Skip to main content

Monday 23 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Ngugi wa Thiong'o: Curiyihii Riyooyinka

3 June, 2025
Image
Ngugi wa Thiong'o: Curiyihii Riyooyinka
Share

28-kii May waxa la shaaciyey geerida qoraagii reer Kiiniya ee Ngugi wa Thiango, oo lagu ladho hormuudka suugaanta Afrika, muddo dheerna u sharraxnaa helidda abaalmarinta Noobal-ka, walow aanu helin. Waa nolol dhereran 87 sanno ah oo kusoo idlaatay dhaxal feker iyo suugaaneed oo aad u xeeldheer, jaadgoonnina ah, iyo nolol aanu marna ka tanaasulin waxa uu rabo, riyadii u hiraysay iyo hankiisii ahaa in laga xoroobo gumaystaha.

Warka geeridiisu waxa uu qabsaday cinwaannada wargeysyada dunida iyo Afrikaba ugu waaweyn, oo ah wax ka makhraati kacaya kaalintii hormuudka ahayd ee waxqabadkiisa suugaaneed iyo fekerba. Warbaahinta tebinaysay geeridiisu waxa ay isku raaceen in uu ahaa hormuudka suugaanta Afrika, waxaanay caddaynaysaa sida uu u guulaystay mashruuciisii uu dhidibbada u taagay ee ahaa; in dhaqanka iyo suugaanta Afrika aanay marnaba ka muhiimad yarayn kuwa kale ee dunida. Tusaale ahaan, wargeyska the Guardian oo qaadaadhigaya geerida Ngugi, ayaa ku tilmaamay nin ka badbaaday cabudhintii iyo shirqoolladii nidaamkii Daniel Arab Moi u maleegayey. Inantiisa, oo shaacisay geeridiisa, ayaa sooyaalka mufakirkan kusoo koobtay hadal saameyn leh oo dhaxalgal ah, iyadoo tidhi: “Nolol dhammaystiran buu noolaaday, kaalintiisana waa uu buuxiyey”.

Ngugi iyo sooyaalka halgankii joogtada ahaa

Ngugi, waxa uu ku dhashay Kiiniya sannadkii 1938-kii, waxaanu ku barbaaray dagaalkii Maw Maw (1952 – 1962), oo ahaa halgan loogu jiray in la iska xorreeyo gumaysigii Ingiriiska. Waa mid ka mid ah halgannadii ugu adkaa ee Afrika gumaysi la gasho. Waa xilli saameyn ku yeeshay Ngugi, waana mid ka mid ah waxa ka qaybqaatay qaabaynta habfekerkiisa iyo qoraalladiisa. Waxa uu shahaadada koowaad ee Jaamacadda ka qaatay jaamacadda Makerere sannadkii 1963-kii, isla shahaadadan oo kale ayaanu sannadkii xigay ka qaatay jaamacada Leeds ee dalka Ingiriiska.  

Ngugi, waxa uu bare Ingiriisida dhiga ka noqday jaamacadda Nayroobi. Jaamacado kale oo Maraykan ahna waxa uu ka noqday bare booqasho wax ka dhiga. Sannadihii 1972 ilaa 1977 waxa uu madax ka noqday qaybta suugaanta ee jaamacadda Nayroobi. Waxa uu danayn gaar ah siiyey deraasadaha Afrika, xidhiidhka suugaanta iyo siyaasadda iyo lafagurka gumaysiga dhaqan iyo luuqadeed, si gaar ah barabixinta Ingiriisidu ku hayso dhaqannada iyo luuqadaha maxalliga ah. Ka sokow sooyaalkan akaadami, magaciisu waxa uu billawgii ku caanbaxay Bariga Afrika, kolkaas oo uu masraxiyad kaga qayb qaatay madaxbannaanidii Ugaandha ee 1962-kii, oo qayb ka noqotay dabbaaldegyadii xornimada dalkaas loo samaynayey. Riwaayaddiisu waxa ay ku dhex faaftay dhallinyaradii u hamuun qabay xornimada, cinwaanka wargeys jaamacadda Makerere lahaydna waxa lagu qoray: “Ngugi oo u hadlaya Afrika”.  

