Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Naqdinta Iimaanka Xoraynta: Dhaliil Falsafadeed

1 November, 2026
Image
Naqdinta Iimaanka Xoraynta: Dhaliil Falsafadeed
Share
“Diimuhu uma aysan imaan in ay Alle u adeegaan, ee waxay u yimaadeen in ay aadamiga u adeegaan.”— Cabdisaciid Cabdi Ismaciil
Arar

Maqaal uu dhawaan ku daabacay mareegta Geeska, qoraa Cabdisaciid Cabdi Ismaciil wuxuu ku soo bandhigay kala-soocid uu u dhexeysiinayo laba nooc oo iimaan ah: “iimaanka addoominta” iyo “iimaanka xoraynta.” Qoraagu wuxuu akhristaha weydiinayaa labadaas iimaan midka ay bulshooyinka maanta jira, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, u baahan yihiin. Kala-soociddani waxay fursad inoo siinaysaa inaan dib u eegno xidhiidhka ka dhexeeya diinta, xoriyadda, awoodda bulshada, caddaaladda iyo ujeeddada caqiidada diimeed.

Ujeeddada curiskani maaha inaan qiimeeyo qoraaga ama shakhsiyaddiisa, balse waa inaan falanqeeyo mabaadi'da falsafeed ee aragtida “iimaanka xoraynta” iyo fikradaha la halmaala. Gaar ahaan, waxaan eegayaa fahanka aragtidani ka qabto xaqnimada diinta, naqliga, xoriyadda, kaalinta waayo-aragnimada dulmanayaasha iyo halbeegyada lagu qiimeeyo sheegashooyinka diimeed iyo kuwa anshaxeed.

Nuxurka doodda iimaanka xorayntu waa in diintu yeelan karto laba weji: waxay noqon kartaa il dhiirrigelisa xoraynta, caddaaladda iyo isbeddelka bulshada, laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa aalad lagu sharciyeeyo ama lagu sii adkeeyo dulmiga. Aragtidani waxay rususha iyo nebiyada—sida Muuse, Ciise iyo nebi Muxammad, naxariis iyo nabadgelyo korkooda ha ahaato dhamaantood e—u aragtaa hoggaamiyeyaal la dagaallamay dulmiga iyo caddaalad-darrada ku habsatay bulshooyinkooda. Waxay sidoo kale ku dooddaa in fahanka kutubta diinta, sida Qur’aanka Kariimka, lagu saleeyo waayo-aragnimada dadka dulman (the oppressed) oo la siiyo mudnaan gooniya.

Waxaan qeexidaa ka dheehan karnaa qormada Cabdisaciid marka uu leeyahay:

“Caqiidada xorayntu waxay qabtaa in dib-u-eegid lagu sameeyo gebi ahaanba caqiidada ama iimaanka diiniga ah iyada oo laga duulayo mowqifka ay tahay in laga istaago ‘dulmanaha iyo dulmilowga.’ Waa in buugta diimaha muqaddaska u ah lagu akhriyo indho tawri ah oo saboolka iyo dulmanayaasha u hiillinaya, saboolnimadana aan loo arag xaalad dabiici ah iyo fashil qofeed, balse loo aqoonsado in ay tahay shar iyo fashil ku dhacay wadar ahaan akhlaaqda bulshada. Waa in Alle iyo diintu ay la saftaan saboolka iyo guud ahaan dulmanaha. Diintu waa in ay noqotaa aalad dhan walba ka xoraysa qofka iyo bulshada (dhanka ruuxda, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda, …, iwm). Diintu waa in ay ka dirirtaa in danyartu dulliga iyo dulmiga qaayibaan.”

Qeexitaankani wuxuu dhalinayaa su'aalo falsafeed oo muhiim ah. Maxaa loola jeedaa in kutubta lagu akhriyo indhaha dulmanayaasha? Waayo-aragnimada dulmigu ma qofka ayay siisaa marin aqooneed gaar ah oo uu ku garto xaqiiqooyin ay dadka kale, sida maalqabeenada, ka indho la’aan karaan; mise waxay sidoo kale siinaysaa aqoon gaar ah oo uu ay ku gartaan macnaha saxda ah ee diinta?

Su’aalahaa waxaa weheliya kuwa kale oo aan ka dheehan karo curiska Cabdisaciid. Tusaale ahaan, ma habboon tahay in hab-falanqayn ka timid falsafad maaddi ah, sida Maarkisiyadda, loo adeegsado sida aalad lagu fahmo bulshada, ama laga dhigo halbeegga hagaya fahanka diinta?

Ugu dambayn, waxaan isweydiiyay “aflaxa adduunka iyo xoraynta aadamuhu” ma ujeeddada ugu dambaysa ee diintaa, mise waa mid ka mid ah waajibaadka iyo natiijooyinka ka dhasha hanuunka rabbaaniga ah?

Doodayda ugu weyn waa in la kala saaro saddex arrimood oo xidhiidh leh, balse aan isku mid ahayn: xaqnimada sheegasho diimeed, qiil-u-helidda aqooneed (epistemic justification) ee sheegashadaas, iyo cawaaqibta ka dhalata ku dhaqankeeda. Fahankaas awgiis, waxtarka siyaasadeed ama bulsheed ee fasiraad diimeed ma noqon karo halbeeg ku filan oo lagu go'aamiyo xaqnimadeeda. Sidoo kale, in dulmanayaasha la siiyo tixgelin gaar ah – marka laga hadlayo caddaaladda – macnaheeda maaha in waayo-aragnimadooda laga dhigo awoodda keliya ee go’aamisa fahamka diinta.

Waxaa muhiim ah inaan kala saarno laba mowqif. Midka koobbaad waa in waayo-aragnimada dulmanayaasha si dhab ah loo tixgeliyo lana garab istaago, maadaama ay iftiimin karto dhinacyo ka mid ah dulmiga iyo caddaalad-darrada oo laga yaabo in aanay dadka kale si buuxda u arkin. Waa ta la dhaho ruux xanuunsaday uunbaa garta qiimaha caafimaadka. Mowqifka labaadse waa in himilada xoraynta iyo fahanka siyaasadeed ee dulmanayaashu noqdaan halbeegga iyo micyaarka lagu go’aamiyo macnaha iyo xaqnimada naqliga. Mowqifka koobbaad waa mid mudan in laga adarooso oo laga faa’iideysto; kan labaadse wuxuu dhalinayaa su’aalo culus oo aqooneed iyo fiqi.

