinacba qoys ka wada tirsanaadaan, sida qoyskaygu ahaa. Aabbahay waxa uu lahaa afar xaas, aad baanannu isugu dhawayn. Mid ka mid ah walaalladay sida uu halganka ugu jiray, ayaa ay qaar kalena Ingiriiska la shaqaynayeen.

AF: Ma kuu suurogashay in aad ka adkaatid kala duwanaanshahaas?

Ng: Tani waa mid ka mid ah sababaha aan xasuusqor u qoray: isku dayga fahanka xaaladahan. Markii aan Kiiniya joogay, wayddiimahan si maalinle ah baa lay su’aali jiray, se ma jirin wakhti aannu kaga fekernaa; noloshaa socotay. Cid ma la dilay? Cid ma la dhaawacay? Sidaas bay ku socotay. Se markii aan gaadhay Makerere sannadkii 1959-kii, waxa aan awooday in intaan fadhiisto arrinka ka fekero, oo aan is wayddiiyo: maxaa igu dhacay? Mid ka mid ah walaalahay waxa uu u shaqeeyaa Ingiriiska, mid kalena waxa dilay isla Ingiriiska. Maqalka ayuu naafo ka ahaa, askartuna waxa ay ka codsadeen in uu istaago, se muu maqlayn. Waa uu ordayey, askartuna waxa ay ku qaylinayeen joogso. Ma joogsan, iyaguna sidaas bay ku xabbadeeyeen. Rasaasta dishay waa rasaastii aan maqlayay markaan guriga kusoo socday, si aan u qadeeyo. Guriga waxaan cuno ayaan ka waayay, waxaanan go’aansaday inaan dugsiga ku laabto. Walaashay waxa ay igula talisay in aanan dugsiga ku noqon, se sidaas baa iga go’nayd, oo waxa aan hooyaday u ballanqaaday in aan dugsiga maalinna ka maqnaan. Rasaastaan maqlay  waa tii walaalkay dishay.

AF: Markii aad yarayd waxa aad u xiisayn jirtay tareennada!

Ng: Haa, tareennadu waxa ay isbeddel laxaad leh ku keeneen noloshayada. Tareennadu waxa ay ahaayeen qaar aad u xiiso leh. Khadka tareen waxa uu suurogaliyey isku furanka gudaha Kiiniya. Sooyaalka marka la eego, tareenku, si la mid ah Kiiniya, waxa uu kaalin weyn ku lahaa isku furka gobollada gudaha Maraykanka iyo Ruushkaba, oo tusaale ahaan, waxa uu kaalin weyn kaga jiraa sheekada Tolstoy, ee Anna Karenina. Kiiniya, istaanka tareenku waxa ay ahayd goob lagu kulmo. Afrikaan kooban baa tareenka raaci jiray, se waxa ay istaanka u tagi jireen daawashadiisa iyo Yurubiyaanka is dhaafaya ee badhna korayo, kuwana kasoo degayaan. Sheekooyin badan baa ka dhacay istaankaas uu tareenku istaago.

AF: Jaamacadda Makerere waxa xilligaas lagu qaban jiray doodo suugaaneed oo hodan ah, xaaladda halkaasi miyay ka darnayd ta Kiiniya?

Ng: Haa, sidaas baan aaminsanahay. Shirkii koowaad ee qoraayada Ingiriisiga ku hadla ee Afrika waxa lagu qabtay Makerere. Sannadkii 1962-kii halkaas waa la iiga yeedhay anigoo qoraa dhallinyaro ah. Arrinkaasi aad buu u xiiso badnaa. Kiiniyada aan kusoo barbaaray waxa ay ku suntanayd cunfi, khilaafyo isireed iyo dhimasho. Se Kambaala, oo iyaba gumaysi ku hoos jirtay, waa ay ka nabadgalyo badnayd. Dadku caasimadda waxa ay u mari jireen sidii ay dalkoodii tahay. Se Kiiniya, arrinku sidaas waa uu ka duwanaa. Magaalooyinka waaweyn, Kiiniyaanku kumay dareemi jirin inay dalkoodii yihiin, oo waxaa suurogal ahayd in markii la doono lagu xabbadeeyo.