Ngugi ,waxa uu galay halgan dhinacyo badan, siyaasad ahaan iyo suugaan ahaanba, waana waxa qoraalladiisa laga dheehan karo. Isbeddelkii ugu weynaa waxa uu haleelay sannadkii 1966-kii, kolkaas oo uu ka qaybgalay Shirkii Caalamiga ahaa ee Penn, oo ay haayadda Penn America soo agaasintay, Ngugi-na uu metelayey Afrika. Dhacdada uu shirkaas kala kulmay waa mid aan maankiisa ka tirmin, oo uu ka sheekayn jiray noloshiisa oo dhan, xitaa isaga oo helay abaalmarinta Penn America, sannadkii 2022-kii. Waxa uu xasuustaa in uu shirkaas kula kulmay Paplo Neruda. Waxa uu ahaa shir ay kasoo qaybgaleen dad ka kala socday dalalkii Galbeedka iyo Bariga (oo dabcan kala metelayey jawiga Dagaalkii Qaboobaa ee lagu jiray), waxaana ka mid ahaa kasoo qaybgalayaal ka socday dalal Hantiwadaag ah oo markii koowaad loo oggolaaday in ay Maraykanka yimaaddaan, sida Paplo Neruda, oo xubin ka ahaa Xisbigii Hantiwadaagga ee Jili, oo muddo dheer loo diiddannaa imaatinka Maraykanka, kolkanina ahayd markii koowaad ee uu yimaaddo Maraykanka muddo 30 sanno ku siman. Ngugi waxa uu ka sheekeeyey in uu xasuusto fadhi ka mid ah fadhiyadii shirka lagu soo gabagabaynayey, oo ay joogeen Paplo Neruda, Ignazio Silone, qoraagii reer Talyaani, iyo Arthur Miller oo Penn America madax ka ahaa. Silone ayaa ka cawday in ay koobantahay in Talyaaniga wax laga soo tarjumo amaba wax lagu tarjumo, isagoo ku dooday in aanay Talyaanigu la mid ahayn afafka ereyada saboolka ka ah. Ngugi waxa uu dareemay in xil ka saaranyahay in uu difaaco afafka Afrika, isagoo kaga jawaabay hadalkaas Silone: “Waxa aan martida u xaqiijinayaa in afafka Afrika aanay sabool ka ahayn ereyo”. Miller oo faallo ka dhiibanaya hadalladan, ayaa soo jeediyey in qof kastaa xaq u leeyahay in uu ku faano afkiisa, isaga oo aan liidin afafka kale. Ngugi waxa uu xusaa in intaas kaddib Neruda dhinaciisa usoo dhaqaaqay, gacantana si diirran u qabtay, oo uu hadal badan ku yidhi, walow aanu wax badan ka fahmin, se uu qalbiga ka dareemay in uu taageersanyahay oo uu bogaadinayo dhiirranaanta uu muujiyey. Ngugi waxa uu wakhtigaas af Ingiriisi ku qorayey sheekofaneeddiisa A Grain of Wheat, se kolkaas ayaa uu go’aansaday in uu si dhab ah uga fekero luuqaddiisa Kikuyu, oo uu is wayddiiyey in uu wax ku qoro.  

Sooyaalka Ngugi: qawmiyadda, isirka iyo iska caabbinta

Borofaysar Amitayu Chakraborty ayaa 2024-kii u qalin qaatay taariikh-nololeedka Ngugi wa Thiango. Waxa uu sooyaalkiisa u qaybiyey saddex marxaladood; marxladdii koowaad oo ah xilligii hilawga xornimo beerqaaday Ngugi (kontonaadkii iyo lixdanaadkii), marxaladda labaad oo uu halganka adag la galay sidii wax u socdeen gumaysiga dabadii iyo raadadkii uu gumaysigaasi ka tagay (lixdanaadkii iyo toddobaatanaadkii), iyo marxaladda saddexaad oo ah waxii ka dambeeyey toddobaatanaadkii.  

Sida taariikh-nololeedkan ku xusan, marxaladdaas koowaad waxa si hufan looga akhrisan karaa qoraalladii Ngugi qoray oo ah kuwo ku suntan xornimadii dalkiisu helay. Marxaladda labaad waa mar uu qawaday isdiiddada dheeftii xornimada laga filayey iyo marinhabaabinta lagu waday halgankii xornimodoonka, waa marxalad uu kacdoon xagjirnimo ah kula jiray imbiryaaliyadda, waana xilli uu go’aansaday in uu qawmiyadda iyo kacdoonka Maarkisiga ah jid uga dhigto gaadhidda yoolka ah Afrika xor ah. Marxaladda saddexaad waa marxalad uu iskacaabbin iyo dhufays u galay gumaysiga dhaqan, waana marxalad taxnayd noloshiisa intii dambe ilaa uu ka god galay.  