Taas macnaheedu maaha in xoriyadda, caddaaladda iyo la dagaallanka dulmigu aanay muhiim u ahayn Islaamka. Bilcaksi, Islaamku wuxuu leeyahay mabaadi' cad oo ku saabsan caddaaladda, ilaalinta xuquuqda dadka, iyo la dagaallanka dulmiga. Waa diin dulmanayaasha iyo inta baahan siisa qadarrin gooniya, sida aan dib ka sharxi doono. Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in la kala saaro mabaadi'da diinta, fasiraadaha bani’aadamka ee mabaadi’daas, iyo cawaaqibta bulsheed ee ka dhalata ku dhaqankooda.

Si aan dooddan u caddeeyo, aan qaadaa-dhigo shan arrimood: xidhiidhka xaqnimada diinta iyo waxtarkeeda bulsheed; waayo-aragnimada dulmanayaasha iyo mudnaanta aqooneed; kala duwanaanshaha diinta, fasiraadda iyo dhaqanka; xidhiidhka Maarkisiyadda iyo fasiraadda naqliga; iyo, ugu dambayn, aflaxaadda adduunka iyo ujeeddada guud ee diinta.

1. Xaqnimada Diinta iyo Waxtarkeeda Bulsho

Mid ka mid ah su’aalaha asaasiga ah ee ka dhalanaya doodda iimaanka xoraynta waa xidhiidhka ka dhexeeya xaqnimada sheegasho diimeed iyo waxtarka bulsheed ee ka dhasha ku dhaqankeeda. Si arrintan loo fahmo, waxaa lagama maarmaan ah in la kala saaro saddex arrimood: runnimada sheegashada (truth), qiil-u-helidda aqooneed ee qofku u haysto sheegashadaas (epistemic justification) iyo cawaaqibta ficil ee ka dhalata ku dhaqankeeda (practical consequences).

Saddexdan arrimood way isku xidhanyihiin, balse isku mid maaha. Runnimadu waxay ku saabsan tahay in sheegashadu sax tahay iyo in kale. Qiil-u-helidda aqooneedna waxay khuseysaa sababaha iyo caddaymaha qofka u oggolaanaya inuu sheegashadaas rumaysto. Cawaaqibta ficilkuna waxay daarantahay natiijooyinka ka dhasha marka sheegashadaas la qaato oo lagu dhaqmo.

Tusaale ahaan, fahan diimeed wuxuu u horseedi karaa bulsho natiijooyin wanaagsan, sida dhimista saboolnimada, yaraynta sinnaan-la'aanta iyo xoojinta wadajirka bulshada. Laakiin natiijooyinkaas wanaagsan kaligood ma caddaynayaan in fahankaasi yahay mid si sax ah uga tarjumaya waxa naqligu sheegayo. Sidoo kale, fashilka bulsheed ee ka dhasha ku dhaqanka fahan gaar ahi si toos ah uma caddaynayo in caqiidada fahankaasi ku dhisan yahay uu been yahay.

Waa muhiim in aan arrintan si khaldan loo fahmin. Ma sheegayo in cawaaqibta bulsheed aanay waxba ka tari karin qiimaynta fahanka diinta. Haddii qof ku andacoodo in fahan gaar ahi u horseedayo bulsho caddaalad iyo wanaag, way habboon tahay in la baadho saameynta dhabta ah ee fahankaa. Haddii fahanku si joogto ah u dhaliyo cawaaqib ka hor imaanaya mabaadi’da ay diini sheeganayso inay ilaalinayso, taasi waxay sabab u noqon kartaa in dib loo eego fahanka naqliga.

Dib-u-eegista fasiraadda iyo go'aaminta runnimada caqiidada waa laba hawlood oo kala duwan. Cawaaqibta bulsheed waxay naga caawin karaan qiimaynta waxtarka fahan, laakiin kaligood ma noqon karaan caddayn kama dambays ah oo lagu go'aamiyo xaqnimada naqliga. Sidaa darteed, waa in la kala saaro laba su'aalood:

  1. Fasiraadda diin lagu sameeyo ma leedahay waxtar bulsheed, mise waxay dhalisaa cawaaqib waxyeello leh?

  2. Fahanka diintu ma yahay mid si sax ah uga tarjumaya macnaha iyo ujeeddada qoraalka diinta?

Su'aalahani way is saamayn karaan, laakiin jawaabta midkood si toos ah uma go'aamiyo jawaabta kan kale.

Tusaale ahaan, dhaqdhaqaaq siyaasadeed ayaa adeegsan kara luuqad diimeed si uu u yareeyo saboolnimada ama u horumariyo caddaaladda bulshada. Guusha uu gaadho waxay caddayn u noqon kartaa in nidaamkaa siyaasadeed uu waxtar leeyahay, laakiin ma caddaynayso in dhammaan fahanka diimeed ee uu ku dhisan yahay ay sax yihiin. Sidoo kale, qof ayaa samayn kara fal bulshada waxtar u leh isaga oo aan ka duulayn sabab diimeed. Sidaas darteed, waxtarka falka iyo xaqnimada caqiidada qofka maaha wax isku mid ah.

Waxaa iyana muhiim ah in la kala saaro diinta, fahanka bani'aadamka ee diinta, iyo dhaqanka dadka sheegta inay ku dhaqmaan. Bulsho Muslim ahi waxay ku fashilmi kartaa hirgelinta caddaaladda, laakiin fashilkaasi keligiis ma burinayo mabaadi'da caddaaladeed ee Islaamku sheeganayo. Waxa habboon in la baadho in bulshadu si sax ah u fahantay mabaadi'daas, in hay'adaha masuulka ahi ku dhaqmeen ama ku tunteen, iyo duruufaha kale ee sababay fashilkaa.

