Wednesday 12 November 2025
Wadasheekaysigan uu Geesku la yeeshay Najax Haaruun oo ah farshaxamiiste, waxa uu ku arooraa kolka hore isbarashada Najax iyo Bulshada ay farshaxanka u asasho. Kolka xigta, wuxuu qaadaa dhigayaa guud ahaan farshaxanka iyo aydhiyooliyaddiisa, si gaar ahna waxa uu u sii guda gelayaa farshaxanka Najax iyo aragtida uu u taagan yahay. Kol kale, wuxu daaran yahay kaalinta farshaxamiistaha ee bulshada Soomaalida iyo si gaar ah haweenka iyo kaalintooda. Wadasheekaysigu, waxa uu ku biyo shubanayaa hilaadinta mustaqbalka farshaxanka, iyo waxa uu baahan yahay fankani si loo abuuro danayn hor leh oo ku aaddan bulshada Soomaalida ee ka caaggan jaadkan faneed iyo doorka gaarka ah ay tahay in uu ciyaaro farshaxanka, iyo farshaxamiistuhuba.
Najax Haaruun: Najax, waa noole isku dayaysa in ay jihayso nolosha, inta awooddeeda ah. Waxaan ku dhashay oo aan ku kacaamay Hargaysa. Illaa iyo dugsigaygii sare Hargaysa ayaan wax ku dhiganayay. Kollay aniga iyo magaaladan (Hargaysa) midkaayaba midka kale saameyn ayuu ku leeyahay. Waxa ay ila tahay haddii aan meel kale ku kori lahaa Najaxdan aan ahay ma ahaadeen. Waxaa jirta marar badan oo aan necbaysanayay oo aan lahaa: Waaqacan maxaan ugu soo beegmay? Laakiin markaad waynaato waxaad ogaanaysaa wax kaste inay u dhaceen sidii kaa dhigaysay qofka aad tahay maanta. Waxyaabo badan oo aan dhibsanayey markaan yaraa ama aanan dulqaad u lahayn, imika markaan dib u fiiriyo sida iskuulkii ama manaahijtii aan dhiganayay oo aan waligay ka soo horjeeday hannaanka wax lagu barto illaa iyo dugsigaygii sare, kolkaan dib u fiiriyo waxaan u arkaa wax asaasi u ahaa qofka aan maanta ahay.
NH: Berrigii aan yaraa farshaxanka uma aan soo jeedin. Waxaan xasuustaa aniga oo siddeed jir illaa sagaal jir ah aabbena uu ahaa sawirle gacanta wax ku sawira si gaar ah landscape-ka iyo xardhidda erayada iyo xarfaha (calligraphy) si uu sawir bini'aadan uga soo saaro, in annaga oo yaryar uu Aabbena na baro sawir gacmeedka. Haddana, anigu ma aan xiisayn jirin. Xiisahaygu waxa uu u badnaa in aan dibedda u baxo oo aan dhagaxyo soo urursado: yacnii ma aan lahayn dulqaadka ah in aan meel fadhiyo oo aan wax sawiridda barto. Waxaan doorbidi jiray badanaa in aan wax akhriyo, ama in aan dibedda u baxo oo aan soo gurto midhaha dhirta iyo waxyaabaha kale. Taasi waa markii koobaad ee aan isbaranno sawirka. Laakiin, kolkii labaad ee aan si fiican isu baran doonno farshaxanka waxa ay ahayd kolkii aan dugsiga sare fasalkiisa afaraad ku jiray… waqtigaasna aabbe goor ka sii horraysay dhintay. Haddaba, wajigan labaad kaligay baan ku ahaa safarka. Inan aan saaxiib nahay ayaa dhalashadaydii ii soo dirtay rinjiyo iyo buraashyo — kaliya haddiyad dhalasho uun bay ka ahayd. Waqtigaas waxa aan ku jiray xaalad aan dhabta ka indho xidhnaa oo noloshaydu dugsiga iyo xaafadda uun bay u dhaxaysay. Haddana, xaaladdu ha ba iska adkaato e, sidaas ayaan ku billaabay sawirka: buraashyadii iyo rinjiyadii igaga yimid dhalashadaydii inantii aannu saaxiibbada ahayn, dabcan, doorasho ma ay ahayn.