Mabda’a qawmiyadeed, istaxgalinta isirrada gudaha iyo iskacaabbinta gumaysiga dibadeed waa kuwo isku milan marka la eego nolosha Ngugi. Si arrinkan loo caddeeyo, waxa tilmaan mudan kolkii 1977-kii lagu xidhay qoraalladiisa suugaaneed iyo feker. Isbeddelladan nololeed ee soo maray Ngugi, laftiisaa qiraya, oo si heersare ah ugu dhex falkiyey buug taariikh-nololeed ah oo uu qaab sheekofaneed u qoray sannadkii 1981-kii, cinwaanna uu uga dhigay “Xasuusqorka Qoraagii Xabsiga”. Waxa uu ku ibofuray buuggiisa weedh caan ah oo uu Kaaral Maarkis lahaa, kuna jirtay maqaal uu 1852-kii ku faafiyey wargeyskii New York Daily Tribune, weedhaas oo ahayd: “In aan isku dayey in aan xornimadiinna u dagaallamo awgeed ayaa kibir xabsiga gunta la iigu dhigay”. Ibofurka hadalkaas uu soo qaatay waxa ku cad in uu Ngugi ku qanacsanaa in sababta xadhiggiisu ahayd in uu difaacay dalkiisa. Ngugi, muddo sannad ah ayaa xabsiga lagu hayay iyada oo aan dambi lagu helin, marka laga reebo in uu mucaarid ku ahaa madaxweyne Moi.

Ngugi waxa uu xabsigaas ku dhex allifay buug baal dahab ah kaga jira mashruuca maanka ka xorraynaya gumaysiga, waa buugga “Siyaasadda Afka ee Suugaanta Afrika”, waxaanu go’aansaday in uu Ingiriisi iyo afkiisa Kikuyu-gaba kusoo baxo, isagoo buuggaas halmar ku wada tooganaya kelitalisnimada Moi iyo luuqadda Ingiriisida labadaba.  

Afka suugaanta Afrika iyo lafagurka gumaysiga

Ngugi waxa uu soo bandhigayaa gorfayn qotodheer oo hal-abuurnimo leh, si uu usoo dhiraandhirriyo suugaan Afrikaan oo xerudhalan ah. Waxaanu ku baaqayaa in la ilaaliyo oo la daryeelo, si ay gaashaan uga noqoto weerarka gumaysiga shirqoollada maleegaya, laga soo bilaabo markii uu dalalka Afrika dalal Yurubiyaan u gacangaliyey, siina taxan ilaa gumaysiga dabadii oo dalalkii uu ka tagay dad xul oo ku metela uu ku beertay. Ngugi waa mufakiriinta ugu cadcad gorfaynta xaaladaha gumaysiga iyo imbiryaaliyadda, isagoo kaga qaybqaatay buuggiisa “Ka Xorroobidda Gumaysiga Maanka: Siyaasadda Afka Suugaanta ee Afrika”. Waxa uu buuggiisa ugu hiilinayaa xornimada maanka Afrikaanka, si gaar ah arrimaha la xidhiidha afka suugaanta, masrixiyadda iyo sheekoxariirada. 

Kaddib markii uu 1977-kii go’aansaday in uu afka Kikuy-ga waxii suugaan ah ku qoro, oo uu buuggiisa “Petals of Blood” noqdo sheekafaneeddii u dambaysay ee uu Ingiriisi ku qoro, kuna koobsado in uu buugaag feker ah oo dhif ah Ingiriisiga ku qoro, ugu dambayn waxa uu shaaciyey in buuggiisan “Ka Xorroobidda Gumaysiga Maanku” noqdo buuggii ugu dambeeyey ee uu gacanta koowaad Ingiriisi ku qoro. Go’aankan uu qaatay bare sare oo Ingiriisida jaamacado Afrikaan iyo kuwo Ingiriisba ka dhigay, waxa uu noqday iskacaabbin iyo go’aan uu ugu hiilinayo dhaqanka Afrika iyo afafkeeda, oo uu isugu ku metelayey Kikuyu-ga iyo Sawaaxiliga. Waa ballan uu oofiyey afartankii sanno ee ka dambeeyey shaacintiisa, ilaa uu ka godgalay ugu dambayn.  

Inkasta oo buuggiisani koobanyahay, oo uu 130 bog yahay, haddana waa buug isku fuuqsaday tijaabadii Ngugi ee labaatankii sanno ee ka horreeyey buugga ee uu kusoo dhexjiray qoraallada sheekada, masrixiyadda, gorfaynta iyo dhigidda suugaanta. Waa buug uu hordhaciisa ku tilmaamayo baadigoobka xaqiiqooyinka Afrika iyo in uu qayb ka yahay doodda joogtada ah ee ku saabsan masiirka qaaradda. Waa buug uu afartiisa cutub caddaymo ku keenayo. Cutubka koowaad, oo u saabsan Afka Suugaanta Afrika, waxa uu ku doodayaa in aan suugaanta Afrika lagu diraasayn karin meel ka baxsan waaqiceeda iyo saamaynaheeda bulsho ee suugaantan dhaliyey. Waxa uu xusayaa in imbiryaaliyadu, labadeedii marxaladood ee gumaysiga ka hor iyo gumaysiga ka dibba, qofka Afrikaanka ah ku khasbayso in fogaan-araggiisa iyo aragtida uu dunida ka haystaaba ku xaddidnaadaan soohdinta imbiryaaliyada.  