Sidaas darteed, su'aasha ay tahay in dhawaaqa iimaanka xorayntu ka jawaabo waa: haddii fahan diimeed uu bulsho ahaan waxtar leeyahay, maxaa caddaynaya inuu sidoo kale yahay fahan diin ahaan sax ah? Haddii waxtarka siyaasadeed ama bulsheed laga dhigo halbeegga lagu go'aamiyo xaqnimada fahanka, sidee loo kala saaraya runnimada sheegashada diimeed iyo guusha mashruuca siyaasadeed ee sheegashadaas adeegsanaya?

Haddaan si kale u dhigo, qof ayaa samayn kara fal bulshada faa'iido u leh isaga oo aan ka duulayn sabab diimeed. Sidaas darteed, natiijo bulsheed oo wanaagsan kama dhigna in qofka ama hay'adda falka samaysay ay leeyihiin caqiido sax ah. Macnaha, maaha in la isku khaldo diinta, fahanka qofku ka haysto diinta, iyo dhaqanka qofka ama bulshada sheegata inay diinta ku dhaqmayaan.

Dooddaydu maaha in natiijooyinka bulsheed laga fogeeyo fahanka diinta, balse waa inaan laga dhigin halbeegga keliya ama waxa kama dambaysta ah ee lagu go'aamiyo xaqnimada diinta.

2. Mowqifka Dulmanaha iyo Mudnaanta Aqooneed

Qodobka ugu muhiimsan ee aragtida iimaanka xorayntu waa in diinta lagu qiimeeyi garab istaaga dulmanayaasha, gaar ahaan saboolka, dadka la takooro, iyo kuwa loo awood-sheegto. Aragtidani waxay leedahay sees-falsafeed mudan in si dhab ah loo baadho, maadaama waayo-aragnimada bulsheed ee qofku ku nool yahay ay saamayn karto waxa uu arko, waxa uu fahmo, iyo su'aalaha uu muhiimka u arko.

Qof ku nool xaalad faqri ahi wuxuu yeelan karaa faham qoto dheer oo ku saabsan saamaynta saboolnimada, halka qof la kulma takoor ama dulmi uu aqoonsan karo dhinacyo ka mid ah nidaamka bulshada oo aan si fudud ugu muuqan dadka aan waayo-aragnimadaas lahayn. Sidaas darteed, in waayo-aragnimada dadka dulman la tixgeliyo maaha oo keliya arrin anshaxeed, balse waxay sidoo kale leedahay qiime aqooneed.

Falsafadda casriga ah ee aqoonta waxaa ka mid ah aragti loo yaqaan standpoint epistemology, taas oo baadha sida mowqifka bulsheed ee qofku u saameeyo aqoonta uu helo. Qaar ka mid ah mufakiriinta aragtidan waxay ku doodaan in dadka loo awood-sheegto ay yeelan karaan marin aqooneed gaar ah oo ay ku fahmaan qaab-dhismeedyada awoodda iyo dulmiga. Sababtu waxay tahay in qofka ku jira nidaam bulsheed aanu u arkin dhammaan dhinacyadiisa si la mid ah sida qofka ka faa'iidaysanaya nidaamkaas.

Laakiin way kala duwan yihiin jiritaanka marxalad gooniya ama mowqif bulsheed oo gaar ah iyo awoodda aqooneed ee ka dhalan karta fahanka mowqifkaas. Qofku wuxuu la kulmi karaa dulmi isaga oo aan si buuxda u fahmin sababaha iyo qaab-dhismeedyada keenay. Sidoo kale, qof aan si toos ah u soo marin xaalad dulmi ah ayaa, isaga oo adeegsanaya cilmi-baadhis, caqli iyo xog la isku halayn karo, yeelan kara faham qoto dheer oo ku saabsan sababaha dulmiga

Marka, waa in la kala saaro laba arrimood: Tan koobbaad waa in waayo-aragnimada dulmigu qofka siin karto aqoon gaar ah oo ku saabsan xaaladda uu ku jiro iyo cawaaqibta ka dhalata. Tan labaad waa in waayo-aragnimadaasi siiso qofka awood aqooneed oo gaar ah oo uu ku go'aamiyo xaqnimada iyo macnaha saxda ah ee naqliga. Sheegashada koobbaad waa mid macquul ah oo mudan in la aqoonsado; tan labaadse tan hore saanqaadkeeda ma laha.

Qofka saboolka ahi wuxuu si gaar ah u fahmi karaa dhibaatada saboolnimada, laakiin taasi macnaheedu maaha inuu leeyahay faham ka sarreeya kan dadka kale oo ku saabsan falsafadda jiritaanka, xaqiiqada naqliga, ama mabaadi'da fiqiga. Sidoo kale, qofka hodanka ahi wuxuu yeelan karaa dano dhaqaale oo saamayn ku leh aragtidiisa, laakiin taasi macnaheedu maaha in dhammaan fahamkiisa diimeed uu khaldan yahay.

Sidaa la ajligeed, waa muhiim ah in la kala saaro awoodda markhaatiga waayo-aragnimada iyo awoodda fahanka xaqiiqada guud. Qofka dulman waa markhaati muhiim ah oo wax badan ka fahansan dabeecadda dulmiga, waana in aan markhaati kiciisa la yaraysan ama la iska indho tirin. Laakiin fahamka macnaha diintu waxay u baahan tahay habab kale oo ay ka mid yihiin daraasaynta qoraalka, fahamka luqadda, macnaha guud, mabaadi'da fiqiga iyo adeegsiga caqliga.

Waxaa intaa dheer, dadka dulman laftoodu isku mid maaha. Isku waayo-aragnimo bulsheed macnaheedu maaha isku aragti siyaasadeed, isku faham akhlaaqeed, ama isku gunaanad aqooneed. Qaar waxay si sax ah u aqoonsan karaan sababaha dulmiga, qaar kalena waxay yeelan karaan falanqayn khaldan. Sidoo kale, qofka awoodda leh mararka qaarkood wuxuu si sax ah u aqoonsan karaa caddaalad-darrada, inkasta oo aanu isagu si toos ah ula dhaqmin.