AF: Gumaysiga kaddib, muddo sannad ah ayaa lagu xidhay xilligii uu talinayey Daniel Arab Moi, maxaad ka xasuusataa?

Ng: Sidaad ogtahay, xaalad kasta oo adag waxa aan isku dayaa in u beddelo xaalad togan. Muddo sannad ah ayaa sannadkii 1978-kii la igu xidhay xabsi aad loo ilaaliyo, sababtuna waxa ay ahayd masrixiyad aan afkayga hooyo ee Kikuyu ku qoray oo cinwaankeedu ahaa “Markaan Doonaan Guursan”, waxaana metelay dad tuulajoog ah iyo xoogsato. Masrixiyaddaas waa la mamnuucay bishii Noofambar ee 1977-kii, anigana waxa la i xidhay bishii Diisambar ee sannadkaas. Masrixiyaddaas waxa la faafiyey bishii Diisambar ee 1978-kii. Se kolkaas waxa aan go’aansaday in aan beddelo xidhiidhkaan luuqadda la leeyahay. Waxa aan ka fekeray dhibaatada afka iyo gumaysiga, waxaanan isku idhi: “Maya, maya, suurogal maaha inaan qoraalka kusii wado Ingiriisi”. Sheekooyinkayga, gabayadayda iyo masrixiyadahaba, intaas waxii ka dambeeyey, waxa aan ku qoray afkayga hooyo. Xabsigaan sheekadaydii koowaad ee afka Kikuyu-ga ku qoray. Sidaas darteed, wax xun kama xasuusto xabsigaas, oo waxaan ku xasuustaa wakhtigii aan qaatay go’aan noloshayda wanaajiyey oo beddelay.

AF: Marka aad wax ku qoraysid luuqadda Kikuyu, ma luuqaddaas baad ku fekertaa?

Ng: Haa. Waxa xiiso leh, maanta oo aan qoraalladaydii hore u rogo afkayga hooyo, waxaan dareemaa in markii aan Ingiriisiga wax ku qorayey, aan asalkaba niyad ahaan wax ka turjumayey Kikuyu-ga. Waa arrinka keenay in turjumaaddan dambe fududaato.

AF: Sideed u fasiri kartaa in tiro kooban oo qoraayada Afrika ahi ay maanta luuqaddooda hooyo u doortaan qoraalladooda?

Ng: Waa wax la xidhiidha sida gumaystuhu u qaabeeyey maanka. Waa waxa aan idhaahdo caadiyeynta wax aan dabiici ahayn. Waa wax ay wadeen dhammaan dadkii wax gumaystay, Faransiis, Ingiriisi, iyo Burtaqiis… Carruurta waxa lagu ciqaabi jiray in ay ku hadleen afkooda hooyo, waana loo sacabbin jiray haddii ay si sax ah u adeegsadaan afka gumaystaha. Qaabayntani waxa ay keentay in luuqadaha qaar noqdaan afka maamulka iyo nidaamka waxbarasho, ilaa maantana ay afafkaasi yihiin afka maamulka ee qaaradda. Tusaale ahaan, Faransiiska Maali iyo Sinigaal ka dhaqan gashan iyo Ingiriisiga Kiiniya ka dhaqan gashan. Markaa lama yaabo qoraayada Afrikaanka ah ee weli wada in ay wax ku qoraan afafka Yurubiyaanka, si ay shaqadooda horumar uga sameeyaan, iyo in madbacadaha buugaagtu afafkaas wax ku faafiyaan, xitaa haddii ay Afrika ku yaallaan. Marka aan Kikuyu wax ku qoro, madbacaduhu madaxay qabsadaan, iyagoo werwersan, se markaan Ingiriisi wax ku qoro waa ay ku farxaan.