Qodobbada uu buugga ku qaadaadhigayo waxa ka mid ah kaalinta afka iyo xidhiidhka uu la leeyahay xornimada dalka. Sida uu ku doodayo, luuqaddu waxa ay haysaa laba shaqo oo is huwan; in bulshada ku hadashaa ku wada xidhiidho iskuna fahanto iyo in ay gaadiid u noqoto dhaqanka oo ay jiilasha u kala gudbiso. Waxa uu soo qaadanayaa tusaale aan ka suuroobin dalalka Afrika, oo ah in dalal ay ka mid yihiin Denmark iyo Sweden Ingiriisigu ka tahay af lagu wada xidhiidho oo keliya, se aanay dhaqankooda jaangoyn. Waa qodob daaha ka qaadaya sida uu Ngugi uga qayb qaatay in dhaqanka Afrika laga xoreeyo gumaysiga dhaqan ee Ingiriiska si guud, waana qodobbo uu Ngugi si xeeldheer ugu qaadaadhigay cutubbada labaad iyo saddexaad ee buugga.  

Buuggiisa waxa uu kusoo gunaanadayaa cutub uu kusoo koobayo sida dadka Afrika u arkaan nafahooda, oo ah wax ku raadaysmay imbiryaaliyadda. Waa buug soo koobaya mashruucii halgan ee Ngugi ee xorraynta Afrika, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba, isagoo ka duulaya qodob cad oo ah: in kalsooni dhab ah lagu qabo dhaqanka Afrika iyo in uu awoodo ka hortagidda isbeddellada caalamiga ah iyo iskufuranka dunida, oo weliba salka arrinkaasi noqdo afka Afrika oo awood loo siiyo in uu jiilasha kala duwan dhaqanka u raro.  

Ambaqaadka safarka cusub ee Ngugi: dhalashada curiyihii riyooyinka  

Ngugi wa Thiango waxa uu ka tagay afkaar iyo suugaan dhaxalgal ah, ruuxdiisa suugaanneedna waxa ay ku milantay garaad ay ka go’antahay falkinta fekerro wax ku ool ah iyo in fagaare kasta oo suugaaneed lagaga doodo, weliba iyadoo la adeegsanayo af Afrikaan. Waxsoosaarka Ngugi ee sida dhabta ah ruuxdiisa ugu milmay, si qotodheerna naftiisa u cabbiray waxa ka mid ah buuggiisa “Dhalashada Curiyihii Riyooyinka: Baraarug Qoraa”, oo uu 2016-kii soo saaray. Cinwaanka cutubka ibofurka u ah buuggiisu waa “Dhaawac wadnaha igaga yaal”, oo uu ku taxayo sheekooyinkii gumaysiga Ingiriiska intii uu haystay Yugaandha iyo Kiiniya ee uu ku barbaaray. Waa buugga ay Michella Rong ay ku faallaysay in u si heersarraysa u kulansanayo xasuusqorka laba heer oo is garab is socda: xasuusihii uu qoraagu dhallaannimo ku barbaaray iyo ku milidda xasuusahaas dhacdooyinka iyo waaqaca hadda taagan. Waa buug uu Ngugi kusoo gunaanadayo cutub uu si farshaxan leh uga maadsanayo dhacdooyinka caddaynaya sida ay u adagtahay in xasuustu ka fuqdo gumaysigii, isagoo tusaale usoo qaadanaya jaamacadii Makereri oo uu kontanaadkii iyo bilawgii lixdanaadkii ku tilmaamayo janno yar oo lagu faraxsanaa iyo haddana sida uu ugu dhib mudanayey isla jannadaas dhexdeeda oo kala tagsanaanta dabaqaduhu ka jireen.  

Waxa u dhugushada mudan waa wacyiga uu Ngugi wax ku gorfeeyo; waa wacyi aan ku dagmin dhaldhalaalka gumaysiga iyo dhaqannadiisa isbihinbihinta ah ee lagu duugo dhaqannadii hore ee midabtakoorka iyo kala tagsanaanta dabaqadaha bulshada oo weli ku xiddidaysan dhaqanka imbiryaaliyadda. Waa wacyi uu la godgalay, oo uu ku mutaystay in uu noqdo curiyaha riyooyinka ay dhallinyarada Afrika ka dhaxleen. Waa wacyi jiilka cusub baraya isku kalsoonaanta, is aaminidda iyo ku faanidda dhaqanka iyo afka Afrika ee hodanka ah, si loo helo jiil cusub oo riyooyinkaas sii ambqaada oo dhidibbada u taaga.