Haddaba, haddii sida qofka hodanka ahi wax u arko saamayn ku yeelan karto danihiisa dhaqaale, qofka saboolka ahna sida uu wax u arko waxaa saamayn ku yeelan karto duruufihiisa nololeed. Marka, maxaa noo oggolaanaya inaan midkood si guud oo aan shuruud lahayn uga saraysiino kan kale? Labadoodaba waa in lagu qiimeeyaa caddaymaha ay keenaan, sida ay u waafaqsan yihiin qoraalka diimeed, habka ay u adeegsadaan caqliga, iyo sida ay uga jawaabaan doodaha ka hor imanaya.

Waxaan qabaa in waayo-aragnimada dulmanayaasha ay tahay il aqooneed muhiim ah, balse aanay noqon karin awood gaar ah oo beddesha hababka xaqiijinta aqoonta. Waa in waayo-aragnimadaas lagu daraa baadhitaan ballaadhan oo tixgelinaya qoraalka, caqliga, taariikhda iyo duruufaha bulsheed. Dulmanaha waa in la dhegaystaa, waayo-aragnimadiisana la tixgeliyaa, laakiin fahanka diinta laguma koobi karo mowqifkiisa bulsheed.

3. Iimaanka, Fasiraadda, iyo Dhaqanka

Dhibaatada kale ee ku jirta kala-soocidda iimaanka addoominta iyo iimaanka xoraynta waa in aanay si cad u kala saarin diinta lafteeda, fahanka bani'aadamka ee diinta, iyo dhaqanka bulshada sheegata inay ku dhaqanto. Kala duwanaanshahani waa muhiim, sababtoo ah haddii aan la kala saarin, waxaa dhici karta in fashilka dadka lagu xukumo caqiidada ay rumaysan yihiin, ama guusha siyaasadeed ee koox loo qaato caddayn muujinaysa xaqnimada dhammaan fikradaha ay adeegsanayso.

Waxaa suurtagal ah in bulsho diin ku dhegan ay leedahay mabaadi' caddaaladeed, balse hay'adaha iyo hoggaamiyeyaasha bulshadaasi ku dhaqmaan caddaalad-darro. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu adeegsado fikrado diimeed si uu uga hortago dulmi, balse marka uu awood helo uu isagu noqdo mid ku takri-fala awoodda.

Haddaba, maxaa go'aaminaya in iimaanku yahay mid xorayn ama addoomin? Ma nuxurka caqiidada? Ma fahanka qoraallada? Ma nidaamyada iyo hay'adaha lagu dhiso magaca diinta? Mise dhaqanka dadka sheegta inay diinta ku dhaqmaan?

Haddii halbeeggu yahay natiijada siyaasadeed oo keliya, waxaa dhici karta in isla caqiido lagu tilmaamo mid wax xoraynaysa marka koox gaar ahi adeegsanayso, laguna tilmaamo mid wax addoomisa marka koox kale adeegsato. Haddii halbeeggu yahay dhaqanka dadka, waxaa dhici karta in khaladaadka iyo dembiyada dadka lagu xukumo diinta ay sheegtaan. Haddii se halbeeggu yahay fahanka, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in la qeexo shuruudaha lagu kala saarayo fahanka saxda ah iyo tan khaldan.

Halkaa waxaa ku jira afar arrimood oo muhim ah in la kala garto:

  1. Diinta oo ah caqiido iyo mabaadi' sheeganaya awood rabbaani ah.

  2. Fahanka bani'aadamka ee qoraallada iyo mabaadi'da diinta.

  3. Hay'adaha iyo nidaamyada bulshada ee ku dhisan sheegashada diinta.

  4. Dhaqanka shakhsiyaadka iyo bulshooyinka sheegta inay diinta ku dhaqmaan.

Kala duwanaanshahani wuxuu ina tusayaa in fashilka hay'ad diimeed aanu si toos ah u burinayn xaqnimada caqiidada ay sheeganayso. Sidoo kale, guusha siyaasadeed ee hay'ad diimeed ma caddaynayso in dhammaan mabaadi'da iyo fahanka ay adeegsanayso sax yihiin.

Kala saaridda diinta iyo dhaqanka dadka macnaheedu maaha in fahanka diinta laga dhaafo qiimayn iyo dhaliil. Haddii fasiraad gaar ahi si joogto ah u dhaliso dulmi, gaar ahaan marka cawaaqib taban ka dhalanayso mabaadi'da si toos ah u taageera dulmigaa, waa in la baadhaa saxnaanta fasiraaddaas. Waxaa laga yaabaa in dhibaatadu ku jirto fahanka qoraalka, habka fasiraadda ama mabaadi'da fiqiga ee la adeegsanayo.

Sidaas darteed, ma habboona in la yidhaahdo dulmi kasta oo lagu sameeyo magaca diinta waa gef ka baxsan diinta, iyada oo aan la baadhin xidhiidhka ka dhexeeya dhaqankaas iyo fahanka lagu taageerayo. Sidoo kale, ma habboona in dulmiga ay sameeyaan dadka diinta sheegtaa si toos ah loogu nisbeeyo caqiidada lafteeda.

Waxaa halkan ka dhalanaysa su'aal kale oo muhiim ah: haddii fahan diimeed ka hor yimaaddo hiigsiga siyaasadeed ee dhaqdhaqaaq xorayn doon ahi leeyahay, kee baa mudnaan leh? Ma qoraalka diinta iyo mabaadi'diisa, mise hiigsiga siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa?

Haddii hiigsiga siyaasadeed mar kasta mudnaan yeesho, waxaa halis ah in fasiraadda diintu noqoto mid u adeegta mashruuc hore loo go'aamiyey. Haddii se qoraalka iyo mabaadi'da diinta la hormariyo, waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo hababka lagu fahmayo, laguna qiimaynayo fasiraadaha kala duwan.

Dooddaydu waa in aanay ku filnayn in fahan diimeed lagu tilmaamo mid wax xoraynaya ama addoominaya iyadoo lagu salaynayo oo keliya himilo siyaasadeed ama natiijooyinka ka dhasha. Waxaa loo baahan yahay in loo noqdo marjica asalka, mabaadi'da fiqiga, habka loo adeegsado caqliga, iyo cawaaqibta ka dhalata fahanja diimeed. Habkaas oo keliya ayaa suuragelin kara in si caddaalad ah loo qiimeeyo xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo awoodda bulshada.