NH: Istuudiyahaygii koobaad waxa uu ku billowday mar aan qaatay go'aan ahaa: xiisahayga farshaxameed in aan dhab u beddelo. Waxa aan haystay qoondo yar oo waxa aan doon doonay goob aan ku shaqo billaabo. Dabadeedna Hooyo ayaan u badhigay, waxayna igu tidhi “ka warran dabaqa barxaddiisa sare haddaan kaaga dhiso qol? Hagaag, muddul yar oo aan lahayn baa la burburiyay oo qolkaygii koobaad ee istuudiyaha sidaas buu ku dhismay. Haddaba, noloshyadu badanaa waxa ay ahayd mid rootiin ah: Aroortii walaalahay kolka ay shaqada sii tagayaan ayaan soo daaddegaa oo aan ka soo baxaa istuudiyahayga, oo aan isla quraacannaa ka dibna iyagu way shaqo tagaan anna waan seexdaa, sababta oo ah habeenkii oo dhan baan wax sawirayay. Casarkii ayaan soo kacaa, oo aan waqti la qaataa qoyska. Kolka ay gaadho toddobada fiidnimo waxa aan dib ugu laabtaa istuudiyahayga illaa iyo aroorta maalintaas xigta.
NH: Sawirka waxaan ku qeexi karaa in uu yahay tacbiir sheekotabin dhacdooyin is-daba-joog ah (constant storytelling). Asaas ahaanna tabtaas ayaan anigu sawirka ku billaabay. Anigu, uma aan haysan waxbarasho aasaas ahaan, oo kol dambe ayaan baran doonaa dugsiyada ka la duwan ee farshaxanka. Yacnii aqoonta mar dambe ayaan u soo fadhiisan doonaa oo aan akhriyi doonaa. Laakiin, maaddaama aanan farshaxanka u gelin iskuul wixii koobaad ee aan ku billaabay waxa uu ahaa: Morley storytelling— (waxaa loo la jeedaa in sawirradu aysan ahayn kaliya muuqaal qurux leh, ee ay yihiin qalab sheeko bulshada loogu tebiyo ama lagu xoojiyo fekrado)—sababta oo ah markii horeba sheekooyinka gaagaaban waan qori jiray oo waxyaabo badan ayaan isku dayi jiray. Haddaba, tii uun baa dhinacan ila sii gashay. Iminkana farshaxankaygu marka aan indho akaadeemig ku eego waxa uu noqday farshaxan ‘fekerr iyo dareen' ku salaysan, (abstract expressionsm), halkii uu ka ahaan lahaa 'sawir muuqaal cad leh. Farshaxankaygu waxyaabo kalena wuu kullansadaa oo aan ahayn rinjiyeyn, sida Qoridda iyo farshaxanno kale oo aan rabo in aan sii horumariyo.
NH: In aan erayo ku muujiyo fekradahayga waan sku dayay oo illaa iyo imika waxa aan haystaa uruursankayga tixeed, ha ahaato se shaacsane ma aha. Waxa ay i la tahay, in qofku uu wax ula hadho naftiisa. Wax kasta in la soo bandhigo ma aha. Sida aan aamminsanahay haddii farshaxankayga adduunku yeesho, gabayadayda aniga ayaa iska leh. Dabcanna, ma aanan dooran sawirka iyo farshaxanka oo kaliya e, waxyaabo badan ayaan isku dayaa oo waan sii doonayaa in aan waxyaabo kale isku dayo. Laga yaabee in aan berriba masraxa galo, waayo waan jecel ahay masraxa. Ha se ahaatee, maanta waxa aan doonayaa dareenkayga in aan ku soo gudbiyo farshaxanka. Dabcan, taasi ma aha waxa i jaangooya. Waxa aan isku qeexaa in aan ahay farshaxmiiste Jirjirroole oo kale ah. Berritoole waxa aan noqon karaa wax kasta oo aan doonayo.
NH: Dabcan, waxa ay i la tahay hannaanka (dhaqanka) aan ku jirno ee waligiiba soo jiray saamayn badan ayuu ku yeelanayaa gabadha iyo waxsoosaarkeeda. Gabadhu waligeed ayay ku dhex jirtay fanka, laakiin waxaa loo arkayay farshaxan qurxin guri ah oo ku eg guriga. Halka ninku marka uu sameeyo farshaxan, madxaf la dhigayay kiisa. Haddaba taasi waa isha uu ku arkayay adduunku oo uu gabadha kaga saaray farshaxanka. Laakiin, taasi ma aha in aannay gabadhu farshaxamaynta ku jirin. Waxa aan xasuustaa ayeeyaday oo tosha misana farsamaysa cawda, kaasi miyaannu farshaxan ahayn? Dhab ahaantii farshaxan buu ahaa, laakiin hadduu nin samayn lahaa madxaf buu oolli lahaa. Halka ka ayeeyaday guriga la dhigayay oo lagu qurxinayay. Taasina waxa ay ku tusinaysaa in ay gabadhu waligeed farshaxanka ku soo jirtay, laakiin dhibtu waxa weeyaan innagu sida aan ula falgalno dumarka iyo waxa ay qabanayaan.
