Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Nasiinadu miyay sii adkaynaysaa nolosheenna?

4 April, 2025
Image
Getty Images
Xuquuqda Sawirka: Getty Images.
Share

Muran kuma jiro in nasiinada nolosha cusubi keentay ay tahay wax xiiso leh. Hadda oo aan qoraalkan qorayo moobilkaygu waxa uu xadhig la’aan ku xidhiidhsanyahay sameecad, oo aan ka dhegaysanayaa mid ka mid ah laxannadii ugu cajiibsanaa qarnigii 18aad, oo uu curiyey Johann Bach. Isla xilligan waxa aan awoodaa in aan moobilkaygaas u adeegsado in aan ka dalbado tagsi halkii aan doono ii qaadi kara, amaba aan ku dalbado cunto guriga la iigu keeno. Waxa kale oo aan awoodaa in aan ciddii aan doono, xilliga aan doono, kala sheekaysto. Wakhti aan sii fogayn waxyaalahani waxa ay ahaayeen wax sixir uun lagu fasiri karo, dadkuna waxa ay jidbixin u la’aayeen Xeerarka Saddexda ah ee Arthur C. Clarke (xeerar wax curinta lagu oddoroso).

Aadamuhu wuu jecelyahay in uu adeegsado hababkan nolosha fududaynaya, oo waxyaalahani culays badan ayaa ay innaga dulqaadeen oo aynu hore ula kadeednayn, oo waxa ay hoos u dhigeen diiqaddii iyo daalkii nolosha laga la kulmi jiray. Waa inoo nasiino iyo wax lagu raaxaysto, dhinaca kalena inoo baajiya wakhti iyo tamar, mid jidheed iyo mid maskaxeedba. Se marka laga soo tago dhinacyadan togan, haddana dadku waa ay ogyihiin in raaxadu dhinac madaw leedahay, oo ay habboontahay in wax la iska wayddiiyo.

Ka hor intaynaan ku fogaan wax iska wayddiinta raaxada iyo caadaysiga hababkaa nolosha fududaynaya, waxa habboon in aynnu is wayddiino sababta raaxadu u tahay wax aadamaha dagi kara. Marka koowaad waxa aynnu ka fekeraynaa xaqiiqo jiraal oo ah: inta badan waynu ka wahsannaa shaqooyinka iyo waxqabadyada innooga baahan in tallaabo hore loo qaado, yoolna la dhabeeyo, ama isbeddel keenaya. Waa aynnu ka dhuumannaa bixinta cashuuraha innagu waajibay, oo ka wahsannaa qoridda warbixinta la innaga rabo in aynnu gudbinno toddobaadka soo socda. Waxa la mid ah samaynta jimicsi. Waa ay jiri karaan qorshayaal waxa keliya ee fulintooda innagu riixayaa tahay niyad wanaag iyo rabitaanka dhabaynta shay kale, se inta badan fulinta qorshe kasta waxa innagu riixa cabsida laga qabo in qofku ka hadho meeshii uu rabay. Haddaba su’aashu waxa weeye: sababma ayaa ay doonista deggenaanta iyo raaxadu qayb aasaasi ah uga tahay nolosheenna?

Wayddiintan si aynnu uga jawaabno waa in aynnu ku laabanna aragtiyaha laga soo dheegto cilmi nafsiga korriinka, gaar ahaan aragtida tibaaxda “iswaafaq la’aanta korriinka”. Aragtidani waxa ay dhigaysaa in aadamuhu bayoolaji ahaan u koray si uu isugu qaabeeyo noloshii ugaadhsiga iyo qadhaabka, korriinkan awgiina duruufihii nololeed ee aadamuhu isbeddeleen, se taas cagsigeeda maskaxda iyo jidhka aadamuhu lama jaanqaadin korriinkan. Tani waxa ay ka dhigantahay in aanay dhaqamadeennu u korin si waafaqsan korriinka habnololeedkeenna, sidaas darteed, dabeecadaheennu kuma sargo’na waxa deegaanka ka jira. Innaga oo aragtidan wax ku eegayna haddii aynnu ku laabanno mawduuca ah in aadamuhu u janjeedho wahsiga, nasashada iyo raaxada, qodobkani waxa uu noqonayaa mid maangal ah.