4. Maarkisiyadda iyo Fasiraadda Naqliga

Mid ka mid ah dooddaha iimaanka xoraynta waa adeegsiga falanqaynta Maarkisiyadda si loo fahmo xidhiidhka ka dhexeeya awoodda, lahaanshaha hantida, dabaqadaha bulshada iyo dulmiga dhaqaale. Adeegsiga hab-falanqeedkani wuxuu dhalinayaa su'aal muhiim ah: ma la adeegsan karaa fikradaha Maarkisiyadda iyada oo aan la qaadan falsafadda maaddiga ah ee salka u ah qaybo ka mid ah aragtidan?

Si su'aashaas looga jawaabo, waa inaan marka hore kala saarno Maarkisiyadda oo ah hab lagu falanqeeyo xidhiidhada dhaqaale iyo bulsheed, iyo Maarkisiyadda oo ah falsafad guud oo sharaxaad ka bixisa jiritaanka, taariikhda, iyo isbeddelka bulshada.

Waan la qabaa Cabdisaciid in qofka Muslim ahi uu adeegsan karo qaar ka mid ah fikradaha Maarkisiyadda, sida falanqaynta xidhiidhka wax-soo-saarka, ka faa'iidaysiga shaqaalaha, urursiga hantida iyo saamaynta awoodda dhaqaale, iyada oo aan ruuxu qaadan dhammaan malo-awaallada falsafadeed ee ku jira aragtidaas. Sidaas darteed, fikrad kasta oo Maarkis ka timid si toos ah looguma tilmaami karo mid ka hor imanaysa Islaamka. Fikradda waa in lagu qiimeeyaa nuxurkeeda, caddaymaha taageeraya iyo malo-awaallada ay ku dhisan tahay, ee aan lagu xukumin oo keliya halka ay ka timid.

Waxaa jira xikmad caan ah oo lagu weriyey kutubta xadiista, inkasta oo silsiladda werintu daciif tahay: «الكلمة الحكمة ضالة المؤمن فحيث وجدها فهو أحق بها». Macnaheedu waa in xikmaddu tahay wax uu mu'minku raadiyo, meel kasta oo uu ka helana uu xaq ugu leeyahay inuu ka faa'iidaysto. Haddii la adeegsado mabda'an, macne ahaan wuxuu dhiirrigelinayaa in aan aqoonta lagu xukumin halka ay ka timid oo keliya, balse lagu qiimeeyo waxa ay xambaarsan tahay. Waa halkii Soomaalidee, “nin iyo xoolihiis aragti baa ka dhexeysa.”

Laakiin dhibaatadu waxay dhacaysaa haddii hab-falanqayn gaar ah laga dhigo falsafad guud oo go'aamisa sida loo fahmayo qoraallada diinta, asalka fikradaha diimeed iyo halbeega lagu qiimeeyo xaqiiqada iyo caddaaladda.

Aan qodobkan saddex u kala qaado.

4.1. Khilaafka Falsafadda Maaddiga ah iyo Aragtida Diinta

Aragtida Maarkisiyaddu waxay taariikhda iyo xidhiidhada bulshada ku eegtaa indho xoogga saaraya xaaladaha maaddiga, dhaqaalaha, lahaanshaha hantida, hababka wax-soo-saarka, iyo xidhiidhada dabaqadaha. Taa lidkeed, diimaha samaawiga ah – gaar ahaan Islaamku – waxay ku dhisan yihiin aaminaadda jiritaanka Alle, naqliga iyo xaqiiqooyin ka sarreeya jiritaanka maaddiga ah.

Islaamku wuxuu qabaa in jiritaanka aadamuhu aanu ku koobnayn nolosha adduunka iyo xidhiidhada dhaqaale. Nolosha bani'aadamku waxay leedahay ujeeddo ka baxsan wax-soo-saarka, lahaanshaha hantida, iyo awoodda siyaasadeed. Waxaa jira masuuliyad akhlaaqeed, cibaado, xisaabtan iyo ka fakarka nolasha aakhiro.

Tusaale ahaan, wuxuu Imaam Raaqib Al-Isfahaani tilmaamay in abuurka aadamaha ay ka danbayso saddex ujeeddo: Kow, waa in aadamuhu dhiso oo dego dunida (Al-Cimmaara –Dhisidda iyo daryeelka dunida); Ujeeddada labaadi waa cibaadada Ilaahay (Al-Cibaada—Jawaabtii malcamadaha iyo khudbadaha jimcada aan ka baraney); Ujeeddada saddexaad waa khilaafada, ama mas’uuliyadda dunida (Al-Khilaafa) oo waa tii rabbi lahaa: وَيَسْتَخْلِفَكُمْ فِي الْأَرْضِ فَيَنْظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ

Isfahaani wuxuu leeyahay saddexdaa ujeeddo—cimmaara, cibaadada, iyo khilaafada—oo is barkan, siday u kala horeeyaana u kala muhiimsan, ayaa sees u ah jiritaanka aadamaha. Hadraawi baa, AUR, intaa si xikmadeysan inoogu sheegay tuducyo ku jiray maansadii Dabahuwan oo waa kii lahaa,

Adduunyadu waa daryeel

Daryeelka wixii ku nool

Dad bay magantiisa tahay

Dardaaran cad baa ka yaal

Daymiyo garashay rabtaa

Hog loo dayo bay rabtaa

Haddaba, haddii falsafad maaddi ahi ku dooddo in dhammaan fikradaha diimeed asal ahaan yihiin wax ka dhashay xaaladaha dhaqaale iyo danaha dabaqadaha bulshada, waxaa imanaysa khilaaf ku saabsan asalka iyo awoodda naqliga. Haddii waxyigu yahay hanuun ka yimid Alle, laguma soo koobi karo inuu yahay wax ka dhashay danaha dabaqad gaar ah ama duruufaha dhaqaale ee bulsho.

Tani macnaheedu maaha in duruufaha dhaqaale iyo siyaasadeed aanay saamayn ku yeelan fahanka bani'aadamka ee diinta. Waxay saamayn karaan sida qoraallada loo fahmo, loo adeegsado ama loo fasirto. Laakiin saamaynta duruufaha bulsheed kama dhigna in diintu lafteedu tahay wax ka dhashay duruufahaas ama ay u soo degtay u shaqeynta daruufahaas oo qudha.