NH: Ma jiro wax baayoloji ahaan ka la duwaya oo odhanaya, gabadhu farshaxankeeda baayoloji ahaan ayuu ka duwan yahay ka ragga. Laakiin, waxa aan u malaynayo waxa weeyaan waayo-aragnimada bulsheed ee ay marayso gabadhu maaddaama ay ka duwantahay waayo-aragnimada bulsheed ee ninku marayo. Farshaxankooduna wuu ka la duwanaanayaa maaddaama sida ay wax uga falcelinayaan ay ku ka la duwan yihiin. Ka ba soo qaad hees jacayl ah oo ay gabadhi qortay. U ma qorayso sida ninku u qorayo, waayo waxa kala duwan sida ay Jacaylka ugu soo gudbinayaan bulshada. Taas awgeed baan muhiim ugu arkaa in gabadhu codkeedu soo kor maro. Ma aha qasab oo ku ma dhagsani fekradda ah in haweenka codkooda la maqlo keliya in ay tahay haween. Laakiin waxa aan rabaa in la maqlo codka qayb dhan oo ka mid ah bulshada waa haweenka e, codkaas oo haddii aynnaan maqlin ah waayo-aragnimo innaga go’an.
NH: Horraysaba ma aha cod ku dhisan haweenay. Maxaa wacay waligayba waxaan necbaa in la iigu yeedho farshaxamiiste dheddig ah. Kaliya waxa aan ahay farshaxmiiste. Waayo, kolka la sheegayo ninka la ma yidhaahdo farshaxamiiste lab ah. Kaliya waxaa loogu wacaa farshaxamiiste. Laakiin, kolka la i soo dhowaynayo waxaa la igu soo dhaweeyaa: Najax waa farshaxamiiste dheddig ah. Taasina waa arrin aan meesha qaban. Waxa aan doonayaa in codkayga loo maqlo farshaxamiiste ahaan. Waxaan soo tebinayaa waxa aan u arko in ay muhiim tahay in la soo tebiyo. Masuuliyad ay cidi i saartayna ma aha. Waxa weeyaan dareen sii ridan oo i taabtay oo aan ka seexan kari waayey. Sheekooyinka qaar baanan ka seexan, oo dareemada qaar baanan ka seexan illaa aan soo tebiyo, ha noqdo qoraal ama sawir amba ha sheeko aan qof ku la sheekaysto e, adigu sida guud waa in aan hadlo uun. Si koobanna waa butaacid. Dabcan, taasi waxa weeyaan in aan doonayo in codkaygu noqdo mid tebinaya masuuliyad guud oo aadame ah.
NH: Doorka haweenaydu waa in leeg doorka labka. Mar kale ma ka la saari karno oo ninka farshaxamiistaha ahi iyo haweenayda farshaxamiistaha ahi isku door bay xanbaarsan yihiin. Labaduba waa farshaxamiistayaal. Labadooduba waa in ay xaqiiqo soo gudbiyaan. Labaduba waa in ay ka runta sheegaan. Waa adiga oo iminka i wayddiinaya gabadha dhakhtarkaa maxaad ka filanaysaa?! Dabcan waa isla inta aan ka filanayo ninka dhakhtarka ah.