Cuntada, oo ahayd tamar lagama maarmaan u ah noloshu, waxa ay dadkii aynnu kasoo tafiirannay ee ugaadhsatada iyo qadhaabsatada ahaa ku ahayd suququl aan laga haqab beeli karin, si habqan ah ayaana loo heli jiray cuntada, oo waxa ay ahayd wax nasiib ku sal leh, oo maalinna la helo, maalinna la waayo. Suququlka cunto ka sokow, dadkii hore waxa ay u bandhignaayeen halista cimilada iyo dugaagga, sidaas darteed, duruufahan adagi waxa ay dhigayeen in laga fogaado masuuliyad darro kasta oo halis gelinaysa khayraadka iska suququlka ah.

Ka hortagidda isbeddelka iyo dhaqdhaqaaqu waxa ay dadkan u ahayd hab ay ku dabraan in si qaabdaran oo bilaa xuduud ah wax loo adeegsado, noloshana la halisgeliyo, nasiinaduna waxa ay u ahayd wax ay tamar ku kaydsadaan, oo marka dugaag yimaaddo lagaga baxsado. Aadamihii nabadda iyo deggenaanta doorbidi jiray ee firfircooni la’aantu noloshooda summada u ahayd, waxa sarreeyey suuragalnimadii ahayd in ay sii waaraan, jiinkoodana u gudbiyaan tafiirtooda. Innagu dadkaas tafiirtooda ayaynu nahay, waxaana dabiici ah markaas in aynnu dhaxalnay dhaqankoodii u janjeedhay nasiinada iyo deggenaanta.

Waxa aan muran ku jirin in waxyaabaha aadamuhu curiyey uu nolosha beddelay. Aadamuhu waxa uu wax ka beddelay deegaankiisa, si isbeddelkaasi ugu kaydiyo tamartii. Wayddiinta aasaasiga ahu waa: maxaa innaga lumaya haddii aynnu dhaqankeennii soo jireenka ahaa ee dabiiciga ahaa raacno, oo aynnu mudnaanta siinno wax kasta oo nasiino iyo raaxo ina siinaya? Waxa aan filayaa in cidina ku doodayn in qasaaladaha iyo tareennadu, tusaale ahaan, ay hawlo badan innaga soo furteen, oo inoo suurogaliyeen raaxo iyo deggenaan. Laakiin, sidii aan bilawgii ku doodayba, walow ay barnaamijyada iyo mashiinnada ugu horumarsan nasiino ina siiyeen, wakhtigana inoo baajiyeen, haddana waxa aan muran ku jirin in raaxada badan ee noloshan casriga ahi suurogalin karto in noloshu sii kakanaato, si ka duwan fududayntii la sugayey.

Aynnu tusaalayaal soo qaadanno, intii aynnu si guud uun u sharrixi lahayn. Xilligan waxa kor u kacay dawooyinka loo qaato qulubka iyo werwerka ay sababeen adeegsiga badan ee moobillada casriga ah iyo baraha bulshadu, waxaan kor u kacay u nuglaanta xanuunnada nafsiga ah sannadihii dambe, waana wax loo aaneeyo habnololeedkan bilaa dhaqdhaqaaqa ah, ee lagu tiirsanyahay cunto diyaarsan oo qiimaha nafaqo ku yaryahay. Dhinaca nolosha bulsheed, dareenka cidlada ayaa meel sare gaadhay, oo dalalka qaar mushkilad qaran gaadhsiisan, heer dawladda Ingiriisku waxii 2018 ka dambeeyey magacawdo wasiirka arrimaha cidlada iyo kelinnimada. Waa wax cad in aan dareenka kelinnimadu iman lahayn, haddii aan barnaamijyada cusub, ee isgaadhsiinta dadka ilaa madadaallada guriga dhexdiisa la keenay ahi jiri lahayn. Waa waxyaabo dadka kala kaxaynaya, kulankii bulshadana meesha ka saaraya.