Taas awgeed, waa in la kala saaro in duruufaha taariikheed ay saamayn ku yeeshaan fahanka dadka ee naqliga iyo in duruufahaasi yihiin sababta asalka ah ee naqliga. Tan hore waa arrin macquul ah oo mudan in la baadho; tan labaadse waxay si toos ah u taabanaysaa aasaaska caqiidada Islaamka.

4.2. Halista In Fikradda Siyaasadeed Laga Dhigo Halbeegga Fasiraadda

Waxaa iyana jirta farqi asaasi ah oo u dhexeeya in aragti siyaasadeed loo adeegsado aalad lagu fahmo duruufaha bulshada iyo in laga dhigo halbeegga go'aamiya macnaha qoraallada diinta.

Tusaale ahaan, qofku wuxuu adeegsan karaa falanqaynta Maarkisiyadda si uu u fahmo sababaha saboolnimada, uruursiga hantida, sinnaan-la'aanta dhaqaale ama ka faa'iidaysiga shaqaalaha. Adeegsiga noocaas ahi khasab maaha inuu ka hor yimaaddo caqiidada Islaamka, haddii fikradaha la adeegsanayo lagu qiimeeyo caddaymahooda iyo malo-awaallada ay ku dhisan yihiin.

Dhib diimeed oo isticmaalka noocaas ah ku jira iima muuqdo.

Laakiin xaaladdu way ka duwan tahay marka la qaato in qoraal kasta oo diimeed lagu fahmi karo oo keliya indhaha dabaqadaha bulsho, ama in macnaha saxda ah ee waxyigu yahay mid ay tahay in la waafajiyo himilo siyaasadeed oo hore loo go'aamiyey.

Halkaas waxaa iiga muuqda dhib: Waxaa imanaysa dhibaato hab-fasiraadeed. Haddii aragtida siyaasadeed ay hore u go'aamisay waxa caddaaladdu tahay, dabadeedna qoraalka diinta loo akhriyo si uu ula jaanqaado qeexitaankaas, waxaa dhici karta in qoraalku waayo awooddii uu ku sixi lahaa ama ku xaddidi lahaa aragtida siyaasadeed.

Haddii qoraalka diintu aanu waafaqsanayn gunaanadka siyaasadeed ee qofku hore u qaatay, kee baa dib loo eegayaa? Ma aragtida siyaasadeed, mise fasiraadda qoraalka? Haddii mar kasta qoraalka diinta loo rogo si uu ula jaanqaado mashruuca siyaasadeed, mashruucaasi wuxuu noqonayaa awoodda ugu dambaysa ee go'aamisa macnaha diinta.

Taasi waxay dhalinaysaa khatar ah in diinta laga dhigo aalad lagu sharciyeeyo fikrado siyaasadeed oo hore loo go'aamiyey, halkii ay diintu ahaan lahayd il mabda'eed oo awood u leh inay qiimayso, saxdo ama diiddo fikradahaas.

Sidaas darteed, dhibaatadu maaha in aragti siyaasadeed lagu isticmaalo fahamka duruufaha bulshada. Dhibaatadu waa marka aragtidaasi yeelato awoodda go'aaminta waxa waxyigu odhan karo iyo waxa aanu odhan karin.

4.3. Dhibaatada Asalka Fikradda iyo Xaqnimadeeda

Waxaa kale oo muhiim ah in laga fogaado khalad falsafeed oo loo yaqaano genetic fallacy, kaas oo ah in fikrad lagu xukumo halka ay ka timid halkii laga fahmi lahaa nuxurkeeda, caddaymaha taageeraya iyo malo-awaallada ay ku dhisan tahay.

In fikrad ka timid Maarkisiyadda loo adeegsado falanqaynta bulshada Muslimka ahi si toos ah uma caddaynayso inay khaldan tahay. Sidoo kale, in fikradi ka timid dhaqdhaqaaq doonaya xoraynta dulmanayaasha si toos ah uma caddaynayso inay sax tahay. Waxa muhiimka ahi waa in la baadho waxa fikraddu sheeganayso, sababaha taageeraya iyo sida ay ula jaanqaaddo xaqiiqooyinka iyo mabaadi'da kale ee la aqoonsan yahay.

Marka, waa in la kala saaro asalka fikradda iyo xaqnimadeeda. Fikradda laguma aqbali karo oo keliya halka ay ka timid, lagumana diidi karo oo keliya halka ay ka timid.

Laakiin, haddii fikrad maaddi ahi sheegato inay sharaxaad kama dambays ah ka bixinayso jiritaanka iyo taariikhda, isla markaana ay meesha ka saarayso qadiyadda rabbaaniga ah ee naqliga iyo xaqiiqooyinka aakhiro, waxaa imanaya khilaaf aasaasi ah oo u dhexeeya malo-awaalladeeda iyo caqiidada Islaamka.

Dooddaydu maaha in Muslimku aanu adeegsan karin falanqaynta Maarkisiyadda, balse waa inaan hab-falanqayneed gaar ahi noqon awoodda ugu sarraysa ee lagu go'aamiyo macnaha naqliga. Aalad aqooneed waa la adeegsan karaa, laakiin mala-awaallada falsafadeed ee ay sidato waa in iyagana si madax-bannaan loo qiimeeyaa.

5. Xoraynta iyo Ujeeddada Diinta

Su'aasha ugu dambaysa ee muhiimka ahi waa: maxaa loola jeedaa xoraynta, yaase qeexaya waxa xorayntu tahay?

Xorriyaddu maaha fikrad leh hal macne oo keliya. Sida qoraagu farta ku fiiqay, waxaa jira xorriyad dhaqaale, xorriyad siyaasadeed, xorriyad bulsheed, xorriyad aqooneed iyo xorriyad ruuxi ah. Mid kasta waxay leeyahay ujeeddo iyo halbeeg u gaar ah.