NH: Intaba wuu ka yimaadaa aydhiyaalka farshaxankaygu. Waayo intaba waa wax na taabanaya, ama adiga ha kaa yimaado ama sheekooyinka kugu hareeraysan, amba qibradaha aad soo martay. Laakiin, badanka fekradaha farshaxankaygu waxa ay ka yimaadaan waayo-aragnimo ay dad kale mareen. Waayo aad baan u jecel ahay in aan yara ciyaaro doorkooda oo is dhigo halkooda oo aan is wayddiiiyo haddaan anigu xaaladdaas ku jiri lahaa sidee baan u dareemi lahaa? Haddaba, waxa ay ila tahay, markasta farshaxamiistuhu waxa weeyaan qofkaa Jirjirroolaha ah ee nolosha kolba dhinac kale ka soo eegaya. Taasina waa sababta aan u idhaahdo wax jaango'an ma jiro. Waayo gebigeennuba haddii aan nahay hal-abuur waa in aynnu Jirjirroole noqonno: Yacnii, waa inaad shaadh kale gashan kartid. Haddaad shakhsiyad dhisayso oo qorayso nolosheeda waa inaad gashan karto shakhsiyaddaas shaadhkeeda. Adiga oo jooga dhinacaaga ka ma qori kartid shakhsiyaddaas nolol. Haddaba, halkaas ayuu ka yimaadaa hal-abuurkaygu: oo ah in aan Jirjirroole ahay.
NH: Way jiraan, oo iminka waxaa jiray sawir aad qalbigayga ugu dhow. Sawirkaasi waxa uu ka dhashay sheeko. Maalin aniga oo la fadhiya koox hablo ah ayaa inani nooga sheekaysay arrin ku dhacday. Dhacdadaas markii aan guriga ku soo noqday waan seexan kari waayey. Mar dambe oo aan seexdayna waan ku riyooday dhacadii lafteeda. Mar kale waxa aan kuu sheegayaa farshaxamiistuhu waa in uu awood u lee yahay in uu noolaado dhacdada. Waxa aan u dareemayey dhacdadaas ay iiga sheekaysay inantaasi sida dhacdadaas inaan anigu noolaaday oo kale. Waxa aan ugu riyooday sidii ay iyadu ugu riyootay oo kale kolkii ay sheekada riyadeeda innooga sheekaynaysay. Kolkaasna waxa aan ka sameeyay sawir.
NH: Intaba waan kaga hadlaa, laakiin sidee baan uga hadlaa? Marka aan ka hadlayo xaalladaha dhaqanka iyo waxyaabaha aan ku sugan nahay ee na taabanaya si gaar ah shakhsiyan i taabanaya uga ma hadlo sida qof wadaraynaya xaalladaha aan ku jirno oo ma sawiro dhacdo maalmeedda joogtada iska ah. Laakiin waxaa jira waxyaabo qotodheer oo inna taabta oo ka mid ah dhacdo maalmeeddeena oo aan ka falceliyo maalin kasta marka aan wax sawirayo. Haatan oo kale waxaan aad ugu mashquulsan ahay maahmaahyada oo mar baa jirtay aan ka sameeyay sawir maahmaahda 'Gabadhi waa hilib bisil'. Fekraddaasi waxa ay ahayd maahmaahdii koobaad ee aan ka sameeyo farshaxan rinjiyeysan. Ka dib waxa aan ogaaday bulsho ahaan in aan maahmaahyada aan ku celcelinno innaga oo aan dareensanayn sida ay innoo saamaynayaan amba saamaynta ay nagu yeelanayaan.
Waxa aan xasuustaa maahmaahdaas maalintii koobaad ee aan maqlo waxa aan ka maqlay iskuulka, waxaanan ka maqlay macallinka maaddada Af-Soomaaliga. Dabadeed gurigan ku noqday oo ayeeyo ayaan wayddiiyay: Ayeeyo, maahmaahda Deedna waxa ay iigu jawaabtay:” Waa sida ay tahay oo gabadhi waa hilib bisil'. Waxa ay ii sharraxday intii ay karaysay, laakiin maaddaama oo intaas oo sanno ka dib ay fekraddaasi weli taagan tahay ayna weli i taabanayso felcelin bay mudnayd.
Midda haweenka waan ka warramaa, laakiin iyana sidee? Ugu ma hadlo aniga oo leh, haweenku waxay u baahan yihiin in loo hadlo. Laakiin maadaama aan ku jirno hannaan tacaddi oo aan adduunka la wadaagno, aan ugu sii darnaanno annaguye oo aan ku jirno meesha ugu hoosayso waxaa aad u adag in ay jirto dhiirranaanta ah in qofku ka hadlo waxyaabo badan oo shakhsiyan inna taabanaya haweenay ahaan oo kale. Haddaba, marka aan haweenayda u hadlayo uga ma hadlayo haweenay ahaan, oo waxaa jira taxane kale oo aan lahaa oo aan kaga warramayay ragga iyo kadeedka siduu u taabto. Ku ma jaango'ni in aan u hadlayo haweenayda oo kaliya. Maya e, waxaan rabaa in aan u hadlo qof kasta oo damqanaya misana aan muujin karo daldaloollada taagan. Ma aha mid ku dhisan feker dheddigaysan, laakiin tacaddiga dumar ayaa ka badan bulsho ahaan ka ragga. Taas macnaheedu na ma aha in aanu jirin tacaddi raggu, laakiin mar kasta ta dumarka ayaa badan. Taasaana keenaysa in aan mar kasta u janjeedho dhinaca haweenayda maaddaama mucaanaadku dhinacaas ku badan yihiin.