Sannadihii aan ku shaqaynayey ka talabixinta xanuunnada nafsiga ah, waxa aan arkay oo aan yaqiinsaday sida barnaamijyada horumarsan ee aynnu nolosha kusoo kordhinnay nolosha walbahaar ugu ridi karaan, oo ay usii ballaadhin karaan mushkiladihii aynnu is lahayn ha fududeeyaan. In aad nasiino dareento, oo aad guriga ku dhex jirtid maalmo, heshidna waxyaabo aad kaga maarantid bixitaanka badan ee aad hawlahaaga kusoo qabsan lahayd, waxa laga yaabaa in uu marka dambe keeno xanuun iyo cabsi inaad ka qaaddid ka bixitaanka guriga iyo dhexgalidda bulshada, ugu dambaynna  aad gaadhid heer halis ku ah jiritaankaaga. Waxa laga yaabaa in aaladahaasi ku dhaxalsiiyaan in aad dadka ka fogaatid, heer aad ka dhuumatid la sheekaysiga xaaskaaga. Wadasheekaysiga iyo isdhexgalka baraha bulshada ku salaysani waxa uu keeni karaa in qofku wejiga ka dadbo isdhexgalka caadiga ah ee nolosha, oo uu hoos u dhigo tabihii qofku bulshada ku dhexgeli lahaa, kuna illawsiiyo sida aadamaha loola dhaqmo. In aad magangashid hababka iyo aaladaha fududaynaya noloshu, waxa ay hoos u dhigayaan awoodihii aad ku maarayn lahayd dhibaatooyinka iyo adayga nolosha ee aan laga fursanayn. Dhinaca korriinka marka laga eegana, adayga iyo kadeedka badh ka mid ahi waa u muhiim sii waaritaankeenna. Awoowyaashiin kuma waarin uun u magangalkii wahsiga, se waxa ay kulmiyeen madadaalada iyo u badheedhidda halista si maangal ah.

Ku talaxtagidda raaxadu xilligan waa sidii in heshiis lala galay dhibaato joogto ah. Raaxadaasi way ina soo jiidataa, illeen waa wax abuurteenna qayb ka ahe, se dhinaca kalena waxa ay dhiigbax ku tahay awoodaheenna. Raaxadu nolosha waa ay inoo fududaysay, se haddana waxa ay sii fogaysay guushii aadamuhu higsan jiray. Intii aan dabiibayey xaalado nafsadeed, bukaannadayda, si ka duwan sidii soo jireenka ahayd, waxa aan xoogga saarayey waxyaabo iska aasaasi ah nolosha, sida samaynta saaxiibbo cusub, u dulqaadashada cadaadiska shaqada iyo tegidda meelo cusub. Waxa la yaab leh in bukaannadaasi  aanay ku kala baydhin sida ay raaxo la’aan iyo kadeed ku dareemaan samaynta waxyaabahaas aasaasiga ah ee nolosha ka mid ah, maalinba maalinka kasii dambaysana kusii adkaato.

Sida ugu habboon waa in aaladahaas raaxadu nolosheenna kaabid uun u noqdaan, oo ay innagu caawiyaan in aynnu wax cusub iyo yoolal cusub gaadhno, sida aalado sii fududeeya jimicsi aynu caafimaad ka helno, wax xirfado cusub innagu kordhiya, madaddaalo iyo fan cusub keena ama waxbarasho cusub inoo suurogaliya. Dhabaynta ujeeddooyinka noocan ah badanka waxa ku gedaaman wahsi, se adkaantaasi waa waxa sida dhabta ah nolosheenna u horumarinaya. Haddii aynnu qaabkan habboon uga faa’idaysanno hababka iyo aaladaha cusub ee nolosha fududeeya, waxa aynnu ku tallaabsan karnaa horumar cusub iyo nolol raaxo leh, oo aanay aaladuhu ina maamulin, se ay inoo shaqeeyaan. 

Waxa laga soo turjumay halkan.