Qof ayaa ka xoroobi kara faqri, balse weli ku sii jiri kara jahli. Qof ayaa ka xoroobi kara nidaam siyaasadeed oo dulmi ah, balse ku dhici kara nidaam kale oo dulmi badan. Qof ayaa dhaqaale ahaan xor noqon kara, balse ku sii jiri kara addoonsiga damaca, hunguriga iyo rabitaannada aan xadka lahayn. Tusaalooyinkani waxay muujinayaan in xoraynta aadamuhu leedahay dhinacyo kala duwan, isla markaana aan lagu soo koobi karin ka bixitaanka cadaadiska dhaqaale ama siyaasadeed.

Islaamku wuxuu leeyahay faham ballaadhan oo xoriyadda iyo masuuliyadda aadamaha ku saabsan. Wuxuu qofka ku waajibinayaa inuu ka fogaado dulmiga, xaq-darrada iyo ku takri-falka awoodda, laakiin sidoo kale wuxuu ku boorrinayaa inuu naftiisa ka xakameeyo xumaanta, damaca iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka kale. Qur’aanka iyo sunnada suubanaha (SCW) ayaa taa laga dheehan karaa.

Haddaba, xorayntu ma waxay ka dhigantahay ka bixitaanka cadaadiska ay dadka kale inagu hayaan oo keliya, mise waxay sidoo kale ku lug leedahay ka xoraynta qofka damacyadiisa waxyeellada leh, jahligiisa iyo addoonsiga naftiisa?

Su'aashani waxay ina tusaysaa in xoraynta dibadda iyo hagaajinta gudaha aan la kala goyn karin. Qofku wuxuu ku noolaan karaa bulsho siyaasiyan xor ah, balse naftiisa ayaa weli addoon u noqon karta damac iyo hunguri. Sidoo kale, qofku wuxuu yeelan karaa akhlaaq wanaagsan, balse wuxuu ku noolaan karaa nidaam bulsheed oo dulmi iyo caddaalad-darro ku dhisan. Sidaas darteed, faham dhammaystiran oo xoraynta ahi waa inuu tixgeliyaa labadaba.

Halkaa waxaa muhiim ah in la kala saaro aflaxa adduunka iyo badbaadada aakhiro. Islaamku kuma koobayo ujeeddadiisa halgan bulsheed ama mashruuc siyaasadeed. Waxaa ka mid ah xidhiidhka qofka iyo Alle, cibaadada, hagaajinta akhlaaqda, masuuliyadda qofeed iyo xisaabtanka aakhiro.

Taasi macnaheedu maaha in arrimaha bulshada laga fogaynayo diinta. Bilcaksi, diintu waxay leedahay mabaadi' cad oo ku saabsan caddaaladda, ilaalinta hantida, daryeelka masaakiinta iyo dhowrista xuquuqda dadka. Laakiin mabaadi'daas laguma soo koobi karo hal ujeeddo siyaasadeed.

5.1. Maqaasidda Shareecada iyo Caddaaladda Bulshada

Aan yar dul istaago fikradda Maqaasidda Shareecada (Maqasid al-Sharia), oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee falsafadda iyo cilmiga fiqiga Islaamka.

Maqaasidda Shareecadu waxay ka hadashaa ujeeddooyinka guud ee shareecada iyo danaha ay u timid inay ilaaliso. Culimada usuushu waxay si gaar ah u xuseen shan daruurood oo waaweyn: ilaalinta diinta, nafta, caqliga, nasabka iyo hantida. Fikradda maqaasiddu waxay sidoo kale saldhig u tahay dooddo ballaadhan oo ku saabsan caddaaladda, karaamada aadamaha, daryeelka bulshada iyo ka hortagga waxyeellada.

Marka, Islaamku wuxuu leeyahay agab falsafeed iyo fiqeed oo lagu fahmo wanaagga aadamaha iyo caddaaladda bulshada. Sidaas darteed, su'aashu maaha in Islaamku danaynayo xaaladda dadka saboolka ah ama dulmanayaasha. Taa muran badan kuma jiro. Su'aasha dhabta ahi waa sababta ay lagama maarmaan u tahay in mabaadi'daas la fahmo ama la xaqiijiyo iyadoo la hoos geynayo falsafad siyaasadeed oo dibadda ka timid.

Aragtidayda, maqaasidda shareecadu waxay inoo oggolaanaysaa inaan qiimayno arrimaha bulshada innagoo ka duulayna ujeeddooyinka iyo mabaadi'da diinta lafteeda. Hase yeeshee, maqaasidda lafteedu maaha halbeeg aan muran lahayn; culimada iyo mufakiriinta Muslimiintu way ku kala duwanaan karaan sida loo qeexayo, loo kala hormarinayo loona adeegsanayo ujeeddooyinkaas.

5.2. Yaa Qeexaya Xoraynta?

Waxaa jira dhibaato kale oo ka dhalanaysa marka xoraynta laga dhigo ujeeddada ugu weyn ee diinta: cidda qeexaysa xoraynta iyo halbeegyada lagu qiimeeyo.

Haddii xoraynta lagu qeexo sinnaanta dhaqaale, maxaa dhacaya marka sinnaantaasi ay ka hor timaaddo mabaadi' kale oo anshaxeed? Haddii lagu qeexo xoriyadda siyaasadeed, maxaa dhacaya marka dhaqdhaqaaq xorayn doon ahi ku takri-falo awoodda uu helay? Haddii lagu qeexo baabi'inta dhammaan kala sarreynta bulshada, sidee loo kala saarayaa kala sarreynta ku dhisan dulmiga iyo kala duwanaanshaha dabiiciga ah ee ka dhex jira dadka?

Su'aalahani waxay muujinayaan in xorayntu aanay ahayn halbeeg si madax-bannaan u qeexaya xaqa iyo baadilka. Lafteeda ayaa u baahanaysa halbeeg anshaxeed oo lagu qiimeeyo.

Haddii dhaqdhaqaaq siyaasadeed – bilmetal Islaamka Bidixda /اليسار الإسلامي – uu isagu qeexo waxa xorayntu tahay, dabadeedna xorayntaas ka dhigo halbeegga lagu fasirayo diinta, waxaa imanaysa khatar ah in dhaqdhaqaaqaasi noqdo awoodda go'aamisa macnaha iyo ujeeddada naqliga. Halkaas waxaa ka dhalanaysa su'aal falsafeed oo muhiim ah: Xorayntu ma tahay halbeegga lagu fasirayo xaqnimada diinta, mise mabaadi'da diinta ayaa ah halbeegga lagu qiimeeyo fahamyada kala duwan ee xoraynta?