NH: Najax Haaruun: Caqabadaha asaasiga ahi waxa weeyaan in waddankeenna aanay diyaar ku ahayn waxyaabaha qaar. Iminka oo kale haddaad qoraa tahay meel kasta qoraa waad ku noqon kartaa. Laakiin marka aad rabtid in aad billowdid farshaxanka gaar ahaan rinjiyeynta waxa aad wajahaysa caqabad ah dhanka agabka. Tusaale, markii aan bilaabayey aniga iyo dad badan oo ila mid ah oo waxa aan adeegsan jirnay kafanta halka aanu ka adeegsan lahayn marada kanfaska. Laakiin ma aanu heli jirin, waxayna ahayd caqabad agab. Halka aan iminka rinji ka raadsanayno oo aan awood u lee nahay in aan soo iibsano, markaas waxaan isticmaalaynay rinjiyada guriga oo aan xagallo gooni ah ku fadhiisinaynay si aan uga soo saarno sawir. Waxa aan ahayn sida dad dhul dhagax ah ka dhex beeraya geed. Dabcan taasina waa waxa aan sida guud ka la sinnaa farshaxamiistayaasha kale ee Soomaalida. Si gaar ah caqabado ii qabsaday oo aan wajahay waxa aan ku sheegi karaa waxyaabaha waajihi kara qof kasta oo dareemaya in uu bulshada ka soocan yahay. Oo ah in fekradahaaga loo arko sidii fekrado qalaad ama laguu maleeyo qof ajnabi ah oo ku dhex nool waddanka. Waayo waxan ayaa dadka ku cusub ama ay illoobeen. U ma arko xitaa in uu ku cusub yahay, oo waxa ay i la tahay in ay illoobeen. Soomaalideena waxaa aad ugu badan xasuusla’aanta wadareed oo waxyaabo badan baan is-illowsiinnaa. Dadku waa isku wada ekaadeen oo hababkii ka la duwanaanta ee loo noolaanayay baa la illoobay. Sidaas awgeed, qof kasta oo ka yara duwan waxaa loo maleeyaa ajnabi amba waxaa loo arkaa qof, qof kale iska dhigaya. Taasina ma aha mid jirta.
NH: Sida guud waxa aan ku koobsan karaa talo ah: dhab u abbaar oo si dhab ah u wajah farshaxanka. Waan ka daalnay iska-yeel-yeelidda tirada badan, dhaanraacnimada. Laakiin, tacab dheer iyo mashaqo badan ayaa diyaar kuu ah haddaadan dhab-abbaarkeeda ku dhici karin iska-yeel-yeelidda ha ku lumin. Taasi waa tu guud. Ta haweenayda boodhkaasi dhan bay u baahanaysaa, laakiin haddaan soo koobo waxaan odhan lahaa: haddaad aartiiste tahay jaadkaad doonto — qorista, sawirqaadista, rinjiyaynta, illaa iyo muusiigga—ku jire waxaad ogaataa culayska ninka ku dhacaya marka uu yahay aartiiste adigu mid laba-jibbaaran baa kugu dhacaya. Dhab-abbaariddii koobaad way sii laba-jibbaarmaysaa oo waxa ay noqonaysaa labalaab. Diyaarna waa in aad u ahaato kadeedkaas oo isaga laftiisa ayaad ku bullaalaysaa oo ka dhex helaysaa soocnimadaada. Ninka aartiistaha ahi waxaa laga doonayaa kaliya in uu daacad ahaado, laakiin halka haweenayda Soomaaliyeed laga doonayo in ay waajahdo daacadnimada lafteeda, ay ku indho adeegto oo ay goonimeer ahaato. Maxaa wacay, aartisku waa fallaagoobid. Ta dambe ka ma dhigno qar-iska-xoornimo indho la'aan ah iyo halisgelin, laakiin ogsoonow uun in aannay waddado ahayn mid laguugu sii goglay roog cas iyo ubaxyo.