AF: Waa maxay talada aad  u soo jeedinaysid qoraaga dhallinyarada ah?

Ng: Waxa aan aaminsanahay afka hooyo, oo aan waxkasta ka hor mariyaa, si kasta oo afka maamulku af kale u yahay. Dhawaan waxa aan u warramay gabadh Faransiis ah oo akhriday buuggayga “Baabi’inta Gumaysiga Maanka”, waxaanay cilmibaadhis ku wadday waxa ku dhacay afafkii Faransiiska, gaar ahaan afkii Brittany. Waxa ay iiga warrantay in carruurta reer Brittany lagu yaso in aanay Faransiiska ku hadal. Waxa aan aaminsanahay in dhammaan bulshooyinka dunidu xal u helaan ka waantawga eikradda bulshada ku waajibinaysa in hal af la yeesho. Waa suurogal in la helo af sahla wada xidhiidhka bulshada, se sidoo kale waa in la oggolaado jiritaanka afaf kale. Waa hab lagu dammaanad qaadayo hal’abuur. Ma rabo in aan afkayga naco si aan ugu faano luuqadda Ingiriisiga ama Faransiiska.

AF: Ma aaminsantahay in qoraayada caddaanka ahi awoodaan in ay wax ka qoraan gumaysigii iyo addoonsigii?

Ng: Bulshooyinka badankoodu, siiba Yurubiyaanku, waxa ay ku saamaysmeen Hantigoosadka. Hantigoosadka cusubna waxa lagu dhisay ka ganancsiga addoonsiga. Ma jiro dal Yurubiyaan ah oo aan magaalooyinkiisa waaweyn lagu dhisin macaashkii addoonsiga. Boqorradii Yurub badankoodu waxa ay maalgaliyeen addoonsiga, xitaa boqoraddii Ingiriisku. Qoraayada caddaanka ahi waa in ay qaddiyaddan ka hadlaan. Haa, suurogal maaha in aad Yurubiyaan tahay, haddana iska dhegomarisid qaddiyadda addoonsiga. Xitaa haddii aad wax ka qortay xilligii Baraarugga, haddana waxa kugu waajib ah in aad garatid dhinaciisii madoobaa; haddiiba aad wax ka qortid Kacdoonkii Faransiiska, si la mid ahna waa in aad niyadda ku haysaa Kacdoonkii Hayti.

AF: Dadka qaar waxa ay kugu tilmaamaan in aad tahay qoraa Maarkisi ah oo ku xidhan Frantz Fanon, maxay kula tahay tilmaantaas?

Ng: Waa tilmaan aanan anigu isku sheegin, se waan aqaan waxa aan difaacayo. I sug aan sii caddeeyee: anigu waxa aan difaacaa awoodda xoogsatada, meel kasta oo ay ku sugantahay. Tusaale ahaan, haddii aan tago Faransiiska, dalka kama eego dhinaca shirkadahiisa ugu awoodda badan, se waxa aan u fiirsadaa dadka nolosha caadiga ah ku nool. , si la mid, Kiiniya ama Maraykankaba, waxa u kuurgala dadka caadiga ah. Uma fiirsado dabaqyada dhaadheer, se waxaan eegaa dadka hoos lugaynaya, ee ka hoos shaqaysanaya. Dadka aan cisbitaalka gaadhi karin, ee jidadka ku dhimanaya, sida xaalku yahay Los Angeles, walow uu dalku aad hodan u yahay.

AF: Kaaral Maarkis iyo Fraanz Faanon muhiim ma kuu yihiin?