Aragtidayda, haddii la aqoonsan yahay asalnimadda naqliga iyo in diintu tahay naqal rabbaaniya, waxaa lagama maarmaan ah in mabaadi'da diinta ay noqdaan halbeeg lagu qiimeeyo mashruucyada siyaasadeed, halkii mashruucyada siyaasadeed laga dhigi lahaa awoodda go'aamisa macnaha diinta.

Gunaanad

Doodda aan curiskan ku soo bandhigay maaha inaan diiddanahay muhiimadda caddaaladda bulshada, xoraynta dulmanayaasha ama waajibka ka saaran bulshada iyo culimada inay difaacaan dadka nugul. Islaamku si cad ayuu u cambaareeyaa dulmiga, wuxuuna leeyahay mabaadi' iyo nidaamyo lagu daryeelo dadka baahan, sida sakada, sadaqada, ilaalinta hantida iyo dhowrista xuquuqda aadamaha.

Hase yeeshee, waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya in diinta laga dhex helo mabaadi'da caddaaladda iyo in diinta lafteeda laga dhigo mashruuc siyaasadeed oo lagu cabbiro halbeegyada aydiyoolajiyad gaar ah.

Naqdintaydu waxay muujisay in waxtarka bulsheed ee fasiraad diimeed aanu keligiis caddayn karin xaqnimadeeda; in waayo-aragnimada dulmigu qofka siin karto aqoon gaar ah oo muhiim ah, balse aanay si toos ah u siinayn awood uu ku go'aamiyo macnaha saxda ah ee naqliga; in dhaqanka dadka iyo hay'adaha diimeed aan si toos ah loogu khaldi karin caqiidada lafteeda, inkasta oo fasiraadahooda iyo cawaaqibtooda la baadhayo; iyo in falanqaynta Maarkisiyadda loo adeegsan karo aalad lagu fahmo xidhiidhada dhaqaale iyo awoodda bulshada, balse aan laga dhigi karin halbeegga kama dambaysta ah ee fasiraadda naqliga.

Arrimahaasi waxay ina tusayaan in aanay habboonayn in hal dhinac oo ka mid ah waayo-aragnimada aadamaha ama hal aragti siyaasadeed laga dhigo awoodda go'aamisa xaqnimada iyo ujeeddada diinta. Fasiraadda waxyigu waxay u baahan tahay hab baadhitaan oo tixgelinaya qoraalka, macnaha, caqliga, mabaadi'da guud ee diinta iyo duruufaha taariikheed iyo bulsheed ee lagu dabaqayo.

Marka laga hadlayo xaaladda bulshada Soomaaliyeed, doodahani waxay leeyihiin muhiimad gaar ah. Bulshadeennu waxay u baahan tahay inay si dhab ah uga dooddo saboolnimada, caddaalad-darrada, musuqmaasuqa, ku takri-falka awoodda iyo kaalinta ay diintu ku leedahay nolosha bulshada. Hase yeeshee, doodahaasi waa inay ku dhisnaadaan kala saaridda xaqiiqooyinka, fasiraadaha iyo himilooyinka siyaasadeed. Waa inaan laga dhigin in diintu ansax tahay oo keliya marka ay soo saarto natiijo siyaasadeed oo gaar ah, ama in fashilka bulsheed ee dadka diinta sheegta lagu xukumo caqiidada ay rumaysan yihiin.

Sidoo kale, ma habboona in la yareeyo waayo-aragnimada dadka dulman ama la iska indho tiro xaqiiqooyinka ay ka markhaati kacayaan. Waayo-aragnimadoodu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah fahamka caddaaladda bulshada. Laakiin aqoonsiga qiimaha waayo-aragnimadoodu kama dhigna in laga dhigo awoodda keliya ee lagu go'aamiyo macnaha naqliga.

Ugu dambayn, su'aashu maaha in Islaamku danaynayo xoraynta dulmanayaasha iyo in kale. Su'aashu waa sida loo fahmayo xoraynta, waxa saldhig u ah xaqnimadeeda, iyo cidda leh awoodda qeexidda ujeeddada diinta.

Diintu waxay leedahay aragti ka ballaadhan halgan dhaqaale, kacaan siyaasadeed ama isbeddel bulsheed. Waxay ka hadashaa asalka jiritaanka aadamaha, xidhiidhka qofka iyo Alle, masuuliyadda akhlaaqeed, caddaaladda, cibaadada iyo aayaha aakhiro. Sidaas darteed, xoraynta bulshada waa arrin muhiim ah oo ka mid ah waajibaadka iyo himilooyinka anshaxeed ee diintu hagto, laakiin ma aha in laga dhigo ujeeddada keliya ee diinta ama halbeegga kama dambaysta ah ee lagu go'aamiyo xaqnimadeeda.

Haddii waxyigu yahay hanuun rabbaani ah, waa in mabaadi'diisa loo adeegsadaa in lagu qiimeeyo fikradaha iyo mashaariicda siyaasadeed, halkii mashaariicdaasi ay noqon lahaayeen awoodda dib u qeexaysa macnaha naqliga. Taasi kama hor imanayso in diinta loo adeegsado hagaajinta nolosha aadamaha; waxayse ka dhigan tahay in wanaagga aadamuhu aanu noqon awoodda go'aamisa waxa Alle soo dejiyey iyo waxa aanu soo dejin.

Aan ku soo afjaro su'aashii uu igu dhaliyey hadalka aan curiskan ku furay: haddii diintu u timid inay aadamaha u adeegto, ma waxaa laga fahmayaa in baahiyaha iyo himilooyinka aadamuhu yihiin halbeegga lagu qiimeeyo ujeeddada iyo xaqnimada diinta, mise in diintu tahay hanuun rabbaani ah oo wanaagga aadamuhu yahay mid ka mid ah midhaha iyo faa'iidooyinka ka dhasha ku dhaqankeeda?

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Barilaabka (Orientalism) iyo Soomaalida