Ng: Haa, labadooduba kaalin weyn bay iigu jiraan. Waxa ay ii suurogaliyeen fahanka habka shaqada bulshada. Maarkis waxa uu indhahayga u furay habka nidaamka Hantigoosadka ah, Faanon, sidoo kale, waxa uu ii iftiimiyey qaab samaysanka bulshada gumaystayaasha ah. Kiiniya waxa haystay gumaystayaal caddaan ah, wax kastana caddaan iyo madaw mid uun baannu u arkaynay. Caddaanku waxa uu summad u ahaa maamulka iyo dhiigmiirashada, madawguna waxa uu astaan u ahaa saboolnimada. Runtii, labaduba waa ay sii kala qaybsanaayeen gudahooda, oo waa wax sii caddaaday gumaysigii ka dib. Waxa aan ogaaday in ay sii kala soocday cidda shaqaysa iyo kuwa shaqada dadka kale ka faa’idaysta.

AF: Waxa aad aad u dhaliishantahay dhaqaalaha suuqa…

Ng: Hantigoosadku waa kansar. Ha i khalad fahmina. Waa ay leedahay dhinacyo wanaagsan, se ma dammaanad qaaddo heerka u hooseeya ee lagama maarmaanka ah. U fiirsada Maraykanka, dalkan hodanka ah, se dad ku dhimanayaan jidadka, sababtoo ah ma helaan noloshii aasaasiga ahayd iyo kaabayaashii nolosha, waxbarasho, daryeel caafimaad iyo hoy. Macaashku waxa uu noqday ilaah la caabudo, kharash kasta oo uu ku kaco. Xitaa dagaallo ayaa loo gali karaa, oo dad baa loo layn karaa, si macaash loo helo.

AF: Doorashooyinkii Kiiniya foodday innagu soo hayaan (waxa la qorshaynayaa bisha Ogos ee 2022), ma danaynaysaa? Ma qorshaysay se inaad codaysid?

Ng: Maya, sinaba. Lama socdo siyaasadda Kiiniya. Maraykanka laftiisa kama codeeyo, sababtoo ah maba ahi muwaaddin Maraykan ah, oo waxa aan haystaa kaadhka deggenaanshaha rasmiga ah, baasaaboorkaygii Kiiniya-na waan haystaa. Waxa aan rejaynayaa in aan hawlgab ku noqdo Kiiniya, se waad iska garanaysaan sida xaaladda qoraayada halkaasi tahay. Halkan muddo dheer oo soddon sanno ka badan baan ku noolaa, caafimaadkayguna iima saamaxayo in aan safro, oo imika 84 jir baan ahay.

AF: Sidee ayay ahayd tijaabadaadii xilligii Trump?

Ng: La yaab! Runtii mar baan wax ka qoray, ka hor intaanu madaxweyne noqon, sababtoo ah kolkaas waxa aan la socday aragtiyaha qaar. Waxa aan ogahay waa in madaxweynaha si badheedh ah been u sheegaya in aanu bulshada dan u ahayn. Suurogal maaha in aynnu been wax ku dhisno, xitaa haddii beentaasi sooyaalka oo dhan caan ahayd, sida Galbeedku uga been sheegeen addoonsiga iyo gumaysiga. Weligeed ma suuroobayso in aynnu nidhaa cagaarku waa casaan.

AF: Buug cusub ma qoraysaa?

Ng: Waxaan hayaa buug dhawaan la faafin doono, waana mid ku saabsan tarjumaadda oo aan ku magacaabo afka afafka. Turjumaaddu waa afka la wadaago. Turjumaaddu waa waxa ii suurogaliyey inaan akhriyo buugagga Francois Rabelais iyo Tolstoy, anigoon aqoon Faransiiska iyo Ruushka. Aniga laftaydu waxa aan afka Kikuyu ku tarjumay laba masrixiyadood oo uu leeyahay Moliere, waxaanan la raadsanayaa madbacad. Waan jecelahay in buugagga Yurubiyaanka loo tarjumo afafka Afrika, waxaanan wadaa olole sidan ah.